Sign in to follow this  
xiinfaniin

Peace Caravan v1.1: The coming of the Somali Republic!

Recommended Posts

nuune   

Kolkii hore Caravanku wuu luudayay, hada waxaad moodaa in uu laba kacleenayo.

 

 

Positive news indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is this another 'wey dhaqaaqday' saga? How long soconee, the other at least 17 years socotaa and continuing. :D

 

We all want nabad lagu macaansado, especially to dadka ku dhibaateysan ama ku sugan dalkeena; however sometimes we need to be realistic as well. No need to be blind about waxa dhacaayo.

 

Ar I don't want inaa ka jajabiyo dadka ugu jirto marshada, ee sii wata. If nabad dhacdo, it is all great and wonderful; if aynan dhicin, well, waa saa sheegnay oo ogeyn. Either way, we hope the best for dadkeena and dalkeena.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Beledweyne

 

Talaado, November 04, 2008(HOL): Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Isbaheysigaas Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

 

Wafdigan oo ay Xubno ka yihiin Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Col. Cumar Xaashi Aadan, Daahir Maxamuud Geelle iyo xubno kale oo Isbaheysiga ka tirsan ayaa waxay ka soo kicitimeen Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maalmihii aynu ka soo gudubnay.

 

Wafdigan oo ay Garoonka Diyaaradaha uga hortageen Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Mocow iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la dejiyay Hotelka Madiina ee Magaalada Beledweyne.

 

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Wafdigan ay kulamo la qaataan Waxgaradka, Odayaasha iyo Bulshada Gobolka Hiiraan, isla markaana ay u sharaxayaan heshiiskii ay la galeen Dowladda Federaalka ee ay qodobadiisa ka midka ahaayeen in Ciidamada Itoobiya laga saaro Dalka Soomaaliya.

 

Wixii ku soo kordha Wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Beledweyne gaaray iyo cidda ay la kulmaan iyo hadallada ay jeediyaan kala soco halkan haddii Alle idmo.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^lool

Money is a factor of course. Dadka qaarbaan gaajaysan oo quudis u baahan. Qaar baa arradan oo arratir u baahan. Qaar baa jirran oo xannaano u baahan. Marka beeso waa loo bahanyahay saaxiib.

 

 

laakiin nabaddu beec maaha adeer. there are political disputes that need settling...

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

The name "Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya" is just a joke. Caravan makes more sense. :D

 

Chase that dragon, Xiin, chase that dragon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ It's times like these when my Somali runs out on me. Woo la kulmay buu ku leeyahay! ma iyaago qarxis o socda?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharif met some of the muqaawamah groups. Al shabaab is a fringe group, but they have dominated the media. And that will change inshaa Allah. The muqaawamah is very strong. The desire to realize Ethiopian withdrawal is very strong. But the notion of rejecting any alternative to acheive that is just blain wrong.

The mission of Sharif is to convince critical mass of the muqaawamah who are yet not onboard with the peace caravan to adhere to the ceasefire and try things his way.

 

He's making progress.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOl@ ma iyaago qarxis o socda? waryaa NGONGE, give the sheik a little break. He has been criticized of being a celebrity like politician, and roams around capitals with no clear message to the people on the ground. Now he is on the ground and making progress meeting with the hardcore wing of the party(ICU), and we are yet criticizing him. So forks sit back and relax and let the good man do his duties.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

I would hate to piss on this delusional Is-Qancis parade, but Kismaayo-News is out, as always, with another bangin' piece. Choice excerpts:

Waa horaantii bishii janaayo sanadii 2007, waxaa la joogaa hoodka Badda Madoow, waxaa meesha ku sugan dhamaan hogaankii maxaakiimta oo ay dul hoganayaan dayuuradaha Maraykanka, amxaarada oo haramsanaysana ay soo daba yaaceyso, Sheekh Shariif waxa uu ka mid ahaa rag maalin loo dirrey in ay biyo usoo dhaanshaan mujaahidiinta, waxayna noqotey maalintii bartiisa lagu diimey ee dad ugu war dambeeysey, dhaankii uu maalintaasi dooney Jowhar ayuu kasoo dajiyey

Hadaba maadaama Sheekh Shariif uu ahaa masuul sare waxay noqotay inay asaga isku aag ku noolaadaan koox xul ah oo kamid ahaa raggii ugu waran galsanaa mujaahidiinta. Cuteyba, Abuyaxya, Xudeyfa, Fanax, Cabdinaasir, Khadar oo ahaa darawalkii Axmed Madoobe (Gudoomiyii Jubbooyinka) iyo Cabdicasiis oo ahaa madaxa arimaha gudaha ee Maxkamaddihii Islaamiga ayaa kamid ahaa 9 mujaahid oo Shariifku uu tobneeyay.
Waxaa xusid mudan in dhamaan raggaas aan kor ku sheegnay Allaha ka aqbalee inay maanta kamid yihiin Shuhadada naftoodii u huray in xaqu sare ahaado

Kaaga darane Shariifku wuxuu ahaa
qofka kaliye ee kooxda u fayoow
kadib markii ay dhamaan la daateen cudurka
duumada ama malaariyada
loo yaqaano. Qandho, xanuun iyo intii qof xumaysa ayaa isugu darsantay, dabcanna Shariifku wuxuu ku qasbanaaday inuu caawiyo saaxiibadiis oo jalka, hadii laba helo iyo biyaha hadba uga keeno meelaha biyo qabatimeedka ah sida waraha ama meelaha godan ee xili roobaadka biyuhu ku hakadaan.

Hadaba Sheekh Shariif muxuu falay
? Wuxuu meel ku xooray caagaddii uu ugu dhaantagay saxaabidiisii xanuunka iyo xumadda qandhada haysa la duubnaa, wuxuuna ka dul dhacay xarunta booliska ee magaalada Haluuqa oo markaasi aan sidaasi uga fogayn ahaydna magaaladii la rabay in laga galiyo marka ay soo gaadhaan dadka loo diyaariyay inay tahriibiyaan. Sida uu ii sheegay wiilkii u turjumayay markii uu Sheekh Shariif isu dhiibay booliska magaalada Haluuqa; Wuxuu Sheekh Shariif ku labisnaa macawis, Shaati iyo cumaamad, waxaana ka muuqatay ayuu yidhi
diif aad u badan
oo ay adkayd in laga soo dhexsaaro bulshada magaalada ku nool hadii uu dhex gali lahaa ama masaajidka tagi lahaa. Wuxuu turjubaanku intaasi iigu daray inay xaataa adoomaydu ka rumaysan wayday markii uu yidhi waxaan ahay Sheekh Shariif. Isku soo wada duub oo Shariifka waxaa magaalada Haluuqa lagaga qaaday dayuurad Helicopter ah oo geeysey habeen madoow magaalada Nairobi, saacado kadibna waxa uu ku jirrey dhismaha safaarada Maraykanka ee Nairobi

Qayaastii labbo sanno kadib oo mujaahidiintu Shariifka wali ka sugayaan dhaankii uu u dooney, sabtidii ayuu kusoo furey awrkii dhaanka garoonka Jowhar, meeshii laga direyna waxay ahayd Jubbadda Hoose

Maalintii uu biyaha doonay, waa la haraadsanaa, howdbaa lagu jirrey, hujuumbaa nagu socdey, waa nala hareereysnaa, gantaalaa nalagu halgaadayay, xabadbaa naloo heystey, waa nala hardinayay, tallana faraheenu waa ka haaday, hiil iyo hoo isagaan ka sugeynay biyihii aan ku haraad go’i lahayn isaga ayaan u dirsanay, meeshii uu nooga tagayna waan halkii aan isla garanayno.

 

Haddii shalay sidii shimbirihii ay mujaahidiintu geedaha dushooda ku raarnaayeen oo la daba joogey, maantana ah kuwa binta heley, cadowgana lagdey, Sheekh Shariifna biyaha callowga ah ee uu la luudaya labbo sanno kadib, ma lillaahibaa mise laq****? Sow ninku libin xasad ma ahan

An Arabic maah'maah goes: The true worth of a man's character can be determined on three occaisions: 1-A time of need(cindal xaaja). 2- An ardous journey(cindal safar). 3- War(cindal xarb)

 

Mr. Ahmed has not only been tested and found wanting, but has conducted himself in a manner that will enshrine his name in the annals of Naf-Jacayl alongside Cigaal Shidaad.

 

My fault, I take that back. I apologise to Cigaal Shidaad for mentioning his name in the same sentence as one certain Shar(if) Ahmed. For Cigaal Shidaad never abandoned his own in a fight. He never tucked his skirt and made a run for dear life, leaving behind his family to die of thirst, starvation, and disease. He never swore an oath on the Holy Qu'ran only to renege on it for worldly gain. Worst of all, he never consorted with the enemy as they rained death on his people.

 

But then again, what do I know ? Perhaps cowardice, desertion, deception, lying and betrayal is what passes for statesmanship and charisma ayaantaan.

 

Perhaps telling your dying-of-malaria men that you will fetch them water, and then seeking out the enemy and surrendering, ayathoo diif kaa da'aayo, perhaps that is the height of 'reasoned moderation' and 'enlightened leadership'.

 

Perhaps prancing around in a suit and jumping from one silky bed to another, from 5-star hotel to another, perhaps that's is the 'lost wisdom' we Somalis have been seeking for so long.

 

Some may say: let bygones be bygones, at least he's working for peace now. Yeah right. After two years of keepin' it crunk in the high life of Hotel-land, he comes back with the following: "Ethiopia waa daris baa nahay, Dhabdhalifta waa walaalo baa nahay, Mooriyaaan'ta waa ciidaan'ka qaran'ka ee soo socdo, Itarnashanal Kamoonity waa hooyaadeen" Paraphrasing of course, but he lost me for good when said, during a interview, that "Ethiopia daris baa nahay, waa isko baahanahay, waa inaa heshiinaa, yaddda f'ing yadda"

 

 

Mr. Ahmed is not fit to lead. His dereliction of duty, his cowardice at the defining moment of Somali history, his allegiance to and 'understanding' of all the entities that have destroyed Somalia(IGAD, TFG, etc) all testify to his incompetence and overall ducufnimo.

 

This empty shell of his former self(if that self was genuine in the first place) is not a man Somalia can afford.

 

Go back to your hotel, old man. All this international politicking and scheming is way above ur intellectual paygrade.

 

And um, the next time you decide to save ur saliid macsaro behind(at the expense of Honour, Deen, Dal, and Dad), and surrender to the enemy, don't forget inaa diif'ka iska tir-tir'tid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Originally posted by Kashafa:

[QB]
Qayaastii labbo sanno kadib oo mujaahidiintu Shariifka wali ka sugayaan dhaankii uu u dooney, sabtidii ayuu kusoo furey awrkii dhaanka garoonka Jowhar, meeshii laga direyna waxay ahayd Jubbadda Hoose

This hits a chord with Xinn's Cravan. I can now metaphorically see what Xinn means when he talks about a peace caravan. A dhaan Caravan that failed to bring water back to the ailing caravan.

 

Sheekh Shariif should be ashamed of what he did. I have no doubt he is a coward! And I hate cowards.

 

Kashafa salaams.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this