Sign in to follow this  
jabarti

Puntland peace agreement is a political role model to other Somali regions!

Recommended Posts

jabarti   

Sorry for those brothers and sisters who can read and write Somali, I guess its about the time for you to learn your mother tongue (Somali language), because you are missing the richness and the sweetness of Somali language.

 

HESHIIS NABADEEDKA PUNTLAND WAA TUSAALE KU DAYASHO MUDAN!!!

 

Hardan iyo is afgarwaa sababay gacan ka hadal dhimasho iyo dhaawac sababay kadib waxaa Sidaan dhamaan maqalnay ka dhacay heshiis aad loogu farxay deegaanmada la magac baxay Puntland, heshiiskaasi wuxuu dhexmaray labada garab ee ay kala hogaaminayaan Cabdulahi Yusuf iyo Cadde Muse.

 

Dadka siyaasadaha raac-raacaa waxay leeyihiin khilaafkani waa mid aan kasoo bilaaban oo keliya is afgaranwaaga ama garabmarka qaanuunka puntland oo dadka badankiis ay fahamsanyihiin inay tahay shayga keliya oo dhaliyay khilaafka deegaankaasi ka dhacay.

 

Raga meesha ku hardamay waa ruug cadaayo wakhti wakhtiyada ka mida isku saf ahaa amaba kula jiray labadii maamul ee midina ahaa kii ina Siyad midina ahaa kii Kulmis ee ka soo horjeeday keligiis taliyahaasi.

 

Waxii doonaaba sal ha u ahaatee waxaa xaqiiqa in raga meesha ku hardamay ay khadiyadu ama arinku ka gaartay meel kharaar maadaama ayba gaartay gacanka hadal iyo dhiig daata.

 

Intii khilaafkani jiray waxaa waanwaan nabadeed isku dayay guddiyo badan oo Isimo iyo waxgaradba leh , dhamaanse way ku guulaysan waayeed isku soo dhawaynta labada dhinac, midba kan kale ayuu eeda iyo inuu fidmada ka danbeeyay ka dhigay, meesha uu isaguna iska dhigayay midka keliya ee xaqa ku taagan oo qaanuunka waafaqsan.

 

Laba ilaa sadexgoor dagaalo dhacay oo dhimaso iyo dhaawacba keensaday kadib, waxaa guddiyadii iyo ragii isku dayay nabadda ay gaareen quus ay aamineen in aan wax xal nabadeed lagaari karin maadaama dhiig daatay raguna meelxun kala gaaray, laakiin ragaasi sama kataliska ahaa waxay ilaaween in “Allah” dhiniciisa ay wax kastaa ka suurto gali karaan, wax aan dhici karina ay agtiisa ku fududahay inay dhacdo, taasi ayaanan ku fasiri karaa heshiis nabadeedka ee maanta la isku gacma saaray deegaamada Puntland.

 

Degaankan Puntland waa goob ay wada degaan dad isir , degaan, dhaqan, dhiig iyo dhiilo wadaagba ah, waa meeshii keli ahayd ee ka badbaaday in dhiig ku daato ama dagaalo sokeeye ka dhacaan marka laga reebo xasuuqii Keligii taliyihii Ina Siyad Barre uu u 80 tameeyadii u gaystay deegaamadaas. Dhiig daadasho la’aantaasina waxaa marka koowaad mahadeeda leh Allah marka xigana shacabka reer Puntland oo ah shacab fahamsan nolosha qiimaheeda, dhibaatada dagaalka,iyo iinta iyo aanadu waxa ay keeni karto. Iyadoon aan wax maamul ahi jirin ayaa deegaamadaani samaysteen xeer hoosaad ah in qofkii qof dila la soo qabto hadii uu gardaro dilkaasi ku dhacayna la dilo gacan ku dhiiglaha, taas ayay ahayd wixii kala nabadgeliyay malaayiinta ruux ee ku sugan deegaamadaasi. Waxaa mucjiso ahayd in meel aan ciidan Booliis, dowlad , iyo maxkamadi ka jirin laga hirgeliyo oo la dabakho sharcigaas isaga ah, sida xaqiiqdu tahayna waxaa dhacday in tobanaan goor gacankudhiigle baxsaday ay beeshisu ama qabiilkiisu amaba xataa walaalihiis soo qabtaan oo gacanta u soo geliyaan cidii wax laga dilay si ay xadkooda uga gutaan, mucjisoonyinka deegaamadaan ka dhacay waxaa ka mid ah in markii qaar ka mid ah gacan ku dhiiglayaashan loo soo gacangeliyay cidii wax laga dilay ay cafiyeen oo ku bedesheen mag ama diyo, taasi oo ku tusinaysa naxariista iyo isjacaylka ka dhexeeya walaalaha reer Puntland inuu yahay mid aan wax dhaawici kara ama fidmo dhexdhigi karaa jirin oo aad u jeedid in xataa meesha ugu kharaar hadii xaajadu gaarto oo dhiig daato ay diyaar shacabkaasi u yihiin in ay wanaag iyo maxabo ku khatimaan khilaafka iyo dhibka.

 

Nin diidi kara in dhibaato dhacday ma jiro, nin inkiri kara in dhiig daatay ama khilaaf dhacayna ma jiro, laakiin ciriiri kasta fudayd ayaa ku xiga, dhibkastana waxaa daba taal dheef. Soomalidu waxay tiraahdaa (nin sar muraayad ku jirow dhagax ha tuurin) sababtuna tahay barwaaqadii , ganacsigii, isdhex mushaaxii, shaah wada cabkii, kaftankii, isa sooryayntii , iyo samihii reer Puntland lagu yiqiinay waxaa gilgilay oo xoogay yare hakiyay khilaafkii deegaamadaasi ka dhacay, laakiin iyada lafteedu waxaan filayaa inay inoo ahayd darsin oranaya (dagaal wiil ku dhinta mooyee wiil kuma dhaso) .

 

Waxaa heshiiskani tusaale u yahay dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana meelaha weli sida maalaayacniga ah loogu daadinayo dhiiga daahirka ah ee dadka Muslim,maatada iyo maxaysatada aan awooda lahayn ee Soomaaliyeed, kuwaasoo ah caruur, dumar iyo waayeel, sida Muqdisho, Kismayo, Baydhabo, Caabudwaaq, iwm.

 

Heeshiskani waa darsin wuxuuna darsin u yahay nimanka hortaagan midnimada Soomali wayn, nimanka aan u aabayeelayn shacabka Soomaaliyeed, nimanka caruurahooda dibadaha gaystay si ay tacliin, caafimaad iyo amni u helaan dadka kale caruurahoodana gumaada, waxay darsin u tahay kuwa kala qoqobay shacabka isu hiloobay ee walaalaha ah kuwaan oon kala maarmin sida gacmaha mataanaha ah ee bidix iyo midig.

 

Shacabka reer Puntland waa kuwii horseedka weligood u ahaan jiray midnimada , xoriyada iyo xaq udirirka Soomaali wayn, hadaba maanta waxay muujiyeen wax ku dayasho lagu faano leh, oo ah NABAD IYO NOLOL, taasina waa tan keliya ee looga bixi karo dhibka maanta dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeedba haysta.

 

Waxay leeyahay GUUL HESHIISKA PUNTLAND, GUUL MIDNIMADA IYO WADA JIRKA SOOMAALIYEED.

 

Gabagebadii waxaan tahniyad u dirayaa Cuqaasha, Isimada ama Guurtida ka soo shaqaysay heshiiskan sida Boqor Buurmadow iyo Suldaan Saciid, sidoo kale waxaan hanbalyo iyo mahadba u dirayaa kuwa aqbalay heshiiskan kana tanaasulay mowqifyo ama mabaadi adag oo ay aaminsanaayeen , iyagoo ka doorbiday ama fahmay qiimaha nolosha iyo nabadu ay leedahay.

 

Ugu danbaystii Hishiiskani waa mid taariikhda ka galay baal dahab ah. Allah waxaan ka baryayaa inuu ka dhigo mid hirgala , lagu baraaro oo lagu barwaaqoobo. Inta garatayna guul inta aan garana Allah ha garansiiyo.

 

 

Jabarti M. Aw-Osman

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this