Sign in to follow this  
General Duke

Pressure on Hiiraale from Mogadishu

Recommended Posts

Barre Hiiraale oo Muqdisho culeys adag looga saarayo in uu Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Maxamuud ka eryo magaalada Kismaayo

 

Axad, July 03, 2005(HOL): Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Xukuumadda Federaalka, isla markaana madax ka ah Isbaheysi maamula Jubbooyinka ee Dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa la sheegay in culeys adag lagu saarayo in uu dhaqsi uga eryo magaalada Kismaayo Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo todobaadkii hore magaaladaas ka sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ay ku saxsan yihiin go’aankooda ah in aan la tegin karin magaalada Muqdisho.

 

Wararku waxay sheegayaan in Xildhibaano ku sugan magaalada Muqdisho ay xiriir dhinaca Isgaarsiinta ah la sameeyeen Barre Hiiraale, isla markaana ay u sheegay in uu kala doorto in uu Cali Baashi ka eryo magaalada iyo in uu raaligelin ka bixiyo hadalkii uu jeediyay, iyadoo haatan laga war sugayo jawaabta uu ka soo bixiyo Col. Barre Hiiraale oo ku eg ilaa todobaadkan, wuxuuna mid ka mid ah Xildhibaanadaas uu sheegay in haddii jawaab laga waayo ay u qaadanayaan in uu raali ka ahaa shirka Jaraa’id ee uu Cali Baashi ku dhex qabtay magaalda Kismaayo.

 

Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo horay uga soo horjeeday fikradaha ay magaalada Muqdisho ka qabaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa todobaadkii hore ka sheegay magaalada Kismaayo in hadalkaasi uu ahaa mid ay ku saxsan yihiin, isla markaana magaalada Muqdisho ay tahay meel aan lagu shaqeyn karin oo ammaankeedana uusan hagaagsaneyn. Lama oga waxa rogay fikirkii horay u aaminsanaa Xildhibaanka, waxaase loo maleynayaa in uu ka mid ah xubno dhowr ah oo ka tirsan xubnaha gole ee Muqdisho, kuwaasi oo uu Ra’iisal Wasaare Geedi si hoose ula hadlay mar uu booqasho ku tegay magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hiraale doesn't care he is a flip flop just like any warlord, so he will do whats best for him.

Excuse me? Flip flop? :D Allah beerka....waryaa Mudane.Col.Bare Aden Shire (hiiraale) controls kismayo with his kinsmen from western galguduud, and we all know that they can't be intimidated easily.

 

 

---------------------------------------

Qaar ka mid ah xildhibaanada ku sugan Muqdisho oo eedeyn u soo jeediyey xubna isugu jira wasiiro oo howla maamul u sameyn ah ka wada gobolada Jubbooyinka qaarkood.

 

July 03, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Qaar ka mid ah xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u soo jeediyey xubna isugu jira wasiiro oo howla maamul u sameyn ah ka wada gobolada Jubbooyinka qaarkood.

 

Qaar ka mid ah xildhibaanada magaalada Muqdisho ku sugan oo ay ka mid yihiin xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow, C/fitaax Ibraahim Rashiid iyo Cismaan Aadan Dhuubow ayaa eedeyn u soo jeediyey xubna isugu jira xildhibaano iyo wasiiro oo iyaga howla maamul u sameyn ah ka wada gobolka J/dhaxe gaar ahaan degmada Bu’aale iyo deegaanada ku teedsan oo ay sheegeen in xubnahaas ay ka wadaan qorshe maamul oo ay ugu sameeynayaan kaasoo ay qeexeen inuu yahay mid qabyo ah oo aan loo dhameyn islamarkaana qas iyo qalaanqal ku keeni kara bulshada halkaas degan.

 

Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow oo ka mid ah xildhibaanada Muqdisho ku sugan ee eedeyntaas u soo jeediyey xubnaha maamul u sameynta ka wada J/dhaxe ayaa sheegay in xubnhaas ay howlihii ay halkaas ka qaban lahaayeen sharuud looga dhigay in marka hore ay keenaan xubnaha kale ee xildhibaanada ee iyaga deegaanka u dhashay ee ku sugan magaalada Muqdisho si howlaha maamul u sameynta gobolka J/dhaxe ay u noqoto mid dhameystiran.

 

Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow waxa uu intaas ku daray in xubnaha labada gole ee dowladda ay isku hayaan dhinaca afkaarta sidaa awgeedna aaney suuragal aheyn in kooxa gooniya ay u sameyso maamul deegaano dadkii la lahaa ama ay howshiisa kala dhaxeeyaan ay baarlamaanka ku wada jiraan.

 

Xildhibaan Cismaan Aadan waxa kale oo uu tilmaamay in aanu wax xiriir ah iyaga la samaynin xubnaha wasiirada iyo xildhibaanada halkaas ku sugan balse ay la hadleen dadka deegaanka oo ay u sheegeen inayan ku degdegin sida uu sheegay qorshayaasha aan dhamaystirnayn ee la doonayo in gobolkaas J/dhaxe laga hirgaliyo

-----------------------------------

ADMIN THIS IS A RELATED ARTICLE, IT HAS QABIL NAMES BUT NOTHING OFFENSIVE OR ANYTHING CLOSE TO IT JUST SOME INFORMATION.

 

 

Waryaa Duke Jubbaland is being made as we speak and unlike Puntland we are treating everyone equally, even our kinsmen from GOLDOGOB.

 

Ujeeddo: Ogeysiis Muhiim Ah Guddiigga Qabaa’ilka Tanade ****** Ee Wax Ka Dhisi Doona Maamul Gobaleedka Laga Sameyn Doono Kismanyo Iyo Goobo Kale

 

Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade Waxuu idin ogeysiinayaa iney qabaa’ilka Tanade ****** soo xulay guddiggii uga qeybgali lahaa hanaanka dhisida maamulka cusub ee laga hirgelin doona gobalka Jubbada Hoose iyo meelo kale.

 

Guddigga Qabaa’ilka Tanade ****** ee arrrinta dhismaha maamulka cusub loo soo xilsaaray waa sidan magacyadooda:

Deegaanka Ay Joogaan

1. Dr. Faarax Cabdi Giir kismanyo

2. Mudane Cismaan Caato Kismanyo

3. Mudane cabdiraxmaan Axmed Ciise kismanyo

4. Eng. Qaasim Axmed Nuur Kismanyo

5. G/Sare Cabdikariim Shiikh kismanyo

 

Guddiiggaas kor ku xusan ee Qabaa’ilka Tanade ****** waxaa soo magacaaway Guddigga Siyaasadda ee Qabaa’ilka Tanade ****** kuwaasoo kala ah sidan:

 

Deegaanka Ay Joogaan:

1.Garaad Maxamuud Yuusuf Xassan (Afar Indhoot) Nairobi

2. Mudane Maxamed Maxamuud (Weekiyo) Nairobi

3. Eng. Yuusuf Axmed Ciise (Kule) Nairobi

4. Mudane Cale M. (Cali Eelay) Nairobi

5. Guddoomiye Cabdiqaadir Ismaaciil S. Warfa, (Janno-gale) Nairobi

6. Mudane Cali Jaamac (Cali Gabay) Nairobi

7. Marwo Hawo M. A Nairobi

 

Guddigga Siyaasadda Qabaa’ilka Tanade ****** Ee Dowlada Isu-tagga Ku-Meel-Gaar Ee Soomaaliyeed Kuwaasoo Ayaguna Ansixiyey Shantaas Xubnood ee maamulka Cusub Waxka Dhisi Doona:

 

Xildhibaan/Wasiir cali Ismaaciil Cabdi Giir

Xildhibaan/Wasiir Ku-xigeen Cabdilaahi Cabdille (Azhari)

Xildhibaan Cali Muumin (Cali Feera-weyne)

Xildhibaan Xido Faarax.

Ugaaska Qabaa’ilka Tanade ****** Sareyntiisa Mudane Ugaas Axmed Ugaas Maxamed.

 

Mudane Cabdiqaadir Ismaaciil S. Warfa (Janno-gale)

Guddoomiyaha Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade

 

Tel: 254-6761266

Mobile: 254-723937501 (For Interviews & Comments)

Mobile: 254-724467796

Section II 9th Street

P. O. Box 68772, Nairobi-Kenya

Email: Somaliauthor@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^^Do you read what you write? Hiiraale necbow ama kasii necbow, waxaad ka dahi kartid majirto except that he defends against agression.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yes he is a flip flop, why? Because all warlords change sides like how a girl changes her clothes depending on the latest fashion.

They might do that, but aren't you worse than them because your on SOL talking about them 24/7 ?

 

 

For once I agree with Hiiraale, it seems he is gaining his indepence from the Mogadishu group and thats some development.

:D AND WE CARE?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barre Hiirale is the biggest puppet in Somali politic

 

Barre Hiirale is brought by South-Mogadishu in Kismayo He is maintained by S-Mog in Kismayo. He is nothing without S-Mog. All though that the military power of clan is everything in the negotiations with others clans and Barre Hiirale’s crew military power are nothing compare with his allies. but because it is Kismayo He got one powerful toll and that his allies need, is his clan’s name. Still he was outsmart by South-Mogadishu just look at the previous years each year S-Mog challenges his authority and come with weird move.

 

Maybe Barre Hiirale is sick of being treated by his allies this way and he wants a new round of negotiations that’s why I think he threats (still on a small scale) with he will join C/laahi/Geedi Wing

 

 

------------------------------------------------------

 

Barre Hiiraale:Maalinka la is qabto ayaa la ogaan doonaa dhanka aan la safanahay labada garab ee dowladda.

 

Waaga Cusub News Online, kismayo

 

Barre Adan shire hiiraale oo ah Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda federalka KMG ah ee Somaliya ayaa markii ugu horeeysay shaaca ka qaaday in siyaasadiisa la ogaan doono maalinka ay is qabtaan labada garab ee dowladda Somaliya u kala jabtay maalinkaas oo lama huraan ay tahay inuu midkood la safto .

 

Barre Hiiraale oo shabaakadaha Waagacusub iyo Gobanimo ugu waramayay Magaaladda Kismayo wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuusan mashquul ku ahayn xanta suuqa taal iyo hanjabaadaha huwan intaba balse uu raacayo halbeega siyaasadiisa qotoda dheer.

 

Gudoomiyaha Dooxadda Jubba Mr Hiiraale wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta garabka Xisbigga midig ee ku sugan Muqdisho hasse ahaatee bishii la soo dhaafay waxaa soo ifbaxayay shaki baaxad weyn oo laga qabo kaas oo lagu tilmaamayo inuu la saftay dhanka Xulufadda Madaxweyne Yuusuf.

 

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa waxay leeyahiin hadii Barre hiiraale qaadaco garabka Dowladda ee muqdisho siyaasadda ay ku duulayaan waxaa dhici karto in si sahal ah maamulkiisa dooxadda Jubba loogu gacan geliyo Jeneral Morgan oo kaashanaya Yuusuf Mire Seeraar oo ah ku xigeenka Barre hiiraale.

 

Nasteex Cabdi Dahir .

 

Kismayo Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn, hate is too emotive a word. I can only judge a man by his actions. Today if he[Hiiraale] stands firm then I agree with him. No need to get emotional dear lads. It seesm the Gedo boys are on board with the TFG, Bixi, Madoobe, and now Hiiraale great development indeed...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Specualtions are free , but reality is what counts here, to this minute Hiiraale is same old Hiiraale ,

The leader of the JVA and everything points at he´ll remain so .

 

Yey has nothing to offer Hiiraale,Nothing of intrest ,and Hiiraale is not a sell out ( a man of firm , solid charecter).

Morgans´s presence in Mogadishu doesn´t soly anger Hiiraale , many from Guriceel are very disappointed too.

that is why the JVA is the strongest ally in Somalia´s otherwise clan based allaiance.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

JAAJUS

 

Thanx for sharing.

 

DUKE-

 

Sxb you talk about standing firm? Honestly when has Hiiraale ever swayed from any of his positions? Give me one example of him involving himself in the political pawn games that are going on? One example of him falling in line with the two major camps that are tramping on our hopes for a government? Give me one example of him being anything but true to his political conviction?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Horn, me and you have never agreed on Hiiraale in the past and the actions of the JVA, however I must comment his actions of late. I kid you not on this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Waa kuu daayay, but nothing has changed. He is as he has always been.

 

 

Tani ma ilawday?

 

Though I suppose Morgan's defeat after defeat were tad bit too ego-shattering? War I kid you. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Really Hiiraale is under pressure?!?

 

Well the fact is with or with out mogadishu the J.V.A will control Kismayoo, I mean duke you are a general do such simple military operations escape you, I mean your campaigns where such effective models for what is going on in Kismayoo.

 

1. The J.V.A needs no one to control kismayoo.

2. The J.V.A are as independent as ever in making rapprochment with whom they will ( including The boys from Bari} which is what in the end General really wanted us to realise.

 

Anways if I have noticed anything on these boards is the patronising view of the J.V.A in assuming the cant go to the Loo with out the help of mogadishu, that they cannot make their own descision's, and that finally they will throw themselves at the feet of yeey and his minions waiting for wise leadership and benevolence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn Afrik no thanks bro keep supporting adeer Barre Hiiraale the biggest puppet of Somali politic by the way thanks for providing prove for my statement LooooooL here You come with a battle where they (South-Mogadishu) embarrass Barre Hiiraale in front of entire Somalia. I can 100 percent understand why Barre Hiiiraale did not want to come to Nairobi after the Dhoobley incident

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this