Sign in to follow this  
General Duke

Why I love the TFG : LOWER SHABBELE ADMIN

Recommended Posts

05_clip_image001.jpg

Gone is the occupier IndaCade

 

siidi12271wirethumb.jpg

In is the new face of the people: Dr. C/qaadir Sheekh Maxamednuur.

 

Warar ku Saabsan Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose:

05/08/07

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Muqdisho DMC Talaado 8.May.2007.

 

Waxaa la dhameystirey Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo muddo dheer ay dadka Gobolkaas ka sugayeen Xukuumadda Kumeelgaarka Sooomaaliya, waana Gobolka keliya ee aan weli Maamul loo sameynin, iyadoo sababaha Maamulkaas dib u dhigey ay balaaran yihiin.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa markii ugu horreysey ee Mudada 16 sano ka dib suuragashey in la diyaariyo Maamul Gobol iyo Degmooyin ay iska leeyihiin dadka ka soo jeeda Gobolkaas, iyadoo dadkaasi soo mareen dhibaato aad u ballaaran oo dhinac kasta ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar aan ka helley ilo Ku dhowdhow Dowlladda ayaa xaqiijinaya in Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaa Hoose loo doortey nin magaciisa la yiraahdo Dr. C/qaadir Sheekh Maxamednuur.

 

Sidoo kale waxaa Guddoomiye Kuxigeen loo doortey nin ka soojeeda magaalada Marka kaas oo aan helin magaciisa, halka Kuxigeenka Labaadna loo doortey nin ka soo jeeda Degmada Wan-laweyn oo aana helin magaciisa.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa hubaal ah in C/qaadir loo doortey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose.

Haddaba waxaan halkan ku soo koobeeynaa Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub.

 

Dr. C/qaadir wuxuu ku dhashey Degmada Qoryooleey 1972 kii. Dugsigiisa Quraanka iyo Waxbarashada Hoose, Dhaxe iyo Sareba wuxuu ku dhameystey isla magaalada uu ku dhashey. Ka dib sanadkii 1995 kii wuxuu ka mid noqdey asaaseyaasha Ururkii SDU oo uu ka noqdey Xoghayaha Warfaafinta ee ururukaas.

 

Sanadkii 1996kii wuxuu ka mid noqdey ardada deeq waxbarasho ka heshey dalka Suudaan, halkaas oo uu ka galey Kulliyadda Caafimaadka. Isla sanadkii 1996 kii wuxuu noqdey Xogahaha Guud ee ardada Soomaaliyeed ee dalka Suudaan. Sanadkii 1997kii wuxuu ka mid noqdey asaaseyaasha ururka ardada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ee dalka Suudaan oo uu xubin ka noqdey Guddiga Fulinta ee ururkaas.

 

Sanadkii 1998kii wuxu Guddoomiye ka noqdey Ururka Ardada Koonfur-galbed ee dalka Suuadaan. Sanadkii 1999kii wuxuu ka mid noqdey urur la yiraahdo saaxiibtinimada Caalamka iyo Sudaan, wuxuuna ka noqdey Xoghayaha Arrimaha Dibadda. 2001-2002 wuxuu galey Jaamacadda Niileey ee dalka Suudaan halkaas oo uu ka bartey Culuunta Siyaasadda iyo Diblomaasiyadda taas oo uu ka qaatey Dibloma.

 

2002—2004 wuxuu noqdey sii haayaha Safaarradda Soomaaliya ee dalka Suudaan ka dib markii uu geeriyoodey Safiirkii halkaas joogi jirey. Sanadkii 2005kii wuxuu noqdey Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaaliya ee Itoobiya. Sanadkii 2006dii waxaa loo magacaabey Xiriiriyaha Dowlladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhinacyada Ganacsiga iyo Siyaasadddaba taas oo uu hayey ilaa laga sameeyey Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Addis Ababa.

 

Magacaabista Guddoomiyaha cusub waxaa si fiican u soo dhoweeyey dhamaan odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose.

 

Waxaa na soo gaaraya dhambaallo iyo habalyo oo ay na soo gaarsiinayaan akhristeyaasha maqaalladeenna iyagoo doonaya inay u habmbalyeeyaan Baraasaabka Cusub.

 

Si kastaba ha ahaatee wuxuu baal Cusub u furmey dadka ka soo jeeda Mandiqadda Shabeellada Hoose oo loo magacaabey Maamul ay iyagu iska leeyihiin. Waxay dadkani tirsanayeen inay aad ugu dulmanaayeen maamul kasta oo la sammeeyey tan iyo intii ay burburtey Xukuumadda militeriga Soomaaliya.

 

Haddaba waxaa loo fadhiyaa maamulka cusub iyo dadka Gobolkuba isbeddelka ay keenaan marka awoodda Gobolka gacanta u gasho.

 

Shabakadda warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotamil.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Buy you wish "strong men" like Qeybdiid and Dheere on the Muqdisho populace. Why not a doctor for Muqdisho too?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool, I dont wish for anything, just report on the reality. Qaybdeed is the police chief of Somalia and not Mogadishu saxib, and Dheere is the mayor of one of the most violent cities on earth. Compare it to this peaceful region is ludicrous.

 

Anyhow are you not glad for the people of this region, after all they went through?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Geel_Jire12:

Buy you wish "strong men" like Qeybdiid and Dheere on the Muqdisho populace. Why not a doctor for Muqdisho too?

run badanaa...war ninyahow adiga su'aalo wadnaha na xanuujinaya ayaad meesha keentay....lol..lol.........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Duke:

^^^lool, I dont wish for anything, just report on the reality. Qaybdeed is the police chief of Somalia and not Mogadishu saxib, and Dheere is the mayor of one of the most violent cities on earth. Compare it to this peaceful region is ludicrous.

 

Anyhow are you not glad for the people of this region, after all they went through?

First of all I never agreed with that Indhacadde ruled Sh House.

 

Shabeellaha Hoose is peaceful? You mean all jirri waa la xirxiray? Mise dharkii TFG bay xirteen? I personally know some recent victims lagu dilay iyo carruur agoon laga dhigay.

 

Plus ninkaan dhakhtarkaa wax aqoon ah uma lihi oo waxaan ka sheegaa waa dembi maxaase shaqo ka muhiimsan oo ah inuu ka shaqeeyo isbitaallada Marka, Baraawe iyo Qoryooley ahna wixii uu ku soo takhasusay maadaama uu weli da' yar yahay oo uusan retirement ku dhowaan looga dhigi waayey? Caku TFG iyo siday wax u qiimayso. Illeen wax awalba gumeysi ku yimid khayr ma lahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Again all you do is complain, you skirt around the issue and you even claim that the leadership of a whole region is less important than treating some patients in hospital.

 

Saxib the security of Somalia will not change in a day, but this is a landmark moment. A region that was the very image of abuse from Aydeed to IndaCade these past 16 years, has now been given back to its public. This new governeor is hope to milions a symbol that they are now in power of their region, that they are now players in their country.

 

This is more important than anything, a whole people were marganalised saxib. Go on their local websites and see how they are celebrating this simple step.

 

Again do you take this opportunity to wish these people the best of luck or will you continue to complain.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Duke:

^^^Again all you do is complain, you skirt around the issue and you even claim that the leadership of a whole region is less important than treating some patients in hospital.

Ha isku deyin inaad iga dhex hadashid aniga sidii jinkii oo hadal aanan dhihin aad iga sheegtid.... shaqo kastaa waa muhiim xitaa kuwa jidadka markay xirmaan baabuurta muraayadohooda dhaqa. Is it wrong to say that the man might suit more to cure patients in hospitals ay dad masaakiin ahi ku silceen. Are you telling us gobolkaan dhan dadka xitaa degaan ahaan ka soo jeeda malahan qof kale oo shaqadaan qaban kara. Plus horta degaannada Soomaalida dastuur-ku-sheegga TFG ma qorayaa in loo magacaabo barasaabyo and even bring some with parachutes?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib your silence was defeaning on this issue. You used to even defend warlord/court Indacdae claiming he was fighting for the faith while he occupied a whole region.

 

Anyhow the people of this region will no longer be bullied by the gun. Their time has come and viva to the third republic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oh the glee, delight, happiness, pleasure and the feel of joy and triumph. What a great day for the people of the lower Shabelle.

 

This is the final seal and stamp of approval that the oppressed have finally been liberated. Touch it, feel it, smell it, finally it is here: Freedom! The good people of the lower shabelle have finally been liberated and emacipated.

 

After 16 awful years, tonight the people can sleep at last peacefully without any nightmares knowing in their heart and mind that one of their sons is actually the one, who is in charge of their affairs and the affairs of their region.

 

For that I've to thank the TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

More like they got rid of one Shidan, and got another one in its place. I wonder why Somali people are so easy to celebrate before the individual even steps into office and does anything, how do you know this one is going to be better than the last. I hope history does not repeat it self, and in a few years/ months we will not see these same people in worse conditions.

 

Y'll should hold your horses, and celebrate when there is something to celebrate about, i.e. when he has proven he is not just another snake.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose oo Sheegey In Saacadaha Soo Socda Lagu Dhawaaqi Doono Maamulka Gobolka iyo Degmooyinka.

 

05/10/07

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Muqdisho DMC Khamiis.10 May 2007.

 

Guddoomiayaha cusub ee Gobolka Shabeellada Hoose Dr. C/qaaddir Sheekh Maxamednuur ayaa xaqiijiyey in saacadaha soo socda lagu dhawaaqi doono maamullada Gobolka iyo kan Degmooyinka Shabeellada Hoose iyadoo maamulkaasna uu ku dhawaaqi doono Wasiirka Arrimaha Gudaha ama Wasiiru-Dowllaha Arrimaha Gudaha.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in Demooyinka Afggooye iyo Wanllaweyn maamuladooda dib loo soo magacaabi doono. Mudane Cabdiqaadir ayaa tibaaxey isla marka maamulkaas lagu dhawaaqo in si habsami ah loo sugi doono amaanka Goboolka Shabeellada Hoose.

 

Magacaabista Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa soo dhoweeyey dadka ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose iyagoo caddeeyey inay si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonaan waxayna ugu duceeyeen inuu Ilaahey ku garabgalo xilkaas loo magacaabey.

 

Guddoomiye Cabdiqaadir oo aan weyddiinney magacyada xubnaha Gobolka ee ku jira maamulkiisa ayaa ka gaabsadey inuu noo sheego assagoo ku gaabsadey inay ku habboon tahay in la sugo magacaabista mas'uuliyiinta ku shaqada leh.

 

Waxaa saacadba saacadda ka dambeysa xafiiska Shabakadda Warbaahinta DMC iska soo dabadhacaya hambalyo iyo duco loo jeedinayo Guddoomiyaha cusub, iyadoo aan idiin ballanqaadeyna inaan soo bandhigno magacyada dadka habalyada so diraya, iyadoo hambalyada ugu ballaarani naga soo gaareyso shacabka Gobolka ku dhaqan.

 

Shabakadda warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this