Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu latest..

Recommended Posts

Kismaayo: Wararkii ugu danbeeyay ee Kismaayo.

23. april 2007

 

 

Kismaayo(AllPuntland)- Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa maanta deggen kadib markii maanta afar saac oo dagaal culus ah uu halkaasi ku dhex maray ciidamada dawladda iyo ciidamo beeleed.

 

Sida ay noo sheegtay saxafiyad kusugan Kismaayo waxaa magaalada ka baxay ciidanka guutada koowaad ee dawladda federaalka Soomaaliya iyo ciidanka guutada saddexaad .

 

Magaalada Kismaayo waxaa gacanta ku haya ciidamada booliska dawladda oo uu hor kacaayo Col: Ibraahim Khaliif , kaasoo qaybo kamid ah magaalada ilaalinaya iyo qaar kamid beelaha .

 

Ciidamo kale oo uu wato taliyaha qaybta booliska gobolka jubbada hoose ayaan dagaalka ka qayb qaadan , sugayana ammaanka magaalada Kismaayo.

 

Labada guuto ee 1aad iyo 3aad ayaa la sheegay inay kusugan yihiin meel aan wax badan ka durugsanayn magaalada Kismaayo.

 

Guddoomiyaha degmada Ibraahim timo jilic ayaa si caadi ah hawshiisii u wata, ayadoo guddoomiyihii gobolkana uu safar ugu maqan yahay degmooyinka gobolkaa.

 

Cabsida in dagaallo kale ka dhacaan magaalada ayaa wali ka jirta , walow iminka rasaasi aysan ka socon gudaha magaalada .

 

Khasaaraha dagaalka magaalada ka dhacay ayaa naloogu sheegay in tiradodu gaarayso 10 qof oo dhimasho ah iyo dhaawac ka badan.

 

Dekedda wayn ee magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha waxaa wali gacanta ku haya ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Wixii warar ah ee Kismaayo kasoo kordha kala soco AllPuntland....

 

CCC Farayaamo

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a minor incident which the elders will deal with. The troops have been taken out to the out skirts of the city.

 

The police and admin are still functioning.

 

There is no clan war, and Hiiraale is not involved.

 

Those who hope Kismayu will be a new front are mistaken, this is a small issue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa caawa deggen kadib markii maanta afar saac oo dagaal culus uu halkaasi ku dhex maray ciidamada dawladda iyo maleeshiyo beeleed.

 

Labada guuto ee 1aad iyo 3aad ayaa la sheegay inay ay isga baxeen magaalada kismaayo

 

Labada guuto ee 1aad iyo 3aad ayaa la sheegay inay ay isga baxeen magaalada kismaayo, sababo lala xiriiriyey ku dhax dagaalanka magaalada in ay sababi karto dhibaatooyin soo gaara dadka rayidka ah.

 

Labada guuto ee 1aad iyo 3aad ayaa la sheegay inay kusugan yihiin meel aan wax badan ka durugsanayn magaalada Kismaayo.

 

Taliyaha guutada sedaxaad Coll Ismaciil Shire oo manta saxaafada u waramay ayaa wuxuu sheegey in wax khilaaf ah oo soo kala dhaxgaley ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada kismaayo in aysan jirin, goobtii lagu wareysanayeyna uu goob jooge ka ahaa Taliyaha guutada 1aad,coll Cabdi-rizakh Afgaduud.

 

Taliyaha guutada sadexaad coll ismaciil khalif shire ayaa wuxuu kaloo sheegey in dagaalkii manta ay soo abaabuleeen ganacsato caan ka ah magaalada kismaayo oo uu ku eedeyey in ay ka danbeeyen isku dhacii manta dhimashada sababey.

 

Coll Cabdi-rizakh (Afgaduud) ayaa wuxuu shabakada carmooyin.com oo xirir lasameysey u sheegey in xaaladu ay dagantahay magaalada kismaayo ay gacanta dowlada ay ku jirto, su’al ay shabakada carmooyin.com ay weydiisey Coll Afgaduud oo aheed in ciidamdiisa dhimasho iyo dhaawac loo geystey, ayaa wuxuu ku jawaabey “adeer hadii uu dagaal dhaco labada dhinac oo dagaalanta dhib waa soogarayaa waana la dhintaa waana lagu dhawacmaa, laakin ciidanka guutada 1aad iyo kan 3aadba wax dhibaato kama aysan soo gaarin dagaalkii maanta”.

 

Odayaasha magaalada kismaayo ayaa waxeey bilaaben waxeey ugu yeeren waan waan iyo u kala dabqaadid labada dhinac ah, waxaana muuqata is afgarad durbadiiba ka dhax bilaabmey labada dhinac ay manta dirirtu ku dhaxmartey magaalada kismaayo.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmay, xili dagaalo culus maalintii shanaad ay ka socdaan gudaha magaalada Muqdisho halkaaso ay ku dhex marayaan ciidamada dowlada fedaralka iyo ciidamada Ethiopia oo dhinac ah iyo kooxda qarandiidka.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by General Duke:

Here is the latest on Gedonet:

 

Waa Sidee Xaaladda Magaalada Kismaayo,Dagaal Ka Dhacay Magaalada Jilib Iyo Jawaab Kulul Oo Laga Bixiyey Hadaladii Uu Sheegay Taliyaha Guutada 3aad Col.I.Kh.Shire

Apr 23,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Ciidamadii ka tirsanaa guutooyinka 3aad iyo 1aad oo ku sugnaa magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda ayaa la geeyey meel magaalada u jirto 20KM, kadib markii uu iska horimaad culus uu maanta ka dhacay magaalada Kismaayo. Gacan ku haynta magaalada ayaa waxaa hadda haya maleeshiyo beeleed ayagu dagaalku dhexmaray ciidamada ka socday dhanka dowladda federaalka oo ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda maleeshiyo beeleedka inay gebi ahaan ka saareen magaalada Kismaayo ciidamadii dowladda.

 

Caawa ayaa waxaa magaalada Kismaayo aad loogu dhex arkayaa gaadiidka dagaalka oo u faro badan iyo maleeshiyooyin raxanraxan u jooga wadooyinka iyo kontroolada laga soo galo magaalada iyo weliba dekadda iyo gegida diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyada oo gebi ahaan ay ka huleeyeen ciidamadii guutooyinka 1aad iyo 3aad ee dowladda federaalka.

 

Mid ka mid ah madaxda maleeshiyada la wareegtay gacan ku haynta magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyey in saraakiil ka tirsan guutada 3aad iyo 1aad ay ka dambeeyeen dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay dagaalo gardarro ay ku soo qaadeen hoteelada Tawakal iyo Cascaseey iyo degaano kale oo ganacsi oo ay lahaayeen beesha ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkaasi.

 

Sarkaalkaan oo naga codsaday inaanu shaacino magaciisa oo aan wax ka weydiinay hadaladii uu sheegay taliyaha guutada 3aad Col.Ismaaciil Khaliif Shire ka hor inta uusan ka bixin magaalada Kismaayo ayaa si kulul u wareeray madaxda sarsare ee gutooyinka 1aad iyo 3aad oo ku tilmaamay inay ayagu ka dambeeyeen dagaaladii lagu soo qaaday, ayna marnaba aqlabeen inay ciidamadaasi ay dib ugu soo noqdaan magaalada Kismaayo. "Col.Ismaaciil Khaliif Shire Iyo Col.Afgaduud iyo ciidamo Kab---- ah ayaa na soo weeraray,waana iska caabinay, haatanna magaaladii waa ka saarnay" ayuu yiri sarkaalkani oo ka mid ah hogaamiyaasha maleeshiyo beeleedka ku sugan magaalada Kismaayo.

 

Ciidamada Booliska ee ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in lagu amray oo ku jiraan goobahooda oo ay faraha kale baxaan dagaalada ka dhex socda labada dhinac. Waanwaantii ay soo qaban qaabiyeen waxgarad iyo nabadoono labada dhinac ah ayaa la sheegay inay weli kula wadoxaajood madaxda maleeshiyo beeleedka la wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo.

 

Dhanka kale, iska horimaad ayaa la sheegay inuu ku dhex maray galabta maqribkii ciidamado ka tirsanaa guutada 3aad oo fadhigoodu ahaa magaalada Jilib iyo ciidamo kale oo ka soo baxay magaalada Kismaayo oo soo gaaray degaankaasi. Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in labo askari oo labada dhinac ah ay dhowaacyo ka soo gaareen dagaalkaasi oo la sheegay inuu si goos goos ahi ugu socdo degaankaasi.

 

GEDO-NN- NEWS DESK-Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke-

 

Ever since the bombings, Hiiraale's clansmen have been waiting for another opportunity by Afgaduud to give them an excuse to take him out.

 

Afgaduud gave them a reason yesterday by taking a technical that belongs to Hiiraale's clan. Men from the clan went to Afgaduud and told him to give back the technical but not only did Afgaduud refuse to give back the car but also called it his "personal car."

 

The stage was set and a spontaneous reaction was formed, after a brief firefight, when the car was forcibly taken from Afgaduud's own area of residence.

 

Afgaduud along with clan militia from Puntland then attacked hotels and business of Hiiraale's clan such as Tawakal Hotel, Cascaseey Hotel, etc and after a fierce firefight him and the clan militia he commanded have been driven from the city.

 

This is not a clan fight nor are Hiiraale's clan at war with people with Puntland origins, but I do not see the feasibility of Afgaduud continuing to live in Kismaayo along with Hiiraale's clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Thanks for the update cous, thus its not such a big deal if its all about personality and bruised ego.

 

I like your analysis, this is not a clan war, which means its not a big deal.

 

Anyhow lets watch this space. Some here were having a joy of a time thinking this is a new front, which it is not.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^4 hours of life shootouts in the center of the city and after 16 deaths, and you say this is not a big deal?

 

Despite you and Horn’s fake dances, this is tribal fight adeer. The people of that city have not been reconciled yet. You can cover up as much as you want, but the truth will rudely intrude again…

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xiin, so now you admit a great component, maybe even the majority of the city, are reer Gedo?

 

Pity, Hiiraale is not in the city nor has been so no excuse there. Good on you for taking that step, even though you would have never admitted to that in normal situations.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Xiin, you are on the spot. The news I am hearing tells me that the division is much wider than thought of before. Sheekadu waxat mareysaa reer Puntland/Waamo/Buulo Xaaji against qabiilka guud ee uu Barre Hiiraale kasoo jeedo. Marka utunadii in badan dhex tiilley dadka Kismaayo isku haysta ayaa soo if baxayso ayuu warka igu saa gaarayaa.

 

Dagaal kale ayaa lala raadsanayaa kuwa magaalada dibaddeeda ku sugan ayaa la leeyahay...But I hope in ay banaanaha Kismaayo isula baxaan qolyahan dirirtu ka dhaxayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin, shame on you saxib. In this case Horn is right and you are wrong. There is no need to wish for clan fighting, the TFG is to blame for not securing the city better, but I do not buy all this about clan fighting.

 

Anyhow 4 hour fighting is nothing when we take into consideration the history of the city.

 

Lets hope for a quick resoloution and lets kis and make up.

 

Reer Gedo, reer Puntland, reer Mogadishu all can live in the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ what people of that city you talking about? You stuck up in year 1900 adeer. However, I can now understand your sorrow adeer!

 

Back to the topic: I think this time if Afgaduud wants to live his life little bit longer, then he should just go and disappear .. he is no longer wanted in Kismayo. coz he is the source of every deadly incident in the city. why?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Oo Paragon miyeydaan kula ahayn awalba in ciidamadu Aadan Koojaar iyo Cabdi Mahdi ka amar qaatay aynan garab-socon weerarkii qorsheysnaa uu Afgaduud kusoo qaaday shirkadaha beesha Gedood?

 

Ninkii Taliyaha Gobolka laftigiisu loo magaacay cararye saa xilki loo dhiibay waxuu ku badalay inuu dhaqan aan wanaagsanayn kula kacaa beesha Gedood.

 

Kolaybo, tii maanta dhacdoo kale ayadu leftigeedu wey ka dhex dhacday beesha Gedood iyo reer Dhoobley, Afmadow, etc. Gaari Gedood ee reer Afmadow haysteen ey ku haleen bililiqo wakhtigii ICU'da ayaa qoriga caaradiis looga qaaday hal usbuuc ka hor. Dee maantana waa kuwaa soo raacay weerarka aan gabaad lahayn uu Afgaduud kusoo qaaday beesha Gedood.

 

Marka akhbaar cusub maadan keenin hadaad islahayd waad keentay ina adeer!

 

Balse waxaa iswaydiin mudan, miyay arrintu tahay dagaal qabaa'ileyd cad mise dagaal ka dhan ah kuwii ku heshiiyey inay damcaan inay beesha Gedood ugaarsadaan?

 

Taana waxaan kuugu dari lahaa, wa kuwaa cararay Afgaduud iyo Ilyaas Badal ee maxuu u carari waayey ninkii dhan ee gudoomiyaha Degmada Kismaayo loo magacaabay, Timajilic haday xaajadu tahay qaab qabaa'iileyd ee gobalada Jubooyinka ku caan baxeen?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this