Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Photos of the Somali Pirates Arrested in Sanaag

Recommended Posts

BudhcadBadeed.JPG

 

Berbera,(Qaranews)-Shan maxbuus oo budhcad badeed reer puntland iyo doonidoodii oo ay ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ku qabtay todobaadkan deegaanka shalcaw iyo gudmobiyacas oo ka tirsan xeebta gobolka sanaag ayaa shalay lagu soo bandhigay xarunta ciidanka ilaalada ee Berbera waxaana goob joogka ahaa Gudomiyaha Gobolka Saxil Maxamed Cabdilahi, Maayarka Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Carab iyo madaxda ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland oo iyagu hawlgalkani fuliyey iyagoo kaashanaya shacabka deegaankaasi ayey soo qabteen shanta nin iyo doonyar oo ay wateen sida la sheegayna qorsheynayeen falal budhcad badeednimo.

 

Taliye Ciise Mahad Cabdi oo saxaafada la hadlay ayaa yidhi "waxanu ka soo qabanay shantan nin ee budhacd badeedka ah meel u dhaxeysa degmada shalcaw iyo gudmobiyacas oo waxakala hadhay laashka oo ka qaaday shacabka deegaankaasi oo labo kamid ahna qabtay kadibna intii hadhay ayaa galay buuraha aagaasi oo waxanu ka qabanay bariga xalay saqdii dhexe ayaanu maxaabiista iyo laashkaba keenay halka, midkamid ah ayaa gacanta ka jaban sidaad arkeyseen oo waxa dhaawacay qoriga ayuu isku dhejiyey kadibna wuu jabay "

 

Taliye Ciise oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi "Hawlgalkan waxa uu qaatay mudo afar cisho ee aanu kusoo qabanay budhcad badeedan shanta ah iyo laashkoodii iyo hubkoodii waxaanu sidoo kale xeebaha oo dhan ka wadnaa baadhitaano ciidanku wado oo lagu qabqabanayo budhcad badeedan"

 

Sarkaalkan oo hogaaminayey ciidanka soo qabtay ayaa sheegay inay kooxdani hore u qabsatay doonyo Somaliland laga leeyahay, sikastaba ha ahaate maaha markii u horeysay ee budhcad badeed noocan oo kale ah la qabtay sedex bilood ka hor markii ay ciidanka policeka Berbera ay ka qabteen gudaha magaalada koox budhcadbadeed ah oo qorshaynaysay falal inay ka fuliyaan biyaha Somaliland kuwaasi oo la saaray maxkamad gobolka saaxil oo ku xukuntay mudo 15 sano ah dhamaantood waxaana la filayaa in kuwan shanta ah oo ku xidhan saldhiga dhexe ee Berbera in la soo taago maxkamad ku cadeysa danbiyadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Where are the photos JB, these are not photos sxb, these are odayaal dhaqameedyo picture.

 

 

falal inay ka fuliyaan biyaha Somaliland kuwaasi oo la saaray maxkamad gobolka saaxil
oo ku xukuntay mudo
15
sano ah

That is harsh and soo harsh, someone needs to voice their protest on this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They are there sxb ,,,, and if you say they are oday dhaqameedyo then i'm sorry to see oday dhaqameedyo doing piracy ,,, :D

 

 

The decision is not harsh according the crime they intended to do ,,, they need to be dealt in that way so that others can be warned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland, aqoonsi intey raadinayaan ayee ummadii walaalohood ahayeen oo dhan bey xabis been ah ka wada xaadiriyeen. Waxaan maqlay, wasaarada arrimaha dibada ee dalka mareykanka ayaa tiri, hadii Somaliland soo xirto ilaa shan kun oo dadkooda ah, aqoonsi waa la siinayaa.

 

Marka JB, dadaala saaxiibyaal. In fact, hadaad rabtaan burcad badeedka Puntland ku darsada--kuwaasaa u baahan ina madaxa laga garaaco oo la wada xiro ee. ;)

 

dhulQarnayn :cool:

Republic of California

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

^^^^

 

stop the calaacal boy this is what you get for crossing into the SL Republic waters.

 

 

these barbarians must be dealt with harshly.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

LOL...inta dad wada somaaliland sheegta soo qafaashataan ayaa leedahay, someone was crossing into the putrid waters of the northern clan enclave...Saaxiib ma ogid miyaa, marqaanku markuu kaa bato dad reer somaliland ah ayaa barbarian kuula ekaanayah...lol :D

 

isi soo wada xira...the magic number is 5000 individuals and recognition is yours. ;)

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Here we go now, when I watch that segment on places that don't exist. Somaliland takes the camera crew to a jail, pull out three guys that looking malnourished and say these guys are Al Qadea. Everyone with have a brain new they were full of it. And of course they came from the South, no bad people ever come from the tribes of Somaliland. The assasinations of foriengers, bombings all Southerners, no locals help them.

 

Now the Pirates are in the news and Somaliland show pictures of 5 guys they arrested. Basically saying "Look at us, look at us, we are a nations we are fighting and arresting just like you".

Keep the bogus pics up! Anyone knows the majority of the high profile attacks take place in the indian ocean or where it meets the gulf of Aden, that's why Eyl is the major base.

Stop the nonesense and concentrate on pressuring your President to hold elections.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this