Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Burco Moves to Hargeisa

Recommended Posts

:D

 

 

Boqollaal Dadweynaha Reer Burco ah oo si Xoog leh ugu Qulqulaya Hargeysa Intii la doortay Madaxweynaha Cusub

 

Burco (Jam)- Goobaha kala duwan ee bulshadu ku kulmaan gudaha magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey si weyn looga hadal-hayey boqollaal qof reer Burco ah oo maalin walba sida daadka ugu qulqulaya dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Dadweynaha reer Burco, ayaa la sheegay inay si xad-dhaaf ah ugu sii qulqulqayaan dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa tan iyo intii la doortay Madaxweyne cusub ee Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo.

 

Waxa mashquul badani ka muuqdaa goobaha laga raaco gaadiidka ee loo yaqaan istaamada, gaar ahaan kuwa looga baxo caasimadda Hargeysa. Waxa kordhay tirada gaadiidka u baxa dhinaca magaalada Hargeysa oo aan markii hore ka badnaan jirin laba iyo saddex, balse hadda gaadhay inay maalintii ka baxaan gaadiid kala duwan oo gaadhaya ilaa tobaneeyo gaadhi maalin kasta.

 

Haddaba, qaar ka mid ah kaariyiinta ka hawlgala istaanka Burco ee looga baxo magaalada Hargaysa, ayaa Jamhuuriya uga warramay isbeddelka cusub ee ku soo kordhay istaankooda iyo sida dadweynaha Burco ugu sii qulqlayaan dhinaca caasimadda.

 

“Magacaygu waa Cabdiqani Maxamed Xasan waxaan ka mid ahay kaariyiinta istaanka, maalintii magaalada Burco waxa ka baxa ilaa 10 gaadhi, waxayna u baxaan Hargeysa. Waxa soo gala ilaa saddex ilaa afar gaadhi. Garman mayno dadkaasi halkay ku socdaan ilaa labaatan casho sidaas ayey ahaayeen. Maalmahan dambe baabuurta guryahooda ayaannu ugu taganaa si ay dadka u qadaan, markii la kala waayay gaadiid la raaco. Waxaannu leenahay dawladda cusub ma Hargeysa oo keliya ayay noqotay, miyaanay na soo gaadhayn?”

 

“Magacaygu waa Axmed Siciid Cabdillaahi, waxaanan ahay nin istaanka ka rara baabuurta rakaabka, dadkuna waxay ku socdaan caasimadda. Gabaadhida halkan ka baxdaa waa ilaa 10 baabuur oo isagu jira tagaasi iyo basas, waxaanan filayaa dadwaynaha halkan ka baxaa inay doonayaan xilal iyo kuraas, waxana si weyn u kordhay suuqayagii oo gaadiidkii waa widhiidh maalin iyo habeenba, shaqadayaduna way korodhay intii la doortay Madaxweynaha cusub, balse magaaladii dadkii waa ka sii qulqulayaan, waxay raadiyanaa wali maanu fahmin iyo hogosha Hargeysa ka hoortay.”

 

Dadwaynaha kala duwan ee ku sii socda magaalada Hargaysa ee caasimadda ah, ayaa isgu jira kuwo xilal doonaya oo huguri badani ka hayo ka mid noqoshadd masaabyada kale duwan ee xukuumaadda cusub laga dhawrayo iyo kuwo jibbo farxadeed madax-martay oo la dhacsan guusha u soo hoyatay xisbiga KULMIYE.

 

Waxa kaloo albaabada u xidhan yihiiin dhamaan xarumihii iyo xafiisyada saddexda xisbi qaran, kuwaasoo masuuliyiintoodii u sarreeyey ilaa kuwii u hooseeyay u dhaqaaqeen dhinaca Hargeysa.

 

Sidoo kale, gobollada Sanaag iyo Sool ayaa iyagana si weyn looga dhaqaaqay, iyadoo loo kicitimay dhinaca caasimadda Somaliland, waxana la sheegay in magaalada Hargeysa la ceeryoomayso dad iyo gaadiid badan, isla markaana buuxsameen huteellada la seexdo.

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Oh boy! I would have been pissed by now if you came to me few years ago and said this. But now I have came to realization that diversity is sweet. Welcome rer Burco specially those ilka dhooqo olive oil skin qalanjos from Burco town. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

RedSea, i think you meant to say Red-Tooth. :D war waligood hargeysa wii joogeen especially xafaada Jigjigayar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaraf give it a few more years magaalada hargeisa wey gaadheysa, xaraf is a historical place where we used to crown our sultans there is no place for loudly reer burco oo xafash watta awrbarkhadle ha iska dagan lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

war awrbarkhadle laftigeeda wa meel historical ah where sheekh yuusuf al kawneyeyn cemetery is located at :D oo suldano lagu caleemo-sara laguma talogeelin reer burco iyo qayladooda, deegmaada 26 june ba la dhajiinaya madama siilaanyo ku gulaystay electionkii 26 june lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

I have a solution. Let every reer Hargeisaawi give half his plot to a Burcood family, it is after all their 'turn to eat'. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this