Sign in to follow this  
Wiilo

Warbixin sir ah oo ku saabsan C/llaahi Yuusuf oo goor danbe ka war-helay

Recommended Posts

Wiilo   

Warbixin sir ah oo ku saabsan C/llaahi Yuusuf oo goor danbe ka war-helay lacago beesha caalamku siisay dowladda federaalka oo la lunsaday

 

Friday June 23, 2006

 

 

 

By C/shakuur Cilmi Xasan cabdishakuur48@hotmail.com

 

Qaranimo Online - Muqdisho, Somalia

 

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay xubin ka tirsan dowladda federaalka balse codsaday in aanan magaciisa saxaafada lagu shaacin ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu qorsheynayey ka hor inti aysan xukuumadu soo gudbin qorshaha ammaanka Qaranka in la diyaariyo mooshin xilka lagaga qaadayo ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi, balse intii qorshahaasi la diyaarinayey la soo gudbiyey ajendaha ku saabsan ammaanka Qaranka oo ahaa qorshe la doonayey in lagu mashquuliyo baarlamaanka balse si lama filaan ah u meel-maray.

 

Socdaalkii u danbeeyey ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ku tegay dalalka Ingiriiska, Sweden & Jarmalka ayey ku war-geliyeen saraakiisha dalalkaasi u qaabilsan isku duba-ridida deeqaha la siiyey Soomaaliya in taageere dhaqaale oo fara badan ay siiyeen dowladda federaalka, waxaana C/llaahi Yuusuf la soo hor-dhigay dukumintiyo ay ku saxiixan yihiin ra’isul wasaare Geeddi & wasiika qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Juriile, iyadoo madaxweynuhu safarkaasi uu kala soo laabtay xaalad ka bedelen tii hore, waxaana xubnihii ugu dhow-dhowaa madaxweynaha markii uu ku soo laabtay Baydhabo ay sheegeen in filan-waa ay ku noqotay in dhaqaale intaa la’eg oo aan waxba dalka loogu qaban in loo isticmaalo dano shaqsi.

 

Wixii markaa ka danbeeyey madaxweynaha & ra’isul wasaaraha waxey ku wada shaqeynayeen xaalad huri-weyto ah, waxaana meesha ka baxday kalsoonidii madaxweynuhu ku qabay ra’isul wasaaraha, iyadoo sidoo kale qaab aan sharci aheyn loogu takri falay lacag dhan hal milyan oo dollar oo madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay siisay dowladda Suudaan, waxaana madaxweynuhu lacagtaasi uu dhigay shirkadda Dahabshiil Baydhabo, wuxuuna ku war-geliyey ra’isul wasaare Geeddi in lacagtaas lagu bixiyo ciidamada xareyntooda, raashinkooda & tasiilaadka kale ee muhiimka ah ee ay u baahan yihiin, wuxuuna madaxweynuhu ka war-helay lacagtii milyanka aheyd oo ay labo boqol kun dollar ka hartay, baahidii loogu talo-galayna aan waxba looga qaban taasoo mar kale ka careysiisay madaxweynaha.

 

“C/llaahi Yuusuf ma ahan nin doonaya in uu lacageyso taa anigaa huba, C/llaahi labo ujeedo buu leeyahay, tan 1-aad waxey tahay wax waliba oo ay ku qaadato xittaa in uu Itoobiya u isticmaalo in uu dalka nabadeeyo, kuna soo celiyo sharcigii & kala danbeyntii oo uu sidaa magac ku yeesho, kuna aqdaanto & tan 2-aad oo ah isagoo doonaya in uu noqdo halyey ******* oo soo celiya sharaftii & heybadii ******* , balse waxaa hadda hankiisa hakiyey isbedelka ka dhacay Muqdisho, aad buuna u necen yahay qolyaha maxkamadda†ayuu yiri mas’uulka ka tirsan dowladda federaalka ee aan ka soo xiganay warbixintan, wuxuuna sheegay

 

 

 

Axmed-saadaq

 

 

 

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Guhaad   

madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu qorsheynayey ka hor inti aysan xukuumadu soo gudbin qorshaha ammaanka Qaranka in la diyaariyo mooshin xilka lagaga qaadayo ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi

rumors. this resignation thing combined with the differences/problems between Yey and Geedi are long and baseless. these rumors are as old as the TFG itself. to the contrary, i think both have come become friends and more accustomed to one another throughout the many challenges, changes, travels, and conferences they have endured together during their tenure. at the end, they will both lose or gain.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“C/llaahi Yuusuf ma ahan nin doonaya in uu lacageyso taa anigaa huba, C/llaahi labo ujeedo buu leeyahay, tan 1-aad waxey tahay wax waliba oo ay ku qaadato xittaa in uu Itoobiya u isticmaalo in uu dalka nabadeeyo, kuna soo celiyo sharcigii & kala danbeyntii oo uu sidaa magac ku yeesho, kuna aqdaanto & tan 2-aad oo ah isagoo doonaya in uu noqdo halyey ******* oo soo celiya sharaftii & heybadii *******...

:D:D:D

 

Maalin ayaa la arki doonaa miyaa markaas Taaladii Halyeey Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo Xamar ka taagan? :D:D

 

Nin ayaa riyoonooyo, walaahi. What a high-bar ambition u degsan odeyga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

^^He has also been to Jowhar..? And what its current state? I believe he wil leave Bay and they will be liberated by the 'wadaads', I pressume :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar was lost by Mohamed Dheere, who refused work with the TFG, even made personel insults and today he is ?

 

The TFG has yet to fight any battles and its enemies are reduced considerably.

 

As for Inda Cade, Aways and Co,, they present no real threat..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Originally posted by General Duke:

As for Inda Cade, Aways and Co,, they present no real threat..

Somaaliida waxay ku maahmaahda 'habadh fadhida legden la fudada'..... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I always thought that the warlords in Mogadishu were not that strong, and Mohamd Dheere became an irrelevance. This clan courts system has some good people but Inda Cade and Xasan Dahir are the occupiers of the lower Shabbele and thus not compatable with the interest of the Somali people even the peace loving resident of Mogadishu..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this