Sign in to follow this  
xiinfaniin

Peace Caravan v1.1: The coming of the Somali Republic!

Recommended Posts

ilax   

Don't be mis-led man, this hope of peace is very pre-matured and can be halted in any stage, as its not brought on board all warng factions. In nature, iam not pessimistic rather very optimistic, but why my hope fade out of this peace dove is, it lacks some basic featers of peace making in Somali context: the actual fihgting factions are not all yet on board. The peace station wagon is filled by other peace lovers.

Anyhow, this slow moving peace dove can serve as a path to reach a genuine peace, hope never ends but we should not be too much optisimism

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

As long as there aren't concrete fulfilable objectives along the way - that are vital to building trust and momentum - this agreement won't mean much. It will only cause bad feeling and increase distrust and ultimately reinforce the urge for everyone to look out for themselves.

 

Why does this in some way remind me of the failed 'roadmap' for Palestinian-Israeli peace? Fits and starts that lead to nowhere and in the meantime everyone hardens their positions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Frazer oo shir jara'id qabatey

By

Oct 30, 2008 - 5:50:59 AM

 

 

Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Mareykanka dhanka Afrika Mss. Jandyi Frazer ayaa ku boorisay madaxda DF inay la yimaadaan maamul wanaag, isla markaana ay ka shaqeyaan nabada si meesha looga saaro kooxaha xagjirka ah.

 

Jandayi Frazer, waxay sheegtay in Mareykanku uu si aad ah u cambaareynayo falkii argagaxiso ee lagu weeraray Magaalooyinka Boosaas - Puntland iyo Hargeysa - Somaliland.

 

"Mareykanku wuxuu taageerayaa nabad ka dhalata Somalia, iyadoo la qabtay shir si cad loogu sheegay madaxda DF inay guuldareysteen, ayna muujiyaan isku duubni iyo wadashaqeyn" ayay Frazer ku tiri shir jaraa'id oo ay shalay [Oct 29, 2008] ku qabtay Magaalada Nairobi.

 

Frazer, waxay sheegtay in dowladeedu ay taageerayso in xal siyaasadeed loo helo mushkilada Somalia, taasoo caalamka fursad u siin karta taageerida shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka gargaarka aadamnimo.

 

Mar la weydiiyay mowqifka Mareykanka ee ku aadan in la badalo hogaanka Somalia ayaa sheegay in arintaas aysan ahayn mid quseysa Mareykanka, balse Somalida looga baahan yahay inay ka tashadaan.

 

"Somalia waxaa muddo dheer ka taagnaa qalalaase; xaalada Somalia waxaa lagu tilmaami karaa mid fashilmay, hogaanka qabaa'ilka Somalida ayaa laga doonayaa inay isku yimaadaan kana tashadaan qaabka ugu haboon ee ay dalkooda ku hogaamin lahaayeen" ayay tiri Frazer.

 

Jandayi Frazer waxay ka dhawaajisay in Mareykanku uusan doonayn inuu badalo hogaanka Somalia, iyadoo xustay in ka qaybgalkoodii shirka IGAD uu ahaa mid ku aadan sidii ay u ogaan lahaayeen waxqabadka xukuumada Somalia.

 

Frazer, waxay cambaareysay burcadbadeeda Somalida, waxayna ku tilmaantay kuwo hortaagan ganacsiga caalamka iyo isaga gudbida bada adduunka.

 

"Dunida iyo Mareykanku waxay si weyn uga walaacsan yihiin Markabka laga leeyahay Ukrain ee sida hubka, waxaan ka walaacsanahay in hubkaas uu gacanta u galo kooxaha xagjirka ah ee ku sugan Somalia" ayay tiri Frazer.

 

Jandayi Frazer ayaa waxay shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Nairobi kadib markii uu dhamaaday shirkii ay lahaayeen DFKM iyo IGAD, kaasoo laga soo saaray qodobo muhim ah.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Sharif oo ka hadlay shirka IGAD ee Nairobi

By

Oct 30, 2008 - 6:24:33 AM

 

 

 

Guddoomiyaha Isbaheysiga mucaaradka, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Ethiopia eey ciidankeeda kula baxayso intii ay qabsatay ee 120 cisho ah.

 

Isagoo wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Laanta Af-Soomaliga, ayuu Sh. Shariif sheegay in intii uu Nairobi joogay ay is arkeen Jendayi Frazer, haweeneyda Mareykanka ku qaabilsan Africa, ayna ka hadleen xaaladda xagga bani'aadannimada ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

 

Bixintaanka Ethiopia

 

Sh. Shariif, oo ka qeyb galay shir-madaxeedkii urur-goboleedka IGAD, ayaa mar la weydiiyey kalsoonida uu ku qabo in Ethiopia ay ciidankeeda kula baxdo muddada ay qabsatay ee 120-ka maalmood ah, wuxuu sheegay inuu si weyn ugu kalsoon yahay.

 

Wuxuu sheegay in Ethiopia ay ciidankeeda kala baxday magaalada Beledweyne, kaddib markii uu Isbaheysigu wada-hadal taas ku dhameeyey.

 

Awood-qeybsi

 

Sh. Shariif ayaa sheegay in hindisayaashii ay beesha caalamku usoo bandhigeen uu kamid ahaa in Isbaheysigiisu uu ku biiro dowladda KMG ah. Wuxuu sheegay in ay ka fiirsanayaan arrintaas, isla markaana ay go'aan ka gaari doonaan.

 

Cambaareyn qaraxyada

 

Sh. Shariif ayaa ugu dambeyntii si kulul u cambaareeyey qaraxyada lala beegsaday magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso, ee khasaaraha fara badan geystay.

 

Wuxuu sheegay in kuwa ka dambeeyey aysan u adeegeyn danaha shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Xiin sida kale nin oday ah bad tahay oo akhyaarta SOL ban kugu tiriyaa .. lakin bartaan madow uun baa dib kuu celinaysa.

 

it is starting to look like a personality cult .. sh. sharif nin wanaagsan wuu ahaa .. markaas in la amaano wuu mutaystay .. lakin hada ma amaan buu istihilaa makr si cadaalad ah loo fiiriyo ?

 

the man has completely lost all his principles and has turned into a typical somali politician ... this is the samething I and others have been ridiculing tfg fanboys .. it is based on a personality cult of oday yey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Xinn ha caayin, waa caaqil and oracle. Not mere aqyaar. Laakiin, sidii daa'uus kii la sheegi jiray boogtan Caravan'ka ah unbuu ilaahay ku saliday. Even that is not big enough to diminish his stature though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Shariif oo sheegay in haddii dadkii doortay ay gartaan in ay xilka ka qaadaan uu soo dhaweynayo

 

Isniin, November 03, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Sharifi Shiikh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay in xilka loo dhiibay ka dego haddii dadkii doortay ay sidaas gartaan.

 

“Aniga markii aan xilkan qabanayay ma jirin cid i qasabtay, aniga ayaa qiyaarkeyga u doortay in aan Umadda u shaqeeyo, hadana haddii Dadkii i doortay ay gartaan in aan xilka ka dego oo ay cid u dhiibtaan diyaar ayaan u ahay waana soo dhaweynayaa”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo xalay ka qeybgelayay Barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

 

Shiikh Shariif oo ay su’aalo weydiinayeen dad badan oo ka dhegeysanayay Dalka Soomaaliya gudahiisa iyo Dibaddiisa ayaa waxaa ka mid ahaa su’aalihii la weydiiyay waxa uu yeelayo haddii uu shaqeyn waayay heshiiskii ay la galeen Dowladda Federaalka isla markaana ay bixi waayaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in markaas aysan jirin waddo kale oo u furan oo aan ahayn in uu u dagaallamo sidii dalka Soomaaliya loo xoreyn lahaa.

 

“Laakin waxaan aaminsanahay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ku baxayaan heshiiskan waayo waxaa jira macluumaad badan oo aan ognahay”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ugu badan shacabka Soomaaliyeed in ay la dhaqangeliyaan heshiiskii ay soo galeen oo ah in xabadda la joojiyo, si ay Ciidamada Itoobiyaanka uga baxaan Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay Shiikh Shariif in ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiin badan oo ka tirsna Midowga Maxkamadaha Islaamka oo gudaha dalka ku sugnaa, sidoo kalena ay xiriirola sameeyeen kuwo kale oo dalka dibaddiisa ku sugan, wuxuuna rajo ka muujiyay in xal laga gaari doono khilaafaadka jira oo uu sheegay in uu yahay mid siyaasi ah.

 

“Haddii aan u dagaallameynay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya, hadda taasi waan gaarnay, waxaana loo baahan yahay hadda kadib in la wada hadlo oo laga shaqeeyo sidii ay dadka Soomaaliyeed u heshiin lahaayeen oo aayahooda uga tashan lahaayeen”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo dooneysa in wada hadal wax lagu xaliyo, bacdamaa ay shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin kala duwan ku jiraan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar: Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Imaanshihiisa Magaalada Jowhar.

 

 

Jowhar(AllPuntland)- Hogaamiyaha Mucaaradka ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo gaaray Magaalada Jowhar oo ujirta Magaalada Muqdisho masaafo dhan 90 KM.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Kooxaha Mucaaradka ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo amaankiisa aad loo adkeeyey.

 

Kooxaha amaanka ee Maxkamadaha Jowhar ayaa aad uadkeeyey amaanka Magaalada Jowhar, waxa ayna wararku sheegayaan in uu maalmaha soo socda la kulmayo Odayaasha & waxgaradka Magaalada Jowhar.

 

Xubin ka tirsan Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa usheegay AllPuntland in uu Sheekh Shariif wadayo dadaalada nabdeed ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Isbaheysiga Dibu xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu heshiis xabad joojin ah la saxiixday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo markan doonaya in ay nabad ka dhalato gudaha dalka Soomaaliya.

 

Magaalada Jowhar ayaa ka mid ah goobaha ay Maamulayaan maamulada taageersan Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuuna saacadaha soo socda la kulmayaa masuuliyiin ka tirsan Maamuladaasi, isagoo kala hadlaya xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif ayaa dalka Soomaaliya meel ka mid ah cagta soo dhigey labo sanno in ka badan oo ku maqnaa meelo banaanka ah gudaha dalka Soomaaliya, isagoo cabsi ka qabay in hadii uu yimaado meel ka mid ah Soomaaliya uu qabsado dagaal ay ku soo qaadayen ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kuwa Itoobiya, oo markoo horeba ka saaray gudaha dalka Soomaaliya.

 

Dhaqan galinta heshiiskii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Mucaaradkeeda hubeysan gaar ahaan Kooxdan uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka soo horjeestay Ururka Al- Shabaab oo horey u ahaa Garab ka mid ah Maxkamadihii laga saaray Soomaaliya sannadkii 2006-dii.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif oo wadatashi bilabay

 

Gudomiyaha isbahaysiga ARS Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaminayo oo ku sugan Jowhar ayaa kulamo kala duwan la leh saraakiil ka tirsan Maxkamadaha.

 

Sheekh Shariif ayaa kulamo kula qaadanaya hotelka uu dagan yahay ee Suubiye odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha Maxkamadaha oo uu ugu horeeyo mas'uulka gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

 

Kulamadan oo albabadu u xiran yihiin ayaa salka ku hayaan ka hadalka iyo isla eegida heshiiskii dalka Jabuuti ay ku gaareen ARS iyo DF, kaasoo ay biyo diidsanaayeen xubnaha Maxkamadaha ee gudaha ku sugan.

 

"Go'aankeenu waa inaan horumarino heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti, waayo waxaa la joojaa xiligii xalka lagu raadin lahaa wadahadal, lagana gudbi lahaa xabada" ayuu Sheekh Shariif ku sheegay hadal uu saxaafada siiyay.

 

Sheekh Shariif oo shir jaraa'id qabtay ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday heshiiskii ay DF iyo ARS ku gaareen dalka Jabuuti, wuxuuna ku tilmaamay mid muujinaya sida ay uga go'an tahay in nabad lagu soo celiyo Somalia.

 

"Dalku wuxuu ahaa mudo ka badan 18-sano mid aysan daganaasho ka jirin, go'ankenu waa inaan heshiis wax ku xalino, si loo dib u dhis loogu sameyo dalka, loona sameeyo dowlad wadaag ah" ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Qaar ka mid mas'uuliyiin cambaareeyay booqashada Sheekh Shariif ee Gobolka Sh/dhexe ayuu si gaargaar ah ula kulmay, waxayna mas'uuliyiintaas kulamada kadib muujiyeen inay raali ka yihiin socdaalka Sheekha.

 

Macalin Xaashi Max'ed Faarax oo sheegtay inuu hogaamiyo urur cusub oo lagu magacaabo Kacdoonka Islaamiga ah ee Xamar iyo Xamardaye ayaa ku tilmaamay booqashada Sheekh Shariif mid lagu xagal-daacinayo jihaadka.

 

Sidoo kale mas'uul ka tirsan maamulka Maxkamadaha ee Gobolka Hiiraan ayaa ku hanjabay inay la dagaalami doonaan Sheekh Shariif hadii uu isku dayo inuu booqdo Baladweyne.

 

Wafdiga Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inay gaaraan Gobolka Hiiraan saaxadaha soo socda, iyagoo kulamo la qaadan doona mas'uuliyiinta halkaas ku sugan oo intooda badan taageersan Sheekha.

 

Garowe Online, Jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh Cabdul Qaadir cali cumar “Shariifku waa hogaamiyeheena waxaana ka hadalnay arrimo badan”.

 

Sh Cabdul Qaadir Cali Cumar oo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ka ah ururka maxkamadaha ayaa ka hadlay waxyaabihii lagu falan qeeyay kulan uu shalay magaalada Jowhar kula yeeshay guddoomiyaha mucaaradka islaamiyiinta Sh Shariif Sh Axmed.

 

Sh Cabdul qaadir waxaa uu sheegay in shariifka ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya madaxda maxkamadaha,iyo in loo hogaansamo fatwadii wadaadada uu hogaaminayay Sh Gurxan ay dhawaan kasoo saareen magaalada Burco.

 

Shariifku waa hogaamiyeheena”ayuu ku jawaabay sh cabdul qaadir Cali Cumar oo wax laga weydiiyay inta uu dhan yahay xidhiidhka kala dhexeeya guddoomiye Sh shariif Sh Axmed.

 

Dhanka kale magaalada jowhar ayaa saacadihii lasoo dhafay waxaa ka soconayay kulamo is daba joog ah oo uu shariifku la yeelanayay taliye yaasha maliishiyada maxaakimta,wax garadka deegaanka iyo masuuliyiin kale.

 

Waxaa lagu wadaa in shariifku uu saacadaha soo socda gaadho magaalada Beledweyn ee xarunta u ah gobalka Hiiraan,.iyadoona la sheegayo in ay suuragal tahay meelo ka mida gobalka Galgaduud in uu tago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ururka jaamacada carabta oo si weyn usoo dhaweeyay dib ugusoo laabashadii sh shariif ee dalka.

 

War saxaafadeed ururka jaamacada carabtu uu kasoo saaray xaruntiisa magaalada Qaahira ayaa lagu sheegay in ay si weyn u taageerayaan guud ahaan is badalada ka soconaya dalka Soomaaliya iyo dadaalada nabada oo heerka wanaagsan maraya.

 

“Sh Sharuiif Sh Axmed dib ayuu dalka ugusoo laabtay waxaana uu ku dadaalayaa in uu gacan weyn ka geysto sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagulasoo heshiiyay shirkii Jabuuti,arrintaasna Jamacada carabtu si weyn ayay usoo dhaweyneysaa”ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay ururka jaamacada carabta.

 

Ururka Jamacada Carabtu waxaa uu sheegay in dhaq dhaqaqyada soconayaahi ay muujinayaan niyad wanaag iyo in dhinacyada Soomaaliyeed ay haatan usoo jeesteen sidii ay xal kama dambeyn ah ugu heli lahaayeen mashaakilaadka ragaadiyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed mudo 18 sanadood ah oo laso dhaafay.

 

“Ma ahan in dhiig lasii daadiyo,waxaana ugu baaqaynaa dhinacyada Soomaaliyeed in ay usoo wada jeestaan dhanka nabadda”ayaa mar kale lagu yidhi war saxaafadeedka jaamacada Carabta oo sidoo kale ugu baaqay raga wali diidan hehsiiskii jabuuti in ay u hogaansamaan qodobadii la gaadhey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Xiinoow,

 

Hedde adeerow sidani waa maxay. Wixii uuna ka jeexneyn miyaan albaabka laga fureyn? I tried to PM you and it says the member doesn't accept PM's? Sidee wax u jiraan? Is the sanction across the board mise waa raga uun?

 

by the wa, what I wanted to tell you was that I need to know if you think Oodweyne must apologise for the perjury he committed on the extradition treaty thing. Waan kuu ifiyee, raadka hay! ma is-fahanay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Oodweyne waxba meesha kuma hayyo. Waa xaaji xanduf oo ingiriis bartay.

 

Xaalkiisu waa : Nin shil helay gacmaha labada dhaban show isugu geeyye

Oo qaylo shaaraca la tegey laguna soo sheemay

Isna halkuu u shammin duulimaad sheeg haddaad garatto

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this