Sign in to follow this  
Castro

What disarmament?

Recommended Posts

bambo   

Hubkii ugu horeeyay oo maanta lagu wareejiyay dowladda KMG ah.

daawo sawirada

Mogadishu 03, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Hubkii ugu horeeyay ayaa maanta lagu wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo hubkaasina lagu xareeyay xauntii hore ee gaadiidka booliska.

 

Hubkaan oo isugu jira Ak47, Baasuukayaal, iyo gaari uu saaran yahay qori dhashiike ah ayaa maanta lagu wareejiyay wasiir K/xigeenka wasaaradda G/dhigga ee dowladda Somalia, Salaad Cali jeelle.

 

Waxaa kale oo goobtaasi la geeyay ilaa 20 maleeshiyaad ah oo wata hubkoodii gacmaha, iyadoo hubkaan iyo maleeshiyadaba ay keeneen xaruntii gaadiidka beel ka mid ah beelaha dagan gobolka Banadir.

 

Wasiir K/xigeenka G/dhigga dowladda Somalia Salaad Cali jeelle oo shabelle ay kula kulabtay xaruntaasi ayaa sheegay in qoryo gacmeedyo iyo gaari cabdi Bile ah iyo 20 maleeshiyo ah maanta lagu soo wareejiyay wasaaraddiisa, isagoo sheegay in maalinta berri ah ay u dambeyso xilligii uu ra'isulwasaaraha u qabtey in hubka lagu xareeyo, waxaana uu sheegay in ciddii hubkeeda mudadaasi ku soo xareyn weyso ay dowladda xoog kaga qaadi doonto.

 

Ciise Max'uud xuseen oo ka mid ah maleeshiyadii maanta lagu soo wareejiyay dowladda Somalia ayaa sheegay in sababaha ku kalifay in hubkiisa uu wareejiyo uuna ka mid noqdo ciidamada dowladda ay tahay xaaladaha amni xumo ee ku soo kordhay magaalada Muqdisho iyo sidii wax looga qaban lahaa amni darada dalka.

 

Arintaana waxa ay ku soo beegmatay xilli maalin qura ay ka harsan tahay waqtigii Ra'isulwasaare Geedi uu qabtey in hubka lagu soo xareeyo.

 

 

 

Qoryo gacmeedyadii qaar ee lagu wareejiyay dowladda KMG ah

 

Qaar ka mid ah maleeshiyadii hubka laga dhigay oo iyana lagu wareejiyay dowladda Somalia

 

In ka badan 10 qoryo gacmeedyo oo lagu wareejiyay dowladda Somalia

 

Mid ka mid ah gawaarida dagaalka ee lagu wareejiyay dowladda KMG ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Wareysiga Max'ed Qanyare oo dhinacyo badan taabanaya ayaa sidoo kale waxa uu kaga hadlay safar uu berri ku tagi doono magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu ugu yeeray Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Hub uruurin laga sameeyo dalka Somalia ayaa caqabado iyo dhibaatooyin ay kala kulmeen dowladihii hore ee soo maray dalka, iyadoona hubkii waaweynaa ee yiilay Muqdisho ay ku guuleeysteen in ay gacanta hogaamiyeyaasha ka bixiyaan golihii maxkamadaha islaamka

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Cabdi Nuure, isagoo arrintaasi ka sii hadlaya, mar kale wuxuu yiri

 

“Markii uu dalku burburay waxaa hubka loo kala qaatay reer reer iyo qabiil qabiil, qabiil kastaana hubkiisa asaga ayaa haysta hadba kalsoonidii shacabka uu ka helo dowlada ayuu hubka ugu wareegayaa dowlada hubka uguma wareegayo in loo qabto saacad ama maalmo mida kale hubka lama wareejinayee ciidankii iyo hubkii ayay la wareegaysaa kuma aanan ogayn anagu dowlada in hubka kaliya lagu wareejiyo laakiin hubka soo wareejiya oo istoorkaas ku rida meel uu ka jiro ma jiro adunka .

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Abaanduulaha Ciidamadda Jubbooyinka Col. Koojaar oo Hub Kadhigis Ku sameeyay Ciidamo Barre Hiiraalle U Diray Dekadda Kismaayo si ay Ula soo Wareegaan Alaabo Maxaakiimtu Ka Tageen iyo Hanjabaad iyo Isku Dhaarasho Galabta dhex martay labadan Masuul.

 

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay dad ku dhaw dhaw Abaanduulaha Ciidamadda DFKMG ah ee Gobolada Jubbooyinka Col. Aaden Koojaar ayaa sheegaya in uu mugdi soo kala dhex galay Col. Barre Hiiraalle iyo Aaden Koojaar, kadib markii Maleeshiyo Beeleed daacad u ah Col. Barre ay damceen in ay qaatan alaabo yaalay Dekadda Kismaayo oo ay uga tageen Maxaakiimta Islaanka.

 

 

Aaden Koojaar ayaa waxaa la sheegaya in uu is hortaagey Ciidamo Barre Hiiraalle u diray Dekadda Kismaayo si ay halkaasi u galaan oo ay ula wareegan Alabaddaasi, muran kadib waxaa ay sheegen in uu soo diray Wasiirka G/dhiga Col. Barre Hiiraalle, waxaa markiiba hareereyay Ciidamadii Barre ka socotay Ciidamadiii Aaden Koojaar oo Hubkii ay siteen ka qaadey, Aaden Koojaar, kadibna ayaga oo fara maran ayaa waxaa ay ku soo laabteen Magaaladda Kismaayo.

 

waxaa kaloo wararku intaasi ku darayaan in uu Col. Barre Hiiraalle si kooban ula hadlay Col. Koojaar oo isaga iyo Barre Hiiraalle xurgufo hore u dhexeeyeen xilgii dagaalka sokeeye, kadibna uu u sheegay in Dekadda uu Barre ahaan jecel yahay in uu maamul u sameeyo ku meel gaar ah maadama lagu jiro xaaladda Dagaal, balse waxaa arinkan ku gacan sayray Col. Koojaar oo ka soo jeeda (Maxamed Subeer- Reer *****). isla markaana waxaa halkaasi ka dhacay is aflagaadeyn iyo hanjaabad.

 

kadib markii uu mugdigan iyo is faham daro ay timi ayaa waxaa la sheegaya in Wasiirku uu la xariiray Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Yuusuf oo ku sugan hada Kenya oo ay wehliyaan Wafdigiisa Xassan Abshir iyo Xubno kale ayaa la sheegaya in uu ka codsadey Wasiirka in lala sugo inta uu ka soo noqonayo arimaha uu ka cawdey Wasiirka G/dhiga Col. Barre Hiiraalle, hadii ay u suura gashana uu Madaxweynaha iyo Wafdigiisana laga yaabo in ay Kismaayo soo maraan marka ay Kenya ka soo noqdaan oo ku aadan dhamaadka Asbuucan.

 

dhinaca kale Waxaa maanta la shiray Duqowda iyo siyaasiyiinta Beesha ****** Col. Koojaar waxaana uu u jeediyay warbixin dheer waxaana ka mid ahaa hadaladiisa in aaney jirin cid magac Dawladeed uga aargoosaneysa isla markaana qorshaha hubka aruurintana ay tahay wax ay ula simanyihiin Shacabka Soomaaliyeed, Ciidamada la qorayana ay dadka ula simanyihiin, shacabka hubka loo dhiibayana ee la Qaramey'nayana ay dadka ula simanyihiin.

 

Isku soo wada duubo waxaa caawa Kismaayo amaankeeda gacanta ku haya Ciidamo DFKMG ah oo uu hogaaminayo Abaanduulle,Aaden Koojaar oo ka amar diiday Wasiirka G/dhiga oo fadhiya Dekadda Iyo Garoonka Dayuuradaha, iyo Barre Hiiraalle oo Caraysan oo Talo gacanta ugu jirin oo C/llaahi Yuusuf ka dhursugaya waxa uu ka yiraado arrinkan

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Dhanka kale, hub lagu sheegay in uu dhan yahay 10 qori iyo maleeshiyadii maamulayey hubkaasi ayaa maanta lagu wareejiyay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Mudane Salaad Cali Jeelle oo halkaasi kula hadlanay kooxda hubka ku wareejisay isla markaana ka tirsan beesha uu ka soo jeedo ayaa sheegay in lagu daydo kooxdaasi beelaha kalane ay ku soo wareejiyaan asaga hubka gacanta ugu jira.

 

Sidoo kale, ra'isul wasaare Geeddi iyo Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in berrito ay ku egtahay digniintii loo jeediyay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Shabeelada Hoose ayna taageerayaasha ra'isul wasaaraha iyo ciidamada dowladda Itoobiya ay guriha ugu geli doonaan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Shabeelada Hoose si ay hubka ugu dhigaan.

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho laga yaabo in uu ka dhaco dagaal sokeeye ayadoo durbaba uu Qanyare sheegay in 3 maalmood ay yartay in hubka looga qaado shacabka.

 

Ra'isul wasaare Geeddi iyo Salaad Cali Jeelle ayaa si weyn u doonaya in taageerayaashooda hubka lagu soo wareejiyo inta ay ciidamda Itoobiya joogaan dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Well i did see three Klashis dropped off today in an AL Jazeera report. 4 days to go. 4X3=12 which will make 15 Klashis at that particular post if the average is taken.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this