Sign in to follow this  
General Duke

Rome: Walad Abdalla admits Sharif government has no power

Recommended Posts

Rooma: Axmed Walad Cabdalla oo sheegay in aysan tabar badan laheyn dowladda Soomaaliya.

9. juni 2009

 

Rooma(AllPuntland)- Wakiilka Umadaha Midowbay uqaabilsan Xaalka Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya Axmedou Walad Cabdalla ayaa si weyn uga soo horjeestay dagaalada ka socda dalka Soomaaliya, wuxuuna maanta markii ugu horeysay qiray in aysan tabar badan laheyn dowladda Soomaaliya.

 

Axmedou wuxuu ku sheegay war uu ka horjeediyey Xubnaha Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee dalka Soomaaliya in aysan dowladda Soomaaliya awood buuxda u laheyn in ay la dagaalanto Kooxo awoodo badan leh oo buu yiri ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, markaasna aan udaahi karin dowladda Soomaaliya.

 

" Ciidamada dowladda Soomaaliya awood balaaran umalaha in ay la dagaan oo iska caabiyaan awoodaha waa weyn ee ka soo horjeeda, waxaana hadii aan la gacan qaba dowladda Soomaaliya hubaal ah in ay kooxahaasi afgambi dagaal sameyn doonaan oo ay la wareegi karaan gudaha magaalada Muqdisho" Ayuu yiri Wakiilka QM uqaabilsan Soomaaliya.

 

Diblumaasigan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Beesha Caalamka in aysan bixin dhaqaalihii looga baahnaa ee ay balan ku qaadeen in ay ku taageerayaan Hanaanka maamul ee dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay hada ubaahan tahay dowladda Soomaaliya kaalmooyin dhaqaale oo baahsan.

 

" Hada ka hor shirkeenii 14aad waxaan isku afgaranay in dhaqaale loo raadsho dowladda Soomaaliya, maantana waa shirkii 15aad waxna ma heyno ilaa hada waxa ayna dowladda Soomaaliya ubaahan tahay kaalmo dhaqaale oo deg deg ah waayo waxa ay qabaneysaa waxyaabo badan oo lama huraan ka dhigaya in loo helo dhaqaale lugu dhaqaajiyo" Ayuu yiri Axmed Walad Cabdalla.

 

Axmed Walad Cabdalla warkiisan maanta uu ka sheegay magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga ee uu ka socdo Shirweynaha Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili ay socdaan dagaalo qaraar oo iska hor imaanayaan dowladda Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada midowga Africa ee AMISOM & Kooxaha mucaaradkaa ee ka soo horjeeda oo iskugu jira dhinacyo badan oo dhamaantood ku mideysan ka soo horjeesadka dowladda Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Belial   

We all know this from the beginning. The power Sharif has is only support from outside. Goverment cannot survive unless it has support from the people it suppose to govern.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Belial   

We all know this from the beginning. The power Sharif has is only support from outside. Goverment cannot survive unless it has support from the people it suppose to govern.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this