Sign in to follow this  
NASSIR

Puntland troops forced invaders into a major retreat. Pics

Recommended Posts

NASSIR   

War Deg Deg ah:Ciidamada Soomaaliland oo isaga cararey Duleedka Dhahar, iyo ciidamada Puntland oo haatan Gacanta ku haya magaalada Dhahar….

 

Magaalada Dhahar ayaa waxaa shalay galab dagaal ku dhex marey ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland halkaasoo labada ciidan soo kala gaarey qasaare aan la sheegin. Waxaase magaalada ku dhintey wiil yar laba gabdhoodna ku dhaawacmeen.

 

Tan iyo shalay galab ilaa iyo xalay ayaa waxaa deegaanada hoos yimaada dhahar iyo guud ahaanba gobolka Sanaag isku uruur sanayay ciidamo beeleedyo ku abtirsada Deegaamada gobolka Sanaag, Sidoo kale waxaa kaloo deegaanka dhahar soo buux dhaafiyey cutubyo ka tirsan ciidanka Darwiishta oo iyagu damacsanaa in ay afarta gees kasoo galaan ciidamada.

 

865.jpg

 

Tignikada_puntland_oobadan.jpg

 

Ciidanka Puntland

 

Saaka aroornimadii mar aan is iri booqo goobtii ay deganaayeen Ciidanka S/land oo ah galbeedka duleedka Magaalada ayaa waxaa iga hor yimid dad reer guuraa ah oo ii sheegay in ay ciidankii xalay isaga hayaameen iyaga oo baxsad ah si uusan waagu ugu baryin duleedka magaalada. Mar aan khadka tilifoonka kula xidhiiday magaalada Xingalool ayaa iyaguna ii xaqiijiyey in Ciidan xawli miyir la’aan ah ku socda ay dhaafeen duleedka magaalada meel u muuqata iyagoo u huleeley jihada woqooyi galbeed una muuqday dad dhaawac badan la ordaayay.

 

 

Shacabka reer Dhahareed ayaa walaac ka muujiyey colaada ka oloosantay hoostooda haseyeeshee ku kala qeybsan fikradaha iyo sida loo xalin lahaa dabka ka hurey agtooda.

 

 

Ciidanka Darwiishta iyo ciidamo beeleedka duleedka magaalada fadhiya ayaa waxay shir la qaateen Isimada iyo odayaal dhaqameedka magaalada saakana ay ka quraacdeen magaalada dhexdeeda.

 

Mar aan wareystey sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland ayaa ii sheegay in ay daba socdaan firxadkii maleeshiyada S/land oo haatan sida uu sheegay ay ku raad joogaan.

 

Wixii kasoo kordha kala soco dhahar.com

 

 

 

 

 

Maxamed Ismaaciil

 

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Boosaaso: Puntland oo guulo kasoo hoyisay dagaal galabta ka dhacay Dhahar.

 

Boosaaso(AllPuntland)- Maamul goboleedka Puntland ayaa caawa ka hadlay dagaallo galabta ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag , halkaasi oo ciidamo ka tirsan Somaliland ay kusoo duuleen fariisimada ciidanka daraawiishta Puntland.

 

Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in dagaalka guulo ay Puntland kasoo hoyisay.

 

Awaare oo caawa waraysi siinayay Radio Daljir ayaa sheegay in shan gaari oo kuwa dagaalka ah lagala wareegay maamulka la baxay Somaliland.

 

Wasiirka dawladaha hoose wuxuu sheegay in ciidamada maamulka la baxay Somaliland duullaankii ay galabta soo qaadeen in dib looga qabsaday deegaannadii ay labadii maalmood ee ugu danbeeyay joogeen.

 

Cali Cabdi Awaare wuxuu xusay in Puntland ay muujisay dhabar adayg iyo is difaac, asagoo xusay inuu rajaynayo in Puntland mar walba guulaysato maadaama aysan ayadu weerar ahayn oo ay dhulkeeda joogto.

 

Mar wax laga waydiiyay Cali Cabdi Awaare khasaaraha dagaalka wuxuu sheegay inuusan wax intaasi dhaafsiisan ka haynin labada dhinac.

 

Awaare wuxuu sheegay inay saxaafadda si dhaqso ah ugu soo gudbin doonaan wararkii ugu danbeeyay ee Dhahar.

 

Dagaalkan ayaa galabta bilowday ayadoo la sheegay in ciidamda maamulka la baxay oo maalmo ka hor haystay Dhahar ay isku dayeen inay maamulkooda sii fidiyaan.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

caamir! i feel your pain... this is a war not something to faan about. each side claiming to be winning...!

 

but the underlaying current is why this war started when the head of puntland came back from his meeting with melee in adis??? can u ponder on that??

 

that reeks to high heaven! nemean.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Some ministers who finished their work in Dhahar along with a number of armed security vehicles have returned to Ceerigabo. As usual, vehicles that are carrying Government Ministers drive at high speeds and do not stop over at villages.

 

The SL armed forces are still stationed in their positions in Dhahar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

adhigane cudur land land baa kugu dacay.

dude at least be ashamed that your folks are being used and abused by Xabashi.

Last time in Dolholow over Qamandi 200 dead.

today in Dahar.

I think its hight time you folks dropped your Nazi ideology and played your part in Somalia.

 

The land land holywood saga will last shortly if Mogadishu comes under xabashi control.

You either assit your breathrens or keep abay.

Koleeyto Somaliland waa kii farata lagusoo yera sidhi poodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Suldaanka:

Some ministers who finished their work in Dhahar along with a number of armed security vehicles have returned to Ceerigabo. As usual, vehicles that are carrying Government Ministers drive at high speeds and do not stop over at villages.

So it is confirmed...wey cararayeen? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D

It is the norm. Even inside Hargeisa.

 

 

Ahhmed Gureey

Watch you language before you disappear. Big Brother is cleaning up the place. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^waa iska caadi, kolayba waan ogayn yagoo ordaya in ay meesha ka soo bixi lahaayeen. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Originally posted by Suldaanka:

Some ministers who finished their work in Dhahar along with a number of armed security vehicles have returned to Ceerigabo. As usual, vehicles that are carrying Government Ministers drive at high speeds and do not stop over at villages.

That must be the quote of the year. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Suldaanka:

Some ministers who finished their work in Dhahar along with a number of armed security vehicles have returned to Ceerigabo. As usual, vehicles that are carrying Government Ministers drive at high speeds and do not stop over at villages.

 

The SL armed forces are still stationed in their positions in Dhahar.

Highspeed chase on Sanaag roads is more likely.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this