Sign in to follow this  
Jacaylbaro

XUSKA MAALINTA SHUHADADA SNM - 17 OCTOBER

Recommended Posts

DAGAALKII DHABARKA 17kii October 1984

 

 

17 ka Oktobar 1984 Waa maalin ku astaysan maalmaha taariikhda aan la hilmaami kkarin ee halgankii xaq u dirirka dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed ee SNM Waxay ahayd maalin kawsatay sadex mucjiso oon marna cid ka jawaabta la hayn ilaa maanta kuwaas oo kala ahaa ahaa sidan:

 

1.Ciidamada xaq u dirirka dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed oo tiradoodu aad uga hoosaysay kuwa mujrimiintii qasbanaa ee taliski siyaad bare.iyadoo goobtaas burco duuray ay isku haleeleen sadex urur oo SNM ah oo tira ahaan dhamaa 340 iyo ku dhawaad 2500 oo ciidamadii qasbanaaa ee taliskii siyaad halkaas oo ay ka dhacday wax aan maanta laga sheekayn Karin.

2.Ciidamadii qasbanaa waxa ay wateen oo wehel u ahaa ku dhawaad 100 tikniko ah ama gawaadhida gaashaaman ee ciidamada.

3.Xabada ugu horeysay waxa ay bilaabantay 2dii duhurnimo ee maalintaas goobtuna waa qaaxo oo ,halkaas oo ciidamada qasban ee taliskii siyaad wateen inay soo qabqabtaan xaq u dirirka maxaase ka raacay.

4..Isla maalintaas waxa hawd ka bilaabmay dagaal kaas oo lagu soo qaaday beelahii SNM Taageeri jirey ,dagaalkaasoo ay ka qayb galeen ciidamo ka yimi muqdisho kuwaas oo hawlgal midaysan la wadaagayey kuwa ka soo duulay hargeysa iyo qaybtii 26aad iyadoo si cad loo kashifay dagaalka hawdka lagana soo qabtasy ciidamo ka diiwaan gashan taliskii qaranka somaliya balse uu maamulkaas jirey markaasi abaabulay

maxaase dhacay……?

 

Waxa dhacay waxa aan hore loo arag loona maqal waxa goobtii dagaalku ka bilaabmay 2dii waxanu socday ilaa 6dii ,waxa ku naf waayey mujaahidiin dhan 33 hal;ka ciidankii qasbanaa ay ku bakhtiyeen 1200 oo askarqasban ah . Isla markaana ay ciidamada dhaqdhaqaqa SNM ay ku gubeen goobtaas 13 gaadiidka ciidamada ******ta ee loo yaqaanay bebega maydkooda la saaray bilcilka burca duuray oo ilaa maanta laga arki karo raqdoodii

Ala haw naxariistee dhamaan mujaahidiintii SNM ee hawl galkaas fulisay waxa lagu aasay dhamaan magaalada Rabaso .

Dagaalkan ay soo abaabushay qaybtii 26aad ee ciidamadii qasbanaa waxa u jilib dhigay 340 mujaahid oo hogaanka uu u hayey rabi haw naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye(LIXLE) Isagoo mujaahidku isla goobtaas ku shahaado qaatay ,halka ciidanka ay is heleen ee cadawgu dhamaa 2500 oo askar qasban ah kuwaas oo ilaa maanta goobtii ay ka muuqato calaamadahii jabka ee ka gaadhay goobtaas lagana arkin karo gaadiidkii iyo lafahii maydkii ciidankii qasbanaa ee maalintaas guul darada qaatay,

 

Waxa xusid mudan oo aan marna la hilmaami Karin tirade gaadiidka gaashaaman ee cadawgii siyaad laga gubay isla maalintaas halka aan ciidankii xaq u dirirku wadaniga ee SNM Haysan wax tikinko ah haba yaraatee oo u dhiganta ta ay wateen ciidankii cadwga ee maalintaas waxa kale oo aan la hilmaami Karin in maalintani ahayd maalintii ciidankii SNM iyo cdii taageeri jirtayba aqoonsadeen in BEBEGA la gubi karo iyadoo lagu xasuusto mujaahid xaamud sabanle oo isla goobtaas ku shahiiday maalintaas ahaana mujaahidkii u iftiinshay SNM in BEBEGA la gubi karo(Ifkuu xaamud daariyo darban baan ku dhaatee)(XAQAA HIILIYEE XOOG KUGUMA RIDIN)

 

 

Mukhtar Hassan Abdulahi,(gucuse 9)

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,

Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,

Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,

Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,

Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,

Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

 

 

Gud-gude, Hadraawi, 1990

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

These guys remind me of those Palestinian political factions that declare every prick with a suicide belt to be a shaheed even if he's fighting for a communist militia.

 

Taking up arms on behalf of your clan or to protect khat trucks is not jihad. Create a unique title for those drug barons but shaheed is a bit of a stretch, and if I'm correct that's religious blasphemy. I don't see how those guys are different from the USC militia or the Somali government troops who fought in those wars. I guess every moron sees his local town hero as a shaheed. In that case, my buddy who was sent to prison for dealing crack is also a martyr and my other buddy who leads a local gang is Amir al-Mumineen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Shuhado beel, ciidamo beeleed qabyaalad u diriraayo aa mujaahidiin la leeyahay!, war magac kale raadso!.

1.Ciidamada xaq u dirirka dhaqdhaqaaqa wadaniga
soomaaliyeed
...

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Calanka ciraaq ay korka kaga sawireen baa ka sii daran :D:D

If one of those men comes back today, he would be like "WTF! Where is the blue flag?"

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Jacaylbaro:

Zack, the Spokesman of reer aakhiro ...
:D

:D:D . Adigu u don't call aakhiro miyaa? The area code is 0000.

 

On a serious note, these men would have no idea what this Iraqi-like flag is all about. Midda kale, easy on over-using the term "Mujahid". Use more of "reer difaacayaal".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this