Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso: Young Turk, Salah N. Donyale recieves a hero's welcome

Recommended Posts

logo.png

Dhanka kale Warsaxaafadeedkaas ayaa lagu xusay in Wasiirku rajaynayo in idaacadaasi noqoto mid gacan ka geysta Arrimaha Wacyigelinta Bulshada ku dhaqan Deegaanda Sanaag ee dhinacyada Amniga,

Xaalufinta Deegaanka, Burcadbadeed, Arrimaha Bulshada & hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha looguna burin lahaa bulshada Deegaandaasi sidii

ay ula iman lahaayeen waxqabad dhab ah & iskuduubni fiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

On his left is Coronel Doonge, Police Chief of Babladay District of Bosaaso. Behind him is Service director of the information ministry.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cajiib! Salah Doonyaale?,i was looking for 40 something old man ,,,waaba cunugan yar kaa,,,! kii jira oo jooga noqo Adeer..

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

BeerGaal, da'da iyo caqliga isma laha as always a conventional wisdom and the man is doing great things as a good lesson for the expats of Puntland, the youth or the old timers.

 

 

Samafal, no need to be famous, however I'll just give you a brief bio of him. Mr. Salah is a highly educated brother. A professional Auditor and a family man who currently resides in Minneapolis, he founded DhaharOnline and made its coverage of new events, editorials and commentaries very active, relevant and reliable site after a long absence of such a crucial role for the Sanaag communities.

He is also well-known for the producer of the famous Guled Album, such songs as "Dhahar", "Cishqi", "Rajo", "Sool iyo Sanaag", and many others like "Waxbarasho" "Dardaaran", by Abbas Hirad, "Danab" by Feysal Jawaase. "Somaliyeey Hooy waa lagu digayaa" a single patriotic song by Guled Ahmed.

 

 

And now he is about to give to the community a much-needed service: Somalia's first Public Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Libaax-Sankataabte, I downloaded the virus protection that you recommended a couple weeks back, and it's weird Dhahar.com is the first site that is actually blocked for having a trojan horse! Is anyone else getting it?

Share this post


Link to post
Share on other sites

9246.jpgSaalax Doonyaale oo Safar-Howleed rasmi ah ugu Kicitimay gobolada Haylaan iyo Sanaag ee Dowlad goboleedka Puntland.

 

Kadib sadex cisho oo uu ku sugnaa hormuudka Idaacadda Bulshada Soomaaliyeed (SPR) magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kulamo kala duwan la qaatay dhamaan madaxda gobolka Bari, masuuliyiinta Puntland, ururada bulshada, dhalinyarada iyo waliba saxaafadda gudaha, ayaa maanta socdaal howleedkiisi ugu horeeyay ugu kicitimay gobolka Haylaan. Dadweyne aad u fara badan ruxayay caleemo iyo waliba astaanta idaacadda ayaa ku soo dhaweeyay duleedka magaalada madaxda gobolka Haylaan ee Dhahar. Hadal gaaban oo uu u jeediyay dadweynaha reer Dhahar ayuu Saalax ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay u leedahay warbaahinta bulsho kasta gaar ahaan bulshada reer Dhahar.

 

 

Kadib, waxaa uu Salaax Doonyaale kulamo kala duwan kula qaatay Hoteelkiisa Dhahar duqa magaalada Dhahar, taliyaha Boolista Dhahar, iyo masuuliyiin kale oo fara badan. Dhamaan masuuliyiinta gobolka Haylaan ayaa Mr. Saalax uga mahad celiyaya dadaalka hagar la'aanta ah oo uu markasta Bulshada reer Haylaan u muujiyo, hadii ay ahaan lahayd xag waxbarasho, sports, iyo waliba warbaahinta uu iminka ka yagleelayo degaanadaas.

 

 

Mr. Saalax Doonyaale socdaalkiisa kan xiga ayaa noqon doono magaalada Baraagaha Qol oo iyadana ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Haylaan. Dadweyne aad u fara badan ayaa ku jira iminka diyaar garow aad u balaaran sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen masuulka Idaacadan Mr. Doonyaale. Sida ay Radio Dhahar u xaqiijiyay ilo wareedyo xog ogaal ah ayay noo xaqiijiyeen in bari barqadii uu ku beeganyahay wafdiga magaalada Qol.

 

 

Gobolka Haylaan oo kaliya kuma eka booqashada Mr. Doonyaale, ee waxaa iyada socdaal howleedyo ku soo mari doona magaalooyinka Badhan, Hadaaftimo, Ceerigaabo iyo magaalooyinka kale ee gobolka Sanaag.

 

 

Wixii warar ah ee ku saabsan socdaalka Maamulaha radio SPR Saalax Doonyale ee ku mariyo gobolada Haylaan iyo Sanaag iyo waliba sawirada soo dhaweynadaas kala duwan, kala soco bartan Dhahar.com maalmaha fooda inagu soo haya insha alaah.

 

 

Maxamed Axmed Ciise

 

 

Dhahar Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

There has been apositive feed backthus far from Salah's trip back home. Following is an example from a Sanaag based web portal. Hadaaftimo.com..

 

SAALAX NUUR SAALAX OO MUDAN IN LAGU DAYDO(DAAWO SAWIRO)

 

Saturday, 29 May 2010 14:03

BOSASO::Waxaa maanta gegida diyaaradaha ee Bandar Qaasim kasoo degey Saalax Nuur Saalax

oo si diiran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyadoo

ay shacab badan oo reer Boosaaso ah u taagnaayeen irida ternimalka diyaaradaha

mudo lagu qiyaaso 5 saacadood kadib markii ay diyaaradu imanweydey waqtigii

loogu tala galay.

 

 

 

 

 

Dadweynaha soo dhaweynayey ayaa waxaa ka mid ahaa qaar kamid ah masuuliyiinta

Puntland, siyaasiyiin, isimo, ururada haweenka, iyo ururada dhalinyarada ee

Boosaaso. Waxaa isla goobtaasi joogey saxaafada gobolka bari, gaar ahaan

telefisionka weyn ee ETN iyo idaacadaha gobolka.

 

 

Saalax ayaa markii uu dibada u soo baxay ayaa dadweynihii si diiran ugu soo

dhaweeyeen Boosaaso, ayaa si ixtiraam iyo islaweyni la’aan ay ku dheehantahay

dadkii u dhex galay, ula sheekeystey, una salaamay.

 

 

Saalax ayaa u mahadceliyey dadkii ku luglahaaa soo dhaweynta, iyo dhamaan

dadkii kasoo qaybgalay, kadibna sheegay in uu dalka u yimid sidii looga

hirgalinlahaa idaacad gobolka Bari iyo gobolka Sanaag. Gaar ahaan gobolka Sanaag

oo ah haatan ah gobol aysan idaacadi ka jirin.

 

 

Ugu dambeyntii ayaa saxaafada waxay ka codsatey in sidoo kale ay wareysi

siiyaan, kadibna wuxuu u guud marey sababaha dhalisey in ay idaacad keenaan ay

tahay baahida weyn ee loo qabo saxaafada gobolada Puntland. Saalax Doonyaale

ayaa sidoo kale sheegay in ay hormarka dalka ka qayb qaadan doonaan, aysana ku

ekaan doonin dhanka saxaafada.

 

Saalax iyo qaar ka mid ah suxufiyiinta cusub ee Somali Public Radio ayaa

waxaa loo galbiyey goobtii ay ku dagi lahaayeen magaalada Boosaaso, halkaasoo uu

ku qabtey shir jaraa’id kale, kadib markii ay saxaafadu ka codsatey

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

MMA, Dhibka dhaaf, Cunuga Holiday ey ka dhacday uu nasiib u yeeshay, dadkana wafdi ey ku niyad san yihiin aa u yimaaday!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this