Sign in to follow this  
Taako Man

Minnesota: Somalis come out to support the TFG :PICS

Recommended Posts

Magaalada Minyaabolis ee dalka Mareeykanka ayaa lagu qabtay munaasabadlagu Taageerayo Dawladda DFKS

Somaliweyn Media Center (SMC) 28/01/07

 

Munaasabadaa oo lagu qabtay hoolka layiraahdo Minyaabolis Convention Center oo ku yaala Faras magaalaha Minyaabolis.

 

Waxaa hoolkaa isugu yimi dadweyne aad ufarabadan dadweynahaas oo lagu qiyaasay ilaa shan iyo Toban kun.

 

Barnaamijkaani wuxuu bilowday 5:30 galabnimo waxaa halkaa furay Abdirisaaq Axmed (Ducaysane) isagoo soo dhaweeyey dhamaan dadkii waqtigoodii u huray iney taageero ufidiyaan Dowladooda, kadib waxaa lagu furay Aayado Quraanka kariim ah waxaana halkaasi ka aqriyey Aayadaha Quraanka Shiikh Axmed Cali (Maktayn).

 

Quraanka sida caadadu ahayd waxaa lawada qaaday Heestii caanka ahayd ee layiraahdo (Soomaaliyeey Toosoow).

 

Waxaa kadib halkaa qaatay Madaxa Ururka Mideynta Soomaaliyeed oo layiraahdo Maxamed Abuukar Xuseen wuxuuna halkaa ka sheegay faaiidada ay leedahay isku duubnimada Soomaaliyeed iyo in ay maantay Somali ubaahan tahay cadaalad.

 

Kadib waxaa ku xigay Ururka farshaxanka Soomaaliyeed ururkaas oo Madax uu uyahay Abwaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Cabdulaahi Ciise (Sangub) waxaayna halkaasi ku soo bandhigeen heeso aad qiiro uleh Heesahaasoo uu qaadayey Fanaanka Axmed Cali (Igaal), Heesta magaceedana waxaalayiraahdaa (Qarni) waana Hees Cusub oo ka hadleysay marxalada maantay uu dalku marayo.

 

Waxaa ku xigay Roda oo ku magacdheer Rooda wacan oo ayadana Qaaday Hees wadaniga dhabta ah.

 

Waxaa kaloo ku xigay Hees wadani ah oo layiraahdo (Soomaaliyeey aan is cafino).

 

Waxaa ku xigay Ardo sheikh Yuusuf oo ku hadleysay Codka Haweenka Soomaaliyeed waxayna ardo kahadashay Kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ka soo galeen Xoriyadii dalka 1960 kii iyo dagaalkii sokeeye intaba ardo waxaa ku xigay, Drs. Luul Xasan Laari oo iyaduna sidoo kale waxay ka hadashay kaalinta dhabta ah ee haweenka Soomaaliyeed maantay ay kaga jiraan xaalada dalka uu marayo.

 

Waxaa ku xigay Abdisamad Xasan oo katirsan Jaaliyadda magaalada Ohio oo uyimi munaasabadan owgeed ayaa wuxuu ka tiriyey Gabay Wadani ah oo uu ku guubaabinayey in Shacabka Soomaaliyeed gacmaha isqabsadaan oo ay Taageeraan dowladooda.

 

Waxaa Xafladani ka soo qeybgalay marti Sharaf ka kala timi Gobolka Minnesota oo dhan iyo wadanka Mareeykanka gudihiisa.

 

Waxaa meeshaasi ka hadlay Afhayeen ka socday Senatorad. Amy Kloubochar ee ah senator xisbi dimoqraadi ah.

 

Xafiiska Coleman waxaa ka socday Maxamuud Wardheere.

 

House of Republican waxaa ka socday Mr. Smith.

 

Amino Arte oo ka socotay Xafiiska xisbiga Republicanka ee Rep. Tim Walls.

 

Waxaa kaloo kamid ahaa marti sharaf ka soo qeyb galay Xafladaan Safiirka Soomaalida ee Qaramada midoobay Dr. Cilmi Ducaale iyo Safiirka Dalka mareeykanka u fadhiya Dowlada Kenya Peter N.R.O Ogego.

 

Daahir Mire Jibriil oo ah uqeyb samaha Xiriirka Caalamiga ee Arimaha Dibada ee DFKMG.

 

Gabagabadii waxaa lagu soo gabeeyey Raysulwasaaraha DFKMG ee Soomaaliya Mudane Prof. Cali Maxamed Geedi isagoo halkaasi kala hadlayey Qadka isgaarsiinta ee Taleefoonka ah wuxuuna umahad celiyey dhamaan qaban qaabiyayaashii munaasabadaan iyo dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Magaalooyinka mataanaha iyo agagaarkeeda isku xilqaamida ay isku xilqaameen iney taageeraan dowladooda Federaalka ah

 

Wuxuu kaloo warbixin guud ka siiyey Xaalada dhabta ah ee uu dalku maantay marayo.

 

Prof Geedi ayaa waxaa laweydiiyey su’aalo kala duwan wuxuuna waana uu uga jawaabay.

 

Xafladani waxaa suurta galiyey ineey hirgasho dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota gaar ahaan Qaban qabiyayaasha ee ay ka mid yihiin Abdirizak A(Ducaysane), Drs. Luul Xasan Laari, Warsame, Aamino Deero,Aadan dhagax, Xaawo kamaaludiin,Safiya.

 

 

Waxaa kaloo mahad loo celinayaa Confederation Somali Community Minnesota, African Community, Banaadir Community, dhamaan Xafiisyadda Community Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

 

 

Dhanka kale fanka waxaa gacanweyn ka geeystay fanaaniinta Hobolada Waaberi oo uu horkacayey Abwaan maxamuud Axmed Ciise (Sangub).

 

 

fanaan1.jpg

fanaan2.jpg

fanaan3.jpg

fanaan4.jpg

Fanaan6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

It was packed! Habrihii Cedar iyo Caruurtooda & some of the finest Halimos from MN ayaa Xaflada isku yimid[sidaan maqlay]. :D

 

Wait for the pics from the Anti-TFG gov't rally smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Benevolent_ Beauty:

yes it was full ...but not full of supporters....many went there just to see what was happening, not there to support or encourage this tfg

It was a xaflad & you how the ppl of MN love Xaflado. Mahad Indho deero[Mahad Waaw,lol] & his fellow TFG fanaans were performing dee. He sang his heart out with hits like Hooyo & Waw Waw and many others. Caadi ma'aheen meesha :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

It was packed by many supporters of the TFG, people even cried when they heard the national anthem and sang patriotic songs. Therw where poems by Sangub and others.

 

The ambasador from the republic of Kenya to the US, flew in from Washington DC.

 

source

 

Our Ambasador to the UN, was also there

Share this post


Link to post
Share on other sites

MINNEAPOLIS: Xaflad lagu taageerayo Dowlada Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Minneapolis

Posted to the Web Jan 29, 01:28

 

 

Minneapolis: (pp) - Xaflad qurux badan ayaa lagu qabtey magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, xafladaas oo lagu soo dhaweynayey Dowlada ku meelgaarka ee Soomaliya. Xafladaas ayaa waxa ka soo qayb galay madax heer sare ah, hooyooyin, abwaano, ardey, macalimiin, culimo, iyo fanaaniin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafladaas ayaa waxa lagu qaybtey, Minneapolis Convention Center, waxana ay socotay in ka badan lix saacadood. Barnaamijyo isdaba joog ah oo ay dhextaala u yihiin heeso, buraanburo iyo gaboyo ayaa halkaas lagu soo bandhigey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this