Sign in to follow this  
Jacpher

Kismaayo in complete chaos

Recommended Posts

Jacpher   

Where has the militia that took control of the city gone to? Busy chewing green leafs or looting local businesses?

 

Dilka Iyo Dhaca Oo Ku Soo Badanaya Magaalada Kismaayo

 

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxaa ay walaac ka muujinayaan falalka ammaan darrada ah oo cirka isku shareeray 24 saacadood ee la soo dhaafay. Cabsida dadka ayaa timid markii uu ammaanku gacanta ka baxay ayna kordheen maleeshiyooyina dhaca gaysanaya oo sabab la,aan xaraysanaya gaadiidka dadwaynaha.

 

Xalay fiidkii Koox Maleeshiyo ah ayaa rasaas ku furtay Gaari Nooca qorayaha La saaro ah oo marayay wadada qacle ee bartamaha kismaayo waxaana halkaas ku geeriyooday askari ka tirsan Ilaaalada xildhibaan Barre Hiiraale kana soo jeeda magaalada Baydhabo. Dilka askarigaas ayaa waxaa uu keenay xiisad. Waxaana la arkayay ciidamada gaarka ah ee Barre Hiiraale oo hubka uruursaday iyadoo taliyaha Ciidamada Barre Hiiraale oo lagu magacaabo Iraad Maxamed Cali ayaa sheegay in ay ka warsugayaan tallaabada ay qaadaan odayaasha dhaqanka.

 

Fal kale nin maleeshiyo ah ayaa toogtay nin rayid ah oo ay isku hayb yihiin isgoyska Somali star ee galbeedka kismaayo markii uu muran soo kala dhexgalay. Sidoo kale maleeshiyooyin kala duwan ayaa maanta dhac u gaystay ilaa shan gaari oo dad rayid ah ay leeyihiin waxaana la arkayay Xeryaha ciidamada oo maleeshiyooyinku ay ku haystaan gaadiidka ay dhaceen. Col: Cabdul Xiireey taliyaha Ciidanka kala tagay ee Ammaanka kismaayo horay loogu xilsaaray ayaa ku dhawaaqay in ay ku fashilmeen hawlgaladii ammaan sugida ayna Ciidankiisa ka fara bateen maleeshiyooyinku hubaysan.

 

“ In ka badan dhowr kun nin oo hubaysan ayaa Magaalada joogto mana xakamayn karno oo waa naga hub badan yihiin marka ammaan ma jiro” ayu yiri Cabdul xiireey. Waa Xaaladi ugu qalafsanayd ee dhinaca ammaanka ah ee soo wajahda kismaayo tan iyo markii uu dhacay dagaalku ay ciidamadu beelaha ugu kala baxeen ee 23kii april.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^This is getting out of hand, the TFG have failed the people of Kismayo once and again, the situation is getting far too worse for the ordinary citizens by the day, unless immediate action taken the TFG will be seen as the main entity that empowers this ruthless militia to target, rop and kill certain clans... It's a sign of approval and no doudt this will lead to a disasterious end.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

This is a very alarming report, murder and selective assasinations, wealth and real estates taken by force continue like there is no tomorrow...

 

KISMAAYO: Maxay shacabka Waamo ka mudan yihiin 3 xubnood oo reer Gal-gaduud ah oo Kismaayo gudaheeda ka gaystay dabar-goynta shacabka Waamo.

Posted to the Web Jun 13, 18:19

 

 

Kismaayo: (pp) - Shirar is dabajooga iyo xog aruurin ay sameeyeen aqoonyahanka Beelaha udhashay gobolad Puntland ee ku nool magaalada Kismaayo ayaa Puntlandpost u sheegay in sadex nin oo Reer Gal-gaduud ah oo ka mid ahaa maleeshiyadii dooxada Juba ee kal hore bur-burtay oo kismaayo ganacsi ka samaystay tan iyo intii ay gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo Sanadkii 1999-kii.ayaa waxaa la cadeeyey in magaalada kismaayo ay ka geysteen dhibaatooyin lama ilaawaan ah oo isugu jira bara kicin, shirqool dil iyo hanti kala wareegid, Waxaa kaloo nimankan lagu cadeeyeen inay ka danbeeyeen fikirkii ahaa kala wareegida dadka deegaanka guryahooda oo ay si toosa ay ugu dhaxal wareejiyeen dad ay ka keeneen Galgaduud oo u badan beesha Reer ***** oo uu ka soo jeedo Barre Hiiraalle oo ah hada ah xildhibaan ka tirsan DFKS.

 

 

Sadexda nin ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay:

 

1- Daa'uud Mahad Dirir

2- C/risiqaaq Faarax Taano

 

3- C/laahi Xaashi (oo isagana ah maareeyaha shirkada taleefanka ee Hormuud)

 

Warbixinta aan xiganay ayaa sheegaysa in " nimankan ay si tooska ah u fulin jireen amarada ka yimaada horjoogeyaashii Dooxada Juba ay kamid ahaayeen Barre Hiiraalle , Seeraar, iyo Goobaalle.

Nimankan ayaa la sheegay inay guryo gaaraya 246 guri oo u badan guryo filooyin ah inay xoog u gala wareegeen qaar kamida Beelaha *****ga iyo ******ha oo ay kamid yihiin *******, ***********, **********, ******, ****** , *********, *********, iyo *******, *********, ********, iyo ******* iyo Beesha Reer ****** . Sida xaqiiqda ah guryahan ay nimanka kor ku xusan ay horay u boobeen ayaa waxaa gacanta dadkii lahaa lagu soo celiyey waqtigii ay maxaakiimtu ay gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo ayna dadkii shacabka ahaa oo gumaysiga ku jiray ay xaq u heleen inay dib loogu soo celiyo guryahoodii iyo wixii muuqday hantiyihii kale ee laga dhacay.

 

Maadaama boobkii iyo Barakicii xooga ahaa ay ka qabowdaseen beelaha ku nool magaalada Kismaayo, hadana waxay 3 dan nin si toosa u soo celiyeen inay si hoose u ugaarsadaan dadka jagooyinka ka haya dowlada iyo kuwa u shaqeeya hay'adaha, waxayna dilkii ugu horeeyey ku fuliyeen 1-dii Juun ee la soo dhaafay laguna qaarijiyey Col. Marxuum Makhtal Faarax Gaagaab oo ahaa taliyihii Nabadsugidda Degmada Kismaayo, isagoo xilligaas ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Calanley ee Degmada Kismaayo ayaa waxaa la daba dhigay 3 nin oo ka tirsan Jilibka (Reer ******) ********* oo madaxa loo soo duubay kaddibna nimankaasi ay fuliyeen dilka marxuumka.

 

Warbixin kale oo la hubo ayaa waxay kaloo sheegaysaa inay nimankani ay ka danbeeyeen dilkii Dr. Ciise Cabdi Ciise oo 15-kii bishii Maarso isla sanadkan dilkiisa laga fuliyey magaalada Muqdisho kaddib markii ay ka qayb-qaadeen dilka aqoonyahankaas niman isugu jira Jilibka (Reer *****) ********* iyo maleeshiyo kale oo ka tirsan Jilibka **** oo ay 3-dan ay wada shaqaysan jireen. Aqoonyahankan ayaa ka soo jeeday deegaanka Jamaame , wuxuuna u dhashay Beesha ********* ee wax ka degta deegaanka Waamo.

 

Waxaa kaloo aqoonyahanka warbxintan soo gaarsiiyey Puntlandpost ay sheegeen in nimankani ay si toosa uga danbeeyeen dagaal 30-kii April lagu qaaday deegaanka Kudhaa oo ay hanti ay ku haysteen qaar kamida beelaha *****ga si loo soo dhaco , ayaa waxaa halkaas ka dhashay dagaal qaraar oo lagu soo jeebiyey kooxihii ay halkaas ay u direen , loogana dilay ilaa 12 maleeshiyo oo beeshooda ka tirsan. Sababta jaziiradaas dagaalka loogu qaaday ayuu wuxuu la xiriiray kaddib markii nimankani ay ******** in deegaankaas ay ku sugan yihiin dad degaanka u dhashay oo aad u hubaysan , ayna dantoodu ay ahayd oo kaliya inay hanti meeshaa taalay soo bililiqaystaan hubka ay haystaana dadka kasoo qaataan.

 

Waxay 3-dan nin iyo ********ta taageerta iska dhaadhiciyeen dadkana ay rabaan inay ka dhaadhiciyaan inay deegaanka wax ka leeyihiin, Laakiinse dadka deegaanka Waamo waxay ku noqotay wax la yaab leh oo dadku waxay leeyihiin Abooweyaalow may sheegtaan Dekeda iyo garoonka Diyaaradaha Kismaayo taasaaba uga weyne........, maadaama Walaalaha galgaduud ay 8-dii sano u danbaysay ay gacanta ku haayeen magaalada Kismaayo. Dhanka kale hadii la fiiriyo oo beentooda la dhegaysto haday deegaanka wax ka degaan, markii ay maxkamadaha Kismaayo soo galeen maxay Beerxaani u dhaafeen oo Gedo u tageen?, waa iyaga istaagi waayey ilaa Baardheere, taasi waxay calaamad u tahay inaysan deegaan wax ku lahayn.

 

Waxaan kaloo aan wax ka xusaynaa dagaalka ka socda Beerxaani. Horta aan barano Beerxaani , Beerxaani waxay ku taalaa Koonfurta Kismaayo waxayna ku taal dhulka loo yaqaan Wayaanta , waxaana deegaankaas taariikhda waamo marla laga hadlaayo looyaqaan inay leedahay beesha ********, taasi mid hadal ka taagan yahay maahan, waxaase dagaalka Keenay kaddib markii dooxda Jubba ama Walaalaha Gal-gaduud sida qof walbaa u yaqaan, ay ku heshiiyeen in galgaduud dadka laga keeno la dejiyo deegaankaas , taasna waa tan maanta keentay in *******ku ay mindidooda galka kala baxaan si ay uga xoreeyaan ********ta galgaduud. Hadaba su'aasha isweydiinta leh waxay tahay dhul soo jireen ah ma lagu qabsan karaa 8 sano mudo ka yar oo gacanta lagu haayey magaalada Kismaayo, mase la sheegan karaa mudo ku siman 8 sano oo xoog , Barakicin iyo xasuuqba loo geystay dadka deegaanadaas degenaa.

 

Warbixinta la soo gaarsiiyey Puntlandpost ayaa ah mid aan intan ku koobnayn , ee waxaan gadaal ka soo sheegi doonaa dilalka qorsheysan ee ay nimankani ku fuliyeen dad u dhashay deegaanka Jubada Hoose tan iyo intii ay gacanta ku hayeen waqtigii Dooxada Juba , iyo ka gadaal intii dhidibada loo taagay DFKS.

 

Maxamed Jaamac

Puntlandpost, Kismaayo, Soomaaliya

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well, we are all aware of the source of the problem and who is behind all these killings, politacal assinations, disturbing the peace and not least arming the locals against one another. So as usual you do the talk....and they do the business. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

“ In ka badan dhowr kun nin oo hubaysan ayaa Magaalada joogto mana xakamayn karno oo waa naga hub badan yihiin marka ammaan ma jiro” ayu yiri Cabdul xiireey.

Barre Hiiraale horta so looma darsan? Wa hagaag, ninkii meesha isku haye haloogu yeero, xal kale anigu ma arkee. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Emperor:

^This is getting out of hand, the TFG have failed the people of Kismayo once and again, the situation is getting far too worse for the ordinary citizens by the day, unless immediate action taken the TFG will be seen as the main entity that empowers this ruthless militia to target, rop and kill certain clans... It's a sign of approval and no doudt this will lead to a disasterious end.

Really? And you are from where? Qaw? Afka Boosaaso on the northernmost juncture of Somalia bordering the Red Sea and you would know what the people of Kismaayo are feeling. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Horn, why edit yourself macalinka? You had to take them comments back uhuhu? Good call.

 

Runta hadaad haleeshay. Hiiraale dhibkiisa waa loo darsaday. Dhaca, kusiga iyo mobile/business isbaarada noqday waxaa dhaamay maamulkii xaaraanta ahaa ee Indhacade & Hiiraale :D . Ayaguna xaaraantaas iyo dulmiga ayey xalaaleysteen buu Alle baday maanta. Kuwana waa kuwii hortooda ka hela.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Jimcaale:

ee Indhacade & Hiiraale

Nin daad qaaday xumbo cuskey yaan ana ku iri. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ smile.gif

 

War raggu oohin & cataab badanaa. Xattaa dowladdii catawgooda waa maqli la'dahay xay tahay waxan :D:D . Maanta buhaa buhaa & hadalo kutiri ha isaga ciil baxaan.

 

Kulahaa nin lagu dilay Xamar xatta waxaa ka dambeeya 3daax nin, waa la yaabay.

 

Ninkan iska leh puntlandpost ee la yiraa Faarax Ciise reer Denmark ahaan jiray [i know him], waa nin haddii aad aragtid koofi iyo gar dheer oo yuuban wadaad iska yeelyeela balse been ka tahay wadaadnimada iyo islaamnimada sida aanuba halka kuso aragnay noocaas oo kale.

 

War ninku siduu aakhiro yeeli doonaa? su'aalaha horyaala iyo dad kale oo islaama [just because they hail from Gedo] uu ugu saariyey inaay dileen Makhtal (Alaha u naxariiste). Waa niman aan aakhiro ka baqaynin, haddana halkan kuu soo wada gardheer kuwo badan oo gardheer oo amxaarada joogitaankeeda usacab tumayana waanu aragnay waa dunni wareersan dunidan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Horta Ciidamadii xooga badnaa ee khatarta haa oo ku wajahnaa Kismaayo wali masoosocdaan?

 

I have noticed Puntlandpost AKA BeenPost spreading lies and huuhaa. These guys are shameless walaahi!

Share this post


Link to post
Share on other sites

**********You are banned from SOL for attacking and insulting other noamds.***********

 

[ June 14, 2007, 04:28 PM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Originally posted by N/AA:

Really? And you are from where? Qaw? Afka Boosaaso on the northernmost juncture of Somalia bordering the Red Sea

lol, actually my destination have changed since, I never thought you would know where Qaw was, well done, have a guess where is Beel wacato... :D , Anyway would it make any differece had I been from Balanbale or Newyork? regarding the situation in Kismayo.

 

Would you believe me If I said Im reer Kismayo? thou that's not important...

 

The locals bear witness to the fact that Maxakimta did far better job and helped the local civilians than the TFG:

Sida xaqiiqda ah guryahan ay nimanka kor ku xusan ay horay u boobeen ayaa waxaa gacanta dadkii lahaa lagu soo celiyey waqtigii ay maxaakiimtu ay gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo ayna dadkii shacabka ahaa oo gumaysiga ku jiray ay xaq u heleen inay dib loogu soo celiyo guryahoodii iyo wixii muuqday hantiyihii kale ee laga dhacay.

It's a well known fact that during Maxkamadaha's time the city have seen a great stability and this militia with their lord Hiiraale rooted out, despite the conterversial Indhacade allying with them, the people of the city felt peace and ease with how the UIC run and controlled the city, many regained their occupied properties while the Businessmen run their daily work smoothly and had no one to fear, no tips to pay and no subjugation.... 4 bilood ee Maxakimta ayaa noqotay mid ay aad dadka ugu darsadeen...

 

The TFG must come clean about this, otherwise associate with them and disappear for good, tuugadaas dadka saas ula dhaqmaysa ayaa hadhow lagu leeyahay waa Ciidanka Dowlada...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Emperor sxb kismaayo dhib badan kamataagana. xaaladu waa iska okey. ninmankaan meesha waa loo dhiibtay. waxeey rabaan ha kasameeyaan.

 

Ilmah reergado faraha kaqaad maxaa u daba gashay. Dooladoodii ayaad kariday hadanah waxaa tabtaa in aad kismaayo kasaartid seecamalkaa sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this