Sign in to follow this  
xiinfaniin

Faroole Admin heads to Galkacyo, Minister killed

Recommended Posts

Wasiirka Caafimaada Puntlland Bashiir Cali Biixi kama hari doona kuwa dilay Warsame Cabdi Shirwac

Posted to the Web Aug 05, 19:24

 

 

Gaalkacyo:-Waxaa dib loo dhigay aaskii Wasiirka Warfaafinta DGPL Warsame Cabdi Shirwac Seefta Banaanka oo maanta rag ku labistay tuutaha ciidanka Daraawiishta DGPL ay ku dileen gudaha Gaalkacyo, Kulan ay goor dhaweyd ku yeesheen xarunta Madax tooyada ee Garoowe Xukuumad Puntlland ayaa waxaa uu codsaday Madax weynaha Puntlland Dr.Faroole in dib loo dhigo aaska Wasiirka Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac Seefta Banaanka.

 

Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Xukuumadiisa ayaa ku sii jeeda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ,Madaxweynaha ayaa la filayaa in ay sii raacaan qaar ka mid ah Isimada ugu waaweyn Puntlland walow arinkaas aan weli si rasmi ah loo shaacin

 

Dhinac kale Wasiirka Caafimaada Puntlland Bashiir Cali Biixi, oo saxaafada kala hadlay dadweynaha ku dhaqan Gaalkacyo ayaa u sheegay in ay is dejiyaan muujiyaan xasiloon amaankana la adkeeyo, Waxaa kale oouu dadweynaha u sheegay ciidanka PIS iyo laamaha kale ee amaanka gacan lagu siiyo in ay qabtaan dhagar qabayaashii dilka u geystay Wasiirka Warfaafinta Puntlland.

 

Wasiirka Caafimaada Puntlland Bashiir Cali Biixi ayaa waxaa uu si kulul u yiri kama hari doono cid dilka u geystay Warsame Cabdi Shirwac oo u jeedadoodu ay hayd in ay iska horkeenaan dadka degan Gaalkacyo iyo in amaanka ay wax u dhimaan laamaha amaanka baa ku jira baaris ee ha la sugo ayuu ku soo koobay hadalkiisa

 

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay fariisin u noqotay kooxo u jeedo badan oo dilal qorshayn u geysta dadka magaca ku leh Gobolka Mudug iyo saraakiisha ciidanka ee Gaalkacyo , Warar aan weli la hubin ayaa sheegay in dilka Wasiirku ay salka ku hayo arimo siyaasadeed oo u jeedadad ugu badan ee laga leeyahay ay tahay in beelaha wada degan magaalada Gaalkacyo uu ka dhex abuurmo dagaal beeleed.

 

Wasiirka warfaafinta Puntlland Warsame Cabdi Shirwac ayaa waxaa uu ka mid ahaa wasiiro iyo xubno ka tirsan 2 gole ee Xukuumada Puntlland oo maal mah aan ka waday Gobolka Mudug in amaanka la adkeeyo hay,addaha Dowlada Puntland la dar dar geliyo howlahooda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horseed Media

Garowe, Puntland

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowlada Puntland ayaa lagu sheegay in shir deg deg isugu yimaadeen golaha Xukuumada, kaasi oo looga hadlay dilkii maanta loo geystay Wasiirkii Warfaafinta ee Puntland.

 

Dilka Marxuum Warsame Cabdi Shirwac, Wasiirkii Warfaafinta ee Puntland, ayey xukuumada Puntland ku sheegtay mid ah dil siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu khal khal geliyo amniga iyo sumcada Puntland.

 

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Garowe, oo uu ku saxiixan yahay, Cali Bare, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in baadi goob loogu jiro raggii hubeysnaa ee falkan geystay.

 

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ayaa u qornaa sidatan:

Warsaxaafadeed.

 

Maanta oo ah Arbaco, 5/08/2009, saacaddu markay ahayd 12:30 duhurnimo,waxaa bartamaha Magaala madaxda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo fal dil bareer ah oo qorshaysan loogu geystay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsi inta.hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland,Warsame Cabdi Shirwac.

 

Ilaah ha u naxariistee,wasiirku wuxuu ka mid ahaa wefti ballaaran oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland oo Gobolka Mudug muddo bil ah u joogay hawlo la xiriira suggidda Amniga Gobolkaas.

 

Sida la ogsoon yahay, Gobolka Mudug wuxuu xuduud la wadaagaa Gobollada Dhexe ee Soomaaliya iyo Kililka Shanaad ee Dalka Itoobiya waxaana Magaala madaxdiisa Gaalkacyo hore uga dhici jirey dilal qorshaysan oo loo geysto dadka Birmageydada ah oo Dalka iyo Dadkaba waxtarka u leh.

 

Waxaa hore dilalkaasi qorshaysan loogu khaarajiyey hoggaamiye dhaqameedyo, aqoonyahano, Ganacsato iyo saraakiil dowladeed.

 

Golaha wasiirada Dowladda Puntland oo shir degdeg ah galabta isugu yimid waxa ay u aqoonsadeen inuu fal dambiyeedkaasi yahay, mid siyaasadeed oo qorshaysan cid kasta fulintiisa ha loo adeegsadeen, iyadoo loola jeedo in ammaanka, deganaanshaha iyo sumcadda Puntland lagu waxyeeleeyo.

 

Waxaa lagu guda jiraa baarista, aqoonsiga iyo soo qabashada ciddii falkaas foosha xun geysatay, isla markaana sharciga la hor keeni doono.

 

Wuxuu golaha xukuumaddu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, eheladdii, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana shacabka Puntland oo uu Wasiirku ka geeriyooday wuxuuna ilaahay uga baryayaa inuu jannatu Fardowsa ilaahay hoy uga dhigo.

 

Dhammaanteenna samir iyo iimmaan alla ha naga siiyo Ammiin Ammiim Ammiin

 

Inaalilaah wa inaa ilayhi la Raajucuun.

 

Cali Bare Jaamac Gibin

Agasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If this is true, it's good first step. PL admin headed by the president himself and the isims of the region can help defuse the situation and send a strong signal that those whom did this should be apprehended and handed over to the responsible parties.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We are waiting to see the real change from this so called Faroole. Offcourse, the death of Seefta is a tragedy, but many more have been assasinated before him....I am so infuriated by this ongoing, never ending predicament walaal. If another assasination occurs, I feel like my head will explode seriously yo..lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

the assasins are known i was told. it should be an easy matter to resolve. i hope qurunka qabiilku does not factor in to this for if it does it will be ugly

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by xiinfaniin:

the assasins are known i was told. it should be an easy matter to resolve. i hope qurunka qabiilku does not factor in to this for if it does it will be ugly

Very good point indeed Xiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^loooooooooool

 

this matter will be resolved peacefully insha Allah. the assasins did not even hide themselves, they killed the marxuum in a broad daylight infront of a popular maqaaxi. i listened VOA interviewing a Galkacyo resident he saw the ugly event from his Al Amal office

Share this post


Link to post
Share on other sites

sol boy, this is not a news article nor it's a bayyaan published on any of the somali portals. you may want to remove it, it looks like a fabricated peice

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this