Sign in to follow this  
General Duke

Agreement reached in Sanca?

Recommended Posts

_41177808_speakerpres203.jpg

 

C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo heshiis hordhac ah gaaray

 

Cadan-03.January.2006 Madaxweynaha dowladda federaalka kmg ee Somalia iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulan ku

yeeshay magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa waxaa la sheegay inay heshiis hordhac ah gaareen oo ku saabsan halka ay ku hawlgelayaan hay'adaha xukuumadda.

 

Saraakiil ka tirsan dowladda Yemen oo ku dhow dhow shirka mas'uuliyiintaasi ayaa shaaca ka qaaday in labada dhinac ay isku afgarteen in dowladdu ay degto magaalada Cadan.

 

Heshiiskaasi waxaa si rasmi ah ay labada dhinac ay ku saxiixi doonaan xaflad maalinta berri ah lagu qaban doono magaalada Cadan oo la sheegay inuu goob joog ka ahaan doono madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

 

Waa tanaasulkii ugu waynaa ee uu madaxweynaha dowladda federaalka kmg ee Somalia ku dhaqaaqo tan iyo markii xagga fikirka ah ay isweydaareen isaga iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

 

Hadaba waxay su'aashu tahay rogaal celinta ka iman doonta xubnaha ku sugan magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ee kawada tirsan dowladdii lagu soo dhisay Nairobi waxa ay noqon doonto.

 

 

Barre C/laahi(Nabad-doon)

SBC Cadan, Yamen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Xasan oo si rasmi ah ula heshiiyay C/hai Yusuf kadib markuu ku tilmaamay xubnaha Muqdisho kusugan kuwo aan waxqabad diyaar u ahayn oo amaro kale ku shaqeeya

 

 

Jan,3.2006 Radiofreesomalia

 

Madaxweynaha DFS iyo Afhayeenka PFS Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Qilaafkoodii soo afjarmay ,kadib markuu Shariif Xasan garowsaday Cida doonaysa iney dalka wax ka qabato , Heshiiskani oo loo arko in uu soo afjaray khilaafkaqilaafkii DFS , waxaana maanta Shaaciyay in heshiis buuxa laka saxiixday.

 

 

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Afhayeenka BFS Sharif Hassan Sheikh Adan oo wadahadal ku leh Mgaaladda Dekeda ah ee Cadan ayaa lagu rajo weynyahay in maalinta beri ah ay afjaraan heshiis kama dambeys ah oo ku aadan in DFS ay si ramsi ah guud ahaan u wada howl galaan

 

Heshiiskaa ayaa wuxuu Yimid ka dib markii uu Shariif Xasan Shiikh Aadan uu arkay Sumcad xumida ka qabsatay shirkii baarlamaanada Carbeed oo isagoo taagan lagu yiri kooxda aad hor kacayso waa sharci daro oo xaq uma aad lihidiin dhirkan adiga wax casumaad ah ma wadatid ee isaga dhaqaaq, sidaa dabadeed wuxuu wacay Cabdullahi Yusuf oo uu ku yiri waan kula heshiinaya ee aan kuugu imaado AYemen , Sidaa ayuuna Madaxweyne C/llahi Yusuf Ku aqabalay heshiiska Maadaama uu isbedel muujiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.

 

 

editorial@radiofreesomalia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif-ka & C/llaahi Yuusuf oo maanta Yeman ka soo saaray war ay soo dhoweeyeen shacabka Soomaaliyeed

 

 

Kulan dhowr saacadood qaatay, ayey maanta ku yeesheen magaalada Cadan ee dalka Yeman madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed & Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana kulankaasi ay labada mas’uul ku shaaciyeen in mabda’ ahaan la isku raacay in dowladu u guurto Muqdisho, isla markaana la magacaabo guddiyo farsamo oo sii diyaariya qaabka ay dowladdu u saldhigan doonto Muqdisho.

 

 

Labada mas’uul waxey sheegeen in ay berri Yeman ka soo saari doonaan qodobada heshiiskii kama dambeysta ahaa ee ay ku gaareen Yeman, waxaana hadalkii maanta ee ku saabsanaa imaatinka Muqdisho ee dowladda federaalka si weyn u soo dhoweeyey shacabka ku dhaqan G/Banaadir oo ku tilmaamay haddii uu talaabadaasi uu ka dhabeeyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf in ay wax weyn ka bedeli doonto xaaladda Soomaaliya.

 

 

Saraakiisha Yeman oo ay soo xiganeysay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in wadahadalada labada mas’uul uu goob joog ka ahaa madaxweynaha Yeman Cali Cabdalla Saalax.

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

 

Ku noqo beejka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan oo ku heshiiyay in dowladdu u guurto Muqdisho

Posted to the Web Jan 03, 14:48

 

 

Cadan (PP) – Wararka ka imaanaya Magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yusuuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay gaareen heshiis hordhac ah oo sheegaya in Dowladda ay u guurto Magaalada Muqdisho halkaasna ay ku shaqeyso.

 

Hadalkaan oo ay saraakiil ka tirsan dowladda Yemen gaar ahaan wasaaradda Arrimaha dibadda ee Yemen ay siiyeen Wakaaladda Wararka ee Reuter ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku ay heshiiskaas gaareen xalay mar ay kulan hordhac ah ay yeesheen, waxaana ay saraakiishaan sheegeen in labada hoggaamiye ay si weyn u doonayaan inay heshiis kama dambeys ah gaaraan, waxaana ay sheegeen in go’aankaan la shaacin doono maalinta Arbacada ah oo berri ku aaddan oo ay sheegeen inuu ku eg-yahay kulammada ay yeelanayaan.

 

Mas’uuliyiintaan oo ka qaybgalay kulankii xalay ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay dowladoodu ay ku dadaalayso sidii ay labadan mas’uul u gaari lahaayeen heshiis dhab ah oo ay dib ugula laabtaan dalkooda iyo dadkooda isla markaana uga shaqeeyaan dalka iyagoo hal meel ka jeeda, waxaana ay si weyn u caddeeyeen madaxdaas inay ku dadaalayaan in kulankaan uu noqdo mid miro dhal ah.

 

Sida wararka Puntlandpost ka soo gaaraya magaalada Cadan ee dalka Yemen ay sheegayaan waxaa galabta la filayaa inay mar kale wadahadallo ku yeeshaan magaalada Cadan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana kulankaan uu noqon doonaa kulan rasmi ah oo ay yeeshaan labadan mas’uul kii ugu horreeyay, marka laga reebo kulankii hordhaca ahaa ee ay xalay yeesheen.

 

Kulammada mas’uuliyiintaan ayaa la filayaa inay maalinta berri ah soo gabagaboobaan, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah ay labada mas’uulba si wadajir ah u shaacin doonaan qodobbadii ay ku heshiiyeen, waxaana la filayaa inay arrintaas soo dadajiso heshiis ay gaaraan xubnaha dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, taasoo keeni karta in dowladda Federaalka Soomaaliya 4-sano ee u hartay si wadajir ah uga shaqeyso dalka.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiis hordhac ah oo ay gaareen Yuusuf iyo Shariif-ku

 

Cadan:-Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qodob ahaan ku heshiiyay in Dowladda ay si toos ah ugu soo guurto Magaaladda Muqdisho.

 

Heshiiskani oo hordhac loona arko in uu soo afjari doono khilaafka ragaadiyay Dowladda FS , waa sida ay maanta Shaaciyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Yemen oo labadda Dhinac ku dhex dhexaadinaya dalkaasi Yemen.

 

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Gudoomiye Shariif Hassan Sheikh Aadan oo wadahadal ku leh Mgaaladda Dekeda ah ee Cadan ayaa lagu rajo weynyahay in maalinta beri ah ay gaaraan heshiis kama dambeys ah oo ku aadan in Dowladda FS ay si rasmi ah guud ahaan ugu soo wareegto Mgaaladda Muqdisho, waa sida ay hadalkooda sii raaciyeen saraakiil u hadashay dowladda Yemen.

 

Shalay ayay gaaraan heshiis horudhac ah oo ku aadan in Dowladda FS ay guud ahaanba u guurto magaaladda Muqdishu, laakiin wadahadalka waa uu sii socdaa maalinta beri ee Arbacadda ayay suurtagal tahay in ay saxiixdaan heshiis kama dambeys ah iyada oo saxiixaasina uu goob jog ka noqonayo Madaxweyne Cali Cabdalle Saalax†ayuu yiri sarkaal u hadlay Dowladda Yemen oo maanta la hadlay saxaafadda.

 

Saraakiisha Dowladda Yemen ayaa sheegay in heshiiska ay gaareen Shariif Xasan iyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu qorayo in wasiiradda iyo waaxyaha kale ee Dowladda in ay u wareegaan oo guud ahaantoodaba ay isugu yimaadaan Magaaladda Muqdishu oo ay dowladda Muqdishu ay soo dagto ka hor inta Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ay u cadaanayso in amaanka Magaaladda Muqdishu laga sugayo.

 

Dowladda Yemen ayaa dhex dhexaadineysa wada hadal u dhaxeeya labadda dhinac ee kala boodsan ee Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya ee ku muransan halka ay tahay in dowladda ay sal dhigato iyada oo labadda dhinac ay horay u diideen in ay ku wada hadlaan Magaalooyinka ay kala joogaan ee Jowhar iyo Muqdishu.

 

koox uu horkacayo Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf ayaa degan magaaladda Jowhar oo 90 kilo mitir dhanka waqooyiga kaga aadan magaaladda Muqdishu, iyada oo kooxda madaxweynaha la jirta ay rumeysanyihiin in Muqdishu aysan amaan aheyn.

 

laakiin koox kale oo la safan Shariif Xasan ayaa ku adkeysanaya in Muqdishu tahay caasimadda dalka sidaasina ay ku qeexantahay Dastuurka.

 

labadda dhinac ee Dowladda FS ayaa isku eedeeyay erayo dagaal doon ah iyada oo warbixin Q.M ay soo saartayna lagu muujiyay in labadda dhinac ee DFS ay isku hub aruursanayaan, taasi oo dhalisay cabsi ah in mar kale lagu kor dagaalamo shacabka Soomaaliya dad ahaan iyo xoola ahaanba ku tabcaanay dagaalo sokeeye tan iyo markii Xukuumaddi Siyaad bare la tuuray.

 

Hase ahaatee hogaamiyaasha ku hubaysan magaalda Muqdisho ayaa ku guul daraysatay inay amaanka soo celiyaan iyo weliba inay isbaarooyinka dadka lagu baarto kaqaadaan magaalada, waxaa iyana intaas dheer kooxo islaamiyiin ah oo cidna ka amr qaadan dawladuna ay cabsi xoogan ka qabto.

 

Cali Cabdi Cali (Suxeyfa)

alisuheifa@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yusuf iyo Guddomiye Sharif oo heshiis wada gaaray

 

Madaxweynaha DFKM ee Soomaliya Cabdilahi Yusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Barlamanka DFKS Sharif Hassan Shiikh Adan ayaa heshiis horudhac ah

kugaaray magaalada Cadan,

 

Masuuliyin Yeminiyin ah ayaa sheegay in la filayo in labadan hogaamiye ay

 

berrito arbacada ay heshiis buuxa isla gaari doonan ,masuuliyantan ayaa waxa

 

ay sheegen madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax uu goob joog ka noqon doono heshiiska,

 

inkasta oo aan ilaa iminka aan si rasmi ah loo shaacin qodobada uu ka kooban

 

yahay heshiiskani ayaa waxa ay masuliyin yemeniyin ah oo u dhuun daloola wada hadalada dhex maraya labada dhinac waxa ay sheegen in

 

heshiiskan uu ka mid yahay qodob tilmaamaya in wasiirada iyo waaxyaha dawladu ay u guuran

 

magalada Muqdisho halka madaxweyne Yusuf uu isagu ku sugnaan doono magaalada Jowhar ilaa uu

 

ka helo awood uu ku sugi karo amaankiisa gaarka ah wixii tafaasil ah oo ku saabsan heshiiskan oo soo kordha isha ku hay "horseednet.Com"

 

Horseednet.Com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Haddii ay ku heshiiyeen in muqdisho loo guuro, uma maleenayo in heshiiskaas wax joojin karo uusan jirin, waayo shariifka iyo Yeey waa labada astaamood ee dowladda federaalka, mar haddii ay heshiiyeen wax kasta wey soconayaan hadda.

 

ps: waan filayey iney heshiinayaan waayo dhib iyo dheefba labadan nin ayey gacantooda ku jirtaa and not any other qabqable!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

cowboys-ka xamar maxaay taa ka yiraahdeen?

ma soo dhoweeyeen mise what?

 

Qanyare & M suudi haddii aay ku biiraan then

howshu waa iska sahlanaaneysaa inta hartay.

 

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

The world put hold the finacial support, promised to give Somali government. That will be change what ever happen. Other than that, when it comes moqdisho and surrounded area, it will be always difficult with warlords and their militia.

 

 

Abdiqaasim group will be very important, it is most influatial group in the city an d undertand better the rolle of goverment. Abdilaahi yusuf must win the support of this group.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdiqaasim group will be very important, it is most influatial group in the city an d undertand better the rolle of goverment. Abdilaahi yusuf must win the support of this group.

I agree with this point, howver not without consetion from this group. Also lets not exagerate his [Abdiqasin's] position for if they had power it would show when he was President and could not do a thing in Mogadishu..

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan Sh. Aadan oo ku heshiiyey in Dowladda Federal-ka KMG ah ay si toos ah u soo degto Magaallada Muqdisho

 

Wararka ka imaanaya magaallada Sanca ee dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in heshiis horudhac ah ay wada gaareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baaarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo haatan lagu dhex-dhexaadinayo waddanka Yemen.

 

Kulan muddo saacado ah qaaatay oo ay wada yeesheen labada mas’uul ayaa waxay ku heshiiyeen in dowladda Federal-ka KMG ah labadeeda qaybood ee Golaha Baarlamanka iyo Golaha Wasiirrada ay soo degaan magaallada Muqdisho, kuna shaqeeyaan.

 

Heshiiskaan horudhaca ah ayaa waxaa xaqiijiyey Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda waddanka Yemen, waxayna sheegeen in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay labadooduba ku faraxsanaayeen in xal la gaaro, si loo soo afjaro khilaafka xukuumadda ee sababay in xukuumaddu ay kala degto magaallada Muqdisho iyo Jowhar.

 

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan ay soo saaraan war murtiyeed ku aaddan qodobbada ay ku heshiiyeen, waxaana ka qayb galaya madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo madax kale oo ka tirsan waddammada Geeska Afrika, gaar ahaan Danjireyaasha waddammada Yurub, Afrika iyo Asia u fadhiya dalka Yemen. Heshiiskan horudhaca ah markii uu soo yeeray ayaa magaallada Muqdisho waxaa ka dhacay fantasiyo iyo dabaaldegyo ay dhigayeen dadka Soomaaliyeed, kuna soo dhoweynayeen heshiiskaasi.

 

Cali Khaliif Galeyr oo ra’iisul Wasaare ka ahaa dowladdii Carta oo wax laga weydiiyey heshiiskan dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxa uu sheegay in labadan nin ay laheysteyaal u yihiin kooxaha ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, waxayna isla garteen in ay ka xoroobaan labadaasi Garab.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya | Jan 3, 2006

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Iney labada hogaamiye hishiiiyaan waa furaha dhameenta khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, xal aad buu u dhowyahay.

 

Ilaahay haa ka saaro dhamaan shacabka soomaaliyeed dhibaatada

 

Amiin Amiin

 

Somali rivals in government talks

By David Bamford

BBC Africa editor

 

Rival Somali political leaders are expected to announce whether they have reached an agreement that could lead to the restoration of central government.

Talks have been taking place in Yemen between the Somali President, Abdullahi Yusuf Ahmed, and the parliamentary speaker, Sharif Hassan Sheikh Adan.

 

It provides the hope that Somalia might start to emerge from its current state of virtual anarchy.

 

The country has been factionalised and basically lawless since 1991.

 

Compromise opportunity

 

Both men were chosen by a fairly representative transitional national assembly, and there is an approved cabinet of ministers. Yet politically in Somalia, nothing works - at all.

 

The problem, and indeed the solution, may lie in the relationship between the president and the speaker.

 

 

Mr Adan has allied himself to the warlords who occupy the capital, Mogadishu.

 

But Mogadishu is a city where President Yusuf fears to tread because he believes one of those militias will try to kill him.

 

He instead operates from Jowhar, only 50km (31m) from the capital, but politically speaking a world away.

 

Mr Adan's parliament never meets, and President Yusuf's government does not function.

 

But finally the two men are talking, and there is much speculation among seasoned observers that Mr Adan is ready to at least partly shun the warlords.

 

The key could be for him to call a meeting of the transitional parliament, preferably on Somali soil - so far it has only ever met in Kenya, and that was a year ago.

 

It is thought that only the parliament - in which the militias and rival clans are represented - has a wide enough legitimacy to make decisions on reuniting Somalia that would stick.

 

Story from BBC NEWS:

http://news.bbc.co.uk/go/pr/fr/-/2/hi/africa/4579414.stm

 

Published: 2006/01/04 02:56:44 GMT

Doorasho_muqdisho.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

If A/Y agrees to let his group come to Muqdisho, Residents promised to fight on his behalf for the TFG and take up arms against anyone who opposes it. There is even no requirement for him to come soon himself but send the rest of the government so that this becomes Residents and supporters of order versus men who oppose it and want the status quo. It all depends on how A/Y plays his cards.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this