Sign in to follow this  
Juje

MAXAAD KA TAQAAN MAGACYADA CUSUB

Recommended Posts

Juje   

MAXAAD KA TAQAAN MAGACYADA CUSUB EE KU SOO BIIRAY SOOMAALIYA?!!

Tan iyo markii Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ay la wareegeen gacan ku heynta gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya bishii June ee sanadkan sii dhamaanaya ayaa dadka Soomaaliyeed iyo Warbaahinta xorta ah waxay la qabsadeen dhegahooda magacyo cusub oo ay wataan mas’uuliyiin xilal sare ka haya Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed.

 

Bilowgii maqalka magacyadan dad fara badan oo Soomaaliyeed ayaa markii ay warbaahinta ka maqlaan la yaabi jiray laakiin muddooyinkii ugu dambeeyay oo magacyadan si aad ah u soo badanayeen Saxaafadda gudaha iyo dadka Soomaaliyeedba waxay la noqotay wax caadi ah, waxaana weriyeyaasha magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa ka hadla idaacadaha gudaha waxay hadal heyntooda ugu weyn noqotay marka ay isugu yimaadaan goobaha shirarka Jaraa’id inay iskula kaftamaan "Hebelow adiga magacii xalay dhawaqiisa waad qaladay, saas ma ahayn ee sidaas buu ahaa" iyo hadal heyno kale oo ku aadan magacyada cusub.

 

Laakiin hadda Saxaafadda si weyn ayay ula qabsatay magacyadan cusub ee toddobo bilood jirka ah kuna fac xilliga Maxkamadaha jiritaanka Maxkamadaha Islaamiga ah, hadaba magacyadan cusub oo maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya, waxaa intaasi dheer in iyana magacyo loo bixiyay dagaaladii Muqdisho ku dhex maray hoggaamiye kooxeedyada iyo Maxaakiimta, waxaana muuqata ilaa iyo iminka in dagaaladaasi ay socdaan, iyadoo laga cabsi qabo inay ku sii fidaan goobo hor leh, sida degaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool iyo gobolada dhexe ee dalka.

 

Mas’uuliyiinta xilalka ka haya labada Gole ee Shuurada iyo Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamiga ah intooda badan magacyadooda waxay ku darsadeen naaneesyo ku cusub shacabka, kuwaasoo intooda badan u muuqda kuwo laga soo min guuriyay dalalka Carabta, waxaana idiin soo gudbineynaa dhowr iyo toban magac oo ka tirsan hoggaanka Maxkamadaha iyo xilalka ay hayaan:-

 

1. Sheekh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur), Ku xigeenka difaaca G/Maxkamadaha

 

2. Sheekh Fu’aad Maxamed (Abuu C/raxmaan Al-Sokori) Xoghayaha Waxbarashada Golaha Maxkamadaha.

 

3. Sheekh Ibraahim Shukri (Abuu Zeynab) Afhayeenka G/Maxkamadaha Jubbooyinka.

 

4. Sheekh Maxamed Maxamuud (Abuu Muslim) Guddoomiyaha Gobolada Jubbooyinka.

 

5. Sheekh C/llaahi Macallin Naxar (Abuu Cuteyba) Madaxa ammaanka G/Banaadir.

 

6. Sheekh C/llaahi (Qayadatullah) Taliyaha siinka Dheer.

 

7. Sheekh Cumar C/Salaan (Abuu Xafsa) Abaanduulka ciidamada Diinsoor.

 

8. C/raxiin Maxamed Xaashi (Ibnu Salman) Abaanduulka ciidamada Jawiil.

 

9. Ustaad Maxamed Macallin Axmed (Abuu Muxsin) Abaanduuliyeyaasha Gobolka Sh/dhexe.

 

10. Sheekh C/Salaan (Abuu Xafsa) Amiirka Mujaahidiinta gobolada Bay & Bakool.

 

11. Sheekh Abuu Sheybah, xubin ka tirsan Golaha shuurada.

 

12. Sheekh Axmed Nuur (Abuu Qudaama) Abaaduuliyeyaasha gobolada dhexe.

 

13. Sheekh C/raxiim Ibnu Salmaan, Abaanduulka jiida gobolka Hiiraan.

 

Sidoo kale waxaa iyana magacyo loo bixiyay dagaaladii qaraaraa ee magaalada Muqdisho ku dhex marayay qabqablayaashii dagaalka ee la baxay Isbaheysiga argagixiso la dirirka loogana itaal roonaaday gacan ku heynta magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkii lagu qabsanayay Hotelka Saxafi oo dhacay maalinimo Khamiis ah ayaa waxaa loogu magic daray Qazwo caan oo ahayd (Al-Axzaab) kana mid ah qazwooyinka caanka ah ee ay saxaabada la galeen gaalada.

 

Dagaalkii Galgalato iyo Garoonka Cisaley lagu qabsaday ayaa loogu magic daray Qazwo kale oo ah (Qazwatu Tabuuk)

 

Dadka Soomaaliyeed ayaa xilligan waxay u muuqanayaan inay soo fahmayaan diinta, waxaana sii badanayay maalmahan in ubadka dhalanaya loola baxo magacyadii saxaabada Allaha ka raalli noqdee.

 

Waxaa isku soo duway:

 

Jabriil M.Nuur (Jabra) iyo

 

Hasssan Abu_qeys

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

^^ Waa magacyo aad iyo aad ufiican, waxay utaagan yihiin new era (apart from being derived from dagaaladi ay islaamka lagaleen gaaladii). waan kareysaney Mudane Suudi, Mudane Qanyare, Jaalle iwm.Ma waxaa rabtey in la isugu yeero, Jaalle, Mudana , Capo di Capo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka Soomaaliyeed ayaa xilligan waxay u muuqanayaan inay soo fahmayaan diinta, waxaana sii badanayay maalmahan in ubadka dhalanaya loola baxo magacyadii saxaabada Allaha ka raalli noqdee.

:D:D:D

 

Now, calling yourself 'abuu' iyo 'ibnu' iyo 'umm' iyo wixii lamid ah "diinta la bartay" ayee kamid tahay miyaa, mise ignorance dhaqankaaga ka carar oo mid kale u carar. Diinteena suubban kunsano ayee nagu dhexjirtay, dhaqankeenana kama cararin, thank Eebbe for awoowyaasheen for retaining ina instead of 'abuu.' I will ask again, what exactly is wrong with "ina shirmooge" instead of "abuujacburis."

 

Or why don't we at least use the word "aabo/abaa," which is an old original Soomaali [Cushitic] word for father, which we share with Oromos, Canfaris, Xaraares, Amxaars, Tigreys, etc. Do not confuse with the other Semetic "abbuu/abba" names they use, ours is as origin as theirs. [Ever heard ab iyo isir uma lihi when Soomaalida swear or try to make a strong point. Also abti word derives from ab, so is the word Eebbe.]

 

And if all "abuus" were fine outstanding asxaabi, perhaps Abuujahalka aa maqalnay is another asxaabi Islaamka usoo halgamay. Ignorance aan sheegaaye inta ee ka bilaabataa. Or perhaps Abuudabeey [Abudhabi] is a historical Islamic city.

 

It is also very interesting that Carabtii dhaqankaan u dhashay ayaa iska dhaafay. You would be hard pressed to see a Masaari or Tunisiyaan or Aljeeriyaan or Yemeni or Cumaani or Lubnaans or even kuwa khaliijka u dhashay, the so-called "guardians" of Carab culture, named "abuu." The only Carab group that retains are reer Falastiin iyo reer Urdu or some Ciraaqis.

 

All those "abuujacburis" iyo "ummjinooleey" is a fad. They will soon gone with the wind, along with wadaada ku sheega.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

 

Or why don't we at least use the word "aabo/abaa," which is an old original Soomaali [Cushitic] word for father, which we share with Oromos, Canfaris, Xaraares, Amxaars, Tigreys, etc. Do not confuse with the other Semetic "abbuu/abba" names they use, ours is as origin as theirs. [Ever heard
ab
iyo
isir
uma lihi when Soomaalida swear or try to make a strong point. Also
ab
ti word derives from ab, so is the word E
eb
be.]

Funny, ab is a Semetic root for father or ancestor. The Hebrew as well as Arabic root for father is ab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this