Sign in to follow this  
me

Buuhoodle Negotiations and the Ethiopian arrogance.

Recommended Posts

me   

Xaalada Guud ee Gobolka Cayn ayaa kacsan ka dib Dagaaladii sadexdii maalmood ee ugu danbeyey, Dagaaladan oo ah sadex geesood kuwaasoo u dhexeeya Ciidamada Itoobiya , Kuwa Soomaalidiidka oo isku dhinac ah iyo Xoogaag Xaq u dirirka SSC ayaa maanta la isku horfadhiyaa dhawr Aag.

 

Magaalada Buuhoodle waxaa soo buux dhaafiyey Boqolaal Ciiidamo Xamashi ah, iyo kuwo Qabiliga ee ka soo jeeda Deegaan gaashaamo kuwaasoo is garabsanaya. Waxaana la sheegay in wada hadaladii socdey ee odyaasha iyo u dhexeeyey saraakiisha Hogaaminaysa Ciidanka Amxaaradu ay is afgaran waa ku dhamadeen, Kala boodkan ayaa yimid ka dib markii Saraakiisha Itoobiyaanku ay shuruud ku xidheen wada hadal taasoo ah horta in la keeno Qoryihii laga furtay Xamashidiid iyo dabaqoodhidii lagu diley dagaalkii Jimciihii ka dhacay Buuhoodle.

 

Odayaasha deegaanka ayaa iyaguna ugu baaqay Ciidankaas Itoobiya in ay soo wareejiyaan Baabuurta ay ka haystaan dadka deegaanka. Isla markaana la is dhaafsado waxii la kala hayoo dhan, waxayna wax garadku sheegeen in sidoo kale ay rabaan qoryo ka maqan shacabka Buuhoodle.

 

Waxaana la sheegay in arintaas ay ku gacan saydheen Itoobiyaanku, qaar ka mid ah Odayaasha ayaa sheegay in hadalada Xabashida laga dareemayey dad ujeedo kale wata oo ka weyn qoryaha. Taasoo lagu micneeyey in ay doonaya dagaal dhabar jebin ah oo ay kuwada Socdaan maamulka Hargaysa.

 

Dhanka kale magaalada Widhwidh ayaa maanta waxaa ka jira xoogaa degenaasho ah, oo aan cago badan ku taagnayn. Waxaana la sheegay in maamulka SNMtu ay keeneen waxii awoodooda ah oo Tikniko ah deegaankaas ka dib markii shalay lagu jebiyey. Sidoo kale dadkii ay shalay ku xasuuuqeen deegaanka Bali harac aya qarkood dhawaacii u dhinteen. Waxaana la sheegay in dadkaas ay laayeen ka dib markii lagu xanuunjiyey dagaalkii Widhwidh.

 

Ciidamada SSC ayaa la sheegay in ay joogaan meelo Istiratijiyad ah, Dagaalkuna markastaba waa qarxi karaa. Shacabkii magaalada ka qaxay ee maatada ahaa aya la sheegay in roob xalay ku helay banaanadii waxaana la xaqiijiyey dhimashada 3 caruur ah 2 qof oo waayeel ah oo midi Islaan ahayd.

 

Waxii wara ha ka dheeraan.

 

Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Digniin:Odayaasha Buuhoodle oo laga sugayo inay keenaan hubkii laga qabsaday ciidamada Itoobiya

 

 

Waxaa kulan wada yeeshay odayaasha Buuhoodle oo uu horkacayo Garaad C/llaahi Garaad Soofe iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya oo fadhigoodu yahay magaalada Buuhoodle,kulankaas oo ka dhacay xerada ciidamada Itoobiya oo ku taal magaalada,dhinaca xadka Itoobiya,iyadoo laga wadahadlay dhibaatadii iyo xasuuqii ay ciidamada Itoobiya ka geysteen halkaas.

 

Kulankaas oo ay dhinaca Itoobiya ay u hadlayeen laba kornayl oo midna ahaa ciidamada nabadsugida,midna ahaa ciidanka meleteriga ayaa waxa subaxnimadii hore kulan dhacay ay miiska keeneen in odayaashu intaan la hadlinba ay ogolaadaan inay keenaan hubkii iyo qalabkii kale ee laga qabsaday ciidanka Itoobiyaanka ee qaarna la laayey,qaarna la qabtay,inkastoo markii danbe la sii daayey,isla markaana ay sheegaan ama soo qabtaan ragii ciidanka la dagaalamay,arintaasoo odayaasha u cuntami weydey,iyadoo codsigii odayaasha ee ahaa in iyana ay sii daayaan gawaadhida ay haystaan dheg jalaq loo siin waayey,oo lagu yidhi markaad arimaha ay dalbanayso itoobiya aad fulisaan baan arinta gawaadhida idinkala hadlaynaa,shirkaas oo odayaashu ka codsadeen saraakiisha itoobiyaanka ah in la siiyo saacado ay ku soo tashadaan,iyadoo markii danbe kulan danbe la isugu soo noqday,iyadoo odayaashii tanaasuleen oo ay balan qaadeen inay fulinayaan dalabka itoobiya,oo la siiyo wakhti ay arintaas ku fuliyaan,iyadoo looga fadhiyo arimahaas oo dhan.

 

Hadaba sida uu idaacada BBC-da u sheegay Garaad C/llaahi ayaa waxay balan qaadeen itoobiyaanku inay ciidanka ka qaadi doonaan magaalada,marka arimahooda la fuliyo,balse dadka sida fiican u yaqaana itoobiyaanka ayaa ka digaya in marka odayaashu keenaan hubkii iyo qalabkii kale ee ciidanka Itoobiyaanka laga qabsaday,inay odhan doonaan keena ragii aad qoryaha aad noo keenteen ka soo qaadeen,oo sida lagu yaqaan aanay fulin doonin balanqaadka ay sheegeen ee ah inay gawaadhida sii dayn doonaan,iyo inay ciidamada la bixi doonaan,oo ay muhiim tahay in intaan loo keenin qalabkooda ay iyaguna fuliyaan balanqaadkooda.

 

Dhanka kale waxaa muhiim ah in la weydiiyo magdhow inay ka bixiyaan dadka ay xasuuqeen iyo hantida ay burburiyeen,mar hadii wadahadal iyo nabad ay dhab ka tahay,oo aan sidaas lagu ilaawin dadkii ay sida arxan darada ah u laayeen.

 

Dhanka kale waxaa muhiim ah in lagala hadlo mawqifkooda ku aadan arimaha siyaasadeed ee gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,iyo inay diyaar u yihiin inay odayaasha ka caawiyaan sidii nabad waarta dhamaan goboladaas loogu heli lahaa,maadaama Itoobiya xidhiidh dhow ay la leedahay maamulada Somaliland iyo Puntland.

 

Ugu danbayntii waxaa muhiim ah in si taxadar leh ay uga feejignoodaan in odayaasha la qabqabto oo sidii dhacday wakhtigii dhibaatadu ka dhacday Xagar Sarara-Weyn aan dhamaan odayaashu isu wada raacin la kulanka Itoobiyaanka,oo loo daayo rag yar oo tayo leh.

 

Waxaa muhiim ah in culimada deegaanka iyo waxgaradka kale ay dadka ku booriyaan in xaalada la dejiyo oo nabad dib loogu soo dabaalo Buuhoodle iyo dhamaan dhulka ku xeeran,dhulkaas oo mudo dheer nabad ahaa,aanu isu bedelin sida ka taagan koonfurta Soomaaliya,oo runtii la hubo inay ka dhex kici doonaan,haday arimuhu sidaan ku sii socdaan kooxo diimeedka ka jira koonfurta Soomaaliya,kuwaasoo ka faa'iidaysta kacdoonka dadka,siina kordhin kara dhibaato ka dhacda dhulkaas,oo aanu dhulkaasu noqon dhul isu bedela dhul colaadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Where is the source? Or has your Xabash pimp whispered it in your ear?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Jacaylbaro:

use your brain and energy to find the source adeer ...... or pay me to get it for u ,,,
:D

translation....there is no source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

The last post that you did about Booyax, has a source. So obviously you don't have an issue with bringing a source, but for this thread, you do not provide a source! a) There is no Source b) it is a NW Somalia source.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka Buuhoodle iyo ciidamada Ethiopia oo is faadhsanaya hubkii ay iska qabsadeen

 

Buuhoodle: (Sh.M.Network) Ciidamadii deegaanka ee degmada Buuhoodle iyo kuwii Ethiopianka ee dhawaan halkaasi ku dagaalamay ayaa wada wadahadalo ay isku dhaafsanayeen hubkii ay isaga kala qabsadeen dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay degmadaasi.

 

Iyadoo maalmo ka hor ay aheyd markii dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Ethiopianka iyo dadka deegaanka ay ka dhaceen degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa hadana waxaa soconaya wadahadalo u dhaxeeya labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay taasi oo la doonayo in ay ku kala wareegsadaan hub iyo gaadiid ay kala qabsadeen intii uu soconayay dagaalka.

 

Ciidamada Ethiopianka oo iyagu halkaasi isaga baxay kadib markii dagaalo dadka deegaanka ay la galeen ayaa dib ugu soo laabtay markii gurmadyo ay haleen, waxaana durbadiiba halkaasi ka bilowday wada hadalo u dhaxeeya Waxgaradka deegaanka iyo Ciidamada Ethiopianka, waxaana wararka laga helayo wada hadaladaasi ay sheegayaan in Ciidamada Ethiopianka ay dalbadeen in lagu soo wareejiyo hubkii laga furtay, Ciidamo ka geeryooday iyo kuwa laga qabqabtay sida Idaacada Shabelle uu u sheegay C/raxmaan Cumar Cabdi oo ah Wariye ku sugan degmada Boohoodle ee gobolka Togdheer.

 

Waxa uu intaasi ku daray Wariyahaasi ku sugan degmada Boohoodle in iminka degmadaasi laga dareemayo xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Ciidamada Ethiopianka iyo dadka deegaanka, waxaana uu sheegay in magaalada gudaheeda lagu arkayo dadka deegaanka oo ah kuwa hubaysan.

 

Wadahadalan u soconaya Ciidamada Ethiopianka iyo dadka deegaanka ee ku dhaqan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay imaanayaan xilli maalinimadii daraad ay isweydaarsadeen Ciidamo labada dhinac ay iska kala qabsadeen intii ay dagaaladasi socdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I am sad for the SSC people because they have no idea of the treacherous nature of the Tigre they are dealing with. I expect next week we will hear that the Tigre's called the elders and some kind of settlement is reached. Sadly, that will mark the start of a long period of oppression and indignity they are yet to experience.

 

The only option for them is to fight back with some force and to show they dictate the terms of any deal. They can also threaten to form an alliance with ONLF. That will stop the Tigre's from being arrogant. Waxaan xabad aheyn hargab ayey ka qaadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

Waxaan xabad aheyn hargab ayey ka qaadaan.

:D:D Abtigiis ha u bixin reer Buuhoodle are very aware the patterns of Ethoipians. This aint first time and it won't be the last time. They are expecting the worst from them..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this