Sign in to follow this  
Nasir

Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Cashar Fiican Siinno Hadii Cadowgu Isku Dayaan Inay Ku

Recommended Posts

Nasir   

Waxa maalmaha soo socda iman doona wadanka Ingiriiska wefdi ballaadhan oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin. Hadaba waxa soo baxay warar sheegaya in qaar kamida dadka u dhashay Somalia ay rabaan inay ku muduharaadaan wefdiga madaxweynaha iyo qadiyada Somaliland, arrintaasi oo dad badan oo reer Somaliland ah ka cadhaysiisey, taasoo keentay in dhallin yaro reer Somaliland ah oo degen London iyo hareereheedu isu diyaariyaan inay weeraraan hadii cadowgu isku dayaan inay sameeyaan bannaan bax ka dhan ah qadiyada Somaliland. weeraraan hadii cadowgu isku dayaan inay sameeyaan bannaan bax ka dhan ah qadiyada Somaliland. Hadaba Halganews oo la yeelatay waraysi Mustafe A Jimcaale oo kamid ah raga abuubulay dhallin yartaasi, isagoo jooga magaalada London. waxa uu waraysigii u dhacay Sidan..

 

 

S. Mustafe waxad noo sheegtaa ujeedada abaabulkiina iyo waxad rabtaan inaad qabataan ?

 

J. Ujeedada abaabulkayagu waxa weeye laba arrimood, midi waxa weeyi inaanu ka qayb qaadano soo dhaweynta wefdiga madaxweynaha iyo inaanu ka qayb qaadano banaanbaxa lagu taageerayo gooni isutaaga Somaliland. Mida kalena waxa weeyi waxanu maqalnay in cadowga Somaliland iyo hadhaagii Siyaad Barre rabaan inay ka mudaharaadaan arrinta Somaliland oo aan haba yaraatee iyaga khusayn, anagoo isu diyaarinay inaanu jawaab fiican ku siino meesha ay rabaan inay ku mudaharaadaan.

 

S. Waxa nagu maqaalo ah inaad dhallinyaro badan urursateen, gaadiidna aad kiraysateen, markaa waa maxay ujeedadiina ugu weyni ?

 

J. Anagu waxanu nahay rag iskood isu xilqaamay, kana cadhaysan wararka sheegaya inay cadowgu rabaan inay carqaladeeyaan wefdiga madaxweynaha, markaa rag iga tag kaagama tago illaa aad xoog iskaga kaxayso taasina diyaar aanu u nahay.

 

S. Ma waxaad isu diyaariseen inaad falal gacan ka hadal ah samaysaan, miyaanay taasi ceeb ku ahayn idinka iyo dadka Somaliga ku hadla oo dhan ?

 

J. Waxay ceeb ku tahay qofkii isagu xaq-darro ku socda, laakiin anagu waxanu nahay dad xuquuqdooda difaacaya, halkana waa laga yaqaan inay Somaliland iyo Somalia laba dal kala yihiin markaa iyaga ayey ceeb ku tahay.

 

S. Ma jirtaa cid gacan idinku siisay abaabulkiina ?

 

J. Ma jirto cid gacan fiican na siisay, marka laga reebo laba nin oo ganacasadayaal ah oo midi noogu deeqay 20 kaadhadhka telefoonada ah oo midkiiba yahay 3 saacadood Uk gudeheeda, si aanu ugu fushano abaabulkayaga iyo is gaadhsiintayada. Ninka kalena wuxu noogu deeqay isagoo noo kireeyey bas yar oo nooca caasiga ah oo qaada 15 qof, anagoo haysan doona mudo 7 cisho ah, waxa kale oo lanoo ballan qaaday laba bas oo yar yar, anagoo ugu talo galnay inaanu dhallin yarta ku soo gurno marka aanu maqalno inay dibad bax samaynayaan cadowgu.

 

S. Goorma ayey samaynayaan cadowga aad sheegaysaa dibad baxaasi ?

 

J. Weli maalin sugan iyo wakhti midna ma hayno laakiin wakhti kasta oo ay ka dhigaan waanu ogaan doonaa oo heegan ayaanu u nahay mudo 7 cisho ah laga bilaabo maalinta madaxweynuhu yimaad wadankan.

 

S. Dadka wada abaabulka soo dhaweynta wefdiga xidhiidh ma la samayseen ?

 

J. Maya iyaga xidhiidh lama lihin oo hawshayadu way ka duwan tahay taasi, waxayse naga codsadeen inaanu iska dhaafno wixii gacan ka hadal keeni kara, laakiin iskumaanu af garan arrintaasi.

 

S. Cid ka tirsan xisbiyada mucaaridka Somaliland oo aad xidhiidh la samayseen ma jiraan ?

 

J. Maya cid magac xisbi sidata lamaanu kulmin, laakiin mujaahidiin ka tirsanaa ururkii SNM oo dalkan jooga ayaa caawimooyin kooban na siiyey.

 

S. Maxay idin siiyeen ?

 

J. Kuu sheegi maayo

 

S Waa maxay sababta ugu weyn ee idinku dhalisay inaad abaabulkan gashaan ?

 

J. Anigu markii dalkeena dagaalku ka socday waxan ahaa nin yar, walaalkayga iga weyni wuxuu kamid ahaa ragii ku dhaawacmay dhagax tuurkii Hargeysa ka dhacay 1982 isagoo kaare dhagax kala hor tegey, markaa kuwii wakhtigaa iyagoo kaare wata dhagax lagala hor tegi jirey haday maantana iyagoo bilaa kaare ah banaanka yimaadaan waa la eegi doona wixii ay kala kulmaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nasir   

I wanted to show you guys some pics but opps didn't work, any ways, what do you think about this guys who want to pull out some teeth like a reall dentist, I mean seriously we need people like sxbkaygan la waraystay. I mean seriously this guys will never stop untill we smack them upside down... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

S. Ma waxaad isu diyaariseen inaad falal gacan ka hadal ah samaysaan, miyaanay taasi ceeb ku ahayn idinka iyo dadka Somaliga ku hadla oo dhan ?

 

J. Waxay ceeb ku tahay qofkii isagu xaq-darro ku socda, laakiin anagu waxanu nahay dad xuquuqdooda difaacaya, halkana waa laga yaqaan inay Somaliland iyo Somalia laba dal kala yihiin markaa iyaga ayey ceeb ku tahay.

 

...anagoo ugu talo galnay inaanu dhallin yarta ku soo gurno marka aanu maqalno inay dibad bax samaynayaan cadowgu.

 

...ka mudaharaadaan arrinta Somaliland oo aan haba yaraatee iyaga khusayn, anagoo isu diyaarinay inaanu jawaab fiican ku siino meesha ay rabaan inay ku mudaharaadaan.

This is not the jungle and desert's of Africa, for God's sake. This is London. Don't give a field day to news-starved, hungry tabloids of London to smear Soomaali people at large.

 

I don't want to see no two dimwits' hatred and violence kicking one another on the streets of London publicized on front pages on the next news day.

 

That is going too far, people. I thought maryooleey people have mastered the art of arguing in Diaspora, but, but, but, but resorting to this...??? Absolutely not!

 

*Sigh...* Soomaali goormee wada tashan doonaan oo conspiracies-kaan, xaasidnimadaan iyo cuqdadnimada ku jirto iska dhaafi doonaan. Goormee advantage ka qaadan doonaan their common background instead of tiniest details that disunites them.

 

Soomaaliyeey saan si ma'aha isku dhaama.

______________

 

P.S.: There are LAWS in that country they sought refuge, including a right to match peacefully. You cannot distrupt that. Save that for your tuulo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Salaan...

 

 

*
Sigh...
* Soomaali goormee wada tashan doonaan oo conspiracies-kaan,
xaasidnimadaan iyo cuqdadnimada ku jirto iska dhaafi doonaan . Goormee advantage ka qaadan doonaan their common background instead of tiniest details that disunites them.

 

Soomaaliyeey saan si ma'aha isku dhaama.

______________

 

P.S.: There are LAWS in that country they sought refuge, including a right to match peacefully. You cannot distrupt that.
Save that for your tuulo
.

ever ask yourself if those statements you site might apply to you? How do you suppose the people you are being xaasiid towards will show you love in return?

Ever heard the popular say: "Treat people as you would like to be treated"?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

while somalilanders did not disapoint in turning up in huge numbers, the bamboozle lot did not send a single goat in their name.

 

:D:D:D

 

maybe this these guys went just playing when they made those threats.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I had many life long friends attending yestuday calling me to attended and celebrate, well meaning brothers. But i was working late and in the end could only wish them well and a safe passage home.

 

The above comments however formed some of the anxeity and reasons why i chose to experience the day second hand.

 

This generation of our's is even more Qaabil orientated than one would at first think

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this