Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Gudoomiyaha Baarlamanka Oo Kismaayo Ku Soo Fool Leh

Recommended Posts

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ku soo fool leeyahay magaalada Kismaayo isaga oo ka imaan doona magaalada Nayroobi oo uu ku sugnaa muddo dhow cisho ah. Imaanshaha Gudoomiyaha ee magaalada Kismaayo ayaa ilo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan inuu la xiriiro wada tashi uu la yeelanayo madaxda isbahaysiga dooxada Jubba.

 

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta xildhibaan Barre Aadan Shire dib ugu soo noqday bishii tagtay gudaheeda magaalada Kismaayo ka dib markii uu muddo ku sugnaa magaalada Muqdisho, uguna baaqay labada gole ee Muqdisho in ay oggolaadaan wada hadal aan shuruud ku xirnayn oo ay la galaan garabka Jowhar oo dhankooda aqbalay.

 

Safarkaan Shariifka ayaa waxa uu qayb ka yahay dadaalka uu dhankiisa ugu jiro sidii uu wax uga qaban lahaa caqabadaha badan ee dhex yaalla labada garab ee dowladda, isla markaasna uu kala arrinsado sida wax looga qaban karo xildhibaan Barre Hiiraale oo miisaan culus ku yeeshay arrinta Soomaaliya.

 

Shariifka ayaa safarkiisan uu Soomaaliya dib ugu soo noqonaya ee uu ugu soo hormarayo magaalada Kismaayo waxa uu soo gebagebaynayaa safar dheer oo uu ku soo kala bixiyay waddamo ku kala yaalla Amerika iyo Yurub iyo weliba waddamo ku yaalla Carabta.

 

Qorshaha safarkan ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee uu shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah guddoomiyaha baarlamaanku uu safar ugu soo ambabaxo magaalada Kismaayo tan iyo intii loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka sanadkii hore.

 

Ahmed Timajilic

Gedonet - Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^

 

No he hasn't!

 

 

Xildhibaan Barre Hiiraale oo dib u bilaabaya Dadaalkiisii Heshiisiinta Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed

 

 

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay ilo ku dhow dhow Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu Wasiirku u amba bixi doono magaalada Nairobi, si uu u sii wado waan waantii uu ka dhex waday labada garab ee ay u kala jabtay Dowladda Federaalka.

 

Xildhibaan Barre ayaa la filayaa in uu magaalada Nairobi kula kulmo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, isagoo kala hadli doona sidii wada hadal loola geli lahaa xubnaha ku sugan magaalada Jowhar.

 

Wasiirka ayaa qorsheynaya in uu si fool ka fool ah isugu keeno Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, si uu xal ugu helo madmadowga ku dhex jira ee beryahaan dambe aadka u sii xoogeysanaya.

 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Wasiirku uu xiriir dhinaca Taleefoonka ah la sameeyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, uuna ka ogolaaday wada kulanka isaga iyo Shariifka, inkastoo aan la sheegin halka ay ku kulmi doonaan iyo waxa uu ka dhihi doono Guddoomiyaha Baarlamaanka dadaalka uu wado Xildhibaan Barre Hiiraale.

 

Horay ayaa waxaa u soo baxay warar sheegayay in Col. Barre Hiiraale uu Magaalada Kismaayo ku martiqaaday Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, laakin waxaa loo maleynayaa in ay adkaatay arrintaas maadaama aan la isku haleyn karin ammaanka magaalada Kismaayo oo dhawaan lagu dilay Sarkaal Soomaali ah oo u shaqeynayay Qaramada Midoobay.

 

Xildhibaan Barre Hiiraale oo mar sii horeysay magaalada Muqdisho socdaal ku tegay ayaa wuxuu halkaas ka bilaabay dadaal uu doonayay in wada hadallo uga dhex furo Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee kala jooga magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, hayeeshee dadaalkiisaas wuxuu noqday mid socon waayay kadib markii ay ka horyimaadeen xubno Muqdisho ku sugan oo heshiiskaasna muhiim u ah, inkastoo ay jireen warar kale oo sheegayay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan uu ka dalbaday Xildhibaan Barre in uu la sugo ammaanka Dadaalka Dib u heshiisiineed ee uu wado.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Mogadishu, Somalia

I hope some people follow up on their words this time.

 

Aniga iyo wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale waxaa nahay labo qof oo aad is kugu dhaw mana ahi qof ka hor imaado hadal uu yiri
Barre Hiiraale hadii uu wax ii soo jeediyana mudo hal daqiiqo ah ayaan ku aqbalaa
, aniga iyo Barena waxaanu nahay labo Qof oo saaxiibo ah waxaa sidaasi yiri wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi oo ka hadlayay waxa ka jira in ay hor istaageen Qorshihii Wasiirka Dib u dhiska Barre hiiraale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The last time Col Yeey and the Sharif met for peace talks in Yemen, the news said the Sharif requested consultation with key allies, such as Somali nationalists & mujahids Yalaxow-Calasow and Qanyare Iska-Hadalow, before reaching any agreement with Col Yeey.

 

So the question is: Can the Sharif become a decision-maker without consulting third parties? It seems like the Jowhar group is confident in Col Yeey's ability to speak for all of them, whilst the Sharif constantly needs the blessing of Muqdisho loudmouths.

 

Also, it'll be interesting to observe the ways these two men will be welcomed into Kismaayo. Hiiraale sure is playing the right cards.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I see homeboy Hiiraale has not let go of his vision yet, In other words has not the left the circle. Which is a great thing of course.

 

waryaa HornAfrique

Shariif is coming to Kismayo and Hiiraale is going to be welcoming him with open arms.

 

General Duke isn't the President Support enought for the Hiiraale?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hiiraale should tend to the problems in the city he lords over and mind his own business. Keeping warlords from fighting amongs themselves and weakening each other is not in the interest of the somali people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this