Sign in to follow this  
Suldaanka

Baaq Beesha Degmadda Xuddun

Recommended Posts

SOO MAAL   

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Qaybe Oo Caddeeyay Inuu Aaminsanyahay Midnimada Somaliweyn

Hargeisa ,Somaliland

4 January, 2005

Somaliland.org

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Qaybe Oo Caddeeyey Inuu Aaminsan Yahay Midnimada Soomaaliya

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 3 January, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa markii u horreysey caddeeyey inuu aaminsan yahay in la soo celiyo midnimadii Soomaaliya.

 

“Waan aaminsanahay midnimada Soomaaliya,†ayuu yidhi Mudane Qaybe oo lagu waraystay barnaamujka HAL-ADAYG ee Telefishanka Madaxa banana ee Somaliland, isaga oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan ra’yiga ay dad badan oo reer Somaliland ahi ka qabaan mudane Qaybe oo ah inuu aaminsan yahay Soomaali weyn oo aanu daacad u ahayn Somaliland.

 

“Sideedaba midnimadu wax wanaagsan weeye, laakiin, waa inay caddaalad ku salaysan tahay,†ayuu raaciyey.

 

Waraysigaas oo ka baxay Telefishanka SLTV habeenkii Axaddu soo gelaysey, ayaa mudane Qaybe si saraaxi ah ugaga jawaabey su’aalo badan oo laga weydiiyey aragtidiisa siyaasadeed, xaaladda waqtigan Somaliland marayso iyo khilaafaadka ka taagan golihiisa ee ka dhashay xeerka loo diyaarinayo doorashada Golaha Wakiillada ee lagu wado inay qabsoonto dabayaaqada bisha March.

 

Isaga oo jawaabta su’aasha la xidhiidha mabda’iisa midnimada sii watana, waxa uu yidhi, “Mabda’iyan midnimadu waa wax wanaagsan, laakiin, “practical†ahaan waa inay caddaalad ku salaysnaataaâ€.

 

Mudane Qaybe oo la weydiiyey; Markaa guddoomiye, haddii dadku aqbalayaan in Soomaaliya lala midoobo mar kale, [adigu] waad ku talin lahayd?†Waxa uu yidhi,

 

“Anigu shakhsi baan ka ahay Somaliland, wixii ummadda Somaliland doorato ayaan ka mid ahay. Midnimo caddaalad ku dhisan oo shacbiga Somaliland qaato waxba kama qaboâ€.

 

Mudane Qaybe, waxa uu waraysigaa ku caddeeyey in haddii doorashada Golaha Wakiillada ee loo muddeeyey bisha 29 March ay qabsoomi kari weydo, isla markaana mudada loo kordhiyo golaha hadda fadhiya in aanu isagu kasii mid noqonayn golaha, marka mudada xilkiisu dhammaado bisha May.

 

Guddoomiyuhu waxa uu ka jawaabey su’aal la weydiiyey oo ahayd, “maadaama adiga oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, aad sidaa u hadlayso [arrinta midnimada] miyaan la odhan karin raalli kama tihid in doorashadu si cadli ah dalka uga dhacdo? Waxana uu yidhi,

 

“Waxaan raalli ka ahay inay si caddaalad ah u dhacdo [doorashadu]â€.

 

“Midna waan kuu sheegayaa,†ayuu yidhi Qaybe, “Haddii doorashadu wakhtigeedii ku dhici weydo oo la yidhaahdo Golaha Wakiillada waa loo kordhinayaa, aniga bisha May ee 2005 ayay igaga egtahay, xataa haddii Wakiillada loo kordhiyoâ€.

 

Guddoomiyaha Wakiillada, mudane Qaybe oo beryahanba la hadalhayey inuu socdaal ugu baxayo dibadda. Waxaana jira tuhun had iyo goor ka dhasha socdaaladiisa dibadda oo ay dadka qaar ku tilmaamaan inuu u baxo ama ka shaqeeyo hagardaamada Somaliland, isla markaana uu bixiyo xogo iyo tallooyin u adeegaya mabda’iisa midnimada Soomaaliya, kuna lid ah Somaliland. Balse, Qaybe, wuxuu wararkaas u beeniyey si cadho leh.

 

“Waxa jirtey wakhti aanan Somaliland aaminsanayn oo aan albaabo badan ka soo xidhay,†ayuu yidhi.

 

“Taana waxa igu kellifey dad sidaa u hadlaya. Cid Somaliland igu khasbaysaa ma jirto. Haddii aan doonayo inaan Somaliland ka hor imaaddo waan ka horimanayaa,†ayuu raaciyey.

 

Waxa uu sheegay in Maraykan ay ugu dambeysey 1999kii mar uu Madaxweynihii hore, marxuum Cigaal safar u raacay, Ingiriiskana horraantii 2004 oo iyadana u raacay wefti Madaxweyne Riyaale hoggaaminayey.

 

“Anigu waxaan tagaa Abu Dhabi, UAE oo hadba waan isa soo jeeg-gareeyaa [medical check up]†ayuu yidhi Qaybe.

 

Mudane Qaybe oo la weydiiyey inuu soo furfuray albaabadaa uu sheegay inuu ka soo xidhay Somaliland, waxa uu yidhi,

 

“Anigu ma waxaan ahay Wasiir Arrima dibadeed. Ma England iyo Maraykan ayaan tagaa, mise Carabta ayay xadhkahaasi yaallaanâ€.

 

“Markaad hawlahaas oo kale qabanayso waa inaad meel ka socotaa. Anigu ma ihi Wasiirka Arrimaha Dibadda, su’aashaasina ma taagna,†ayuu raaciyey.

 

Qaybe waxa kale oo uu markii u horreeyey qirtay xidhiidh muddo dheer la tuhunsanaa inuu la leeyahay Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Mar la weydiiyey wararka sheegaya inuu xidhiidh la leeyahay Cabdillaahi Yuusuf iyo maamulkiisii Puntland, isla markaana uu marar badan ka hordegey tallaabooyin ay Somaliland qaadi lahayd? Waxa uu yidhi mudane Qaybe,

 

“Cabdillaahi Yuusuf waa nin aanu weligayo is naqaaney. Maalintii uu Sool soo galay ayaa iigu dambeysey xidhiidhkiisa,†ayuu yidhi.

 

Ma sheegin waqtiga ay ciidamada Cabdillaahi Yuusuf soo galeen Sool, balse, waxa la filayaa inuu u jeedo dabayaaqadii Dec, 2003 markii ciidamada Puntland sida buuxda ula wareegeen magaalada Laascaanood.

 

Waxana uu yidhi, isaga oo ka warramaya wixii ay ka wadahadleen xidhiidhkoodii ugu dambeeyey, “Nayroobi baan kula hadlay oo aan idhi ciidanka naga saar, wuxuuna yidhi, aniga ma aha ee waa Ina Cabdi Xaashi. Waxaan ku idhi adigaa Madaxweyne u ah askarta Sool ku jirta iyo Ina Cabdi Xaashi ee amar sii. Maalintaas ayaa iigu dambeyseyâ€.

 

“Haddii aan doonayo Cabdillaahi Yuusuf xidhiidh inaan xidhiidh la yeesho cid iga hortaagani ma jirto, cid Somaliland igu khasbaysaa ma jirto, Somaliland taladayda ayaan ku joogaa,†ayuu raaciyey, isaga oo wararka noocaas ah ku cambaareeyey kuwo uu ku tilmaamay “dad cayayaan ah†oo aan waxba ogeyn, kuwaas oo ay saxaafaddu waraysato. Waxaana dadkaa ka mid ah oo uu xusay Wasiirkuxigeenkii hore ee Xannaanada Xoolaha, Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ay isku deegaan ka yimaaddeen Qaybe, isla markaana, la ogyahay inuu aad u dhalliilo mudane Qaybe.

 

Waraysiga waxa uu bixiyey Qaybe, mar culays weyni kaga yimi shirguddoonka xeerka Doorashada iyo ansixinta miisaaniyadda 2005, taas oo sababtay inuu iscasilaad qoro Kuxigeenkiisa 1aad, mudane Cabdulqaaddir Jirde oo golaha sii wadi lahaa maadaama la sheegay in Qaybe u baxayo dibadda. Waxaana intii xiisadda xeerarkani kacsanayd la maqlay in Qaybe ugu hanjabey mudanayaasha golaha inuu iskaga tegayo Somaliland oo uu bilaabayo ololihiisa Soomaaliweyn oo lagu xamanayey.

Source: www.kulmiye.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fyr   

^^ LOL

Suldaaanka

 

You shouldn’t load all of this on them at once, they’ve already enough load on them with the upcoming elections fresh on their minds. Take a short vacation fishing.gif and come back after the election, that’s usually about by the time they are soothing enough to debate with.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Hergeysa clannish extremist views of Qaybe

 

Qofka Aan Quusta Aqooni, Isagaa Quus Ah

 

Waxa maalmahan soc-socday oo la xaqiijiyey inay madax reer Muqdisho ahi telefoono iyo waraaqo kula soo xidhiidhayeen salaadiin reer Somaliland ah oo ay ka dal-banayeen inay Muqdisho yimaadaan si ay u heshiisiiyaan. Waxaase jiray tiroba saddex goor oo hore inay madaxda reer Koonfureed oo wefti ahi Muqdisho ka yimaadeen, iyaga oo leh kaalaya na heshiisiiya. Waqtigaasna anigu waxaan ku jiray guddi loo xil saaray inay jawaab siiyaan weftigii ugu horeeyey ee yimaadda, taas oo aanu ku qaabilay hudheelka Hargeysa Club, weftigaasna waxaanu uga waranay wixii shacbiga reer Somaliland loo geystay oo ahaa wax weli aduunka ka dhicin oo aanay ummmaddani iloobi karayn, iyadoo uu dhiig iyo maal badanina kaga baxay la soo noqoshadii xoriyadooda.waxaana hadalka loogu soo gebagebeeyey inay ummaddani ku mashquulsan tahay sidii ay aduunka ictiraaf uga heli lahayd, sidaa darteed aanay waqti u hayn heshiisiinta reer Koonfureed, ta kale waxa lagu yidhi “waa inaad idinku marka hore na ictiraaftaanâ€.

 

Labadii wefti ee kalena sidaa si le’eg ayaa loogu jawaabay, waxayna wufuudaasi saddexda goor ba soo mareen dawladda Somaliland, iyadoo dariiqa caadiga ahi sidaa ahaa, taas oo ah marka ummad lala hadlayo in loo maro dawladda wadankaa. Waxaase hadda dad badan oo reer Somaliland ah ka yaabisay dariiqan guracan ee ay maanta madaxda reer Muqdisho soo mareen, kuwaas oo si toos ah ula soo xidhiidhay salaadiinta iyo madax-dhaqameedka reer Somaliland, markaa dad badani waxay qabaan in salaadiinta meel lagaga dhacay, sababta oo ah miyaanay reer koonfureed ogayn inaanaan salaadiinta si hawl yar oo fudud loogu yeedhi karin oo aanay arintu ahayn kaalaya oo diyaarad iskaga soo dhaca uun. Waayo wadan kasta iyo ummad kastaa arimahaa waaweyn oo kale waxay ka leeyihiin siyaasad cad oo ay raacaan dawladda, salaadiinta iyo shacbi-weynuhuba, taas oo aanay cidina dhaafi karin, sida waxyaalaha ku waajahan gooni isu taagga Somaliland oo kale.

 

Hadaba waxay xaqiiqdu tahay inaanay salaadiintu Muqdisho iska tegi karin, iyaga oo aan la tashan dadweynaha iyo xukuumadda Somaliland. Sidaa awgeed madaxda reer Muqdisho waa inay mar walba ogaadaan inay runta qadhaadhi tahay jawaabtii la siiyey saddexdii wefti ee ay hore u soo direen, taas oo ahayd waxaanu mashquul ku nahay sidii aanu aduunka ictiraaf uga heli lahayn, taas darteedna aanaan idiin hayn waqti aanu idiinku nimaadno, marka horese na ictiraafa, koley dawladaha caalamku way na ictiraafi doonaane idinku ugu horeeya oo libta qaata. Marka su’aasha meesha taal waxay tahay miyaydaan weli quusan, Somaliduse waxay ku maahmaahdaa “Ninkii aan quus aqoon, isagaa quus ahâ€.

 

Aduunkuna waxa uu ku macaamilaa wax la yidhaahdo Hoo oo Keen (Give and take), sidaa awgeed ummadda reer Somaliland ogolaan mayso arintii uu Buur-madow ku kacay ee ahayd Hoo oo keliya ee aan waxba la dhaafsan.

 

Col: Cumar Maxamed Nimcaale, Hargeysa.

 

Top

“Qaybe, Waxaan Kaaga Fadhiyaa Inaad Cadayso Inaan Ahay Curadkii Siilaanyo†(Wasiir ku xigeenkii hore ee Deegaanka C/Rashiid Ducaale Qambi

 

“Qof kasta oo muwaadin Somaliland ah waxaa waajib ku ah, inuu isu xilqaamo kana qaybqaato sidii looga midho dhalin lahaa baahida waddanku leeyahay ee uu ku gaadhi karo in aynu dhammaystirno qabyadeenna siyaasadeed ee gudaha iyo debeddaba, taaso oo marka ugu horraysa muwaadin kastaa tixgelinta koowaad siinayo inuu u hagarbaxo wacyigelinta midnimada ummadda Somaliland, islamarkaana muwaadin kastaa fiiro gaara u yeesho in aanu u gargaarin qarinna cid kasta oo waddanka luggooyo iyo hagardaamo u gaysanaysa.

 

Waxa kale oo lagama maarmaan ah, in danta gaarka ah laga horaysiiyo ta guud marka laga hadlayo hawlaha qaranimo iyadoo arrintan ay waajib gaara ka haysato masuuliyiinta sare ee dalka ee loo igmaday inay meel mariyaan barnaamijka siyaasadeed ee dalka iyo dhinacyada kale ee waddanka baahidiisa ahba.

 

Anigoo tixgelinaya arrimahaas iyo kuwo la xidhiidha aanayna jirin wax igu xaqsanaya inaan ka soka dhaco ama ku cambaareeyo shaqsi aniga oo kale ah in aan ka bixiyo tilmaan iyo aragti aan ku salaysnayn xaqiiqda jirta ee ka turjumaysa afcaashiisa guud iyo mawqifkiisa siyaasadeedba, waxaan ummadda Somaliland usoo bandhigayaa inaan mugdiga ka saaro arrimahan oo taariikhdu xusi doonto inaan ka been abuuray iyo inaan daaha ka qaaday halista jirta ee shaqsi ku curyaamiyo maslaxadda waddanka.

 

Haddaba iyadoo ujeedadaydu tahay in laga kaaftoomo wixii ummaddan iyo waddankeeda muddaahamo ugu filan waxaan halkan bulshada Somaliland ama waddanka ha joogto ama debeddiisaba’e aan idiinku soo bandhigayaa in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu (Axmed M. Aadan “Qaybeâ€) aanu marnaba saacadna ha ahaatee aanu daacad u noqon una noqon doonin masiirka ummadda Somaliland iyo mawqifkeeda siyaasadeedba, islamarkaana uu si joogto ah u hagardaameeyo tallaabo kasta oo wax ku ool u ah maslaxadda Somaliland.

 

Somalidu waxay tidhaahdaa “AMA WAA LA MUUQDAA LAGU MEHERAD LEEYAHAY, AMA WAA LA MAQANYAHAY OO MADASHA LAMA TAGO†Waxaan ummadda Somaliland u sheegaysaa in Guddoomiyaha Wakiiladu (Qaybe) mansab sare ka hayo Dawladda Somaliland oo shacabkeedu ku aaminay, isla markaana aanu wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed mid shaqsi iyo mid waddaninimo toona ku lahayn geedi-socodka hawlaha looga baahanyahay masuuliyiinta sare ee dalka haddii ay tahay mid qaran iyo mid beeleed oo khusaysay deegaanka uu kasoo jeedaba. Taas oo aan ku fasirayo in aanu muuqan joogana, sidoo kalena aanu muuqla’aantiisa ku muddaahano la’ayn, ee waxyeelooyin aan laga soo kabanayn dalka u gaysto, taasoo isagana magac xumo ugu filan maaddaama uu had iyo jeer ka maagayo meeqaanka hawleed ee laga malaysanayay.

 

Waxaan ummadda Somaliland halkan ugu bayaaminayaa mid og iyo mid uu mugdi kaga jiraba in aan idinla socodsiiyo hawl-maalmeedkii Guddoomiyaha Wakiiladu (Qaybe) uu u majiirtay una xusul duubayay ee ahmiyaddiisa koowaad, labaad iyo saddexaadba ahaa, kuwaas oo aanay qarankeena iyo shicibkiisa toona waxba ugu jirin waxyeello mooyaane. Waxaa Axmed M. Aadan (Qaybe) si xaqiiqa oo hillaab uu saaro uu uga soo horjeedaa Gooni-isu-taagga Somaliland, cid kasta iyo waddan kasta oo kasoo jorjeeda ama carqaladayn karta Somaliland oo uu la yeelan karo xidhiidh qoraal, af iyo farriinba wuxuu si joogto ah ugu gudbiyaa wax kasta oo uu ku dibindaabyaynayo Somaliland, Guddoomiyuhu cidda keliya ee uu kalsooni siiyaa waa maamulka Puntland, iyadoo Cabdillaahi Yuusuf siiyo kaalmo dhaqaale oo joogto ah, wuxuu guddoomiyuhu qabqablahan gaadhsiiyaa barnaamij kasta oo Somaliland ku xaslanayso shicibkeeda deggan Sool iyo meelaha la xidhiidha.

 

Wuxuu Guddoomiyuhu si joogto ah ugu dayriyaa una hargo-tuuraa dadka reer Sool iyo degaamada la xidhiidha si aanay walaalahooda Somaliland ula midoobin, waxaa Qaybe si joogto ah uu dagaal iyo carqalado kula jiraa cid kasta oo daacad u ah Jamhuuriyadda khaas ahaan kuwa ay isku deegaanka yihiin. Wuxuu Guddoomiyuhu had iyo goor ka leexdaa su’aalaha la xidhiidha Mawqifkiisa isagoo isku qaadaya meelo kale oo aan la su’aalin.

 

Waxaa Guddoomiye Axmed M. Aadan Markasta sheegaa in aan weligii lala tashan oo dawladdu ka leexleexato, oo la mida majaro-habaabintiisa uu ku aasayo in xog laga helo maadaama muddo aad u fara badan Madaxweynihii hore Alle haw naxariistee iyo kaniba ay u hureen naf iyo maalba inay ku qaddariyaan meeqaankiisa kursi iyo qabiilba, taasoo hanti badan ay ku luntay wax waxqabad ahna aanu isu kala bixin muddo todoba sannadood ku dhow oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahaa.

 

Wuxuu si joogto ah u mucaaradaa cidda dalka wax u qabanaysa haba yaraato wuxuu qabanayaaye isagoo geed dheer iyo mid gaaban u fuula inuu fashiliyo waxqabadkiisa inuu wax qabtana ma oggola.

Wuxuu Guddoomiyuhu qariyaa mawqifkiisa Somaliland isagoo kasoo horjeeda saxaafadu inay waraysato hadday dhacdana ka leexda ujeedada iyo su’aashaba.

 

Wuxuu Gddoomiyuhu yidhi waxaan is caddeeyey 1997 taas oo aan lagu sheegi karin is caddayn, is caddayntuna aanay ahayn feedho iga garo ee ay tahay halgan lagaga qaybqaadanayo meelmarinta hawlaha dalka oo si joogto ah ugu baahan inuu ugu hagarbaxo ka hadalkeeda iyo waxqabadkiisaba kaas oo aan marna laga helin lagana heli doonin.

Waxaa Axmed M. Aadan (Qaybe) uu si joogto ah uu u colaadiyaa cid kasta oo magac leh oo kasoo jeedda Sool & Buuhoodle oo timaadda Somaliland ama aaminsan isagoo falal iyo foolxumo damiirka waxyeeli kara kula kaca.

 

Wuxuu tiraba saddex jeer ku sheegay inay la QABIILNIMO HADLAYAAN Ashkhaas sannado kala duwan ku dhaliilay doorkiisa waxqabad isagoo ku hojinaya inay lasii doodaan, taas oo maqaamka uu joogo iyo shaqsiyaddiisaba ceeb ku ah damiir ahaanna odhaahdeeda kalsooni darro ka muuqdo, kuna tusaysa inaanu daacad u ahayn Somaliland ee uu u arko in lagaga itaal roonyahay isna yahay magan oo aan isaga iyo cid kale toona u cuntamin xusiddeedu.

 

Waxaan ummadda Somaliland u sheegayaa in Guddoomiyuhu (Qaybe) aanu niyad ahaan jeclayn in uu ku waaro Somaliland ee uu u hanqal taagayo meelo kale sida Puntland oo uu ka quudaraynayo inuu ka noqdo Madaxweyne ku xigeen, Ra’iisul Baarlamaanimada uu waayo si kasta haku timaaddee taas oo aan shaki ku jirin in aanu sii jooganayn waddanka maaddaama aanu markii horaba aaminsanayn.

 

Haddaan soo dhaafo arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo aanan haddeer xusinba oo khuseeya mowqif la’aanta Qaybe ee Somaliland, waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa CANAAN KAYAAB REER MA DOOJO ama CEEL MADDOOJO ninba siduu u yaqaanno-ba, waxaa dad faro badani leeyihiin Qaybe waxba ina tari mayo ee armuu ina qalindaaraa haddaynu ka maaranno, waxaan muwaadiniintaa u sheegayaa oo xaqiiqa in Qaybe inta uu inala joogo ay yaryahay baadh inoo baxaa waayo waa nin dhib iyo inuu inaga digo keliya inoola jooga, sidiisabana aan waxba ina tari karin cid iyo bulsho uu kalsooni ka haystaana aanay jirin, markaa haddii aanu waxba ina tarayn waxyeeladiisuna tahay intuu inala joogo, ma waxyeelo ayaynu ummadda Somaliland ugu haysannaa, markaa sow noqon mayno canaan kayaab reer ma doojo.

 

Bishan 8aad Lixdeedii oo Arbaca ahayd waxaa Qaybe ka jawaabayay haddallo ay usoo jeediyeen Guddoomiyeyaasha labada Xisbi ee Kulmiye & Ucid kuwaasoo horay ugu yiri iscaddee Qayboow, hadalkaas waxaa soo jeediyey labada guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) & Faysal Cali Waraabe oo labaduba waydiiyey doorkiisii siyaasadeed iyo mowqifkiisa ku wajahan tan guud ahaan dalka iyo gaar ahaan tan degaanka uu kasoo jeedo inuu ka meelmariyo Cabdillaahi Yuusuf. Nasiibdarro sidii Qaybe horayba caadada u ahayd wuxuu fuulay buuro iyo qarar aan cidiba uga fadhiyin oo uu ku marin habaabinayo su’aalihii la waydiiyey isagoo garab maray ujeedadii lala kohday, waxayna jawaabtiisii noqotay inuu yidhaahdo “Axmed Siilaanyo waan garanayaa oo wiilkiisii curad Cabdirashed Ducaale Qambi ayaan taabtay ee Faysal Cali Waraabe muxuu igu maagay†taas oo aan looga fadhiyinba cidina aanay usoo jeedin waydiinna.

 

Dhacdadaas anigoo tixraacaya waxaan Axmed M. Adan la socodsiinayaa uguna caddaynayaa halkan jawaabtayda aan ka qabo jar-iska-xoornimadiisa. Waxaan guddoomiye (Qaybe) odhaahdaadaa u arkaa gef iyo aflagaaddo sharciga ka baxsan oo aad iilla badheedhay anna aanan kaaga dulqaadan doonin wixii aan sharcigu iga manciyin, anigoo marka hore sidii majara-habaabintu ku jirtay ee tilmaantaadii ahayd kuu tafsiiraya xaqiiqdeeda adiguba aad ogtahay ee aad uga carartay wixii lagu waydiiyey been abuurka iyo aflagaadadana aad ugu beddelatay jawaabtii lagaa sugayay.

 

Marka u horraysa waxaad qiranaysaa mar horana aad sheegan jirtay inaad adigu shaqada iga eriday, iyadoo 2 bilood ka hor aad lahayd anaa eryaya, waxaan taa kaa waydiiyey ma guddoomiyaha Golaha wakiiladaa tahay mise Madaxweynihii Jamhuuriyadda? Maxaad uga been abuuraysaa awooddaada cid kalena awoodeeda u sheegan adigoo cadaawad ugu samaynaya.

 

Waxaan kaaga fadhiyaa inaad caddayso in aan ahay curadkii Axmed M. Maxamed (Siilaanyo).

 

Haddaad u jeedday inaan Kulmiye ahay waxaan kaa sugayaa caddaynteeda?

Waxaan kuu sheegayaa in aan ka mid ahay Xisbiga UDUB oo aan ka tirsanaa aasaasayaashiisii immikana aan ahay adiguna aad ogtahay inaanan sidaada qarsan waxaan qabo mabda’ ahaan iyo xisbi ahaanba, ujeedadii aad lahayd armay xadka kaa saartay.

 

Ummadda Somaliland waxaan waydiinayaa yaa yaqaanna Mudane Qaybe Xisbi uu yahay? Anigaa idiin sheegaya’e Saddexda Xisbi midna maaha taas oo la tafsiiri karo.

 

Dhammaan arrimahan weji kasta oo ay leeyihiin waxaan la cuskanayaa sharciga anigoo ku kalsoon wixii uu ku arooro.

 

Waxaan halkan uga soo jeedinayaa dhammaan saxaafadda madaxa bannaan ee dalka iyo kuwa la xidhiidhaba sida wargeyska HAATUF, JAMHUURIYA, MAANDEEQ, BBC, RADIO HARGEISA, SOMALILAND INTERNET WEBSITES I.W.M, inay si joogto ah ugu yaraan bishiiba hal mar ay waraystaan ama wax ka qoraan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Axmed M. Adan (Qaybe) maaddaama uu si joogto ah isu qariyo ugana gaabsado mawqifkiisa iyo kan looga baahanyahay ee dalkaba, taas oo dawo u noqonaysa in dalku ka badbaado hagardaamooyinkiisa uu sida joogtada ah ugula kaco dalka ama uu kaga baaqsado hawlihii qaranka uu madaxda ka yahay looga baahnaa inuu kaga turjumo.

 

Waxaan ku soo gebagebaynayaa wacyigelintaydan in guddoomiyuhu (Qaybe) yahay Sacii loogu magac daray MEGED ee aan waxba ku wanaagsanayn kaasoo lagu yidhi:

 

MAALID IYO SUBAG

MUQUUNIYO HILIB

WAAN IS MUDANOO

WALLEE MEGEDOOW

MIDNA KUMA SAMID!!!â€

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Guys

 

 

hold your horse for one minute there, the proof is in the pudding my friends, on the 29 of september you will see it for your selves whether N Ahmed stand, because as things stand there will be full election in degmada XUDUN. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

sophist

 

who told you there wont be election in ceeri, did you think the parties where campaing there for show :D

 

i think xudun weeye meesha maanta la joogaa, dhinaca kalena adhicadhey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this