Sign in to follow this  
Maaddeey

Khilaaf 'Ahlusunnah' dhexyaalla oo heshiiska ku saabsan

Recommended Posts

Maaddeey   

Shabelle: CAABUDWAAQ

Masuuliyiin ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka soo horjeestay heshiiskii shalay Magaalada Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda KMG iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

 

 

Xoghayaha arimaha dibada ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Bashiir Cabdi Colaad oo isagoo ku sugan Magaalada Caabudwaaq la hadlayay qaar ka mid ah bahda Warbaahinta ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo qaabka uu u dhacay heshiiskii shalay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda KMG ay ku gaareen Magaalada Addis Ababa.

 

 

 

Sheekh Bashiir Cabdi Colaad waxaa uu sheegay in heshiiskaasi aanay aheeyn mid ay u dhanyihiin culumaa’udiinka Ahlu Sunna waljamaaca isagoo ku tilmaamay heshiiskaasi mid dabada laga riixayo.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in arinkaasi ay ka soo horjeesteen Masuuliyiin badan oo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca hase ahaatee loogu caga jugleeyay sida uu sheegay in xabsiyo kuyaala Ethiopia la dhagiyo hadii aysan ogolaan heshiiskaasi waxaana uu masuuliyiintaasi ka tilmaamay Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna,xoghayaha arimaha dibada oo qudhiisa ah iyo Masuuliyiin kale.

 

 

 

Sheekh Bashiir Cabdi Colaad ayaa sheegay in iyagu aysan ka soo horjeedin in lala heshiiyo dowladda KMG ee Soomaaliya hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in ay qaldantahay qaabkii loo maray heshiiskii Addis Ababa isagoo dowladda Ugu baaqay in ay miiska wadahadalka haatan la soo fariisato.

 

 

 

Dhinaca kale Shir jaraa’id oo maanta Magaalada Caabudwaaq ay ku qabteen xubno ka tirsan golayaasha Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay taageersanyihiin go’aankii Xoghayaha arimaha dibada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca uu ka qaatay heshiiskii shalay ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaali waa sunta hargaha in ay hal wax ku heshiiso laga waa waayaab tolow kuwanina ma jagooyin bay kala boobeen, mise alla bari (sab sida reer xamarku u yaqaan) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Originally posted by Shaakirullaah:

Reportedly, they have even deployed them along clan lines as a result of this disagreement.

Tells you all you need to know about the so-called Islamic movements in Somalia. General Duke was right all along, I must admit.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well obviously, this shaky alliance of convenience backed by Ethiopia and made up of graveworshiping mushrikeen, secular warlords and tribal militias

has nothing to do with islam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

Originally posted by Gheelle.T:

^If like other ism are any better!!

Well it depends how you define better. It also another debate for another day. In any case, when this group is defeated I propose that they should be made to herd goats and sheep. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Is it "when" or "if" they are defeated? As it stands now, Somali conflict will remain the same for near future and no group will ever defeat the other. So let it burn let it burn bro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is not a big deal. This is essentially a political grumble, not an ideological one. When it’s time to divvy up the five ministerial assignments and other positions, especial attention will be paid to Caabudwaaq complaints

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Sh Bashiir: Waxa uu ahaa Shirqool

 

 

Xubin ka tirsan ururka Ahlu Sunna, Shiikh Bashiir Cabdi Colaad oo ah xoghayaha arrimaha dibedda ee Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa ku tilmaamay heshiiska dhexmaray dowladda iyo Ahlu Sunna mid Shir qool ah.

 

Shiikh Bashiir oo haatan jooga magaalada Caabud-waaq ayaa BBC u sheegay in wafdigii ka baxay dhinacooda Ahlu Sunna Wal Jameeca, loo diiday inay hadlaan oo loogu hanjabay in xabsiyada loo taxaabayo.

 

Waxa uu sheegay in Maxamed Xuseen Awliya oo ka tirsan Ahlu Sunna loo shaagay in aanu hotelka ka bixi karin.

 

Maxamed Maxamuud Aw Libaax oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha fulinta Ahlu Sunna, ahna isna loogu hanjabayin xabsiga la galin doono.

 

Waxa uu sheegay in heshiiska uu ahaa mid lagu qasbay xubnaha halkaasi ka jooga, isagoo intaa raaciyay in aanay jirin wax cad oo dowladda Soomaaliya ay kula heshiiyeen.

 

Afhayeenka Ahlu Sunna Abbuu Yusuf ragga loogu hanjabay in la xiri doono

BBCSomali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this