Sign in to follow this  
Xargaga

Hargeysa Waxaa Xorayse SSDF Iyo Carlos

Recommended Posts

Xargaga   

:confused: How could somebody publish this in their sites . Wouldnt this be tantamount to to questioning the readers intelegence and understanding? Yaab iyo amakaag aa iga hadhay!!!

 

 

Sidey sheegatay Saxaafada *****tenai, Hargeysa waxaa Xoreeyey SSDF iyo Carlos

 

July 22, 2007 (HawiyeNews.com) - Sida aynu la wada soconno kooxdii SNM ee dagaalka kula jirtey Dawladdii Hore sannadihii siddeetanaadkii waxay kama danbaystii la wareegtay Waqooyiga Soomaaliya ka dib markii Dawladdii Dhexe ka bur-burtay caasimadda Muqdisho iyo Koonfurta Dalka, Ururka SNM ta ayaa markaas ka dib waxuu ku dhawaaqay GUUL u soo hoyatay dadka taageera SNM ta, waxana badhatamahii 1991 dii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco wax loogu yeedhay goonni isu-taag waxana dhawaaqaasi uu sii socdaa ilaa iyo xilligan aynu joogno iyada oo aan haba yaraatee wax ka soo kordhay amaba ku soo siyaadey aan la aragaba aan ka ahayn Guushii dagaalka oo lagu qoro shebekedaha SNM ta iyo warbaahintooda kala duwan io weliba ereyo micno darro ah sida :- Guushii Dagaalka,Mujaahidiin[Fujaahidiin], Aqoonsi raadis, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, golaha wasiirrada,golaha wakiillada,golaha guurtida, guddiga doorashooyinka iyo goonni isu taagga somaliland waa muqaddas iyada iyo xuduudaheeduba... ereyadan iyo kuwa kale oo badan ayaa ah nolol maalmeedka qaybo ka mida dadka reer waqooyi ee Soomaaliya iyo taageerayaasha SNM ta ee dibedaha ku dhaqan. Haddiise aynu dib u milicsanno taariikhda dagaalka waqooyiga soomaaliya ka dhacay labaatan (20) sano ka hor ee dhex maray SNM ta iyo Dawladdii Qaran, waxa innoo soo baxaysa guulahaa laga hadlayo mid aad uga duwan mana helayno wax guul ah oo ay gaadhey kooxda SNM tu, mana helayno wax golayaal leh awoodo xukun iyo maamul midnaba. Arrimahaasna sidan ayaynuna u kala qaad-qaadaynaa:- 1- Guusha SNM ta:- Sannadihii siddeetamaadkii waxa jirey iska hor imaadyo dhex mari jirey ciidamadii qaran iyo kooxo qaada dagaallo dhuumaalaysi ah gobollada waqooyi ee soomaaliya, kooxadan waxa hoggaamin jirey nin lagu magcaabi jirey Maxamed-Cali oo ahaa nin shisheeye ah amaba ajnebi lama hubo cidda uu rasmi ahaan asalkiisu ka soo jeeday waxase lagu sheegi jirey waa Suudaani, Waa Yamani, Waxa uu u dhashay dalka Chad ee Afrikada Dhexe ku yaal, Waxana dhici karta inuu ahaa Latiin American sidii ninkii lagu magcaabi jirey CARLOS ee ka dagaallami jirey Bariga Dhexe. Kooxdan ayaan wax guula oo la ogyahay ka gaadhin dagaalladii Ku Dhifo Oo Ka Dhaqaaqa ahayd ee ay ka waddey Waqqoyiga Soomaaliya.

 

Heer kastaba ha soo martee dirirtuye Bishii May Sannadkii 1988 kii waxa si ismiidaamin ah u soo galay Magaalada Burco koox ka hadhsanayd kooxdii Maxamed-Cali .. Kooxdan soo gashay Magaalada Burco oo Afar Beri ka dibna gashay Magaalada Hargeysa dad badan ayaanay u caddayn siday ugu suurta gashay inay dagaal ka ridaan Waqooyiga Soomaaliya, waxase jirtey in Saraakiil ka tirsanaa Ururkii SSDF iyo ciidammadii Dhafoor Qiiqu ay ku sii sugnaayeen magaalooyinka Waqooyiga iyadoo ay hawlgalladoodii u wareejiyeen Gobolladii Waqooyi halkii ay markii hore dagaalka ka wadeen gobollda dhexe,bari iyo koonfureed. Waxa dad badani aamminsanaa beryahaas in SSDF iyo saraakiishoodii dagaalkuba ay heshiis la galeen Dawladdii Qaran hase ahaatee, lama shaacin, lamana arag meel uu ka dhacay heshiis dhex maray SSDF iyo Dawladdii Dhexe, wayna iska caddayd inay hawl ka hayeen Gobolladii Waqooyiga Ururkii SSDF iyo saraakiishiisuba. Xilligaas ayaana ay suurta gal noqotay in kooxdii Maxamed-Cali soo gasho Magaalooyinka Waaweyn ee Waqooyiga iyadoo ay hawlgalkana hoggaaminayeen Saraakiisha SSDF tu, caddaymo ku filanna waxaynu u haynaa in barnaamij loogu magac daray SOOMAALIYA iyo QARNIGA laga sii daayey BBC da sannadkii 2000,barnaamijkaasna waxa lagu waraystay kooxo lagu kala magcaabay kooxaha siyaasadda iyo garabkii hubaysnaa ee SNM, waxana ay xaqiijin kari waayeen ciddii dagaalka amartay iyo xitaa ciddii hoggaaminayseyba waxana mid waliba isku dayey inuu isagu guusha suurta geliyey oo uu dagaalka hoggaaminayey hase ahaatee, taasi ma aysan ahayn wax qancin karayey qancinna karana dhegaha Malaayiinka Soomaalida ah ee Barnaamijyadaas dhegaysanayey.Soomaali badanina waxay si cad u rumaysteen inaan dagaalkaas haba yaraatee aanay SNM tu shaqo ku lahayn marka laga soo tago in meesha ay marayeen Kooxda Maxamed-Cali. Haddii aad ilaa iyo xilligan aynu joogno aad raacato amaba aad dhegeysato amaba aad akhrisato qoraallada ururkan SNM ta ma helaysid Natiijo Sax ah runtii waxyaabihii dhacay sannadkii 1988 kii, dagaalkaasna waxa taariikh ahaan uu u qormayaa Ururkii SSDF ta ee maaha SNM ta.. Haddii aynu Tafaasiilo Dheeraada u Baahannona waynu haynaa oo wakhti uun baa innaga xiga ..

 

Haddii aynu intaas ku dhaafno soo gelitaankii Magaalooyinka Waaweyn ee Waqooyiga oo aynu sii raad raacno sii socodkii dagaalka waxa dhacday markii uu qas iyo jaahawareerku ka dhacay dalkii lagu dagaallamay kooxdii MaxamedCali [sNM] dagaalka wax guula kama aysan gaadhin marka laga reebo in dad badan ay ka qaxaan hoygoodii una baro kacaan dalalka deriska ah iyo gudaha dalkaba, kooxdan ayaa kama danbaystii dagaallo kala duwan oo ay la gashay Xukuumaddii ku guul darraysatay weerarradeedii waxana si koox-kooxo ah u bilaabantay inay isa soo dhiibaan, waxana laga sifeeyeyba Gobolka Togdheer sidoo kale waxa buuraha ka sarraya Magaalada Ceeri-gaabo lagu sheegi jirey tira yar oo ah Hadhaagii Kooxda. Ka did is beddello xidhiidha oo ka dhacay Soomaaliya waxa dagaal dhex maray Shacabkii ku dhaqnaa Magaalada Muqdisho Iyo Dowladdii Maxamed Siyaad taasina waxay dhalisay in Madax-weynihii iyo ciidammadiisiiba iskaga baxaan Caasimadda fadhiisinnana ay ka dhigtaan Koonfurta Waddanka.Intii ay dagaallada Muqdisho socdeen iyo intii ka danbeyseyna wax wara lagama maqal Kooxdii SNM ta. Markaa ka dib iyadoo Awoodda caasimaddu ay gacanta u gashay Kooxdii Manifeesto waxa laga dhisay Muqdisho dawlad uu hoggaaminayey Cumar Carte Qaalib, dawladdaas ayaana ku baaqday in ciidammadii qaranku isu dhiibaan Ururradii xilligaa jirey SNM, SSDF,USC iyo SPM. ogaalkeenuna waa midkaas oo keliya mana aynaan maqal kooxo ka tirsan SNM oo xoog ku soo galay waqooyiga waddanka,haddiise taariikhda hadba doc loo baacsanayo waa meesheeda. Guusha laga sheegayo in SNM tu ka gaadhey waqooyiguna waa labadaas aynu soo tilmaannay ee Hoggaamintii Saraakiisha SSDF ta sannadkii 1988 kii iyo Qabashadii Kooxda Manifeesto ee waddanka oo dhan... 2- Dawladnimo iyo Maamul:- Ka dib toban iyo toddoba sannadood oo laga hadlayey dawladnimo iyo goonni isu-taagna ma muuqato wax caddayna oo taageeraya in dawladdaasi ay tahay mid meel mara umana baahna inaynu waqti iskaga luminno faah-faahin dheeraada, oo INDHAHEENA AYAA INNOO MACALLINA. Waxa keliya oo innoo deris ah maalin kastana waa magac bixino aan asaas lahayn sida DAWLAD,XUDUUDO,MADAX iyo GOLAYAAL kuna biyo Shubta dhalanteed iyo riyo aan dhammaad lahayn waxana la soo gaadhey xilligii lagu dhawaaqi lahaa HURDOOW TOOS YAAN LAGAA TEGINE.........

Hamud Noor Hassan

 

rstanding? walee anigu waa yaab yabkiis!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D:D:D ........... Wuxuu dhashay 1991kii markaasuu rabaa inuu taariikh ka sheekeeyo. Adduunyo waa taas.

 

 

HA KUGU TAAGNAATO DHEH ,,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

SXB MR JB Hadii lagu xoreeyay maxaa kaa galay tarikhda iyo sanadka taarikhigu dhashay. Just be alert for Xoraynta PartII This Time waxaiy taarikdu Dhigi Xoraynta Xamar iyo naawaxigeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this