Sign in to follow this  
Gabbal

Col. Fartaag Oo Ku Jira Isbitaal Ku Yaala Adisa Ababa Oo Ka Warbixiyay Xaaladiisa

Recommended Posts

Gabbal   

Col. Fartaag Oo Ku Jira Isbitaal Ku Yaala Adisa Ababa Oo Ka Warbixiyay Xaaladiisa

 

Mar 17,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

 

Col: Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo ka tirsan saraakiisha Sarsare ee Xoogga dalka ayaa markii ugu horaysay ka warbixiyay Xaaladiisa Caafimaad ee dhaawacii ka soo gaaray qaraxii 11kii febraayo lala beegsaday Beerta xorriyada Kismaayo.

 

Isagoo khadka taleefanka ugu waramayay Gedonet ayuu kornaylka oo lagu dawaynayo isbitaal ku yaala magaalada Adisababa ee Xarunta dalka Itoobiya, waxaa uu sheegay in uu Wanaagsan yahay islamarkaana uu filayo in dhawaan uu ka soo baxo isbitaalka.

 

“Xaalkaygu waa wanaagsan yahay waa la ii kabay lugta, waxaana aan bilaabay in aan biro ku socdo, waana ilaahay Mahadi” ayuu yiri Fartaag oo isaga iyo 3 kale oo ka tirsan saraakiisha dawlada lagu dawaynayo Adis ababa.

 

Col. Cabdullahi Fartaag ayaa ku tilmamaay qaraxii uu ku dhaawacmay in ay fuliyeen dad ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliyeed mar uuna la soo qaban doono. Waxaana uu ugu baaqay qaybaha Ciidamada Soomaliya in ay xoojiyaan midnimadooda iyo isku duubnimadooda.

 

Dhammaan ciidanka xoogga ee jubbooyinka jooga waxaan ugu baaqayaa in ay wada jiraan oo ay dadka iyo dalka u shaqeeyaan si loo soo celiyo sharafteena” ayuu yiri Taliyahii guutada saddexaad ee Xooga dalka Cabdullaahi Sheekh ismaaciil fartaag.

 

11kii febraayo ayuu ku dhaawacmay qarax lala beegsaday beerta Xorriyada Kismaayo oo ay ka dhacaysay xaflad milatari dad badana ay isugu yimaadeen. Waxaana sidoo kale, halkaas ku dhaawacmay saraakiil kale uu ka mid yahay taliyaha qaybaha Booliiska ee jubbooyinka General Axmed Muuse Busul iyo taliyaha nabadsugida j/hoose C/laahi C/raxmaan Midgaanow.

 

N D F-GEDO-NN-Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wish him a good recovery inshallah. Certainly the Colonel is a patriotic Somali, who cares deeply for the well being of his country and its citizens, as can been seen from the quotes below. I salute Col. Fartaag and I wish him the best of health inshallah and that he returns to serve his nation and people to the best of his ability. Ameen.

 

Col. Cabdullahi Fartaag ayaa ku tilmamaay qaraxii uu ku dhaawacmay in ay fuliyeen dad ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliyeed mar uuna la soo qaban doono. Waxaana uu ugu baaqay qaybaha Ciidamada Soomaliya in ay xoojiyaan midnimadooda iyo isku duubnimadooda.

Dhammaan ciidanka xoogga ee jubbooyinka jooga waxaan ugu baaqayaa in ay wada jiraan oo ay dadka iyo dalka u shaqeeyaan si loo soo celiyo sharafteena” ayuu yiri Taliyahii guutada saddexaad ee Xooga dalka Cabdullaahi Sheekh ismaaciil fartaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this