Sign in to follow this  
Suldaanka

updates From Cakaara news

Recommended Posts

Bishaaro War Deg Deg Ah WALAAHI SUMA WALAAHI UBO JABTAY

 

Madama Dawlada Deegaanka Soomaalida ay dajisay qorshayaal hab Ciidan iyo sirdoon tayo leh oo si xeelad dheer ula socda hadba tabaha dhaq-dhaqaaqa nabad diidka una saamixi weyday in ciidan UBO ah oo Eritrea lagu soo tobabaray ay cagaha soo galiyeen xuduudaha deegaankeena dhaxal sii sayna in ay qus ka istaagaan galida gudaha deegaanka kuna noqdaan Eritrea

 

.

Hadaba Ereteriya oo markey afar sano ku sugnayeen uu adkaysan kari waydey ayaa ku soo daad guraysay Doono. ku na soo daadisay doomo xeebta soomaliland habeenimadi sabtida ee Ciida lixdi habeenimo 6:00

 

Balse sirdoonka deegaankeena oo foojigan awgi ayey uu surto gashay in ay gacanta ku dhigaan saddex Baabuur oo waa-weyn oo ka soo qaaday bada sanka doomaha kuna dajiiyey buuraha loo yaqaan Yoonis Dheere iyo Mararley madama sirdoonku la socdey dhaq-dhaqaaqa UBO.

 

 

Markay doonta kaga dageen sanka doomaha ilaa buuraha yoonis dheere oo ay si joogto ah ula socdeen hadaba ciidanka Luyu Booliska oo si cajiib ah uga digtoon tabaha nabad diidka ayaa si xeelad dheer u darsay xoogta nabad diidka ubo una isticmalay tabo ciidan oo heer sare ah,

Kadib markay malin dhan garab lugaynayeen markay gaadheen halkay la rabeen cabarihi 3:30 subaxnimo shafka ugu daruuren ubada naf-lacaaridka ah dhaxalsiiyeyna jab iyo hoog.

Hadaba ciidamadan oo ay hogaaminayeen Shii-alaqayaasha 6aad iyo 7aad, Unugyo ka tirsan iyo Ciidanka Adma Batanaga oo kuushii isaga jaray goobta dagaalka wixii hub iyo saanad ay haysteena ubana gacanta ciidanka luyu booliska soo gashay kadib markay ubo noqotay kuwo gacanta lagu dhigo kuwo dhintay iyo kuwo Cararay laguna raad jiro firxadkoodi

sidaas darteed iyado ilaa iyo sacadan uu socdo dagalku in xoogta cadawga ubo yahay

 

1. 53 Dhimasho ah

2. 20 gacanta luyu booliska ku jirta

3. 15 dhawac ah oo dhakhatiirta luyu boolisku ay dawaynayan

.4. 24 ubo ah oo shacabku gacanta ku hayan oo an wali soo galin gacanta dawlada

5. waxana cadawga ubo laga furtay 92 qori oo isugu jirta kuwo yar yar iyo kuwo waa wayn ba BKM ,rasaas aan tiro lahayn iyo toroyo badan iyo qalabyo badan oo ay isgaadhsiinta uu isticmalayen iyo dhugmantiyo farabadan.

Mahad Naq

Madaxwaynuhu waxaa uu si geesinimo ah iyo farxad leh ugu mahad celiyey Ilahi nagu simay guushan iyo dhamaan shacabwaynihi iyo mamuuladi ka qayb qaatay ay kana mid yihiin

1.Maamulka shinile iyo shacabkoodu

2.Maamulka jig-jiga iyo shacabkooda

3. Maamulka Awbare,Danbal,Ayishaca iyo shacabka jinacsani oo iyagu ila eega heegan ku jira .

 

 

waxaa kale oo uu Madaxwaynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar uu mahad celiyey Madaxwaynaha Soomaaliland,wasiirada iyo taliyeyaasha ciidanka oo si hagar la aan ah uga geeystey hawshan hiil iyo hooba marka laga reebo afar calooshoda uu shaqaystayaal ah dawlada soomaaliland talabo adag ka qaaday.

Waxaa kaloo Madaxwaynaha u mahad celiyay Ciidamada Liyuu Booliska ee sida gaarka ah utooba baran, oo lagu diirsaday hawlgalkoodii iyo taatikadii ciidan ee ugaarka ahayd ee ay usticmaaleen kuna jabiyeen UBO

Dalacsiin.

 

Madaxwaynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar wuxuu si xil kas wadaniyadeed leh udalacsiiyay dhamaan ciidamada ku sugan goobta tagaalka min hal darajo iyo mishahar kor dhin, waxaa kale oo uu Madaxwaynuhu Dalacsiiyay kulana xidhiidhay taleefan furinta iyagoo ku jira

1. 4 Shaalaqe

2.8 Hayl-marii

3. 20 Gantaa-marii

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Dag - Dag ah oo kasoo kordhay Jabkii UBO

 

Kadinka Wararka Degaanka War Dag - Dag ah oo kasoo kordhay Jabkii UBO

War Dag - Dag ah oo kasoo kordhay Jabkii UBO

Tuesday, 14 September 2010 14:54 .War deg-deg ah oo naga soo gaadhay hogamiyayaasha jiidda- hore ee dagaal ka ee ay ka midka yihiin

1.colonel cabdi

2. shaalaqe weydhalaali

3. shaalaqe deeq(afjiri )

4. shaalaqe Axmed Garow

5.shaalaqe Daahir

 

Hadaba xisaab-xidhkii ugu danbeeyey ee ay u soo direen xarunta Ayey kusoo faah-faahiyeen sida loo xisaab xidhay xisaabtii UBO ee guud ahaan ahayd 240 iyadoo 5 kamida xeebta soomaaliland kaga baxsadeen sida ay noo sheegeen maxaabiista gacanta lagu hayo, iyadoo 235 kii gudaha deegaankeena soo gashay ay shafka u dhigeen ciidamada geesiyiinta ah ee Liyu Booliska naftoodana u huraya si- geesinimo leh badbaadinta shacabkooda iyo dalkoodaba dhaxalsiiyeyna UBO jab iyo hoog.

Hadaba waxaa la dilay 123 ka mida ubo marka lagu daro dhimashada dhawaacoodi oo u dhintay dhiig- bax, maadaama ay xabadu kagawada taalay qudha wajiga iyo kuwo lahayay oo iyagu isku dayay inay baxsadaan. Balse afar ka mid ah oo uu ku jiro ninkii watay lana yidhaahdo xasan boosaaso ayaa la badbaadiyay gacantana lagu hayaa, gacantana lagaga dhigay wixii hub iyo saanad ay haysteen oo dhan gabi ahaanba. Sidoo kale 108 kamid ah nabadiidka UBO oo uu wato nin lagu magacaabo sanwayne oo uu gooni u la baxay ayay ciidanka liyuu boolisku ku hareeraysan yihiin wakhtigan xaadirka ah. . Wixii faafhfaahin ah ee kasoo kordha waxaan idiin ku soo gudbinaynaa sida ugu dhakhsaha badan...

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Warkan Sokor badan buu leeyahay Suldaan. Too much mamacaan.. Qaybtan baa ugu sokor iyo cusbo badan.. "Kadib markay malin dhan garab lugaynayeen markay gaadheen halkay la rabeen cabarihi 3:30 subaxnimo shafka ugu daruuren ubada naf-lacaaridka ah dhaxalsiiyeyna jab iyo hoog."

 

Caadi maaha qofkii hore balse waxaa ka daran your xigasho. Cakaaray warjiraaba ku iman..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Ina Iley sida Da'uud amxaar ayuu iska tagi. Dhibku waa isticmaarka ma guuranka ah.

 

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: Bishaaro War Deg Deg Ah WALAAHI SUMA WALAAHI UBO JABTAY

:D:D:D:D

......... WTF is that ??
Ask the expert of cakara news ,,, sulddanka. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is again from Cakaara:

 

""waxaa markii hore gawadhida loogu sheegay inay qadayaan alaab""

""markii ayna arkeen ayuu arinku is bedelay"".

markaasu gacmaha taagnay waa sidee dadku ma af **** bay ku hadlayn

 

(mid ka mid ah maxabisti lagu qabtay killar shanaad ee ka soo taalabay s/lanad )

cakaara waa in la baadho ,, :D

 

[ September 16, 2010, 03:36 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

loooooooooooooo@afi.*****. :D

 

War ileen kan Suldaanka la yidhaa micno badan ma leh. Ma cakaaranews buu dhufays ka galay, markuu buurihii cid ka waayey? :D cakuye desperation!

 

War waxan iska dhaafoo, buurihii wali waa lagu jiraa oo qaar baa ku hadhsan baan maqlaye sii hareereeya. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

War waxan iska dhaafoo, buurihii wali waa lagu jiraa oo qaar baa ku hadhsan baan maqlaye sii hareereeya.
:D

:D:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Suldaanku miyaa hurdaa saaka updates'kii Cakaranews wuu la daahee!

 

Fadlan Suldaan compare this latest version with the first one where the 123 are killed. Key words "kooxdii ay liyu police'ka isheleen". I have told you that among the three groups, mid unbuu dagaal qabsaday. Now you hear from Iley, you may believe it.

 

By the way, buurihii wax cusub ma laga soo helay? war meesha ha u dhaymo la'aanina? :D

 

Hadaba kooxdii ay is haleeleen Cidamada Liyuu Booliska ayaa noqotay kuwa dhinta, kuwo lasoo qabtay, iyo kuwo isku dhiibay shacabka tiradooduna dhan tahay 15 iyadoo guud ahaan gaantadii ay is haleeleen Liyuu Booliska ay 20 kamida ku kala fiigeen goobihii dagaalku ka dhacay tataaqiyadii, maamuladii, iyo shacabkii deegaanadaasna ay baadi goob ugu jiraan halkay jaan iyo cidhib dhigeen firxadkoodii, ayaa hadana mar ay gudiga qiimaynta Dawladu kunoqdeen saaka goobihii ay daad-sanaayeen maydadka shiftadu kasoo heleen 4 nin oo dhawac ah lana badbaadiyay iyadoona lasiiyay adeeg caafimaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ LOL

 

You remind me of a story I heard of the big-foot people. It goes, once upon a time, a big foot traveler brought his small herd of animals to Hargeisa livestock market. He was lucky that day, the sell fetched him higher price than he budgeted for. So, after he did the shopping for the family back in the kilka-5aad, he had some spare cash. So he had an idea. He rewarded himself with two pairs of ultra-strong sandles that will last him for years.

 

Instead of wearing his brand new ultra-strong pair of shoes, he walked back bare feet. It was not long before he left Hargeisa for the famous Wado-Bariis, that he stepped on a sharp edged piece of glass (quraarad)... blood oozed out from the cut like mentos causes Coke to fountain. The funny thing happened when passers-by stopped to help the old man.. but rather of making use of the help offered, he exclaims "Ilaahi caqligaa na siiyay ayaa mahadaa leh..., sow sidaa uma kala jarteen hadaan kabahaas gashaanlahaa??" :D:D

 

The morale of the story, your folks are not known to pull off such an elaborate master operation. So well done for that.

 

Now we will just take into the calculation that the bigfoot is capable of doing grand scheme operations. *jokes*. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this