Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Geedi Reshuffles the Cabinet Sacks Buubaa

Recommended Posts

Kismayo 18, April.07 ( Sh.M.Network) Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada dowladda KMG ah, iyadoo qaar ka mid ah wasiiradana ay shaqadoodii waayeen.

 

Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Ra'isulwasaare Cali Max'ed Ghedi ayaa lagu sheegay in isku shaandeyn lagu sameeyay wasiirada soo socoda.

 

1. Prof. Ismaciil Hurre Buubaa oo horey u ahaa wasiirka arimaha dibadda ee Iskaashiga caalamiga ayaa xilkaasi laga qaaday, iyadoo loo magacaabay wasiirka waxbarashada.

2. Xuseen Ceelaabe Faahiye oo horey u ahaa wasiirka qorsheynta iyo tiro koobka ayaa xilkaasi laga wareejiyay, iyadoo loo badalay wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga.

3. C/raxmaan Cabdi Waare oo ahaa wasiirka waxbarashada ayaa gabi ahaanba shaqadii laga eryay ka dib markii lagu eedeeyay in uu u hogaansami waayay amarro ka soo baxay dowladda.

 

4. Cali C/laahi Cosoble ayaa loo magacaabay xilka wasiirka qorsheynta iyo tiro koobka.

 

Wareegtadaan uu soo saaray Ra'isulwasaare Geedi ayaa waxaa ku soo biirey golaha wasiirada Cali Cabdulaahi Cosoble.

 

K/simaha Afhayeenka Ra'isulwasaaraha C/laahi Codka ayaa sheegay in wareegtadaan ka hor inta aaneey soo bixin uu Ra'isulwasaaraha u gudbiyay Madaxweynaha, uuna aqbalay.

 

Isku shaandheyntaan ayaa ku soo beegmeysa xilli golaha wasiirada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho kulan albaabada u laaban yihiin oo aan la ogeyn waxa ay kaga wada hadlayaan, xilli dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo xoogagga wax iska caabinta Somalia ay xalay ka dhaceen caasimadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (PP) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa goor dhaweyd isku shaandheyn gaaban ku sameeyay Golihiisa Wasiirrada, waxaana wasiirro ka tirsan golahaas ay xilalkoodii ku waayeen isku shaandheynta, iyadoo xildhibaan ka tirsan Baarlamaankana uu helay jago wasiir.

 

Wareegtada isku shaandheynta golaha wasiirrada ayaa waxaa eraydii ku qornaa ka mid ahaa: Markii Ra'iisul wasaare Geeddi uu dhinacyo badan ka fiiriyay howlaha wasaaradaha Dowladda ayuu ku dhawaaqay isku shaandheyn uu ku Sameeyay Golaha Wasiirrada, waxaana qoraalka lagu xusay sidoo kale in Ra'iisul wasaaruhu uu hordhigay wareegtada Madaxweyne Yuusuf iyadoo Madaxweyne Yuusufna uu aqbalay isku shaandheynta.

 

Isku shaandheynta ayaa u dhacday sidan:

 

Wasiirkii arrimaha Dibadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa laga qaaday jagadiisii, waaana loo dhiibay jagada Wasaaradda Waxbarashada.

 

Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa waxaa loo magacaabay Xuseen Ceelaabe Faahiye oo laga qaaday isagana wasaaradda Qorsheynta iyo Tirakoobka.

 

Wasiirkii Waxbarashada Cali Jaamac Indho-giir ayaa laga qaaday jagadii uu hayay, iyadoo aan loo dhiibin wax jago ah.

 

Cali C/llaahi Cosoble Siyaad ayaa loo dhiibay Wasaaradda Qorsheynta iyo Tirakoobka, iyadoo jagadaas laga qaaday Ceelaabe oo lagu magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

 

isku shaandheyntaan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu yareyd ee uu Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya sameeyo, iyadoo lagu wado in dhawaan uu sameeyo Ra'iisul wasaare Geeddi isku shaandheyn weyn oo lagu sameynayo golaha wasaarada Dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Prof: Geeddi oo isku shaandheeyay qaar kamid ah golaha wasiirada, qaarna xilalkii ka qaaday.

18. april 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta soo saaray digreeto oo isku shaandhayn ku samaynayo golaha xukuumadda dawladda Soomaaliya qaar kamid ah.

 

Digreetadan ayaa waxaa xilalkii ay hayeen la isugu wareejiyay ,qaarna xilalkodii ay ku waayeen .

 

Wasiirada xilalkoodii loo kala baddalay waxaa kamid ah wasiirka arimaha dibadda Ismaaciil Hurre Buubbaa oo laga qaaday jagadiisii , madaxna looga dhigay wasaaradda waxbarashada

 

C/raxmaan Cabdi Waare oo ahaa wasiirka waxbarashada ayaa asagu waayay xilkii uu ka hayay dawladda Soomaaliya.

 

Wasiirka qorshaynta Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa laga qaaday wasaaraddii uu madaxda u ahaa waxaana laga dhigay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya.

 

Cali Cabdulahaahi Cosoble oo horay u ahaan jiray wasiirkii waxbarashada ayaa madax looga dhigay wasaaradda qorshaynta iyo tirakoobka dawladda Soomaaliya.

 

Digreetada raysulwasaaraha ayuu ku sheegay inuu soo saaray kadib markii uu u kuur galay shaqada wasiirada, wasiir walbana loo dhiibay shaqada uu ku habboon yahay.

 

Ma ahan markii koowaad ee xukuumadda federaalka la isku shaandheeyo ama wasiiro ay xilkooda waayaan ,waxaana ay kusoo beegmaysaa xilli baarlamaanka Soomaaliyana uu qaatay tallaabo uu xilka uga qaadayo xildhibaanno gaaraya soddon xubnood.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

JB,

 

Qaran has already been set up by Dr Gaboose and Ina Maxemed Xaashi.

 

I think the party that Buuba was going to set up was for short called Wadani :D

 

How ironic is that. the man is an obvious traitor to his folk and yet has come with that name.

Share this post


Link to post
Share on other sites

JB wasn't it TFG supportes who said that he should run for president because waa nin wax yaqaana ? i guess he is not good enough. we all knew that he was there because of his tribe which he does not represent....................I"m sure my friend Duke will convince us that he is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this