Sign in to follow this  
wayrax

Fear and Confusion in Garbaharrey

Recommended Posts

wayrax   

War sugan oo ay RealGedo ka heshay gobolka Gedo ayaa tibaaxaya in ay cabsi xooggan la soo deristay odayaasha iyo waxgaradka ku sugan degmada Garbaharrey ee caasimadda u ah gobolkaas.

 

Warka ayaa wuxuu intaa ku darayaa in ka dib dilkii loo geystay Axmed Cabdulle Magan iyo Ibraahim Xuseen Ducaale iyo safarkii koobnaa ee ay Xabashidu ku martay gobolka degmooyin ka mid ah in ay qaar ka mid ah dadka madaxda ah oo dhaqan iyo siyaasadba leh in ay si cabsi la’aan ah u joogaan degmadaas.

 

Dilalkaas foosha xun oo ay geysteen kooxaha diinta darteed isu dila dadkana u laaya ayaa waxay is-tuhun iyo nacayb xoog leh dhex dhigeen dadka deggan nawaaxiga degmada Garbaharrey.

 

Waxaa ilaa haatan dhinaca Nayroobi u cararay ilaa afar oday oo muhiim ah oo reer Garbaharrey ah iyadoo la filayo in uu guddoomiyaha degmada laftiisu dhawaan meeshaas isaga carari doono.

 

Waxaa horay Nayroobi ugu sugnaa Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee xilkaa loo doortay bishii Abriil ee sanadkii tegay.

 

Cararkan iyo salbabbakhan cusub ayaa ku soo beegmaya waqti ay muqaawamada Gobolka Gedo ku midoobeen magaca iyo hawlgalka Ururka Alshabaab, ayna magacawdeen maamullo iyaga kuwooda ah oo heer gobol iyo mid degmaba leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this