Sign in to follow this  
garyare

Maxkamadda Sare ee London oo Xukun ku riddey kornayl Cabdullaahi Yuusuf

Recommended Posts

garyare   

Maxaad Ka Sugayseen Maxkamadda Sare Ee London 14kii Maarso 2005?

 

Waxaan hubaa in ay jawaabta su’aashaan hayaan boqollaal qof oo soomaaliyeed, waana kan warkii farxadda lahaa oo ay sugayeen:

 

Haa, waxaad sugayseen sida ay ku dhammaatay dacwadii looga yeeray Maxkamaddaas kore ninka lagu magacaabo kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo hadda sheegta inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya oo maalintaas ugu muddaysnaa inuu soo xaadiro Maxkamadda soona hor istaago Garsoore sugayey.

 

Sida aad la socotaan, wuxuu ninkaasi racfaan ka qaatay xukun ay isla Maxkamaddani hore ugu riddey 23kii Maarso 2004 kaasoo ay Maxkamaddu uga diiddey codsigiisii ahaa in aysan Maxkamadaha Ingiriisku awood u lahayn in ay galaan kiiskaan maadaama ay Puntland (oo uu isagu markaas ku haystey si xaaraan ah) ka jiraan wax uu ugu yeeray “maxkamado†awood u leh in ay galaan kiiska (akhristow adiga ayaan kuu daynnay baaritaanka in ay wax ka jiraan sheegashadaas kornaylka oo ah in ay waqtigaas Puntland ka jirtey maxkamad awood u leh in ay u yeerto ama la soo hor istaajiyo ninkaas iyo in kale!).

 

Xukunkaas hore ka dib, 7dii bishii Luulyo 2004 ayay Maxkamaddu mar kale amar ku siisay kornaylka inuu shakhsi ahaan soo istaago dhegeysiga racfaankiisa. Dhegaysigaan dambe waxay maxkamaddu go’aamisay in kiiska la dhegaysto oo uu socdo 5 (shan) maalmood hase yeeshee, markii ay soo dhowaatay muddadii qaadista dacwada, ayuu kornaylku si lama filaan ah u ruqseeyey (fasaxay) Qareennadii u doodayey (difaacayey).

 

 

Maxay ahaayeen sababihii kornaylka ku kallifay inuu

ka baaqdo imaanshihii Maxkamadda?:

 

Asbaabuhu way badnaan karaan hase yeeshee waxaannu ka soo qaadanaynaa 2dan hoose:

1. iyadoo 90% ay qaban lahaayeen Police/ka Ingiriisku maadaama ay 2 xukun ku caddaatay inuu si buuxda u galay dambigii lagu soo oogay oo ahaa inuu si ula kac ah mas’uul buuxa ka yahay dilkii fulaynimada ahaa ee uu u gaystey marxuum Suldaan Axmed Maxamuud Maxamed oo ka dhacay Tuulada Kala-Bayr ee Gobolka Nugaal ee Soomaaliya 17/8/2002.

2. iyo in uu ka baqay in haddii lagu arko isagoo hortaagan Maxkamad ayadoo lagu soo oogay dembi dil ah, in ay markaas ka fashilmayso xukuumad ku sheegta ay xabashidu ka abaabushay Nairobi una dhiibatey kornaylka. Lama garanayo inuu odaygu keli ahaan tashaday sidii lagu yiqiin iyo in ay la taliyeen kuwii waligoodba bohosha ka tuuri jirey.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa halkaa ku beenoowdey geesinnimadii uu ku faani jirey kornaylku! Odaygu kama baqo xabbadda, dadka ka horyimaadana “biyo kulul†ayuu indhaha uga shubaa ama wuu laayaa; hase yeeshee wadne uma hayo inuu hor istaago Garsoore Maxkamad Ingiriis ee London! Tani waxay la mid tahay qisadii “wallee wadaadow sararo diir-diirkaaga iyo gallayr shimbir ku sheegiddaadu isma laha†Waxaa intaas dheer oo aannu leennahay kornaylka: yaa ku gaarey? Marka soo socota iyo Xukunka Ciqaabta, adigu ma imaan doontid maxkamadda ee maxkamaddu iyada ayaa kuugu iman doonta halka aad joogtid!

 

Walow aannu ognahay in dad aad u badani ay la socdaan guusha uu ku dhammaaday xukunkii, haddana waxaannu ka xunnahay in aannan wali shaacin oo u dirin Shabakadaha Internetka, waannuna idinka raalli galinaynaa. Sababtu waxay ahayd annagoo jeclayn in aan idiin soo dirno Xukunkii oo qoran si aad uga bogataan akhriskiisa, hase yeeshee, maadaama uu dib uga dhacay usbuuc ama labo ku talogalkii, ayaannu door bidnay in aannu idiin soo hormarinno qoraalkaan gaaban wargelin ahaan intiinna aan wali maqlin akhbaartan barakaysan.

 

Walaalayaal, Xukunkani wuxuu ku dhacay mid ka mid ah dilaayaasha ugu axmaqsan dagaal oogayaasha halligay Soomaaliya waa Cabdullaahi Yuusufe, haddana doonaya in ay u daba tiraan (baabi’iyaan) hambada ka hartay dadkeenna iyo dalkeenna iyagoo horkacaya cadowga ugu khatarsan oo ah Xabashida.

 

 

Guddiga Abaabulka Dacwada Kiiskii Suldaan Hurre

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this