Sign in to follow this  
axmad gurey

Bin Laden Message in Somali

Recommended Posts

Saw this on www.kataaib.info and thought that it might be beneficial for everyone because everyone is commenting on it and not everyone has actually heard it or read it. Check it out!

 

Fariintii Amiirka Mujaaahidiinta Caalamka Sheekh Usama Bin Laden oo faahfaahsan.

 

Sabti 24 Rabic Al-awal 1430 (21/03/2009)

Hogaamiyaha Mujaahidiinta Caalamka Shaykh Usaama Bin Laden (Allaha dhowre) ayaa Fariin maqal ah oo laga soo duubay kaga hadlay arrimaha xasaasiga ah ee ka taagan xilligan dalka Somaaliya, gaar ahaan shirqoolada loo maleegayo Jihaadka oo ay iska kaashanayaan kuwo safka Mujaahidiinta kamid ahaan jiray iyo Gaaladii cadowga aheyd iyo kuwa kale oo badan.

 

Fariinta Shaykh Usaama Bin Laden ayaa cinwaan looga soo dhigay "dagaalka Wada...Geesiyaasha Soomaaliyeedow" iyadoona Shaykhu uu dul istaagay arrimo ay kamid ahaayeen tilmaamidda dagaalada sanadihii ugu danbeeyay ka soconayay Somaliya iyo khiyaanada ay ku kacaan ragga lamidka ah Shariif Sheekh Axmed oo inta safka Islaamka ka baxa gaalada ku biira,waxaana sidoo kale uu soo hadal qaaday shirqoolada waaweyn ee ay ka qeyb qaadanayaan dad isku sheegaya Culimo Somaliyeed oo gacan ka helaya Culimo dibadda joogta oo dhamaan isugu habar wacday joojinta Jihaadka farddul caynka ah ee Somaaliya oo ay ka dhigeen mid ku xirnaa bixitaanka Saliibiyiintii Itoobiya,iyagoo is hilmaan siinaya in wali dalka uu heysto cadowga Kirishtaanka ee Burundi iyo Uganda.

 

Tilmaamidda dagaalka Somaliya iyo Sharta Shariif:

Hogaamiye Shaykh Usaama(Allaha ka xafide) sharta cadowga waxaa uu ugu horeyn fariintiisa ku bilaabay caddeynta in dagaalka ka oogan Somaliya uu yahay mid ka dhexeeya Umadda Muslimka ah iyo Saliibiyada Caalamka ee duulaanka ku ah dhulalka Muslimiinta,Gaashaan buurta NATO ayuu sheegay in dagaalka Somaliya ay usoo wakiisheen Itoobiya,laakin Itoobiya iyo kuwii soo wakiishayba waxaa jiiray dagaaladii Jihaadka Mujaahidiinta taasi oo keentay in ay u weecdaan dhanka shirqoolka,iyadoo ay dalka u soo wakiisheen mid Somalida ka mid ah kaasi oo ahaa madaxii xukuumadda Ridada C/laahi Yuusuf oo diintoodii gaalnimo qaatay.

 

Dusha Midabka Somali baad dugulka moodaaye

Misna lagu ma diirsade qalbigu waa dirkii Karale

Isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii galaye

 

Laakin wuxuu sheegay Shaykhu markii C/laahi Yuusuf iyo kooxdiisii shirqoolkoodu mari waayay Mujaahidinta in ay gaaladu cayaarayeen dhagar kale kaasi oo ka dhigay in ay la yimaadaan nin lamid ah hogaanadi Mujaahidinta Afghanistan sida Rabbaani iyo Sayyaaf oo Saliibiyiinta Mareykanka ku gacan siiyay Dumintii Imaaradii Islaamiga aheyd ee Afghanistan,ninka kuwaasi la midka ah ayuu Shaykhu tilmaamay in uu yahay Shaykh Shariif oo mar Maxkamadaha Islaamka madaxdooda ahaa,Mujaahidintana kamid ahaan jiray,balse markii gaalada Mareykanka gaar ahaan kuwa Safaaradda kenya ay wax u sheegeen isbadalay,diintiisii na ka weecday,isagoona isku daray laba aan is laheyn:Shareecada Islaamka iyo qawaaniinta gacan ku sameyska ee banii aadmigu dajiyay.

Shaykhu wuxuu meesha keenay isweydiin aad u mudan qofka garashada leh in uu ku fekero taasi oo ah,hadduu ninkaasi diin sheeganayo waxa ka dhigay cadowgiisii shalay saaxiibkiisa maanta? Gaaladii shalay isaga iyo Mujaahidinta ku duqeysay keymaha koofurta Somaliya ayaa hadda amnigiisa ilaalisa waana arrin muujinya isbadal dhacay,waxaa cadaaneysa in labadooda midkood (gaalada ama Shariif) uu diintiisii banaanka ka maray si kan kale u raali noqdo, su'aasha uu dadka weydiiyay ayaa aheyd Ma shariif baa diinkiisii ka tagay mise Mareykanka?waana su'aal jawaabteedu u sahlan tahay qof waliba oo Muslim ah ee caqiido toosan leh.

 

Shaykh Bin Laden oo arrimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri''Walaalahayga Muslimiinta Somaliya oo samir iyo dulqaad badan muujiyay waxaan leeyahay Assalamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu... dagaalka sanadahan dhulkiina dushiisa ka soconaya waa dagaal u dhexeeya Islaamka iyo Saliibiyada Caalamiga ah,waayoo Isbaheysiga NATO wuxuu howshani u wakiishay Itoobiya, balse kuwani iyo kuwoodii soo wakiishay-ba markii ay ku liiceen jihaadkiina Barakeysan waxay u weecdeen dhanka makriga iyo shirqoolka, taasina waa dhaqankooda Caalamka Islaamka,kolkaasi ayay nin dadkiina kamid ah oo iyaga ku diin ah soo xilsaareen kaasi oo ah madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf. markii ay idin mari weysay shirqoolka Karazaayada qadiimiga ah ee gobolka ayay isagii badaleen waxayna la yimaadeen nuqul kale oo xoogaa badalan, sida nuqulkii Sayyaaf,Rabbaani iyo Axmed Shah Mascuud,kuwaasi oo kamid ahaa hogaanadii Mujaahidiinta Afghanistan, kadibna dib uga laabtay diinta (Riddoobay) iyadoo Isbaheysigoodii uu ku caawiyay Ameerika ridista Imaaraddii Islaamiga ee Afghanistan,sidaasi waxaa lamid ah arrinka Shaykh Shariif,wuxuu ahaan jiray hogaamiyaha Maxaakimta Islaamka wuxuuna la garab ahaa Mujaahidinta,hayeesh ee lacago iyo xoogaa baqshiish ah oo uu bixiyay Ergeyga Mareykanka ee Kenya kadib ayuu isbadalay,oo uu ciribtiisa dib uga laabtay(Riddoobay),w uxuuna ogolaaday in la isku daro qawaaniinta gacan ku sameyska ee Kufriga ah iyo Shareecada Islaamka, si ay u dhisaan xukuumad Midnimo qaran, isku darkaasi waa Shirki midka ugu weyn ee diinta dadka ka saara,oo sidee kuwa garaadka leh ku rumeystaan diin ahaan in uu cadowgii shalay ku noqdeen saaxiibada maanta?arrinkani suuragalimaayo illaa labada dhinac midkood uu diintiisii ka baxo,hadaba iska fiiriya midkeebaa diintiisii ka baxay?Ma Shaykh Sharif mise Mareykanka?... hadaba aad u dhuuxa qowlka Allaah

 

: {إِ  6;َّ الّ ;َذ¡ 6;ين 14; ارْ ;تَ 3;ُّ 08;ا عَل ;َى أَد ;ْب¡ 4;ار 16;هِ 605; مِّ ;ن بَع ;ْد¡ 6; مَا ; تَب ;َي¡ 7;َن 14; لَه ;ُم¡ 5; الْ ;هُ 3;َى الش ;َّ¡ 0;ْط 14;ان 615; سَو ;َّ  4;َ لَه ;ُم¡ 8; وَأ ;َم¡ 8;لَ 09; لَه ;ُم¡ 8; * ذَل ;ِك¡ 4; بِأ ;َن¡ 7;َه 15;مْ قَا ;لُ  8;ا لِل ;َّ 4;ِي 06;َ كَر ;ِه¡ 5;وا مَا ; نَز ;َّ  4;َ الل ;َّ  7;ُ سَن ;ُط¡ 6;يع 15;كُ 605;ْ فِي ; بَع ;ْض¡ 6; الْ ;أَ  5;ْر 16; وَا ;لل¡ 7;َه 15; يَع ;ْل¡ 4;مُ إِس ;ْر¡ 4;ار 14;هُ 605;ْ * فَك ;َي¡ 8;فَ إِذ ;َا تَو ;َف¡ 7;َت 18;هُ 605;ْ الْ ;مَ  4;َا 74;ِك 614;ةُ يَض ;ْر¡ 6;بُ 08;نَ وُج ;ُو  7;َه 15;م وَأ ;َد¡ 8;بَ 75;رَ 607;ُم 1618; * ذَل ;ِك¡ 4; بِأ ;َن¡ 7;َه 15;مُ اتّ ;َب¡ 4;عُ 08;ا مَا ; أَس ;ْخ¡ 4;طَ الل ;َّ  7;َ وَك ;َر¡ 6;هُ 08;ا رِض ;ْو¡ 4;ان 14;هُ فَأ ;َح¡ 8;بَ 91;َ أَع ;ْم¡ 4;ال 14;هُ 605;ْ} سور ;ة محم ;د 25

Madaxda noocaan ah waxay wakiil u yihiin cadowgeena, oo asal ahaan aysan marnaba guntameyn madaxtinimadoodu, Shaykh Shariif waa sidan xaalkiisa,sidaasi darteed waa in laga xayuubiyaa xilka oo lala dagaalamaa,Culimada Islaamkana waxay isku raacsan yihiin (Ijmaac) in gaal wilaayo aysan u guntamin,sidaasi oo kalena hadduu gaaloobo wilaayaddiisu way dhacday,waxaana waajib ah in dagaal hubeysan lagala hortago"

 

Gulufka Culimada iyo Caddeynta Khiyaanadooda

Shaykh Usaama waxyaabaha uu farriintiisa kusoo hadal qaaday waxaa kamid ahaa digniin uu ugu jeediyay shacabka Somaliyeed ee Muslimka ah in aysan ku dagmin gulufka maalmahan soconaya ee magaca diineed leh,kuwaasi oo ay wadaan Ururo iyo kuwa Culimo isu nisbeeya hadana ku baaqaya wax aysan shareecadu qabin,sida dagaalka Jihaadka ee Waajib-ka ah in la joojiyo amaba ay taageero u muujiyaan xukuumadda Ridada ee Shariif,wuxuu ku tilmaamay Shaykhu dadaalada culimadaasi khiyaano ka dhan ah amaanada Cilmiga ee ay xanbaareen.

 

Waxaa uu caddeeyay Shaykh Usaama Bin Laden in Culimadaasi ay ka dalbanayaan Shaykh Sharif in uu sameeyo wax loo keenay-ba markii hore in uu dumiyo taasi oo ah hirgalinta shareecada Islaamka,waayoo Shariif markii Maxkamadaha uu hogaaminayay gaaladu way diideen maantana iyaga ayaa soo maamusay, kursiga C/laahi Yuusuf-na ku wareejiyay, ma Amerika iyo gaalada Caalamka ayay Culimadu sheegayaan inay ka qeyb yihiin hirgalinta shareecada Islaamka?! Shaykh Usaama oo arrimahaasi ka hadlaya wuxuu leeyahay:

 

''Walaalaheyga Muslimiinta Somaliyedoow, waxaa lagama maarmaan ah in laga foojignaado hindisooyinka loo soo shaar galiyo Islaamka iyo Mu'assasaatka diiniga ah,iyadoo ay khilaafsan yihiin axkaamta Sharecada Islaamka,sida bayaankii loo tiiriyay qaar kamid ah Culimada Somaliyeed ee ay 6-da bilood ugu qabteen Shaykh Shariif Shareecada Islaamka in uu dabaqo,balse waxay ka dalbanayaan arrin isagaba loo keenay meesha in uu dumiyo..hadaba sidee ayuu ku yeelaa?kuwani(Culima daasi) waa kuwa waaqica aan fahamsaneyn ama inaga na qaflad galinaya(na siraya)..dhamaan kuwa garaadka leh way ka warqabaan dagaalka Mareykanka ee ka dhanka ah Islaamka,iyo sida ay kaga soo horjeeday kal hore in lagu maamulo Somaliya, sidaasi oo kalena Ciraq iyo Afghanistan,hadda-na waxay dacwo ka yihiin in lagu maamulo(Islaamka) gobolka Suwaat ee Pakistan. waxaa kale oo jira Hindiso dibadda laga wado taasi oo lagaga dalbanayo Mujaahidiinta Saadiqiinta ah ee idinkamid ah in ay dagaalka joojiyaan si ay wadahadal ula bilaabaan Shaykh Shariif,iyagoo iska indha tiraya Ameerika in ay gadaal ka maamusho wakiilkani cusub,kuwaasi way lumeen waliba baadi cad,waxaana waajib ah in lala diriro xukuumadda Riddada ee maahan in dagaalka ka dhanka ah la joojiyo''

 

Baaq ku wajahan Mujaahidinta iyo Shacabka Somaliyeed

Shaykh Bin Laden intaasi kadib waxaa uu fariintiisa kula hadlay Mujaahidiinta iyo shacabka Somaliyeed isagoona ku adkeeyay Mujaahidiinta in ay sii wadaan dagaalka ayna sii hayaan dhabaha guusha Allaah idankiisa,si taasi ay kaga qeyb noqoto dadaalka Caalamiga ah ee wiilasha Umadda Muslimka ah oo ay Al-Qaacida hormuud u tahay ugu jiraan sidii Umadda looga xoreyn lahaa Saliibiyiinta iyo cawaantooda,waxaana Shayhu uu xusay in Mujaahidiinta Somaaliya ay ka dhigan yihiin khadka difaaca hore ee Caalamka Islaamka qeybtiisa Koofur galbeed.

 

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Somaliyeed ee Muslimka ah in ay garab galaan Mujaahidiinta saadiqiinta ah ayna u hiiliyaan safafkoodana ku biiraan,isagoona u diray Umadaha Muslimka baaq gargaar ku aadan dadka ay halakeeysay gaajada ka jirta Somaaliya,iyadoona xilligan abaaro ba'an ay ka jiraan gobollo badan oo kamid ah dalka.

 

Shaykh Bin Laden oo arrimahaasi ka hadlaya wuxuu leeyahay"Intaasi kadib waxaan ugu yeerayaa Walaalahayga Mujaahidiinta,iyo wiilasha Somaliyeed ee saadiqiinta ah in ay sii hayaan dhabaha Jihaadka,maxaa yeelay Kufriga Caalamiga ah wuxu ku jiraa dhibaatooyin iyo xasarado aan muddo sanado ah ebad kuwa lamid ah soo marin,ee samra oo sugnaada,waxaad tihiin ciidan qeyb ka ah Ciidamada muhimka ah ee qeybta Islaamiga ee Mujaahidada ah,iyo khadka difaaca hore ee Caalamka Islaamka qeybtiisa koofur galbeed,samirkiina iyo dul qaadkiinu-na wuxuu hiil u yahay walaalahiina ku sugan Filastiin,Ciraq,Afgh anistan,Maghribul Islaam,Pakistan iyo inta ka hartay fagaaraha Jihaadka,iyaga-na samirkooda iyo sugnaantooda ay la hortaagan yihiin isla cadowga ah Ameerika iyo Xulifadeeda wuxuu taageero iyo xoojin u yahay samirkiina iyo sugnaantiisa sidaasi oo kale,markaasi qof waliba oo inaga mid ah dhufeyskiisa ha ilaashado,leynta kuwa soo xadgudbayna haku laab qabowsado.

 

Sidaasi oo kale waxaan ugu baaqayaa wiilasha shacabka Muslimka ah ee Somaliyeed in ay garab istaagaan oo ay gacan siiyaan walaalahooda Mujaahidiinta Saadiqiinta ah,sidaasi oo kale waxaan baaqeyga ugu jeedinayaa Umadda Muslimka ah meel waliba oo ay joogaan gacan gargaar in ay u fidiyaan dadkeena ku nool Somaliya si loo ****olo baahiyada dadka gaajada heyso,sidoo kalena ay awoodahadooda iyo hantidooda ku bixiyaan taageeridda Jihaadka,inta dalku ka xor noqonayo kuwa soo duulay iyo Munaafiqiinta lagana dhisayo dawladda Islaamka Allaah idankiisa,in guusha halkaasi laga xaqiijiyana way sahlan tahay Insha Allaah hadduu dhinac waliba waajibkiisa kasoo baxo,waxa arrinkaasi kusii bishaareynaya ayaa ah in walaalaheena Somaliya ay yihiin dad adadeeg iyo dul qaad leh,mana ku samraan gardarada,geeri ayay-na ka door bidayaan in xukuumada Kirishtanka Xabashida ay madaxyadooda u raariciyaan,wacdaro ayayna ku muujiyeen duulaankii Saliibiyiinta ee hore ee Mareykanku hor kacayay,Allaah fadligiisa-na way jabiyeen,afka ayayna ciida u dareen,waxayna (Saliibiyiintu) dalka ka baxeen iyagoo hoog iyo jab ka muuqdo,Sidaasi darteed Muslimiineey ka haqabtira baahiyadooda dhanka hantida si hub loo iibiyo loona fududeeyo howlaha jihaadka,kana digtoonaada marna in dhankiina looga yimaado.

 

Dhamaadka fariintiisa ayuu Shaykh Usaama Bin Laden hadal ugu jeediyay Muslimiinta Caalamka isagoona ku adkeeyay guusha Jihaadka Somaliya in ay ka shaqeeyaan waxaana uu ku baraarujiyay in arrinku halis hadda marayo Muslimiintuna ay halis ugu jiraa diintooda,isagoona tusaale uso qaaday dagaalada Saliibiyiinta iyo Yuhuudda ee dalal badan oo Caalamka Islaamka kamid ah,waxaana uu Umadda hor dhigay su'aal aheyd Illaa goorma ayaa laga baqi doonaa Amerika iyo cawanteeda! Shaykha waxaa uu fariintiisa kusoo afjaray sidatan:

 

"Guuleysiga Mujaahidiinta Somaliya waa arrin aad u muhim ah, in aan la garab galin gacmahana laga qabto waa arrin aad halis u ah,maxaa yeelay haddii la cuno dhinacyada waxaa u fududaata cadowga in uu halafsado bartanka Caalamka Islaamka, arrinkaasina waa in laga gudbo gumeysiga wakaaladda oo lasii galo gumeysiga tooska ah ee Isbaheysatada Saliibiyiinta iyo Suhyuuniyiinta, waxaa la idinku soo qaaday duulaan Saliibiyo baahsan, waa tan Somaliya oo dhacda Koofur galbeed, oo Saliibiyintu dhul,cir iyo bad kaga duuleen, dhanka galbeed-na waxaa kaso socda duulaan Saliibi ka dhan ah Sudan oo laga soo qaadayo dhanka Darfur, Xeebta Sudan iyo Masjidul Xaraam ee Makka Al-Mukarrama-na waxaa u dhexeeya ku dhawaad 300 km,waana wax ka yar inta ay gaarto Gantaalaha Iskoot, dhanka Woqooyi ee Masjidul Aqsaa waxaa iyana ku sugan muddo 60 sano ah Ciidamo Suhyuuniyiin ah, maraakiib Saliibiyiintu leeyihiin ayaa taagan xeebta Gazza, Koofurta Lubnan waxaa iyana ku sugan Ciidamo kale oo Saliibiyiin ah,dhanka Bari waxaa ka jira duulaan Mareykanku hogaaminayo oo lagu soo qaaday Afghanistan iyo duulaan kale oo lagu qaaday Ciraq,intaasi oo dhan waxaa dheer xeryaha Milatari ee ku faafsan dalalkeena, Illaa goormee ayaad ka baqi doontaan Amerika iyo daba ******yadeeda?! waxaan idin xusuusinayaa hadalka Allaah ee ah:

 

{أَ  4;اَ تُق ;َا 8;ِل 15;ون 614; قَو ;ْم¡ 1;ا نَّ ;كَ 9;ُو 75;ْ أَي ;ْم¡ 4;ان 14;هُ 605;ْ وَه ;َم¡ 7;ُو 75;ْ بِإ ;ِخ¡ 8;رَ 75;جِ الر ;َّ 7;ُو 04;ِ وَه ;ُم بَد ;َؤ¡ 5;وك 15;مْ أَو ;َّ  4;َ مَر ;َّ 7;ٍ أَت ;َخ¡ 8;شَ 08;ْن 614;هُ 1605;ْ فَا ;لل¡ 7;هُ أَح ;َق¡ 7;ُ أَن ; تَخ ;ْش¡ 4;وْ 07;ُ إِن ; كُن ;تُ  5; مُّ ;ؤُ  5;ِن 16;ين 614;}

War ka bari noqda dawaaqiidda ah cadowga Allaah, guta amaanadiina, una istaaga gudashada waajibaadkiina, waxaa bartilmaameed noqday wax waliba oo aad heysataan, ee nafafkiina iyo hantidiina,iska daaye waxaa halis ku jira oo bartilmaameed ah waxa aad heysataan waxa ugu weyn ee ah diintiina.

وصل ; الل ;هم وبا ;رك على ; سيد ;نا محم ;د وعل ;ى آله ; وصح ;به أجم ;عي  6;، وآخ ;ر دعو ;ان 5; أن الح ;مد لله ; رب الع ;ال  5;ين..

 

 

 

{ وَل ;ِل¡ 7;َه 16; الْ ;عِ 6;َّ 77;ُ وَل ;ِر¡ 4;سُ 08;لِ 607;ِ وَل ;ِل¡ 8;مُ 72;ْم 616;نِ 1610;نَ وَل ;َك¡ 6;نّ 14; الْ ;مُ  6;َا 01;ِق 616;ين 1614; لا يَع ;ْل¡ 4;مُ 08;نَ}

 

الل ;هم منز ;ل الك ;تا 6; سري ;ع الح ;سا 6; هاز ;م الأ ;حز 5;ب

 

اهز ;م الإ ;ثي  8;بي 10;ن الص ;لي 6;يي 06; وإخ ;وا  6;هم الم ;رت 3;ين ومن ; كان ; في صفـ ;ــ  0;ــ 00;ــ 600;ــ 1600;ــ& #1600;ــ ـــ ;ــ  0;ــ 00;ــ 600;ــ 1600;ــ& #1600;ــ ـــ ;ــ  0;هم

Share this post


Link to post
Share on other sites

Someone who supports Binladin after all those years is eather one of these.

 

1) Retarded.

2) Drunk.

3) Fanatic

 

Ameerka Mujaahidiinta kulahaa, give me a break.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this