Sign in to follow this  
hukri

MORGAN IS COMING TO MOGADISHU WHAT'S UP WITH THAT ?

Recommended Posts

hukri   

MORGAN IS COMING TO MOGADISHU WHAT'S UP WITH THAT ?

IS HE GOING TO THE WRONG WAY OR THE SIYAAD BARE'S HOUSE?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jen. Maxamed Siciid Moorgan iyo Jen. Maslax Maxamed Siyaad oo ku sii jeeda magaalada Muqdisho

 

Isniin, May 16, 2005(HOL)@20:30GMT: Booqasho ay magaalada Muqdisho ku imaan lahaayeen Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan iyo Jen. Maslax Maxamed Siyaad Barre ayaa saacadihii ugu dambeeyay dib u dhacay.

 

Sida horay loo sheegay labada Janan iyo mas’uuliyiin la socota ayaa magaalada Muqdisho imaan lahaa Arbacada soo socota balse sida uu sheegay Jen. Moorgan oo u waramayay Idaacadda Banaadir ee Muqdisho, safarkaasi dib ayuu u dhacay ilaa waqti aan la ogeyn, taasoo ku timid arrimo farsamo oo dhinaca gaadiidka ah.

 

Jen. Moorgan waxaa uu intaas ku daray in ay Muqdisho imaan doonaan si ay u dhiirigeliyaan howlaha ay magaalada Muqdisho ka wadaan qaar ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda. "Ragga jooga Muqdisho waxaan nahay isku barnaamij, isku siyaasad, howlaha Muqdisho ka socdana marti kama noqoneyno marka aan nimaado" ayuu yiri Jen. Moorgan.

 

Jen. Moorgan mar la weydiiyay cidda ku casuuntay magaalada Muqdisho ayaa yiri "Martiqaad cid aan uga dooneyno magaalada Muqdisho tegitaankeeda ma jirto, Muqdisho haddii aan tegeyno marti ma noqoneyno ee waxaan nahay dad tegay Dalkoodii".

 

Jen. Moorgan waxaa uu sheegay in Mas’uuliyiinta labada Gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ay isku aragti yihiin, wuxuuna ka gaabsaday in uu wax ka yiraahdo khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta dowladda.

 

Jen. Moorgan ayay u tahay markii labaad ee uu yimaado magaalada Muqdisho isagoo horay u yimid sagaashameeyadii xiligaasoo uu marti u ahaa Ururkii USC/SSA ee ay ku bahoobeen Isbaheysigii SSA-da, balse Jen. Maslax Maxamed Siyaad ayay u tahay markii koowaad ee uu Muqdisho yimaado tan iyo markii la riday Xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Aabihiis marxuum Maxamed Siyaad Barre.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

--------------------------------------------------

 

This must be sad for col. yeey, even morgon and maslax are coming to Muqdisho to support the speaker of parliment and the "barnamij" going on there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this