Sign in to follow this  
Taako Man

Xamar Clan Mp's have meeting with Pres Yusuf in Villa Somalia !

Recommended Posts

Xubnaha beesha ****** ugu jira Dowladda Federaalka oo kulan xasaasi ah ka yeeshay xarunta madaxtooyada (Laba qodob oo ay isku afgarteen)

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 01/04/07

 

Xubnaha beesha ****** ugu jira dowladda Federaalka golayaasheeda ayaa shalay kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada, waxaana kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay xubnahaasi uga doodeen arrimaha ka taagan magaalada Muqdisho ee sababay dagaalka afarta maalmood ka socday ayna ku barakaceen inta badan dadkii degenaa magaalada Muqdisho.

 

Kulanka oo socday muddo dhowr saacadood ah, ayaa dooda ugu muhiimsan waxay diirada ku saareen laba qodob, sidii ay wax uga qaban lahaayeen dagaalada ka socda Muqdisho, iyadoo xubnaha labada Gole ee beelaha ****** ay isku aragti ka noqdeen inaanay Dowladdu wax wadahadal ah la gelin kooxo ay ku tilmaamtay inay argagixiso yihiin iyo Golihii Maxkamadaha Islaamiga ah.

 

 

 

 

Qodobka kale ee ay Wasiiradu ka doodeen waxa uu ahaa in xubnaha ****** uga jira Dowladda Federaalka ay bilaabaan dadaalo nabadeed oo lagu joojinayo dagaalada Muqdisho ka socda, isla markaana ay sameeyaan ficil ku aadan arrintaasi, iyagoo u sii maraya waxgaradka jilibyada ay ka soo jeedaan, taasoo ay sheegeen qaar ka mid ah xubnaha xukuumada beelaha ****** ugu jira dowladda Federaalka ay u howlgeli doonaan in beelahooda ay beri ka noqdaan kooxaha xiriirka la leh argagixisada iyo haraagii Maxkamadaha Islaamiga ee sheegtay inay Muqdisho ka dagaalamayaan.

 

"Beelaha ****** argagixiso ma aha, mana ogolin inay Muqdisho ka dagaalanto" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux, dhinaca kale kulankan oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa dhinaca kale waxay xubnahaasi caddeeyeen inaanay dowladda Federaalka waxba kala socon isla markaana aanay jirin xabbad joojin ay la saxiixdeen dinacyada ka horjeeda dowladda Federaalka.

 

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

jabra@somaliweyn.com

 

 

Somaliweyn Media Center

Somalia - Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan dhexmaray Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf iyo Siyaasiyiinta beelaha ******

Last Updated::2007-04-02 10:10:43

 

Muqdisho:- Xildhibaanada beelaha ****** ugu jira golaha Baarlamanka DFKMG oo shalay kulan ku yeeshay xarunta Villa Soomaaliya

ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho iyo qaabka loo wajahayo ayadoo dagaalkaasi uu saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan caasimada Muqdisho.

 

Kulanka xildhibaanada ka soo jeeda beelaha ****** ay ku yeesheen xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweynaha df C/llaahi Yuusuf Axmed kadib markii ay soo baxeen eedeymo ka imaanaya qaar ka mid ah odayaasha beelaha ****** oo dusha ka saaraya dagaalada Muqdisho madaxweyne Yuusuf iyo dawladiisa.

 

Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux ayaa sheegay in ay qasab tahay in la joojiyo colaada ka aloosan magaalada Muqdisho, isagoo caddeeyay in xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in ay wakiil ka yihiin beelahooda isla markaana ay ka dhaadhicin karaan si nabad ah in lagu dhameeyo mushkilada ka taagan Muqdisho.

 

Xildhibaan Furux ayaa sheegay in xildhibaan kasto uu matalo beeshiisa isla markaana col iyo nabad uu u qaadi karo, isagoo tilmaamay in laysku afgartay in xildhibaanada ka soo jeeda beelaha ****** ay ku qanciyaan beelahooda in heshiis nabadeed ay la gaaraan DF.

 

Hayeeshee wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in dagaalada Muqdisho ka socda ay u dhaxeeyaan ciidamada Dowlada Federaalka oo ay wehliyaan kuwa Itoobiya iyo kooxo uu ugu yeeray argagixiso, isagoo caddeeyay in dagaalkaasi uu sii socon doono tan iyo inta laga sifeynayo wax uu ugu yeeray argagixisada.

 

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in xildhibaanada beelaha ****** ay isku raaceen in aaney jirin wax la yiraahdo beelaha ****** oo dagaal kula jira ciidamada Dowlada iyo kuwa Ethiopia, isagoo mar kale ku celiyay baaqii DFKMG ee ahaa in shacabku ay ka baxaan goobaha ay joogaan wax uu ugu yeeray argagixisada.

 

Dowlada Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan qaabka loo wajahayo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho oo galay maalintii 5aad ayadoo sii socoshada dagaaladaasi ay khatar weyn ku hayaan qabsoomida shirka dib u heshiisiinta qaran ee uu madaxweynaha iclaamiyay in uu ka furmi doono Muqdisho 16ka bisha April.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Wake up dude...everybody is makin deals "directly" with the master now...No middle men stooge anymore...see? don't u read the news anymore...Beelkasta waxa aay iminka iska xaadirisaa Haya-arat...(the PALACE baby)

 

Stop this nonesense villa Somalia rubbish cheap propaganda, that was yesterday's news when some of us thought Habashi have different standards for Maryooley and we innocently believed that we were the chosen ones since we share Tigre with the same blood ancestors...ahahaha...wake up to the reality boy...and BOW

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this