Sign in to follow this  
me

Hadalo meel ka dhac ah oo laga sii daayey idaacada BBC Daljir

Recommended Posts

me   

Hadalo meel ka dhac ah oo laga sii daayey idaacada BBC & Daljir

 

Saturday, 05 June 2010 08:38 | Written by Buhodle.net

 

“Axmaqnimo wakhtiga kaaga tegay oohin kugu reebye”

 

Waxaa maanta gudaha magaalada Buuhoodle aad looga hadal hayaa noqotayna wax aad iyo aad loola yaabo in shikhsiyaad u xaglinaya maamulada gobolada SSC hareeraha ka xigaa ay soo saaraan wax ay ugu magac dareen war saxafadeed ay ku canbaaraynayaan wufuudii sida diiran maalintii shalay ahayd magaalada loogu soo dhaweeyey ee ay horkacayeen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

 

Shikhsiyaadkaas iyo taageerayaashooda oo ah dad aad u yar mushahaarooyina ka kala qaata maamulada Hargeysa iyo Garoowe ayaa iyaga oo ka hadlay idaacadaha BBC iyo tan afka Puntland ku hadasha ee magaceeda la yidhaahdo Daljir maanta ku dhawaaqay in wufuudii shalay magaalada lagu soo dhaweeyey ay si deg deg ah magaalada uga baxaan.

 

Warisiyadaa isdaba jooga ahina waxay noqdeen kuwo fajiciso iyo la yaab ku noqday dad weynaha ku nool magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda. Waana arinta keliya ee maanta gelinkii danbe dadka badankiisu ka wada hadlayaan iyaga oo aaminsan in labada maamul ee Garoowe iyo Hargeysa ay hanti aad u badan ku bixyeen sidii ay saxaafada uga hadli lahaayeen dadkan iyaga magacooda ku hadla ee ku sugan magaaladan Buuhoodle.

 

Labada idaacadood BBC iyo Daljir ayaa iyana markii lala xidhiidhay ka gaabsaday ama diiday in ay waraysi dhexdhexaad ah siiyaan dadka u halgamaya gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ha noqoto hawl wadeeno ama ha noqto saraakiisha iyo Garaadada isu xilqaamay in ay degaanadooda ka xoreeyaan maamulada ku soo duulay.

 

Waxaana xiligan xaadirka ah iyo ilaa gelinkii danbe ee maanta magaalada Buuhoodle ka soconayey shirar gaagaaban oo la doonayo in lagu mideeyo waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan magaalada iyo sida ugu wanaagsan ee looga jawaabi lahaa arintan foosha xun ee maanta laga sii daayey idaacadaha ka soo horjeeda horumarka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Waxaana hubaal ah in dadka ku dhaqan degaanka magaalada Buuhoodle in ay shucuurtooda oo midaysan oo aan wax lacag ah lagu bixin ay sida ugu dhakhsaha badan u muujiin doonaan iyaga oo ka soo horjeeda maamulada Hargeysa, Garoowe iyo dadka u shaqeeyaba.

 

Halgan kasta oo meel ka bilowdana rag baa ka hadha oo ceebtiisa qaata ama nafta ha baxnaaniyeen ama lacag yar oo aan quud ahayn ha xeeriyeene intooda badana taariikhda ayaa si cad u qeexi doonta.

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this