Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: President Yusuf returns home

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda KMG iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku soo laabtay dalka

14. September 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isagoo magaalada Addis Ababa kaga qeybgalay xafladda qarniga cusub ee sanadka Ethiopia iyo munaasabada kale ee xuska bilashada sanadka bila tirsiga kalandarka dalka Itoobiya gaarka u ah ee loo yaqaan Meskerem.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa mudadii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxaa uu kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda dalkaasi, Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale oo lagu casuumaday xafladda qarniga cusub ee dalka Ethiopia.

 

Md. Yuusuf ayaa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Ato Males Zenawi ugu hambalyeeyay qarniga cusub ee Ethiopia iyo xuska bilashada sanadka Meskeremka isagoo u rajeeyay shacabka Ethiopia in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad, horumar iyo midnimo.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno uu horkacayey Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo maamulka gobolka Banaadir.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this