Sign in to follow this  
Hunguri

Faysal Waraabe oo fashilay (The impeachment of President Rayaale)

Recommended Posts

Hunguri   

hadhwanaag 2007-03-06 (Hadhwanaagnews) Sheekh(HWN):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe ayaa shaaciyey inay laba iyo sodon mudane oo ka tirsan Golaha wakiiladu ay doonayaan inay inbiijmen xilka kaga ridaan Madaxweyne Rayaale, taasina ay u muuqato arrin lagu waxyeelayo Somaliland jiritaankeeda, sida waxa uu ka sheegay Gudoomiyuhu mar uu maanta ka hadlayey xafladii dhagax dhiga ee College-ka Xanaada xoolaha ee Sheekh.

 

Waxa kale oo uu ugu baaqay inay sadexda xisbiba ay ka shaqeeyan sidii ay dalka u dhisi lahaayee iska kaashadaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay Gudomiyaha Golaha wakiilad u qaateen xisbigoodu inay wax ku toosiyaan ee aanay u qaadan inay wax ku dumiyaan “Barlamaankii aynu soo dooranay, anaga xisbi ahaan (UCID) tacabweyn ayaa naga galay,waxaanu u qaadanay hogaanka Barlamaanka inaanu wax ku toosino ee u maanu qaadan inaanu wax ku xumayno”Ayuu yidhi

 

Md, Faysal waxa uu kaga sanqadhiyey inay xildhibaano ay tiradoodu gaadhayso labiyo sodon mudane oo sadexda xisbiba ay doonayaan inay madaxweynaha inbiijmen ku qadaan si xilka uga qaadaan,kuwaasina ay yihiin qaar dagaal kula jira Somaliand-ta “Maalmahan waxa jiraa niman isku dhex jira oo sadexda Xisbiba ku jiraa oo wada wax aan aqliga galin oo ah Inbiijmen, kelmadan inbiijmen waynu iska maqalnay uun ee waa wax adag, taasina waxay keenaysaa dadkii inoo soo socday ee wax ina siinayey, ee ictiraafka inasiinayey inay dhibaato ku keento, waxa laygala soo hadlay habeen hore Nairobi waxaanay laygu yidhi waxa idiinku soo maqan dadkii deeq bixiyaasha, laakin waxa na soo gaadhayaa in 32-mudane oo ka tirsan Barlamaanka Inbiijmen wadaan.Waxaanu u sheegayna kuwa wada waxaas, lama dagaalamayaan dawlada ee waxay la dagaalamayaan Somaliland, kana yeelimayno waanan uga digaynaa, oo waxanu leenahay dadka dalkayaga iyo calankayagaba xumeynaya ee ishortagaa dhaqdhaqaaqa la wado”Ayuu yidhi

Waxa kale oo gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng,Faysal Cali Waraabe ugu Baaqay inay sadexda xisbiga ay midnimada wadanka ka shaqeeyaan“Sadexda xisbina (KULMIYE,UCID,UDUB)waxaan leeyahay waa inay is hagaajiyaan oo aynu dalkeena wanaajinaa oo aynu midnimo ku shaqeyna,

 

Weriye, Mustafe-Janaale

Reporter Hadhwanaagnews.com/Sheekh Online

E-mail, janaale94@yahoo.com

 

Source

 

That is why he is the Yalaxow of Hargaisa :D lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faysal Cali Waraabe spoke the truth for once.

 

None of the 3 major parties are endorsing impeaching the President yet MPs from every gobol and xisbi are all for it? Makes people wonder who these guys are really representing. If they are succesful it could really damage Somalilands institutions and democratic process.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this