Sign in to follow this  
Mintid Farayar

Puntland oo Dhaliishay Dowlada Soomaaliya

Recommended Posts

Puntland oo Dhaliishay Dowlada Soomaaliya

By VOA News

Washington

01-May-2009

 

Dowlad-goboleedka Puntland

War Saxaafadeed ay soo saareen dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay dhaliil ugu soo jeediyeen xukuumadda Federaalka iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Axmadou Wallad Cabdalla.

 

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboledka Puntland Warsame Cabdi Shirwac oo isagu weriyayaasha u aqriyay war saxaafadeedkaasi ayaa sheegay in maamulkiisu ay dhaliilsan yihiin deeqaha kala duwan ee dowlada Federaalku dibeda ka hesho oo uu sheegay inaan si cadaalad ah oo isku mid ah loogu qeybin dhamaan qeybaha Soomaaliya. Wasiirku wuxuu sheegay in ay soo jeedinayaan in deeqaha wadanka soo gala si hufnaan ah loo qeybiyo oo Puntland Qeybtooda la soo gaarsiiyo.

 

War Saxaafadeedkaasi ka soo baxay Maamul-Goboleedka Puntland waxay kaloo dhaliil u soo jeediyeen Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay Axmadou Wallad Cabdalla oo ay sheegeen inaanu ku ixtiraamin ka qeybgalida shirarka caalamiga ah ee Arrimaha Soomaaliya looga hadlo.

 

Dhinaca kalena, Wasiirka Warfaafinta Dowlada KMG Farxaan Cali Maxamuud ayaa Wareysi ay VOA la yeelatay ku sheegay in dowladda KMG ay tahay tan xaqqa u leh ka qeybgalida shirarka Caalamiga ah, balse arrimahaasi aysan wax shuqul lug ah ku lahayn maamul-goboleedyada ka jira Gudaha Soomaaliya.

 

Midigta Sare ee Boggan ka dhagayso Warbixinta Wareysiga Wasiirka Warfaafinta dowlada Soomaaliya iyo Warbixinta Weriyaha Garoowe.

Link

Share this post


Link to post
Share on other sites

Like I told Duke and others more than 2 weeks ago, Faroole and Puntland will not/did not receive any funds from the Nairobi and related funds.

 

While many argue from emotion in this Forum, very few actually follow the realities, regardless of whom they support.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this