Sign in to follow this  
General Duke

TFG responds strongly to Channel 4's mochementary Borat moment

Recommended Posts

Gacma dheere "Warbixintii uu Baahiyay Chanal4 waa Mid ay Buun Buuniyeen kooxaha dowalad Diidka ah".

 

Muqdisho,(WNT):-Xildhibaan Maxamed maxamuud Guuleed (gacma dheere) oo ka mid ahaa afar mas'uul oo dowlada ka tirsan kaasi oo TV-ga Chanal 4 ku eedeeyay in ay galeen dambiyo dagaal ayaa arintaasi si kulul uga jawaabay.

Gacma dheer ayaa sheegay in hadalkaasi uu ahaa mid been abuur ah isla markaana ay faafiyeen kooxo uu ugu yeeray in ay yihiin dowlad diid.

 

waxaa uu sheegay in xiligii uu hayay xilka wasaaradaha arimaha gudaha uusan galin wax dambiyo dagaal ah isla markaana warkaasi la iska soo abaabulay.

 

Mar la weydiiyay in waxyaabaha lagu eedeynayo ugu weyntahay in uu xanibay raashin mucaawino ah oo shacabka soomaaliyeed ugu deeqday hay'ada WFP ayaa sheegay in raashinkaasi uu ahaa raashin dhacay isla markaana ay ku sumoobeen shacab farabadan oo soomaaliyeed sidaa daraadeedna uu amray oo kali ah in raashinka Hay'ada la soo marsiiyo wasaarada arimaha gudaha dowlada federaalka somalia.

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in markii amarkaasi ka soo baxay Hay'adu go,aansatay in raashinkii ay qeybin jirtay joojiso iyada oo ka soo horjeeda in kormeer lagu sameeyo waxa ay siinayso shacabka soomaaliyeed ee dhibaatadu dugaashatay.

 

"Runtii warbixintii uu baahiyay TV-ga Chanal4 waa mid la been abuuray isla markaana ay ka dambeeyaan kooxo nabad diid ah kana soo horjeeda dowlad ka dhalata dalka somalia"ayuu yiri xildhibaan Gacma dheere.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay Xildhibaan Gacma dheere in warbixinta ay ku jirtay inta badna marka uu saxaafada la hadlayo uu jeedin jiray hadalo kul kulul taasina marqaati uga dhigay in isagu uu yahay nin qaboow warkaasina laga been sheegay.

 

Hadalka Xildhibaan gacma dheere ayaa jawaab u ah qwarbixin shalay ka soo baxday TV-ga Chanal4 kaasi oo uu ku soo bandhigay 4-mas'uul oo ka tirsan dowlada federaalka somalia kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay galeen dambiyo dagaal waxaan afartaasi Mas'uul ka mid ahaa madaxweyne Yuusuf,Gacma-dheere,Janaraal darwiish,iyo Axmed Taajir.

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka Madaxweyne Yuusuf"dacwad ka dhan ah TV-ga Chanal4 ayaanu u gudbin doonaa Dowlada Britain".

 

Muqdisho,(WNT):-Dowladda KMG ee Somalia ayaa jawaab kulul ka bixisay eedeyn loosoo jeediyey xubno ka tirsan Madaxda Dowladda, taasi oo laga baahiyey TV-ga Chanel4 iyo Jariiradda Daily Mail.

Isagoo ka hadlayey Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Magaala-madaxda dalka Somalia ee Muqdisho ayaa Afhayeenka Madaxweynaha Somalia Xuseen Max’ed Maxamuud (Xuub Sireed) waxa uu sheegay in ay eedeyntaasi si aad ah uga xumaatay Dowladda KMG ee Somalia, isagoo sheegay in warbixintaasi lagu aflagaadeeyey Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo Sadex mas'uul oo kala ah Taliyaha Ciidanka Nabad-sugida Gen. Maxamed Warsame Darwiish, taliye xigeenka Booliska Jen. Axmed Xaashi Taajir iyo Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Gacma Dheere .

 

Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in uusan jirin sharci u ogolaanaya fara-gelinta nolosha gaarka ah ee Qoysaska mas'uuliyiintaasi ee ku dhaqan Magaalada London ee cariga Britain, isagoona eedeyntaasi ku tilmaamay mid ujeedo gaar ah laga leeyahay.

 

Xuub Sireed ayaa intaa ku daray in ay in Dowlada Somalia ay dacwad ka dhan ah Telefishinka Chanel4, Jariiradda Daily Mail iyo Wariyayasha gudbiyay ay u gudbiyeen Dowladda Ingiriiska.

 

"Waxaa cad in warbaahinta dalka Britain qaarkood ay wiiqeen waxqabadka Dowlada Somalia islamarkaana ay dacaayad lidi ah ka sameeyeen Masuliyiinta Dowlada ee naftooda u huray in ay qaranka Soomaaliyeed badbaadiyaan " ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Xuub Sireed oo intaa ku daray "arintan waxa ay dhiiri-gelin siinaysaa xoogaga dagaalada kala soo horjeeda Dowladda".

 

Warbixintan ayaa lagu shaaciyey Tv-ga Channel 4 barnaamij uu soo diyaariyey weriye ka tirsan tv-gaas oo socdaal uu ku tegay Muqdisho ugu kuurgalay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan Madax ka tirsan Dowladda KMG oo haysata dhalashada dalka Ingiriiska oo ku eedeysan arrimo ku saabsan xusuuq loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana Tv-gaasi uu soo bandhigay qeyb ka mid ah dhacdooyinkaasi.

 

Taliyaha Ciidamada Nabad-sugida Jen. Maxed Warsame Darwiish, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxed Maxuud Guuleed (Gacmodheere) iyo Taliye ku-xigeenka ciidamada booliska Jen. Axmed Taajir ayaa warbixinta lagu xusay, waxaana xubnahaasi iyaga oo ka faaideysanaya awooda Dowliga ah ay amreen in dil & xarig aan sharciga waafaqsaneyn loo geysto dad aan waxba galabsan, waxaana nuxurka barnaamijkaasi uu ahaa mid xambaarsanaa in dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dowladdaha Dunida ugu waaweyn lagu baraarujiyo xadgudubyada ay geysanayaan shaqsiyaad ay eheladooda ku magangelineyso dalkeeda, sida lagu qeexay warbixintan eedeynta ah ee laga baahiyey TV-ga Chanel4 iyo Jariiradda Daily Mail.

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dawladda Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay Warkii ay baahiyeen Chanel 4 & Wargeysyo ka soo baxa Magaalada London.

 

28. maj 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Warsaxaafeed ka soo baxay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa siweyn loogu beeniyey hadal ay maalmahaan wadeen Warbaahinta dalka Ingiriiska ,kasoo waxyeelo loogu geysanayay qaar ka mid ah Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Warsaxaafeedkan ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa siweyn loogu sheegay in aysan waxba ka jirin warka ay sheegtay Saxaafada Ingiriiska ,waxaana wax aad looga xumaado lugu tilmaamay in ay dad sheeganaya Wariyaal been ka sheegtaan Madaxda dawladda Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud oo la hadlayey Saxaafada Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday in ay Madaxtooyada Soomaaliya qorsheyneyso qoraalo dacwo ah oo ay ugudbiso Xukuumada Ingiriiska oo looga hadlayo waxyaabaha dhacay.

 

Xuseen wuxuu sheegay in ay arimahan ka dambeeyaan Kooxaha hada degan Magaalada Asmara ,wuxuuna ku eedeeyey in ay dadka Soomaaliyeed leynayaan maalin walba ayagoo Xaasaskoodii & Caruurahoodii ay dibada ku raaxeysanayaan.

 

War ay si wada jir ah ubaahiyeen Tv-ga la yiraahdo Chanel 4 & Wargeysyo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa aad loogu sharaf dhiciyey qaar ka mid ah Madaxda dawladda Soomaaliya oo uu ku jiro Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

The British Government doesn't investigate news channels or what the media AIRS. :D You wanna try complaining to OFCOM!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer a complaint will be lodged and Britian is great for defermation cases. If the officials choose to, like Gallawoay and many others have achived against the media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer you can wish for that to happen lets me and you bet to see if this even comes up in UK court ok old boy. I for one know that this will be tossed out. This is UK not Somalia and the government can not shut freedom of press unlike back their.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ what ever you say adeer if that makes you feel better, but facts blazing right infront of you is not defemation its FACTS, lol. Lets see if this fiction you call it as legs and works the nervous of the UK public for supporting this government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

facts old boy is the dead bodies in the street, people living in refugee cames outside the capital. Facts are recordings of your beloved AY saying leave your homes or suffer the actions. Facts are that Boats are taken in Somali Soil, facts are crime is out of control in Puntland, facts are that somalia with all your talk and talk and talk is in the same boat it was five years ago. So yes i know the differences of opinions and facts. You give opinions while the UK show gave facts, like it or not old boy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. Adeer the dead bodies on the street are a fact of war. Those who foguht in the city, use children and women as weapons are to blame. And started the war have to be blamed.

 

The TFG does not torture, did not start this, has never targeted civilains. Thats a fact adeer.

 

Thus this episode is nothing more than the British and their orientalisam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer keep telling your self this, because that somali family who last family member because of TFG fired guns on their home dont see it that way or due most somalis see it that way old boy. Wake up i know you want Somalia back but support a geniue good government not this fake waste of government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Ok adeer the family prefers to be insulted by secessionist like you. Keep cheering the missery of the south, it aint gonna last long my boy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this