Sign in to follow this  
General Duke

More heavily armed TFG troops on route to Mogadishu...

Recommended Posts

AFGOOYE: Ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa Dowladda oo soo gaaray Afgooye kuna soo jeeda Muqdisho

Posted to the Web Mar 14, 13:35

 

afgoye.jpg

 

Afgooye (PP) – Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda oo aad u fara badan kuwaasoo laga keenay dhanka Ballidoogle.

 

Ilo wareedyo ku sugan Afgooye oo ay Puntlandpost xiriir la sameysay ayaa waxay sheegayaan in ciidammada oo aad u fara badan ay wataan gawaari aad u fara badan oo la sheegay inay ka mid yihiin kuwa dagaalka, waxaana la sheegay in ciidammadaan ay u soo gudbayaan dhanka Muqdisho.

 

Wararka ayaa waxay sidoo kale sheegayaan in sababta ku hakisay ciidammadaan Afgooye ay tahay iyagoo gaari ka mid ah gawaaridii uu watay uu ku dhacay mooto ay wateen saddex wiil oo dhallinyaro ah, taasoo sababtay in dhallinyaradii la dhigo isbitaalka Degmada Afgooye ayna iyagu ka warhaynayaan xaaladda dhallinyaradaas sida ay noqoto.

Dhallinyarada ayaa la sheegay inay gaareen dhaawacyo kala duwan oo la sheegay inay ahaayeen kuwo aad u culus, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhaawacyadooda sida ay noqdeen.

 

Dadka ku sugan Degmada Afgooye ayaa ugu sheegay Puntlandpost dhanka qadka Taleefoonka in ciidammadu ay yihiin kuwo aad u feejigan, sidoo kalena ay ka muuqato haybad ciidannimo ayna aad ula yaabeen markii ay arkeen tababarka ay qabaan.

 

Ciidammada ayay dowladdu horay u sheegtay inay ku doonayso inay ku sugto ammaanka Muqdisho oo loo arko inuu yahay midka uug xun guud ahaan Soomaaliya, waxaana sugidda Ammaanka Muqdisho ay dowladdu qabtay muddo hal bil ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

ciidamo_cusub_muqdiso1a.gif

 

Ciidamo tiro badan oo lagu daadiyay Degmada Afgooye.

 

Afgooye, Arbaco, 14 March 2007 Simba Radio

 

Ciidamadii ugu badnaa ee ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia isla markaana laga keenay Balidoogle ayaa manta lasoo dhoobay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

 

Ciidamadaan ayaa ah kuwii Military ee waayadaan tababarka ugu socday xerada Balidoogle ee gobalka Shabeelaha Hoose kuwaasoo dhawaan loo soo gaba gabeeyay tababarkooda.

 

Ciidamadaan ayaa la sheegay inay ku hubeysan yihiin hub cul culus iyo kuwa fud fudud iyadoo la sheegay inay aad u feejigan yihiin isla markaana ay dhex marayaan gudaha wadooyinka degmada Afgooye.

 

Ciidamadaan Military-ga ee ka tirsan Dowlada KMG Somalia ayaa la sheegay inay intooda badan ku sugan yihiin xarunta maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

 

Ciidamadaan ayaa la sheegay inay qeyb ka noqon doonaan ciidamada Dowlada u qorsheysan inay ammaanka Muqdisho sugaan maadaama 16-ka April lagu balansan yahay in lagu qabto shirka dib u heshisiinta qaran.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii ugu badnaa oo ka yimid garoonka Bali-doogle oo soo gaaray degmada Afgooye

By Cabdishakuur Cilmi Xasan

Email: cabdishakuur48@hotmail.com

 

Qaranimo Online Muqdisho

 

Afgooye, March 14, 2007 - Qaranimo.com - Kadibi markii dhowaantan loo soo xiray tababar ciidamo aad u tiro badan oo kor u dhaafaya 4000, ayaa waxaa la dareemayay dhaq dhaqaaqyo aad u xoogan oo ay sameynayaan ciidamadaasi, kuwaasoo isku soo fidinaya maalinba maalinta ka dambeysa daafaha iyo duleedka magaalada Muqdisho, iyagoo soo maraya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

 

Ciidamadii ugu badnaa ayaa maanta la xaqiijiyay inay soo gaareen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, iyagoo degay xarunta maamulka degmada Afgooye iyo weliba xaruntii saldhiga Booliska degmada, waxayna ciidamadani maanta cabsi weyn ku abuureen dadka degaankaasi oo iyagoo aan ka war heyn hal mar ay soo dul degeen, mana jirto wax faah faahin ah oo laga bixiyay halka ay ku sii jeedaan ciidankan lixaad leh.

 

Weriyeyaal ku sugan halkaasi oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamadani ay ku soo jeedaan magaalada Muqdisho isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo horey u soo gaaray magaalada kuwaasoo gaarayay illaa 2500.

 

Sidoo kale, sababta keentay ciidamadan inay ku hakadaan degmada Afgooye ayaa lagu sheegay inay tahay shil uu galay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamadaasi kadib markii uu hertiyay Mooto ay saarnaayeen wiilal dhalinyaro ah kuwaasoo ay horey u soo qaadeen isla markaana ay dhigeen isbitalka degmadaasi Afgooye, waxaana la tilmaamay inay saacadaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.

 

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa madaxda dowladda federaalka KMG Soomaaliya waxa ay hadal hayeen in xaaladda amni ee magaalada Muqadisho ay wax weyn ka qaban doonaan isla markaana ay ka sameyn doonaan howlgalo lagu sugayo amniga guud ee caasimadda, iyagoo xilliyada qaarna ku goodinayay inay ka taqasuli doonaan kooxaha kacdoonka iyo weerarada ka wada Muqdisho.

 

QARANIMO Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah oo soo gaaray degmada Afgooye

 

Afgooye 14, March.07 ( Sh.M.Network) Ciidamo Badan oo laga keenay deegaanka Balli Doogle ayaa soo gaaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, iyadoo ciidamadaasi la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin caasimadda Somali ee Muqdisho.

 

Ciidamadan oo ku labisan dharka ciidanka oo watay gawaari dagaal ayaa soo gaaray degmada Afgooye, iyadoo gaari ay wateen uu kaga halaabay halkaasi.

 

Ciidamadan ayaa markii ay soo gaareen buundada weyn ee degmada Afgooye waxa ay si lama filaan ah u jiireen 3 dhalin yaro ah oo Mooto wada saarnaa, kuwaasi oo dhaawac daran uu soo gaaray sida uu ku soo waramayo Wariyaha shabelle ee degmada Afgooye.

 

Ilo wareed ku sugan magaalada Afgooye ayaa shabelle u sheegay in ciidamadan ay ku soo jeedaan magaalada Muqdisho.

 

Xasan Mayow

 

Shabelle Media Network Sh/hoose

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ee tababarka loogu soo xiray Balidoogle oo Afgooye soo gaaray, kuna soo wajahan Muqdisho

 

 

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ee dhowaantan tababarka ciidan loogu soo xiray xerada Bali-doogle oo ku taala gobolka Sh/hoose ayaa saacado ka hor soo gaaray kuna hakaday degmada Afgooye, iyagoo ku soo jeeday dhinaca magaalada Muqdisho.

 

 

Ciidamadan oo ku hubeysnaa gawaarida dagaalka ayaa lagu soo waramayaa iney gudaha u galeen degmada Afgooye, iyagoo tegay xarunta maamulka ee degmadaasi iyo weliba saldhiga Booliska oo ay kula kulmeen qaar ka tirsan mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha ciidamada ee degmada Afgooye, lamana garanayo sababta keentay in ciidamadan oo Muqdisho ku soo jeeday ay u leexdaan degmada Afgooye, inkastoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ay kaliftay ku leexashada ciidamadaasi ee degmada Afgooye ay timid ka dib marki ay ciladoobeen qaar ka mid ah gawaaridii ay wateen ciidamadaas.

 

 

Ciidamadan dowladda federaalka ee ka soo baxay Balidoogle ayaa intii aysan gudaha u gelin degmada Afgooye waxay buundada dulmarta webiga shabeelle ee degmadaasi mara ku jiireen mooto ay wateen 3 dhalinyaro ah, kuwaasoo la sheegay iney si xun ugu dhaawacmeen shilkaasi, waxaana dhaawacooda loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Somaalida aya horey uu sheegtey fuley wax ka qoryo badan maleh. Ila iyo sanadki tegey ayad waxa ku heysa "4000 armed forces - finished traning and deployed", welina wax kaso naasa cad maleh. Jenerale halke bey saladu iska qabsan la'dahey saxiibo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are you Okay Man? other than posting those stereotypes on hourly bases, what else you do for living. Some of comments read "clan courts"

so what you consider ur self or whomever ur supporting "clan government" may be?

anyways brother ask your self if qabiil will help you in Aakhiro. And let's stop this ethnocentric beliefs of Qabiil inequality. We all the same pple.

Xoogaa is daji caadifad qabiil ey ku qaadin.

dont get me wrong, coz I don't support my own tribe by defeating others. Everyone whose mind is Tribe based, I consider ignorant, so do better than qabiil support, i know u can do better.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Juje:

Somaalida aya horey uu sheegtey fuley wax ka qoryo badan maleh. Ila iyo sanadki tegey ayad waxa ku heysa "4000 armed forces - finished traning and deployed", welina wax kaso naasa cad maleh. Jenerale halke bey saladu iska qabsan la'dahey saxiibo?

So Juje is no longer voting with Duke? What has changed yaa Juje? I thought you decidedly wanted Courts defeat.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

War ninyahow, malin kasta 4000 iyo Shan Kun baa lasoo tababaraya,waxba ma qabtaan miya? Misee awood iyo xoog malaha miya? Teeda kale fara badana 5000 oo malinkaasta Muqdisho la kenaya, tolow xagey kala dagayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

quote:Originally posted by Juje:

Somaalida aya horey uu sheegtey fuley wax ka qoryo badan maleh. Ila iyo sanadki tegey ayad waxa ku heysa "4000 armed forces - finished traning and deployed", welina wax kaso naasa cad maleh. Jenerale halke bey saladu iska qabsan la'dahey saxiibo?

So Juje is no longer voting with Duke? What has changed yaa Juje? I thought you decidedly wanted Courts defeat.
You see the post that Duke promise to give to Juje once the ICU are riden of has been mistakenly been given to Yoonis.

thats when Juje Decided that the TF were Clan Govt :D

Am I right Juje

;)http://www.aminarts.com/Mar_1_2007.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. .

 

Geel_Jire12 & blue_hefner.

I apologise if you did not undertsand the story, these are not the 4000 that couple of days back. These are new troops that left Bali-doogle yesterday.

 

The build up is going on, so be patient people.

As for attacking the messinger, why? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

So Juje is no longer voting with Duke? What has changed yaa Juje? I thought you decidedly wanted Courts defeat.

Yaa Xiin, If I were to guess, this latest flip-flopping from Juje might be due to one of his favorite Warlords being among those alienated by the Great Yey

 

Just a guess,really. But af jooga looma adeego baa la yidhi, lets wait for him to speak up ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I would call it an educated guess! I thought only Horn and Allamagan were betrayed and left in the doghouse! I wonder who’s next to drop on the same basis!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this