Sign in to follow this  
General Duke

Clan Courts attack Mosque in Barava..take its motor..

Recommended Posts

www.somaliweyn.com- pro Clan Court website reports it.

 

Maleeshiyooyinka maxkamadaha ee ku sugan Baraawe oo weeraray Masjid

 

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 14/12/2006 aroornimadii salaaddii subax kadib qiyaastii (06:20) ayaa maleeshiyooyinka maxkamadaha ee ku sugan degmada Baraawe ay weerar ku qaadeen masaajid ku yaal xeebta degmada Baraawe kasoo lagu magacaabo masjidka Sheekh Nuureyn Axmed Al-Saabir.

 

Waxayna halkaas ku burburiyeen nimankaas weerarka ku qaaday masaajidka qabrigii Sheekha oo ku yaal masjidka dhinaciisa gaar ahaan dhinaca bidix ee masjidka. Waxayna sixoog ah ku qaateen matoorkii dab dhaliyaha ee yiil masjidka iyo qalab kale isla markaana waxay jirdil u geysteen dad ku sugnaa masjidka oo subac quraan aqris ah ku jiray.

 

Waxaa la yaab noqotay koox walba oo qabsata maamulka degmada Baraawe ha noqdaan kuwo magac qabiil, siyaasad, jabhad ama diimeed wata sababta ay ula kacaan falal ayasan ka sameyn goobaha kale ee ay ka taliyaan.

 

Bishii hore bilowgeeda ayaa maxkamaduhu waxay ku soo rogeen dadweynaha deggan degmada Baraawe amar ah in dumarku aysan soo fariisan Karin suuqa Baraawe si ay u ganacsadaan, hanoqoto raashin, dhar, caano, qudaar waa kamamnuuc haweenka degmadaas inay suuqa ku iibiyaan, anagoo ogsoon maanta inay jiraan dumar badan oo raggoodii laga laayay kuwaasoo ku qasban inay u soo shaqeeyaan caruurtooda maaddaama aysan jirin hayad dowladeed oo kafaala qaadda daryeelkooda.

 

Xigasho: Shaaficiyah

Share this post


Link to post
Share on other sites

BARAAWE: Maamulka Baraawe oo xaryiraad ku sameeyay xus diimeen, culummana xirxiray

Posted to the Web Dec 14, 07:36

 

 

Baraawe (PP) – Maamulka ka jira Degmada Baraawe oo la sheegay inuu hoos tago Maxkamadaha Midoobay ayaa lagu soo warramayaa inay saakay weerareen goob uu ka jiray xus diimeed ay sameysanayeen dad culummo ah.

 

Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ayaa waxay sheegayaan inay gabi ahaan burburiyeen Maxkamaduhu goobta lagu sameynayay xus diidmeedka, iyagoo sidoo kalena daadiyay cunnooyinkii halkaas ay ku karsadeen culummadii sameysanayay xus diidmeedka.

 

 

 

Xubno ka tirsan Maamulka Baraawe oo hoos-taga Maxkamadaha ayaa waxay sheegeen in xuskaas uu ahaa mid ay ku arkeen inay isku dhex jiraan ragga iyo dumar sidaa daraadeedna ay ku qasabtay dantu inay joojiyaan gabigiisa, waxaana uu sheegay inay xirxireen qaar ka mid ah culummadii xuska sameysanayay.

 

Inkastoo aysan Puntlandpost u suura-gelin inay warar sugan ka hesho dhanka kale ee culummada laga xayiray inay sameeyaan xus diimeedkaas ayay balse inoo suurogashay inaan ka helo warar ku saabsan arrintaan xubno ku sugan deegaanka Baraawe, oo arrintaas goob joog ka ahaa, waxayna tilmaameen, in Maamulada hoostaga maxaakiimta ayba gabi ahaanba ka maqan tahay inay dadka marka hore wax u sheegaan hadii ay khaldan yihiin, waxaase dhamaantood waxwalba ugu muhiimsan inay waxwalba ay bur-buriyaan iyagoo aan wax digniina siin dadka shacabka ah ee arrimahaas ku dhaqma, waana arrin aan aad u wanaagsanayn in dadka shacabka ah sidaas loola dhaqmo ayey sheegeen xubnahaasi.

 

 

Waqti danbe oo aan la xiriirnay magaalada Baraawe ayaan waraysanay xubin kale oo ah dadka deegaanka Baraawe, balse codsaday in magaciisa aanu adeegsan sababo ammaan awgood, ayaa carrabka isagana ku dhuftay, in kooxda xuska loo diiday ay ka tirsanaayeen Dariiqada Suufiyada, isla markaana handadaad kale loogu daray burburinta hantidooda, waxaana u sheegay sidoo kale in kuwii la xirxiray ay weli xirxiran yihiin cid u doodaysana aysan jirin.

 

Daabacaad: www.puntlandpost.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baraawe: Maxkamadaha oo weeraray masjid uu ka socday quraan akhris.

Khamiis, December 14, 2006

 

 

Baraawe(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in maxkamadaha Muqdisho ee degmadaasi kusugan ay maanta weerareen masjid ay ka socotay Siyaarada Sheekh Nuurayn oo ah sheekh aad looga yaqaanno gobolka Shabeellada hoose.

 

Sida uu noo soo sheegayo goob jooge kusugnaa marka maxkamaduhu weerarayeen masaajidka, waxay maxkamaduhu si kadis ah kusoo weerareen masjidka , ayagoo kala yaaciyay culimo quraan akhris ka wadday masaajidka .

 

Goob jooguhu wuxu noo xaqiijyay in maxkamadaha ciidankoodu ay masaajidka layrkii ka bakhtiiyeen, dabadeedna qaar kamid ah culimadii ay masaajidka ka saareen.

 

Ciidanka maxkamadaha ayaa sidoo kale masaajidka ka qaatay matoorkii dabka siin jiray masaajidka , xilli ay ka socotay hawl ballaaran oo ay dadka deegaanku muddo kasoo shaqaynayeen.

 

Sheekh kusugan Baraawe oo sababo ammaan darteed magiciisa qariyay ayaa sheegay in dadka deegaanka arintaasi ay dhabar jab ku tahay , maadaama xusas ay horay usoo wadeen laga car qaladeeyay, isla markaana goob cibaado fara galin lagu sameeyay.

 

Xuska ama siyarada Sheekh Nuurayn ayaa ah mid sanad walba ka dhacda deegaamo dhowr ah oo ku yaalla Soomaaliya, waxaana lagu waday in galabta qaybtii ugu ballaarnayd ay dhacdo.

 

Maxkamadaha tan iyo markii ay la wareegeen Muqdisho waa xuskii labaad ee ay joojiyaan, taasoo dadka deegaanku ay caro ka muujiyeen.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
king_450   

December 14, 2006

Posted to the web December 14, 2006

 

Aweys Osman Yusuf

Mogadishu

 

Witnesses said they (Islamists) start preaching to residents and telling them that they have banned everything they consider Narcotics and starting from Thursday. The banned items included smoking and tobacco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Question: As-Salamu `alaykum. Could you please shed more light on the Islamic view regarding visiting the graves of Al-Awliya’ wa As-Salihin (saints or pious people) and making du`a’ there?

 

Wa `alaykum As-Salamu wa Rahmatullahi wa Barakatuh.

 

In the Name of Allah, Most Gracious, Most Merciful.

 

All praise and thanks are due to Allah, and peace and blessings be upon His Messenger.

 

Dear questioner, thanks a lot for your question and your apparent fear of contradicting Allah’s laws. May Allah enlighten our hearts with the light of Islam!

 

Responding to the question you posed, we’d like to cite the fatwa issued by Sheikh `Atiyyah Saqr, former head of Al-Azhar Fatwa Committee, which reads:

 

“It is well known that when one loves somebody one loves all that is related to him. Such an innate human characteristic is not opposed by religion; rather, it is guided in two ways. The first is choosing those who deserve that love and veneration and the second is not violating the principles of religion in expressing this love or in any of its consequences. Seeking the blessings of pious people or saints is not forbidden under Islam but it might have some features that are against religion such as:

 

1- Going round the grave is blameworthy because it is an imitation of circumambulating the Ka`bah.

 

2- Seeking blessings by touching or kissing the grave and the like. Imam Al-Ghazali states that touching and kissing graves is not stated in the Sunnah and it is better to stand at a distance from the grave.

 

3- When one performs du`a’ (supplications) at graves, one must direct such du`a’ to Allah alone for He alone is capable of granting help and warding off harm.

 

It is forbidden to direct the du`a’ to or seek the help of the one in the grave however venerated he may be. Moreover, performing du`a’ at his grave is not better or more likely to be answered than doing it elsewhere. Ibn Taymiyyah was among those who expressed such opinion. He says: ‘Making supplications (du`a’) at graves of the righteous thinking that the supplications are more likely to be answered than in any other place, is a practice that had never been done by the Prophet (peace and blessings be upon him) or any of his Companions, their successors, or the Imams of Islam and has never been mentioned or recommended by any of the righteous scholars.’

It may be better to prevent such a practice in order to dissuade people from invoking or seeking the help of others than Allah or even along with Him.”Source

 

Read also this:

Fatwa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jaylaani:

Masaajidka iyo qabtriga maxaa isku keenay marka hore?

Horta waxaa haboon waxa aad ka hadleysiid in aad aqoon uu leedahey. Boqolaal qaburo o Masjiid ku ag yaal aya jira, waxna kuma jabna taas. Waxaa daran un in qabriga u ku yaal Qiblada Masjiidka hortiisa, waayo waxay u dhigmi karta in ay dadka ku tukanaya Masjiidkaas ay u sujudayan ehluul qabuurkas.

In this case and this particular Mosque, qabriga was on the back and left hand side of the Mosque. Hence not contributing to any Shirk if there was any.

Nimankaan maxakinta warkoda wu caad yahey sxb, ujeedadodana mahiin wax diinta quseya, waayo falkaas ay sameyeen wuxuu amakaag gelshey dadki mesha uu dhashey oo kale jooga dunida dacalidisa. Awalaba laheysteyaal ayey ahayeen, hadana hadi logu darey in masajidadodi in laga dunsho mantey maliin aan aheyn aya laga jawabi doona, micno maleh xisabti hore ayey ku darsami donta.

Waxase ka si yaab badan , hadey nimanku, wa kuwa kuso duley Masjiidka, ahayeen kuwa la dagalamey shirkiga iyo wixii la mid ah, oo ay dunsheen qaburihi masjiidka ku ag yaal. Maxay uu bililiqeysteen matoorki biyaha u Masjiidka iska laha. Mise taas turxanbixinta ayey ka ka mid tahey, wa sual?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^dude take down the venerable A. Cadde's pic, you're disgracing him with your stance. The mosque was a meeting place for seance and you know that practice is unequivocally unislamic. What's there to discuss?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by Juje:

quote:Originally posted by Jaylaani:

Adiga masaajidka miyaad aragtay?

Adiga weliga xuduntada ma aragtey?
Oo sidee nin wayn baan ku moodeeyee...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this