Sign in to follow this  
garyare

Safaaradda Ehiopia ee laga ag-furay VILLA SOMALIA waa madaxtooyada dhabta ee Somalia

Recommended Posts

garyare   

Safaaradda Ethiopia ee laga ag-furay VILLA SOMALIA waa madaxtooyada dhabta ah ee Somalia

 

 

Ka dib markii magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo dhoodhoobay xukuumad ku sheeg ay horboodayaan dagaal-oogeyaashii ay Somalia lahaystaha u ahayd muddo 14 sano ah, ayaan waxaan qoray kuna faafiyey Website-yada Somalida, maqaal aan cinwaan uga dhigay:

“Ethiopia is now one step closer to annex Somalia” (Ethiopia waxay hadda hal tillaabo u soo dhowaatey in ay Somalia la wareegto). Dad u janjeera xukuumad u yaasha dagaal oogeyaashu waxay maqaalkayga ugu yeereen belo sheeg hase yeeshee nasiib darro waa ay dhabowdey wixii aan saadaaliyey sida aad wada aragtaan.

 

Erayada ah “Ethiopia waxay hal tillaabo u soo dhowaatey…………” waxaan ula jeedey in maadaama aynnu wada ognahay in Ethiopia ay qarniyo ku hawllanayd in ay dhammaan Somalia ku darsato dalkeeda ay maanta heshay fursad dahabi ah taasoo ah mid ay u sahleen ama ay u adeegsatey niman Somali u dhashay oo dhabarka ku soo qaaday xabashida ilaa ay soo dejiyaan Xaruntii Madaxtooyada Soomaaliyeed ee Caasimadda Muqdisho.

 

 

Xafiiska Itoobiyaanka ee looga dhawaaqay Muqdisho

27/05/07 ma Safaarad baa mise waa Madaxtooyo?

 

Madaxtooyada dhabta ah ee Somalia ee waqtigani waa Safaaradda Ethiopia ee lagu lammaaniyey madaxtooyadii hore ee Somalia “Villa Somalia”, Seyoum Mesfin-na waa Guddoomiyaha Itoobiyaanka ee mustacmaradda Somalia (the Colonial Governor of Ethiopia to Somalia).

 

Waxaa la sheegay in dhismaha la siiyey Safaaradda Ethiopia uu yahay mid uu degganaan jirey Ismaaciil Cali Abokor waqtigii uu hayey jagada madaxweyne ku-xigeenka Somalia. Tani waa sharaf dhac (humiliation) loogu talo galay Ummaadda Somaliyeed.

 

Waxaa taariikhda xiriirka dawladaha iyo qaanuunka dawligaba ugub ku ah arrimaha soo socda:

 In madaxweyne, ra’iisul wasaare iyo xubnihii kale ee xukuumadeed rayid iyo ciidanba ay ka wada qaybgalaan xaflad safaarad laga furayo dalkooda

 In safaarad ajnabi ah lagu lammaaniyo xarunta madaxtooyo qaran

 In dawlad ajnabi ah la siiyo hanti ma guurto ah ee qaran

 

Mabaadii’da qaanuunka dawliga ee ay ku mucaamilaan dawladaha adduunku waxay ka mid ah mabda’a lagu magacaabo “reciprocity” oo haddii af Somali lagu fasiro noqonaya: waxaan kuula dhaqmayaa sidaad iila dhaqantay, waxaan kuu xurmaynayaa sidaas ii xurmaysay. Haddii si kale loo yiraahdo: xiriirkeenu wuxuu noqonayaa mid ku dhisan wax is waydaarsi siman.

 

Haddaba, waxaynu ognahay in kooxda Embagati ay hore uga furteen (sidii la sheegay) safaarad. Haddii ay sidaas tahay waxaana is weydiin leh:

 

 Dhammaan xukuumadda Ethiopia ma ka soo qaybgashay furitaankii safaaraddaas?

 Safaaraddaasi ma waxay deris la tahay guriga madaxtooyada Ethiopia?

 Dhismaha ay safaaraddaasi deggan tahay ma waxaa leh dawladda Ethiopia?

 

Waxaa intaas dheer, waxaa jira arrimo kale oo loo baahan yahay in lagu nidaamiyo xiriirka diblomaasi marka laga hadlayo degitaanka safaaradaha. Tusaale, lama oggola in calanka safaaradda ajnabigu uu ka dheeraado kan dhismayaasha rasmiga ah ee qaranka martida loo yahay ama ay marada uu ku sawiran yahay calanku ay ka waynaato midda rasmiga ah ee qarankaas iwm. Haddaba, waa in la hubsadaa kan mudnaanta la siiyey labada calan oo is ag suran Villa Somalia taasoo uu shaki iiga jiro in ay arrintu ka duwan tahay nidaamka caamka ah (exception to the rule).

 

 

Marti sharafta ugu mudan ee ebid soo marta Somalia

waa madaxda rejiimka Melez Zanawi ee Ethiopia

 

Waxaa la soo xaqiijiyey in qolkii jiifka iyo xafiiskii Villa Somalia ee madaxweynayaashii hore ee Somalia: Aden Cabdille Cismaan, C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed Siyaad Barre in bilihii la soo dhaafay lagu marti galiyey wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia oo lagu magacaabo Seyoum Mesfin oo safarro is dabajoog ah ku imanayey Muqdisho. Ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in marti sharafta hadda loo sii goglayo Villa Somalia lagana sugayo inuu dhowaan yimaado uu yahay Melez Zenawi oo ah madaxweynihii dhabta ahaa ee Somalia waqtigaan.

 

Nasiib darro, waxay dhacdadaan sharaf xumida ahi ku soo beegantay, waqti uu Madaxweynihii u horreeyey ee Somalia, Mudane Aden Cabdulle Cismaan uu bukaan ildaran ku yahay Isbitaal ku yaal Nairobi Kenya.

 

 

Maxaa caddaynaya in ay Ethiopia si buuxda uga taliso Somalia?

-Waa guul ku soo bilaabatay qaybi oo xukun-

 

Sida badi la ogyahay, Ethiopia waxay bilawday tabaheeda gumeysi ee ku dhisan mabda’a qaybi ee xukun ee ku aaddan Jamhuuriyaddii Somalia, isla markii ay burburtay xukuumaddii millatariga ee uu hoggaaminayey kali taliye Maxamed Siyaad Barre 1991kii taasoo u noqotay fursad qaali ah.

 

Istrateejiyadaas uusan la daahin wuxuu maamulka Zenawi saldhig uga dhigay labadaan arrimood:

 Isagoo qaar ka mid ah kooxihii ku hardamayey xukunka Somalia degiyey caasimadda Addis Ababa kana siiyay xafiisyo, maalgelin iyo tasiilaad kale. Kooxahaasi sida magaceeda lagu soo gaabiyey SRRC waxay ahayd tii uu hormuudka u ahaa kornayl C/llahi Yusuf. Kornaylku kuma cusbayn Ethiopia oo waqtigaas ka hor ayay xarun u ahayd muddo ku dhow 20 sano waqtigaasoo uu kali taliyaha ka ahaa ururkii lagu magacaabi jirey SSDF. Waxaa kaloo jirtey inuu Melez Zenawi kornaylka ku lahaa abaal khaas ah maadaama uu xabsi ka soo daayey ka dib markii uu xukunkii Ethiopia kala wareegay Mingiste Haile Maryam oo isagu xiray kornaylka.

 Iyadoo Ethiopia bilowday shirar lagu magacaabay “dibu heshiisiin” kooxihii isaga soo horjeedey Somalia oo ay ku marmarsootay inay ku marti gelinayso Addis Ababa si ay ugu wada hadlaan maamulka Melez Zenawina uu u kala dab qaaddo ama dhex-dhexaadiyo. Ma filayo in uu waqti badani inooga lumayo fahamka danta ay ka lahayd xabashidu marti gelinta kooxaha Somaliyeed waqtigaas iyo wixii ka soo bixi karey shirarkooda iyadoo ay qaarkood Ethiopia u ahayd hoy toosna ay uga amar qaadanayeen.

 

Ethiopia waxay gacan weyn ka geysatey sheegashadii gooni u goosiga Gobolladii Waqooyi Galbeel ee Jamhuuriyaddii Somalia kuwaasoo hadda la baxay dawladda Somaliland.

 

Sidoo kale, waxay ka dambeysey sheegashadii dawlad goboleed ee Gobolladii Waqooyi Bari oo hadda la baxay Puntland iyadoo dhismihiisu uu ahaa qaab xukun kali talis ah ee uu Zenawi u dhiibtey kornayl C/llaahi Yuusuf maadaama uu ahaa nin daacadnimo wacad ugu maray Ethiopia sidaas darteedna ay kornaylka u aamminsanaayeen nin danahooda u fulinaya 100%.

 

 

Gooni u goosashadii Somaliland iyo dhismihii maamul goboleedka Puntland

waxay Melez Zenawi u fududaysay usoo tillaabidda koofurta somalia

 

Markii ay Ethiopia hubsatay in ay labadaas qaybood ee muhimka ah ee Somalia ay iyada ka amar qaataan isla markaana ay u bilaabatay isticmaalka dekadaha Berbera iyo Boosaaso iyo ka manaafacaadsiga khayraadka Somalia taasoo noqotay wixii ay awalba raadinaysey xabashidu, ayay bilawday in ay xudduudka dheer ee ay la wadaagtey Jamhuuriyadii Somalia ay soo dhoobto ciidammadeeda laga soo bilaabo min Waqooyi Galbeed (Somaliland) ilaa Beled-Xaawo.

 

 

Caqabad weyn

 

Caqabadda weyn ee u harsanayd regiimka Tikrega ee uu hoggaamiyo Melez Zenawi waxay ahayd Caasimadda Muqdisho oo ahayd xaruntii dhaqaalaha iyo awoodda millatari wixii ka dambeeyey afgambigii xukuumaddii u dambaysey Somalia.

 

 

Melez Zenawi iyo C/llahi Yusuf waxay Muqdisho u soo weerareen

2 danood ee kala duwan hase yeeshee ay u mareen hal dariiq

 

Melez Zenawi iyo C/llahi Yusuf waxay labadaba u ahayd mudnaanta kowaad (first priority) imaanshaha Muqdisho. kan hore: qabsashao dhammaystiran ee Somalia; kan dambe: inuu mar uun ku fariisto kursigii uu fariisan jirey Maxamed Siyaad Barre, xataa haddii uu yahay mid gubanaya ama jaban (fadlan daalaco maqaalka halkan ku lifaaqan oo cinwaankiisu yahay: “Intaanan dhiman dheere iigu yeera” kaasoo sawir kaa siinaya socdaalkii dheeraa ee uu kornayl C/llaahi Yusuf ugu kabo illaday 30 sano ka hor in mar uun loogu yeero “madaxweyne”, kaasoo markii uu si kale ku hanan waayey uu ku iibsadey Somalia.

 

 

Yaa lahaa fikraddii qabashada shirkii Kenya ee 2000?

 

Si haddaba labada ninba (Zenawi iyo kornayl C/llahi Yusuf) ay u gaaraan hankoodaas kala duwan waxay qabanqaabiyeen shir beenaadkii laga furay Embagati), Kenya 2000kii kuna dhammaaday Nairobi 2 sano ka dib kaasoo ay ka soo baxeen wixii ay ka rabeen oo ahayd in ay weeraraan Muqdisho.

 

 

Maxay bulshada caalamku ugu riyaaqday shirkaas

una qaadatay wixii ka soo baxay?

 

Mawduuca gundhigga u ahaa in ay labada nin ku beer-laxawsadaan dalalkii bixinayey kharajkii shirkaasi wuxuu ahaa in ay Somalia ka badbaadinayaan argagixiso. Bulshada caalamka oo uu hoggaamiyo Maraykanku waa erayga kaliya oo marxaladdaan taariikhiga ah lagu beer-dulucsan karo deeq lacageed iyo taageero millatarina ay uga kasban karaan rejiim kasta oo doonaya inuu cadaadiyo bulsho Muslim ah, ha ahaado mid ka dhisan dalkaas sida (kooxda Embagati ee isku magacawda DFK Somalia) ama mid kale oo dibedda uga soo duula sida regimka Melez Zenawi oo hadda qabsaday Somalia.

 

 

Shirkii Kenya ee lagu so dhisay xukuumadda beenta ahi

wuxuu ahaa mid lagu khiyaamay Somalida:

 

(fadlan akhriso qoraalka dheer ee halkan ku lifaaqan kuna saabsan shirkaas cinwaankiisuna yayay:

Somalia’s Fourteen Reconciliation Conference in Eldoret & Nairobi, Kenya: Another Fiasco in the Eyes of the International Community by Mohamed Hersi)

 

Saddex sababood oo kale ayaa ayaguna suurto galiyey in shirkii Kenya uga socdey 2da sano magaca Ummaadda Soomaaliyeed hase yeeshee aysan iyadu u dirsan cid wakiil uga ah ama ku metesha uu ka soo baxo go’aan hungo ah oo lagu khiyaamay Shacabka Soomaaliyeed kaasoo ah in aysan waligeed dawladi ka dhalan Somalia balse ay isu baddasho qayb ka mid ah Ethiopia. Saddexdaasi arrimood waxay yihiin:

1. Bulshada caalamku waxay hore ugu ceebowdey ka bixitaankii Somalia ee 1995tii oo ay isaga huleeleen iyadoo ay dagaal-oogeyaal ma naxayaal ahi ay xasuuqayaan dadkii Somaliyed. Sidaas darteed, si ay ceebtaas isaga mayraan ama aysan Somalia uga raacin ceeb labaad (a second scandle) oo ah inuu fashilo shirkaas socdey 2da sano, waxay door bideen in ay Somalia u xalaaleeyaan isla dagaal-oogeyaashii, maadaama aysan suurtogal ahayn in ay dalka ka dhisaan xukuumad rayid ah, halkii ay geyn lahaayeen maxkamadaha dembiyada dagaalka ee caalamiga ah.

 

2. Hawsha shirka waxay garwadeen uga dhigeen IGAD oo la ogyahay in ay ka soo baxaan waxa ay rabaan Ethiopia iyo Kenya.

 

3. Waxaa la ogyahay in Ethiopia iyo Kenya uusan midkoodna rabin in ay Somalia ka dhalato dawlad xoog badan ama dawlad oo dhan. Labaduba waxay gumeysi u haystaan dal iyo dad Somaliyed. Rabitaankoodaas waxaa sii xoojiyey ama ay xasuusteen dagaalkii 1977 ay Somalia ku sigatay in ay qabsato Addis Ababa hase yeeshee ay ka soo celisey xukuumadii Rushka oo u hiillisay Ethiopia. Waxaa xusuus mudan hadal uu America ka jeediyey Daniel Arab Moi oo ahaa “Kenya iyo Ethiopia midkoodna ma doonayo in ay Somalia ka dhalato dawladi” hadalkaasoo uu ku dhawaaqay ka dib markii uu ka degey jagada madaxweynaha Kenya hase yeeshee uu xilka hayey waqtigii uu Eldoret ka bilowday shirkii loogu magac daray dibu heshiisiinta Somalida, kaasoo uu isla Moi furay. Waqtiga uu Moi hadalkaas ka jeediyey America weli wuxuu shirkaasi ka socdey Nairobi. Taasi waxay ku tusinaysaa in uu markii horeba ahaa shir ku bilawday munaafaqnimo, fal aan laabta jirin ama qawda maqashii waxna haw qaban (bad faith); in laga furay goob cadow ee aan ku habboonayn (enemy territory); iyo in ay ku kulmeen dad aan ehel u ahayn in ay ka hadlaan danaha dalka iyo dadka Somalia.

 

 

Calaamado kale oo muujinaya haysashada Ethiopia ee Somalia waqtigaan

 

Haddii aan dib ugu noqdo calaamadaha dheeraadka ah oo muujinaya awoodda dawladnimo ee ay saraakiisha Itoobiyaanku ku leeyihiin nolol maalmeedka Somalia ee marxaladdaan taariikhiga ah, waxaan tusaale u soo qaadanayaa kuwa soo socda:

 

 Ka dib markii ay ciidammadii Maxaakiimta Islaamka ka saareen Kismaayo, waxay maalmo ka dib magaalada sidoo kale ka saareen dhammaan dadkii halkaas ku joogey magaca “dawladda KMG” ah askar iyo rayadba, iyagoo u diray in ay tababar muddo ah ku soo qaataan xarun millatari ee lagu magacaabo Luglow kuna taal Gobolka Bay. Waxaa markaas maamulkii Kismaayo gebi ahaan la wareegay ciidammada Ethiopia ilaa ay ka soo noqdaan kooxdii ay tababarka u direen. Dabcan, ujeeddada ka dambaysey tarxiilka shaqaalihii halkaas u joogey kooxda Embagati (C/llahi Yusuf iyo Cali M Geedi) waxay ahayd in ay Xabashidu Kismaayo ka dhisto saldano (authority) waqti mucayin ah (haba gaabnaadee) oo taariikhda u gasha ee ay saraakiisheeda militarigu ay magaalada ku reebaan raad ah saxiixyo dukumenti iyo hawl-fulin. Sida la ogyahay waxaa muddadaas dhacday in ay saraakiisha Itoobiyaanku ahaayeen madaxda gobolka, degmada, dawladda hoose, maxkamadaha iyo saldhigyada booliska iyagoo u kala dacwad qaadayey khilaafaadka yaryar ee dadweynaha Kismaayo.

 

 Waxay u yeerteen lana kulmeen Odayaasha ama Hoggaan Dhaqameedka Beelaha Soomaaliyeed ee Jubbada Hoose, iyagoo kula dardaarmay in ay daacad u noqdaan lana shaqeeyaan “dawladda ku meelgaarka ah”. Sida la ogyahay amarka noocaas ah waxaa bixin karta cid awood sheeganaysa waxaana la siin karaa cid la xukumo. Dhaqanka gumeystayaasha ayaa sidaas ah. Gumeystayaashii reer Yurub ee kala qaybsaday Somalia (Ingiriis, Fransiis iyo Talyaani) waxay intuba sidaasoo kale ula shiri jireen Oday dhaqameedyada beelihii dhulalkii ay qabsadeen. Dabcan dhaqan kama sheekaysanayaan ismana dhaqan yaqaaniin labada dhinac hase yeeshee ujeeddada kulanku waa cabsi galin iyo amar lagu siinayey Odayaasha in ay beelahooda hoos keenaan xukunka gumeysiga. Tan xabashidu waa sidaas oo kale. Marka ay u yeeranayeen Odayaasha, saraakiisha xabashidu xataa ma sii marin oo ma qaddarin maamul ku sheeggii Soomaalida oo iyaga u yeertay. Kulankaasi wuxuu ka dambeeyey ka dib markii ay Kismaayo dib ugu soo noqdeen kooxdii loo tarxiilay Luglow Itoobiyaankuna ay isu muujiyeen kuwo ka baxaya Kismaayo (taasoo uusan micnaheedu ahayn in ay ka baxeen Somalia hase yeeshee ay beddesheen aaggii iyagoo u wareegay Muqdisho oo looga baahday gurmadkooda).

 

 La kulanka saraakiisha xabashida ee Oday dhaqameedyada Soomaaliyeed intaas kuma ekaan ee wuxuu u wareegay Muqdiso asagoo markaan yeeshay qaab qaybi ee xukun iyadoo ay Itoobiyaanku dhowr goor la kulmeen gaar ahaan Odayaal ku hadlayey maga qabiilka ******. Sidii kismaayo oo kale, Itoobiyaanku cidna ugama amar qaadan la kulanka Odayaasha, tixgelinna ma siin xubnaha dawlad ku sheegta Embagati. Mar ay Idaacadda HonrAfrika wax ka waydiisey arrintaas ninka maamulkaas u qaabbilsan wasiirka arrimaha gudaha oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed “gacma-dheere”, wuxuu sheegay in uusan maamulkiisu waxba kala socon kulammada u dhexeeya saraakiisha Itoobiyaanka iyo Odayaasha ******.

 

 Kulammo noocaas oo kale ah ee ujeeddadoodu ahayd handadaad iyo cabsi galin ayaa iyaguna ka dhacay bilihii la soo dhaafay Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan.

 

 Itoobiyaanku waxay saldhigyo ka samaysteen xarumihii rasmiga ahaa ee Hay’adihii dawliga ahaa ee Jamhuuriyaddii Somalia sida kuwii: Wasaaraddii Gaashaandhigga, Baarlamaankii, Booliska, Asluubta, Garoommadii ciyaaraha iyo kuwo kale, meelahaasoo laga yaabo in ay weli wax uga hareen dokumentigii sirta ahaa ee Dawladdii Somalia.

 

 

Baaqa aan u soo jeedinayo walaalahayga Somaliyeed wuxuu yahay:

 

Xalka dib u soo celinta Qarankii Somalia wuxuu ku duugan yahay maskaxaha iyo dadaalka Somalida gumeysi diidka ah oo si madax bannan ugu kulanta meel ay si xornimo ah ugu xaajoon karaan dhinacna iska dhiga qurunka qabiilka ay ugu soo gabbanayaan gumeysiga iyo gumeysi raacu.

 

 

Wa Billaahi Towfiiq

 

Waxaa qoray Maxamed Xirsi.

 

Juun, 2007

 

Fadlan igala soo xiriir emailka hermoham@aol.com haddii aad su’aalo ka qabtid qoraalkaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this