Sign in to follow this  
Juje

HornAfrik Director Murdered...!

Recommended Posts

Juje   

INAA LILAAHI WAA INAA RAAJIICUUN

 

:Agaasimhii Idaacadda Hornfarik ee magaalada Muqdisho Marxuum Saciid Tahliil Axmed oo goor dhoweyd lagu dilay agagaarka shirkada xawaalada Dahabshiil ee Suuqa bakaaraha

 

Daqiiqado ka hor abaara 2:40 daqiiqo duhurnimo ee maanta ayaa waxaa agagaarka shirkada xawaalada Dahabshiil xarunteeda Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho lagu dilay marxuum ALLAHA u naxaristee Saciid Tahliil Axmed oo ahaa agaasimiii idaacada Hornafrik ee magaalada Muqdisho.

Dilka agaasimaha ayaa yimid ka dib markii labo nin oo bastoolado ku hubeysan ay rasaas ku fureen xilli uu la socday qaar ka mid ah agaasimayaaha idaacadaha magaalada Muqdisho oo ku sii jeeday kulan ay iskugu yeereen mas’uliyiinta mid ka mid ah xoogaga ka dagaalama dalka Somalia sida uu sheegay weriye Maxamuud Carab oo ka mid ah shaqaalaha Idaacada SAHAN ee magaalada Muqdisho oo la socday markii uu falkaasi dilka ah dhacayey, iyagoo agaasimyaashii kale ee la socday xiligaasi ay goobta cagahooda uga baxsadeen.

Meydka marxuumka ayaa waxaa goobta ka soo qaaday dadweyne aad u fara baadan iyadoo markii dambe la keenay xarunta idaacada Hornafrik ee ku taala Daarta Telnet ee Suuqa Bakaaraha, waxaana idaacada ay joojisay wararkii iyo barnaamijyadii kale ee ka bixi jiray oo lagu bedelay aayado quraanka kariimka ah, waana agaasimihii labaad ee laga dilo idaacadaasi iyadoo sanadkii hore lagu lagu dilay magaalada Muqdisho marxuum Cali Iimaan Sharmarke oo ahaa agaasimhii hore ee idaacada Hornafrik.

 

 

He recently chaired a meeting attended by all Media directors in the capitol in which it was agreed to support the new TFG led by Sheikh Sharif and spread the words of peace and reconciliation through the media.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Somali Pirate:

al shabab will be blamed in 3, 2, 1......

It is not a matter of blame - Siciid and alon with other media outlet leaders in Xamar were called into a meeting by Abu-Mansoor's deputy in Xamar, and as they were being led into the venue by their host shots were fired which killed the marxum and oters scattered.

So sxb this is not a blame but a fact - we now wait and see reactions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje for the sake off peace please let us not blame al shabaab yet. no knows for sure who is behind this.

 

 

and who is behind this one also

 

Waxaa hadda lagu dilay laba dhalinyara ah iyadoona lagu dulay gudaha suuqa bakaaraha xili ay soo bursadeen koox wadatay baabuur Roonet wata

 

 

 

 

Dilka labada mar xuun oo xilgaan yaalo meydadkooda jidka ayaan la aqoon cida ka danbeysa iyadoona deegaanka suuqa bakaaraha ay xiligaan tahay mid cakiran waxii ka danbeyey dilkii Agaasimaha idaacada Horn Afrik

 

Wali meydadka dhalinyarada ahw axay yalaan goobtii lagu dilay xiliga dilalka ay dhacayeena waxaa suuqa buuxay ganacsatada suuqa iyo ciidamada gaarkla suuqa kuwaa oo aan waxba ka qaban falka dilka markuu dhacaayey

 

Waxaa lagu dilay labada dhalinyaro Agagaarka Masaajidka Abuu hureyra waxayna isku jiraan goobtoo lagu dilay siciid tahaliil waxaana ay u dhaxeysa labada laami ee wadooyinka 1-aad iyo 2-aad

 

 

Muqdisho ayaa xiligaan goob aad u cabsi abdan waxii ka danbeyey doorshadii madaxweynah cusub ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed

 

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

Inna Illahi wa inna Illahi rajicun

Saciid Tahliil was a close family friend may Allah grant him Jannah.

 

If Al Shabaab was behind this the heat is on, the barbaric animals behind this act are not going to hold us hostage anymore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Thierry.:

If Al Shabaab was behind this the heat is on, the barbaric animals behind this act are not going to hold us hostage anymore.

It is on already sxb...we wait and watch how events unfold. The killing of Siciid will be the catalyst to finally retaliate to organised crimes and criminals who are masked and hide behind the name of Islam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Agaasimihii Idaacada Horn Afrik oo maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa maanta waxaa ay gudaha suuqa Bakaaraha ku toogteen Agaasimihii idaacada Horn Afrik ee magaalada Muqdisho xili uu marayay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Alla ha u naxariistee Saciid Tahliil Axmed oo ahaa Agaasimihii idaacada Horn Afrik oo ka mid ah idaacadaha Madaxa banaan ee ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay kooxo hubaysan ku toogteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha ayaa inta aan la dilin waxaa la socday agaasimayaasha kale ee idaacadaha Madaxa banaan ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay u yeereen Masuuliyiin ka tirsan Ururka Al Shabaab,waxaana saraakiil ka tirsan al Shabaab markii ay ka wadeen agaasimyaashaasi xarumahaooda iyagoo la socda kooxo hubaysan ay toogasho ku dileen agaasimihii idaacada Horn Afrik ee magaalada Muiqdisho Saciid Tahliil Axmed .

Xligii dilka loo gaystay Alla ha u naxariistee Saciid Tahliil Axmed ayaa waxaa kala firxadey dhamaan agaasimayaashii ka kala socday idaacadaha kale kuwaasi oo u kala jiheystay halka uu qof waliba wajigiisu qabtay.

saciid.jpg Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilka agaasimaha idaacada Horn Afrik iyadoo aan sidoo kale la garaneyn kooxaha dilka u geystay agaasimaha idaacada Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed ,iyadoo kooxihii dilka geystana ay ka baxsadeen goobta uu falkaasi ka dhacay,waxaana halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray agaasimaha idaacada Shabelle Muqtaar Max’ed Hiraabe oo ka dhaawacmay gacmaha .

 

 

 

Alla ha u naxariistee Saciid Tahliil Axmed waxaa uu noqonayaa wariyihii labaad ee sanadkaan lagu dilo gudaha dalka soomaaliya iyadoo bilowgii sanadkaan gudaha degmada Afgooye dil bareer ah loogu geystay wariyihii idaacada Shabelle Alla ha u naxariistee wariye Xasan Mayoow Xasan.

Sanadkii 2007-da ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho miino lagula qarxiyay gaari uu saarnaa Alla ha u naxariistee agaasimihii idaacada Horn Afrik Cali Iimaan Sharmaarke xili uu ka soo laabtay aaskii agaasimihii hore ee idaacada Capital Voice Mahad Axmed Cilmi oo kooxo hubaysan ay dileen,waxaana sidoo kale sanadkaasi dhamaadkiisa la dilay Bashiir Nuur Geedi oo ahaa ku simaha gudoomiyaha idaacada Shabelle oo isna ay toogteen kooxo hubaysan.

 

More pictures

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Agaasimaha ayaa inta aan la dilin waxaa la socday agaasimayaasha kale ee idaacadaha Madaxa banaan ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay u yeereen Masuuliyiin ka tirsan Ururka Al Shabaab,waxaana saraakiil ka tirsan al Shabaab markii ay ka wadeen agaasimyaashaasi xarumahaooda iyagoo la socda kooxo hubaysan ay toogasho ku dileen agaasimihii idaacada Horn Afrik ee magaalada Muiqdisho Saciid Tahliil Axmed .

 

Shabelle.net

 

-----------------

 

If this serious allegation is true, then there should be no mercy whatsover to groups who are against free media. Alshabaab should speak out against this act, if they are not behind it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Saciid%20Tahliil.jpg

 

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilkii Maanta Magaalada Muqdisho loogu geystay Saciid Tahliil Axmed oo ahaa Agaasimihii Idaacadda Hornafrik ee Magaalada Muqdisho, iyadoona warar soo baxaya ay sheegayaan in isna la dhaawacay Agaasimaha Idaacada Shabelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe.

 

Allaha u naxariistee Saciid Tahliil ayaa waqtigii la dilayay isaga iyo Agaasimayaal kale oo ka mid ah Idaacadaha Muqdisho waxay ku sii jeedeen meel ay Ururka Alshabaab ka waceen oo la filayay inay ku kulmaan Agaasimayaasha Idaacadaha iyo Saraakiisha Alshabaab.

 

Agaasimayaashii kala ee la socday Saciid Tahliil ayaa mar kaliya kala cararay, mid walbana waxaa uu ka baxay meeshii uu nafta ku badbaadin karay, kadib markii rasaas lala dhacay Marxuum Saciid Tahliil.

Laakiin rasaasta lagu furay Saciid Tahliil ayaa waxaa dhaawac halis ah oo dhinaca gacmaha ka soo gaaray Agaasimaha Idaacadda Shabelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe

 

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilka agaasimaha idaacada Horn Afrik iyadoo aan sidoo kale la garaneyn kooxaha dilka u geystay agaasimaha idaacada Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed.

 

Dilka Saciid Tahliil ayaa waxaa uu noqonaya kii Labaad oo sanadkan gudihiisa ka dhaca Soomaaliya,iyadoo bishii horeyna Degmada Afgooye lagu dilau Alla ha u naxariistee wariye Xasan Mayoow Xasan oo ka tirsanaa Idaacadda Shabelle ee Muqdisho.

 

Sidoo kale dilka Saciid Tahliil waxaa uu murug u yahay Idaacadda Hornafrik oo sanadkii 2007-da laga dilay Cali Iimaan Sharmaarke xili uu ka soo laabtay aaskii agaasimihii hore ee idaacada Capital Voice Mahad Axmed Cilmi oo kooxo hubaysan ay dileen.

 

Dhinaca kale Qaar ka mid ah Warbaahinta ka howl gasha Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow hawada laga saaray, kadib markii Agaasimihii Idaacada Horn Afrik la, waxaana Idaacadahaas ay u muuqdeen kuwo ka tiiraanyeysnaa dilka Mid ka mid ah Suxifiyiintii Soomaaliya ee caanka aheyd.

 

Idaacada Horn Afrik ayaa markii ay baahisay dilka Agaasimaheeda allaha u naxariistee Saciid Tahliil Axmed waxay Idaacada joojisay dhamaan barnaamijyadeeda, iyadoona ay bilowday sii deynta Aayado Quraan ah.

 

Idaacadaha Banaadir, Shabelle, Somaliweyn, IQK, Codka Nabada, Sahan iyo SIMBA ayaa la wada damiyay, iyadoona Idaacadahaas ay kaliya ka shidan yihiin Aayado quraan iyo tacsiyo loo dirayo Marxuumka geeriyooday.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this