Sign in to follow this  
Jacaylbaro

And The Siad Barre's Genocide Still Comes Back To Mind

Recommended Posts

Mid Ka Mid Ah Dadkii Lagu Xasuuqay Malka Durdure 1988-Kii Oo Daadku Soo Saaray Lafihii, Surwaalkii Iyo Suunkii Uu Marxuumku Xidhnaa Oo Badqabay

 

"Xasuuqii Ciidamadii Afweyne U Geysteen Shacbiga Reer Somaliland Oo Xabaalo Wadareedyadii Dadka Lagu Guray Maalinba Mid Qaybo Roobabku Soo Saaraan"

 

 

Hargeysa August 31, 2010 (Haatuf) – Maalintii Doraad ayaa waxa la arkay lafaha qof ka mid ah dadkii ciidamadii Afweyne ku xasuuqeen duleedka magaalada Hargeysa (Xaafada Malka-durduro), halkaas oo ay ku jiraan xabaalo wadareedyo ka mid ah Kumaan kumka shacbiga reer Somaliland ee ciidamadii Siyaad Bare 1988-kii Xasuuqa Ba’an ugu geysteen.

 

Lafaha maydadka dadkii Ciidamadii Afweyne ku laayeen xiliyadii xaq u dirirka SNM dagaalka kula jireen Ciidamadii ******ta ee Siyaad Bare ayay Roobabka tododaabadan ka da’ayay caasimada Hargeysa oo soo rogay daad ay dibada usoo saareen lafaha qaar ka mid ah dadkii Ciidamadaasi xasuuqeen.

 

Qolfoofka Lafaha Marxuumka ayaa waxa uu sidii ugu jiray dhirkii uu gashanaa intaanu dhiman, kuwaas oo sidoodii ahaa isla markaana aanay ciidu cunin muddo ku sigma 20 labaatan sano, taas oo Surwaalkii iyo suunkii uu xidhnaa aanay is wax isbedel ahi ku dhicin maryahaa.

 

Lafaha dadkaasi Rayidka ahaa ee ka soo jeeda Somaliland ee ciidamada nacabka ahaa xasuuqeen ayaa isugu jiray, Dhalinyaro, Ganacsato, Qqoonyahano, Culimaa’udiin iyo dad waayeel ah, kuwaas oo raxan raxan inta la isugu xidh-xidhay qoryaha daran-dooriga u dhaca lagu furay, isla markaana xabaalo wadareedyo ay cagaf-cagaf ku rogtay Ciida.

 

Xabaalo wadareedyada ay ku aasan yihiin dadkaasi ee agagaarka hareeraha dooxa xaafada Malko Duduro ee duleedka Hargeysa, ayaa wakhtiyada xilli roobaadka ee Gu’ga marka la gaadho sanad walba ay roobabka da’aa daadadka ka soo rogmadaa dibada u soo saaraan lafaha dadkii ciidamadii Siyaad Barre xasuuqeen 1988-kii.

 

Maalintii doraad, ayay dadweyne farabdani ku arkeen xaafada Malko-durduro ee duleedka galbeed Hargeysa lafaha qof ka mid ah dadkii xasuuqaasi ku nafwaayey oo roobabku dibada u soo saareen ayaa Mujaahid Muxumed Cumar (Qulka) oo ka mid ahaa ururkii xaq u dirirka SNM ee wakhtigaasi dagaalka kula jiray dawladdii Siyaad Barre oo lafaha soo arkay, ayaa waxa uu Haatuf u sheegay in qolfoofkaasi macal dharkii uu gashanaa aanay ciidu cunin, islamarkaana Surwaalkii uu gashanaa ay ka muuqato rasaastii lagu dilay meeshii ay kaga dhacday iyo halkii ay ka baxday.

 

Maaha Markii ugu horaysay ee la arko Lafo dadkaasi xasuuqaasi ka mid ahaa, balse laga soo bilaabo sagaashanadii ilaa hadda xilliga roobaadku curtaan ayaa daadadka soo rogmadaa dibada usoo saaraan lafaha dadkii, iyadoo dhawr jeer oo hore xabaalo wadareedyada qaarkood ama inta badan ee ku aasan Malko durduro guddi loo saaray dib lafaasi inta la isku ururiyay la aasay, isla markaana sibidh iyo sabad lagu adkeeyay, balse may noqon wax adkeeya ee daadadka soo rogmada ay wakhtiyada qaar daadad aad u waaweyni meelo badan xabaalo wadareedyada ka soo saaraan lafaha dadkii xasuuqaa lagu laayay.

 

Waxa hadaba loo baahan yahay, in dadweynaha reer Somaliland, ganacsato, aqoonyahano, waxgarad, xukuumad loo gurmado sidii xabaalo wadareedyadaasi meel weyn loogu aasi lahaa oo roobabka looga badbaadin lahaa, iyada oo dhanka kalena loo baahan yahay in dadkaasi sanad walba xus loo sameeyo lagu xasuusanayo falkaa Axmaqnimada ahaa ee taliskii dhiigya cabka ahaa u gaystay ummada reer Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Very Sad, Siad Barre could not have done this without his government officials. Many ex-regime guys are now leaders within NW Somalia's government in Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We are no cowards who execute people.

 

Infact the most and worst officers were from Puntland. Thats fact. Ask anyone from allover Somalia, and they will say Puntland officers were the most cruel of all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The genocide was collectively done by the then Somalia government. Siad Barre takes the blame as the head of State who was giving the final orders. The military officers were from any other region of the former Somalia.

 

Everyone will face the justice sooner or later ....

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

This looks like askartii F A Q A S H T A, look at Surwaallka iyo suunka waa kuwii ciidammada.

 

any DNA test?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by sahal:

This looks like askartii F A Q A S H T A, look at Surwaallka iyo suunka waa kuwii ciidammada.

 

any DNA test?

:D:D:D . War waxan eega bal....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by sahal:

This looks like askartii F A Q A S H T A, look at Surwaallka iyo suunka waa kuwii ciidammada.

 

any DNA test?

:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The person will be identified soon ,,,,,, IA

 

Looks like they tied him and killed him then buried him with his clothes and his hands still tied.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this