Sign in to follow this  
Emperor

Somali President held talks with Al-bashiir of Khartoum

Recommended Posts

Emperor   

Khartuum: Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Suudaan.

19. november 2008

 

 

Khartuum(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo gaaray Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, wuxuuna Madaxweyne Yuusuf kasoo laabtay dalka Liibiya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayay ku soo dhaweeyeen Magaalada Khartuum qaar ka mid ah Wafuud ka socotey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana saacadaha uu Madaxweynuhu joogo Suudaan la kulmayaa dhigiisa dalka Gen, Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay ka wada hadlayaan xiriirka labada wadan & Dibu heshiisiinta Soomaaliya.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa diyaarad qaas ah oo laga leeyahay dalka Suudaan ay ka soo qaaday Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, sida ay ku waramayaan diblumasiinta ku sugan Magaalada Khartuum.

 

Md. Yuusuf ayaa saacado kooban jooga Khartuum waxaana ka dib halkaasi ka qaadi doonta diyaarad qaas ah oo geyn doonta sida ay sheegayaan wararku Magaalada Kampala, isagoo Madaxweynuhu halkaasi kula balansan dhigiisa Ugandha Yuweri Musaveni oo ay ka wada xaajoon doonaan xaaladaha qalafsan ee gudaha dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labo maalin ka dib tagaya Magaalada Nayroobi, waxaana markaas la ogaan doonaa jawaabta uu ka bixiyo hadal ka soo yeeray dawladda Itoobiya oo ku aadan Cunaqabateyn lugu soo rogo Hogaanka dawladda Soomaaliya & cid walboo ka soo horjeeda go’aankii IGAD.

 

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa markaasi ka dib ka bilaabaya gudaha Soomaaliya gudashada waajibaadka shaqo ee dhowraya, waxaana lafilayaa in uu Madaxweyne Yuusuf si deg deg ah ku gaaro gudaha dalka Soomaaliya oo ay shaqooyin badan ku dhowrayaan, waxaana Madaxweyne Yuusuf dhowraya howlo baahsan oo ay ku jiraan dhismaha Maamulka gobalka Banaadir oo lasheegay in ay ka gaabsatay Xukuumadii hore ee Nuur Cadde.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweynaha Soomaalia Md: Yusuf Oo Ka Dagay Caasimada Dalka Suudaan Ee Khartuum.

 

Waxaa saakay aroornimadii booqasho gaaban ku gaaray Caasimada Dalka Suudaan ee Khartuum Madaxweynaha Dalka Soomaalia Md: Yusuf , Madaxweynaha Soomaalia oo halkaasi kula kulmi doona Madaxda Dalkaasi Suudaan uu ugu Sareeyo Dhigiisa Madaxweynaha dalka Suudaan Al-bashiir.

 

Madaxweynaha Soomaalia iyo wafdigiisa ayaa maalmahaan booqasho ku jooogay dalka Libya gaar ahaan magaalada Tiripoli ee caasimada dalka Liibya, halkaasoo uu gulamo xasaasi ahi oo qaatay labo maalmood kula soo qaatay dhigiisa dalka Liibya Muamar Al-Qadaafi.

 

Madaxweynaha Soomaalia ayaa socdaalkiisan saakay oga bilaawday dalka suudaan ayaa la ogeyn inta maalin uu qaadan doono , balse warar ku dhow dhow wafdiga madaxweynaha ayaa waxeey u sheegeen shabakada carmooyin.com in ay booqashadan qaadan doonto muddo saacado ah.

 

wixii war ah oo ku soo kordha kala soco shabakada Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

Ina Yusuf has left no stone unturned for his survival. Anyway, the old man is desparete to get support to prolong his presidentail tenure. Oh, Ay is beeating a dead horse.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

He is old-style, he doesn't understand that Libya or Sudan or Uganda cannot help him. He should have focused on prostrating at the feet of Jandayi Fraser or Siyoum Mesfin, as he has been doing the whole of his life.

 

Pathetic senile!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this