Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Appoints 18th May Preparation Committee

Recommended Posts

Hargaysa (Qaran)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Loo xil saaray Qaban qaabada xuska 17-aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka Bishan May,sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafdeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland, oo saxafda loo qaybiyay isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakda Qarannews, warasaxaafadeedkaasi oo faafaahsana oo sii sharaxaya gudida loo saaray 18'ka May waxa uu yidhi.

 

Guddidaasi oo ka kooban Masuuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:

Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali ‘’Cirro’’, Wasiirka Arrimaha Gudaha

Mudane Nuur Aamin Ismaaciil, Wasiirka Madaxtooyada

Mudane Axmed X. Daahir Cilmi, Wasiirka Warfaafinta

Mudane Eng Xuseen Maxamed Jiciir , Maayarka Magaalada Hargeysa

Mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim , Wasiirka Gaashaandhiga

Mudane Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiirka Dalxiiska iyo Hidaha iyo Dhaqanka

Mudane Siciid Cadaani Mooge , Afhayeenka Madaxtooyada

Mudane Nuux Ismaaciil Taani , Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland

Mudane Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland

 

Sidaa daraadeed, Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaasi Faray in iyada oo ay muddo yari ka hadhsan tahay 18-kii May ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan qaban qaabada Maalintaasi qiimaha iyo qadarinta weyn ka mudan shacbiga Somaliland oo ah maalintii ay la soo noqonay Qaranimada Somaliland.

 

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Gudoomiyayaasha gobollada dalka iyo Maayarada Dawlada Hoose ee degmooyinka Somaliland oo dhan uu faray in si aad ah la isaga xil saaro xuska iyo dabaal daga 18-ka May.

Share this post


Link to post
Share on other sites

gotta be a reason why African leaders cant understand the word ELECTION!!...may be we should spell it backwards to them..like this

 

NOITCELE...i can hear Ri-Yaale saying... OH yes, now i get it..lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this