Sign in to follow this  
Che -Guevara

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Sheegay In Anay Soomaaliyi K

Recommended Posts

“Waxaan filayaa iminka maamulka Qabsaday Koonfur inaynu la jaanqaadi karno … dabcan Soomaaliyi kala maarmi mayso” M/weynekuxigeenka SL

 

February 8th, 2009

 

Ahmed-yusuf-yaasiin

 

Hargaysa (Somaliland.org) - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta sheegay in xukuumadda talada haysa ee Somaliland ay la jaan-qaadi karayso maamulka cusub ee koonfurta Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isla markaana Soomaali aanay meelna kala tagayn.

 

Ahmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlayey jeediyay qado sharaf ay xukuumaddu u samaysay xubno qurbo jooga Somaliland ka mid ah oo ka soo qayb galay shirkii UDUB ee garabka Madaxwayne Riyaale ee dhawaan la soo gabagabeeyay, waxa uu caddeeyey in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay nidaam Federaali ah ama midnimo debecsan oo Somaliland iyo Soomaaliya ay mar kale isugu yimaaddaan.

 

Isagoo ka hadlaya guulaha xukuumaddoodu gaadhey, gaar ahaan arrimaha dibadda, waxa uu yidhi, “Berigii hore halkay inaga taagnaayeen arrimaha Dibaddu maanta inaga taagna, waa very close [aad baynu isugu dhownahay]. Waxaan weliba rajeynayaa, haddaynu nahay Somaliland, waxaan filayaa iminka maamulka qabsaday Koonfur inaynu la jaanqaadi karno, waayo, waa dhallinyaro cusuboo da’dii 60kii talinaysey meesha way ka baxday. Waxa weeye da’dii 60kii talinaysey waa da’ ciilqabta oo wax badani, siyaasado badani soo dhexmareen”.

 

“Waxaan filayaa Shariifku inuu arrinka Somaliland iyo Soomaaliya inaanu si fiican isula lafa-guri doono oo dabcan Soomaaliyi kala maarmi mayso oo cid xad xidhaysa iyo cid wax oodaysa .. sidaa Yurub baa dee la noqon doonaa, laakiin qolo waliba horta inay dib isu soo dhisto oo dib u muuqato oo dabadeedna hadhow wixii magaranaysaa dee … ninna laga celin maayo Hargeysa, ninna Xamar laga celin maayo,” ayuu raaciyey Madaxweynekuxigeenku.

 

Waxana uu intaa ku daray oo sheegay in dadka khalad laga fahamsiiyey xidhista xuduudka Somaliland la leedahay Soomaaliya.

 

“Dadka khalad baa la fahamsiiyey oo waxa la yidhi xad baa la xidhayaa oo ciidan baa tegayo oo ninna soo gudbi maayo. Waa waxa dadka lagu fogeynaayo, dadku waa dadkii uun. Laakiin, Yurubba sidaa ay wax u kala leedahay baynu u kala yeelanaynaa,” ayuu yidhi mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweynekuxigeenka Somaliland.

 

Axmed Maxamed Sulaymaan (Ilka-case), Hargaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Soomali makala maaranto. Well that much is true. You people always say somaliland hates other somalis, but this has always been the somaliland policy towards their fellow kind. Nothing new there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeisa, 10 Feb 2009 (Somaliland. Post)- “Why do our forces put their lives at risk in defending the eastern border if Somaliland is not seperated from Somalia” asked Mr. Bihi, KULMIYE’s vice chairman, Somaliland. Post reports

 

Speaking to journalists, the first vice chairman of KULMIYE- Somaliland’s main opposition party-, Mr. Muse Bihi Abdi, has yesterday reassured the public confidence by stating that his party will ensure that Somaliland’s hard won independence will not be lost and that the borders with the neighbouring countries will be safely guarded.

 

Mr. Bihi was referring to a speech delivered by Somaliland’s vice president, Mr. Ahmed Yasin, on Sunday in which he said that Somaliland and Somalia can not be separated and that there is no border between them. In the speech, Mr. Yasin also stated that his government could work well with the new UN-backed Somali government, headed by Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

 

Mr. Yasin’s speech, which made a front-page story in most of the Somaliland newspapers and some foreign media outlets, has come as a shock to the public and to the opposition parties, opening all sorts of speculations about the government’s future intentions on the question of Somaliland’s sovereignty.

 

“Mr. Yasin’s statement constitutes a breach with the Somaliland constitution, that declares Somaliland as independent country”- Bihi told the press conference, calling the statement as “being reflective of the ruling party’s view only”.

In what was widely seen as a strong reminder to the ruling party, Mr. Bihi, “said ‘ the people of Somaliland suffered heavily both in life and in material during the union with Somalia and they won their freedom through a long armed struggle, which neither the vice president nor most of the members of his government had not been part of it”.

 

Some regional analysts say the timing of the Vice President’s speech may indicate a change in thinking of the current Hargeisa government. They say the statement comes at a time when the newly elected president of Somalia, Sheikh Ahmed, is striking political deals with some of the factions opposed to his government. International observers have always seen Somaliland as the biggest challenge for any future Somali president to deal with.

Somalil’s new president, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, has previously led the Islamic Courts Union, which ruled parts of Somalia in 2006 before it was defeated by the Ethiopians.

Two years after the invasion and the guerrilla war it provoked, Somalia has now in many ways come in full circle. Islamist militias control the country’s capital and other key cities and the transitional government is trying to establish a foothold. But this time, Sheikh Ahmed is back as the leader of Somalia’s U.N.-backed transitional government .

 

Source: Somaliland.Org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadalkii Madxweyne Ku Xigeenka Iyo Dawladda Djibouti Oo Joojisay Basaborkii Somaliland

February 10th, 2009

 

Dawladda Djibouti Oo Joojisay Basaborka Somaliland

 

Djibouti (Geeska) -Dawladda Djibouti ayaa toddobaadkan joojisay in baasaaborka dawladda Somaliland lagu galo dalkeeda, waxaanay saraakiisha socdaalku joojiyeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo sitay baasaaboorka.

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), oo shalay ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, ayaa waxa uu sheegay in markii soo noqodkiisa uu marayay madaarka Djibouti uu isku dayay inuu galo gudaha magaalada Djibouti, balse loo sheegay in la joojiyay fiisaynta baasaaboorka Somaliland, “Waxaan ka dalbaday fiiso si aan u galo gudaha magaalada Djibouti, laakiin markii ay saraakiisha socdaalku arkeen baasaaboorkayga Somaliland ayay ii sheegeen in amar lagu siiyay inaan wax fiise ah lagu dhufan baasaaboorka Somaliland.” Ayuu yidhi Aadan Maxamed Mire (Waqaf), oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Waxay igu yidhaahdeen markii hore waanu fiisayn jirnay, laakiin dhawaan ayaa amar lagu bixiyay in la joojiyo fiisaynta baasaaboorka Somaliland.”

 

Markii ay saraakiisha socdaalka ee Djibouti u diideen Mudane Waqaf inay u fiiseeyaan baasaaboorka Somaliland, waxa weheliyay masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland balse isagu ku socdaalayay baasaaboorkii hore ee Somaliya kaas oo ay isaga fiiseeyeen. “Itoobiya waa lana soo dhawayanayay laakiin Djibouti waxa lanoo diiday in lanoo fiiseeyo baasaaboorka Somaliland.” Ayuu yidhi Waqaf.

 

Xukuumadda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino warkan cusub ee ka soo yeedhay masuulkan ee sheegaya in dawladda Djibouti joojisay in dalkeeda lagu galo baasaaboorka Somaliland, ayaanay noo suurto gelin.

 

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxa la arkayay xidhiidhka Djibouti iyo Somaliland oo si xawli ah u soo korayay, waxaanay labada dawladood dhawaan ku heshiiyeen qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen in Hargeysa iyo Djibouti si dhakhso ah looga furo laba xafiis oo wakiilo u ah labada wadan iyo weliba labada dhinac [somaliland iyo Djibouti] islamarkaana la fududeeyo isu socodka ganacsiga labada bulsho. Laakiin ilaa hadda labada dawladood xafiis iyo wakiil toona midkoodna ma magacaabin.

 

Hase yeeshe go’aankan cusub ee uu Mudane Waqaf sheegay in Djibouti ku joojisay in dalkeeda lagu galo baasaaboorka Somaliland ayaa u muuqda mid kedis ah. Dhawaan ayaa dalka Djibouti waxa lagu dhisay dawladda cusub ee loo sameeyay dalka Somaliya, taas oo uu Madaxweyne ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

Hargeisa, 10 Feb 2009 (Somaliland. Post)- “Why do our forces put their lives at risk in defending the eastern border if Somaliland is not seperated from Somalia” asked Mr. Bihi, KULMIYE’s vice chairman, Somaliland. Post reports

 

Speaking to journalists, the first vice chairman of KULMIYE- Somaliland’s main opposition party-, Mr. Muse Bihi Abdi, has yesterday reassured the public confidence by stating that his party will ensure that Somaliland’s hard won independence will not be lost and that the borders with the neighbouring countries will be safely guarded.

 

This is Xiin's party? :D . This is why I think you're a confused man Xiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^The article above your empty post is more important I think.

 

The competition is on as to who delivers SL from the small hole of seccessionsm. Yaan la tagin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

* There is no rationale behind Somaliland.

* There is no diin behind Somaliland.

* There is no somalinimo behind Somaliland.

* There is no economical interest behind Somaliland.

 

It's simply a wicked cause driven by very few wicked people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Yes there is old boy.

 

1: Somaliland was existing state before joining somalia.

 

2: There is no diin forbiding somaliland from not exisisting.

 

3: Ethnic idenity is not strong reasoning for joining Somalia. Arab states are around and the question is why is it they are fine being apart but somaliland should not. Why is people like you shouting for arab to be together in one state and why dont they do it themseleves

 

4: There is strong economical interets for somaliland to leave. One is the potential oil revenue that will be made that good for somaliland. Second is outside investment which is slowly developing in Somaliland which would not with Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this