Sign in to follow this  
General Duke

Puntland admin arrests suspects from South...PICS.

Recommended Posts

GAALKACYO : Maxaad kala socotaa Bambaanooyinkii laga helay Maxaabisitii laga shakiyay (sawiro)

Posted to the Web Apr 04, 18:13

 

Garoowe:-Waxaa Puntlandpost u suura gashay in ay hesho sawiro laga qaaday oo muujinaya bambaanooyin laga helay gaarigii ay saarnaayeen maxaabiis dhawaan lagu qabtay magaalada Garoowe iyakoo u sii jeeda magaalada dakada ah ee Boosaaso.

 

Maxaabiistan oo tiradoodu ay gaaraysay ilaa 237 qof oo isugujira rag iyo hawaan dhammaantood wada-dhalinyaro ah ayaa boolisku uu ka shakiyay waxaana lagu sameeyay baaritaan

Waxay muddo 4 maalmood ah lagu hayay saldhiga iyo xabsiga , waxaana la waydiiyay su’aalo.

 

Waxaa durbadiiba la sii daayay qaar ka mid ah oo la sheegay in ay dhalinyaradan oo iyaku badankoodu ka yimid Koonfurta ay ka soo raaceen magaalada Gaalkacyo.

 

Intii kale ayaa waxaa loo qaaday magaalada Gaalkacyo , inta aysan gaarin magaaladaasi ayaa waxaa askari ka mid ah isku dayay in uu ku fariisto bastad wayn oo ay wateen 2 nin oo ka mid ah dhalinyaradan ku waa soo horay ugu dooday markii Boolisku uu su’aalaha waydiinayay in ay wataan bastad ay doonayaan in ay ka sameeyaan bastadaha yaryar ee rootiga lagu gado , hase ahaatee askarigii ayaa markii uu salka saaray bastada ay la duntay waxaana durbadiisa sida aad sawirkaba ka aragtaan ka soo daatay bambaanooyin aad u badan.

 

2-da Nin ayaa ayaa iyaku si gaara u sheegtay in ay wateen bambaanooyinkan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee DG Puntland Dr. Axmed Cismaan ayaa Puntlandpost u sheegay in Guddi baara nooca hubkan loo isticmaalo iyo ujeedada laga lahaa hubkan , ku waa soo uu sheegay in ay maanta guda galayaan baaritaankooda.

 

Dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa sidoo kale waxaa waheliya dhalinyaro Ethiopian ah oo iyana lagu soo qabtay magaalada Qardho , ku waa soo la sheegay in loo gacan galiyay Saraakiil Ethiopian ah oo ku sugan gudaha Gaalkacyo.

 

Sidoo kale warar uu shabakada Puntlandpost ay heshay ayaa sheegaya in iyana si la mid ah Ethiopianka laga shakiyay gacanta loo galiyay saraakiil Ethiopian ah oo ku sugan Gaalkacyo.

 

Jaamac Cali Warsame

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma noo sheegi kartaa tiradda dadka aad gacanta ku haysaan iyo Meesha aad ku haysaan?

 

Taliye Cabdi Gaani: Haa dadka aan haynaa waa 170 qof waxayna ku jiraan dhammaantood Xabsiga Magaaladda Gaalkacyo.

 

GO: Taliye waxaa jira warar sheegaya in dadkan aad u dhiibteen Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan Gaalkacyo maxaa arrintaas ka jira?

 

 

Bambooyinka ay Booliska PL qabteen

Taliye: Arrintaasi waa been, wax ka jiraana ma jiraan, waxaana diyaar u nahay in aan cid kasta oo u baahata aragtidooda aan tusno. Waana been abuur warkaasi.

 

GO: Maxaa caddayn ah oo kale oo aad u haysaan dadkani in ay yihiin rabsho wadayaal?.

 

Taliye: Taasi waa marag madoon, waxaana kuu cadaynaya qalabkan aan ka helay Maxaabiista waana kuwan.

 

 

Bambooyin kale

GO: Maxaad ka yeelaysaan hadda Maxaabiistaan?

 

Taliye: Arrintaas waa iska cadahay, sharciga u degsan Puntland ayaa la horgaynayaa, wixii sharcigu yiraahdo ayaana ka yeelaynaa.

 

GO: Waad Mahad santahay Taliye.

 

W/D: Axmad Maxamad, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ebyan   

Good on the Puntland authorities. It's frightening just thinking about the number of people who could have died had they not been caught. :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this