Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Slaughter of 2 boys in Hargeisa

Recommended Posts

Hargaysa (Ogaal)- laba wiil oo dadoodu kala ahayd 10-jir iyo 8-jir oo la sheegay inay xoolo la joogeen meel u dhaxaysa makhaayada Inanta iyo dagsiimada Abaarso ee Galbeedka magaalada Hargaysa ayaa shalay galin-kii danbe Maydkooda laga helay isku goob.

 

 

Maydka labadaa wiil oo la keenay abaaro 9-kii fiidnimo ee xalay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa, waxa markii danbe loo qaaday Guri ku yaal xaafada xera Awr. "Waxa noo keenay C.I.D-da, mid waxa da'diisa naloogu sheegay 8-jir mid-na 11-jir, Markaa sidii neefka Geela ah marka la qowracayo dhuunta loogu dhufto ayay dhuunta ugu dhufteen labadaba, dabadeed-na labada ka roon ee 11-jirka lagu sheegay ayay dhinaca caloosha ka soo rideen, qiyaastii in midi lagu gawracay ayay u muuqdeen, " Sidaa waxa yidhi Agaasime ku xigeenka Cusbitaalka Guud Axmed Daahir Aadan oo heeganka xalay ku jiray, Islamarkaana Ogaal wax ka waydiiyay dhacdadan,

 

 

Axmed Daahir Aadan waxa uu sheegay in ay baadheen jidhka caruurtaasi, islamarkaana aanay jirin wax ka maqnaa xubnahooda, "Waa la eegay Jidhkooda wax lagala baxay ma jirin, markaa ka dib-na ehelkii caruurta oo la socday, CID-da ayaana waday oo dibaa looga qaaday Cusbitaalka" Sidaa ayuu yidhi Axmed Daahir, waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi, "Marka aan qiyaaso goorta waxani dhaceen waa subaxnimadii oo kale (Shalay) , waayo, dhiigu wuu qalalay"

 

 

Dhinaca kale mar Wariyayaal ka tirsan wargayska Ogaal ay tageen guriga maydka caruurtaasi yaalay xalay, waxa kula kulmeen halkaas dad aad u badan oo ku ururay gurigaas oo la yaabanaa dilkan nooca cusub ah ee loo gaystay caruurtaa yar-yar, labadoodaba waxa dhuunta kaga yaalay nabaro, mid ka mid ahna waxa u dheeraa caloosha oo dhinac laga jeexay. Lama sheegin sababta dilkaas caruurta yar-yar loo gaystay iyo cidii gaysatay toona. Mid ka mid ah ehelada caruurtaas oo wariyayaasha Ogaal goobtaa kula kulmeena wuxuu sheegay, in illaa wakhtigaa uu u waramayay wariyayaasha oo ku beegnayd illaa 10:30-habeenimo ee xalay aanay jirin cid loo qabtay falkaas. "Yar-yarku waxa ay la joogeen Lo', dabeed-na mar danbe uunbaa lo'dii oo beer gashay gabadh yari ay aragtay, ka dib markii ay beertii tagtay ayaa waxay aragtay labadii wiil ee yar-yaraa oo mayd ah oo is bar-bar yaala." Sidaa waxa yidhi, Muxumed Daahir Digaale oo adeer u ah mid ka mid ah Caruurta la dilay, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi. "Meesha caruurta lagu dilay waxa lagaga tagay Kabo nin, Go' iyo bagaash yar-yar oo Buskud iyo wax-yaabo la mida ah, kuwaasoo u eg in uu caruurta ku sa-sabtay. Sidaa daraadeed waxay u muuqataa in nin caruurta meesha ugu yimi oo labadaba qabtay oo uu laayay. Markaa ninkaa raadkiisii xagan (magaalada Hargaysa) ayuu usoo orday. Meeshana ciidanka Booliska iyo C.I.D-na goobta way tageen, waanay baadhayaan" Sidaa ayuu yidhi.

 

 

Muxumed Daahir mar aanu sii waydiinay waxa ay isku ahaayeen labada caruurta ahi waxa uu noo sheegay inay ahaayeen Ilma-abti laba walaalo ahi kala dhaleen.

 

 

Dadkii ku soo xoomay gurigaasi oo inta badan rumaysan la'aa dhacdadan waxa ka muuqday argagax, waxanay Is waydiinayeen su'aalo aanay u hayn jawaabo lagu qanco, "Maxaa loo sheegtay, tallow abaydinkan" "Inamada miyaa la qashay, waxani wax hore loo arkay maahee." Weedhahan iyo kuwa kale oo la mid ah ayay dadkaas qaarkood is waydaarsanayeen, waxana ka muuqday cabsi iyo wer-wer ayay kaga walaacsanyihiin dhacdadan.

 

 

Taliyaha Boliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu galab-nimadii shalay dhac-dadan wax ka waydiinay ayaa wax uu sheegay inay Ciidamadu baadhayaan, hase ahaatee markale oo aanu xalay dib ula xidhiidh-nay si aanu wax uga waydiino in cid loo qabtay falkan iyo in kale waa uu ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Ina lilaahi wa inna ilahay raajicuun. Waa war naxdin leh. What was the intention of this coward killer? Or was he some sort of Serial killer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Ina lilaahi wa inna ilahay raajicuun. Why would some do that? It looks like a serial killer on the loose, I hope they capture whoever behind this awful murder.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is all over the local media ,, pictures were available on some local newspapers and they video taped the two little children.

 

Again i met a friend of mine lastnight and he told me he is a causin of the two little children.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SDWO (Hargeisa 14/08/07) Warar aanu saacad ka hor ka helnay ilo xoogagaal ah oo ku sugan degmada Abaarso ayaa noo xaqiijiyey in Ciidanka Boolisku ay gacanta ku soo dhigeen 4 nin oo laga soo qabtay agagaarka Agabar oo dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa. Ilahan xogagaalka ahi waxay noo sheegeen in lagu kalsoonyahay ugu yaran nin ka mida afartan nin ee la soo qabtay inuu midkood yahay kii dilka fuliyay. Ciidanka booliska ayaa tan iyo maalintii Axadii ee falkani dhacay ku hawlanaa soo qabashada gacan ku dhiiglaha caruurta gawracay. Waxa la sheegay maalintaas uu dilku dhacay in raadkii ninka dilka fuliyay uu soo galay magaalada Hargeysa.

 

Labadan caruura waxay ahaayeen wiilal inmaabti ah oo ay kala dhaleen laba walaala ahi, labadan caruura oo dadoodu ahayd 8 jir iyo 11 jir ayaa waxay la joogeen Lo, waxaana geeridooda lagu warhelay ka dib markii lodii ay la joogeen beer gashay, ka dibna meydkoodii oo is barbaryaala la helay. Labadan Caruura ayaa labadoodba dhuunta mindi laga geliyay iyadoo midkoodna mindi lagaga jeexay caloosha dhinaca kelida.

 

Baadhitaano isla habeenkiiba ay dhakhaatiir ku sameeyeen meydka labada caruura ayaa xaqiijiyey isla markaasna beeniyay warar la isla dhexmarayey oo sheegayay in caruurta lagala baxay beerka iyo kelyaha. Agaasime ku xigeenka cisbitalka guud ee Hargeysa Axmed Daahir Aadan oo habeenkaas heeganka u lahaa ayaa sheegay inay baadheen jidhka meydka caruurta oo aanay habayaraatee jidhkooda waxba ka maqnayn. Labadan caruura ayaa shalay lagu aasay magaalada Hargeysa. Wararku waxay xaqiijinayaan in goobtii caruurta laga helay meydkooda laga helay go,ii ninka la aaminsayahay inuu gawraca fuliyay iyo kabo, sidoo kale waxa goobtaas laga helay buskud iyo nanac la filayo inuu ku sasabtay caruurta si aanay uga cararin.

 

Waxaana la sheegay in labada caruura uu midi weli nanacii afkiisa ku jiray markii meydkooda la helay. Wararkuna waxay intaas ku darayaan in la gartay dukaankii uu ninku nanaca ka iibsaday oo ku yaala degmada Abaarso.

 

Magaalada Hargeysa ayaa aad looga argagaxay masiibadan aan hore loo araga, iyadoo dadku ay werwer ka muujiyeen inuu ahaa nin waalan iyo inuu ahaa nin dhiigyo cab ah oo uu cabay dhiigii labadan caruura.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Jacaylbaro:

The incident is really unbelievable .... looks like the boy's blood were sucked just like the vempires ..............

Is this true JB or one of your usual theatrics?

Share this post


Link to post
Share on other sites

That is what they are saying ,,, i don't work in the hospital.

 

first they said some parts (kidneys, livr) are missing but that was not true.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this