Sign in to follow this  
General Duke

Is Geedi in trouble??

Recommended Posts

In ka badan 160 Xildhibaan oo isku Baheystay in aysan Codsiin Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ku dhawaad 160 Xildhibaan oo ka kooban beelaha Soomaalida ku heshiiyan in si wada jir ah uga soo horjeestan Cali Maxamed Geeddi, iyagoo kala dagaalamaya in aan Baarlamaanka codsiin Siyaasigaas oo Mar labaad xilka Wasiirka koowaad ee dowladda federaalka loo soo magacabay.

 

Xildhibaanadan ayaa la sheegay in ay wadaan qorshahaas oo ka dhanka ah Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxaana la sheegay in ay ku dadaali doonan in Mr Geeddi uu kalsooni ka waayo Baarlamaanka,in kastoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Saraakiisha Kenya iyo Itoobiya wadaan dadaal ka duwan midka ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

 

Dhanka kale Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka dhawaajiyay in Maalinta Arbacada la horkeeni doona Baarlamaanka Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi si kalsooni looga raadiyo, wuxuuse diiday inuu wax hadal ah ka bixiyo rajada laga qabo in Baarlamaanka Kalsooni siiyan Cali Maxamed Geeddi.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo mar kale dib u dhigay

inuu Baarlamaanka hortago

 

Kulan la filayay in ay Maanta yeeshan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka laguna waday in ay ka soo qeybgalaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay in mar kale dib u dhacay, kulankaas oo qorshihiisu ahaa in Kalsooni loo weydiiyo Baarlamaanka Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi oo arrimihiisa muran badan ka taagan yihiin.

 

Wararka ka imaanaya Nairobi ayaa sheegaya in ay weli socdaan kulamo is daba joog ah oo arrimahaas looga hadlayay, waxaana la sheegay in wadahadaladaas ay sii socon doonan Labada Maalmood ee soo socda sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah Saraakiisha dowladda.

 

Cali Maxamed Geeddi ayaa la sheegay in wadahadalo uu la yeeshay Beesha ****** kadib la xaqiijiyay in kalsooni hoose ka helay beeshaas, laakiin ma aha mis sidaas u weyn, wuxuuna wadaa kulamadiisa kala duwan ee uu la yeelanayay beelaha kale ee soomaalida.

 

Dadaalka loogu jiro in Prof. Cali Maxamed Geeddi taageero looga raadiyo Baarlamaanka ayaa u muuqda mid intiisa badan ku dhamaanayo fashil, iyadoo Xildhibaanada ku doodayan in Ra’iisul wasaaraha ku xadgudbay Sharafta Baarlamaanka soomaalida, waxaase la ogaan doona Maalmaha Arbacada iyo Khamiista oo la filayo in Baarlamaanka fadhi yeesho.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dib u sii laabanaya tageeradiisii Ra'iisal wasaare Geedi

Nairobi

 

Madaxweynaha KMG ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa laga dareemay is bedel weyn oo ku aadan ra’iisul wasaaraha uu markii labaad soo magacaabay isagoo gabi ahaanba joojiyay taageeradii iyo ololihii uu siinayey.

 

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in C/llaahi Yuusuf uu albaabada ka xirtay taageerada ra’iisul wasaaraha oo xilligan maraya xaalad adag isagoo dedaal ugu jira inuu ka dhaadhiciyo xildhibaanada beelaha Soomaaliyeed kalsooni ay siiyaan.

 

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynaha uu badalay fikirkiisii isla markaana uu doonayo kalsooni la’aan ku timaada Cali Maxamed Geeddi si uu u magacaabo shaqsi kale oo booskiisa lagu badalo, laakiin waxaa horey looga hayey codsiyo kala duwan oo xildhibaanada baarlamaanku si toos ah uga dalbanayo in ay kalsoonidooda siiyaan ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabay.

 

 

Madaxweynaha ayaan wax tallaabo ah u qaadin maalmihii ugu danbeeyay in uu dhinac ka galo hardanka xoogga leh ee ka socda Nairobi oo la isku heysto kalsooni siinta iyo ridista ra’iisul wasaaraha, isagoo gabi ahaanba iska joojiyay shirarkii faraha badnaa iyo la kulanka xildhibaanada.

 

 

Ku noqo beejka

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

 

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul wasaare Geeddi oo lagu soo oogay kiis ku saabsan Khiyaamo Qaran iyo warar kale

 

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo markii labaad jagada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay isla markaana loolan adag ugu jira in uu codka kalsoonida ka helo baarlamaanka oo hore u riday xukuumaddii uu soo dhisay ayey soo baxeen ol-ole ka dhan ah oo shaqsi ahaan lagu dilayo, loogana gol leeyahay in aanu kalsooni helin.

 

 

Fadeexadda cusub ayaa ku saabsan shirkad uu xubin kayahay oo laga dhisay dalka Itoobiya oo qaabilsan khayraadka xoolaha, mashaariicdeeduna ay ka mid yihiin dhoofitaanka hilibka xoolaha looguna talagalay in xoolaha geeska Afrika lagu qalo hilibkooduna loogu dhoofiyo caalamka kale iyadoo Cali Maxamed Geeddi ka mid yahay xubnaha aasaaska u ah saamiley howshaasi wadda.

 

 

Dukumenti qeexaya howshaasi iyo ka mid ahaanshaha mashruucaasi oo xisaab banki uga furan yahay baanka dhexe ee dalka Itoobiya ayaa la wareejinayaa magaalada Nairobi iyadoo xildhibaanada intooda badan la tusiyay, waxeyna taasi ka mid tahay ol-olaha looga soo horjeedo dib u soo laabashada Cali Maxamed Geeddi.

 

 

Xildhibaanadda Caasho Axmed Cabdalla ayaa markii ugu horreysay soo shaac bixisay fadeexaddan iyadoo sheegtay in dukumentiyada caddeynaya laga heli karo TNG iyo safaaradda Yeman, iyadoo dacwad liddi ku ah ka qortay dowladdii Carto, laakiin kiiskan oo lagu tilmaamayo in uu yahay khiyaamo Qaran ayaan la ogeyn saameynta uu ku yeelan karo jagada ra’iisul wasaaranimada ee Cali Maxamed Geeddi kalsoonida u doonayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

hehehhehe what joke of a government indeed a sorry state of affairs but then again what do you expect from something that was bodged up in pigs farm by ethopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^^ haddii aadan jecleyn dowladdan, dee waanu ku ognahay, anagay dowlad noo tahay haddii meel doofaareey lagu soo dhisey iyo haddii kaleba inagaa ku jecel ee xishmada muuji oo qaab siyaasad ku dhissan u hadal kolkaad jawaab celinayso, weger naw gaw baw gagagac jaqjaq ugur kaw kaf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi with all due respect wont survive at least from the news that I am getting, and he is only an individual. We need an able PM who can convince the Parliment of his agenda. Its not about giving people ministers its about the visiona and political ability one has. Geedi has failed his own subclan let alone the other 260 MP's.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its not about giving people ministers its about the visiona and political ability one has.

I don't think that is the case; vision and ability are not the words that associated with our parliament. If Gedi failed so did the president who appointed him in the first place and the parliament as well. The problem goes beyond Mr. Gedi, its inability for the Somali so called somali political leaders to compromise and also act as an independent from their foreign mentors. I don't see how anyone can convince 275 people whom their personal interest (almost all want to become a minister) to vote for government that can have maximum of 80-100 ministers/their juniors (any less may work perfectley but won't get support from the mps).

 

I don't know how on earth he can find the necessary votes if there are no political parties, no united tribes, no interest groups etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If he comes with a reasonable number of ministers and divides it with 4.5 and further allocates the minister positions according to the respective clan's will and current division in the parliament and provides a respectful share to the females, he'll have nothing to worry about.

 

I commend his inclusion of militia leaders as ministers. If we like it or not, we can't ignore them. Same thing goes for Sland. I agree with Abdullahi Yusuf and Ali Gedi that it's not fair to lure Sland with extras, yet surely they deserve better than what they got in Ali Gedi's first cabinet.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gheedi is not in trouble,He is a deadman walking. Do you seriously think he will briskly walk into Xamar & take over madaxtooyada?

 

Point is, The man doesnt have a brain of his own to think he is a door knob for other elements who do not know the mathematics of somali politics,so 9/10 times he is gonna do the same thing he done dids before and do something silly. Fck him & all the xabashi lovers

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this