Sign in to follow this  
General Duke

Al Shabaab another fake dawn for the confused: [Galgaduud]

Recommended Posts

Xiisado Colaadeed oo ka taagan Qeybo ka tirsan G/Hiiraan iyo Casi la dareemayo

 

 

Kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Dowlada Itoobiya oo xambaarsan Magacyo kala duwan ayaa si xowli ah ugu qul qulaya deegaanka ceel gaal oo qiyaasti 15Km kaga began magaalada baladweyne .

 

Ciidamadan ayaa ah kuwo ka kala yimid degmooyinka gobolka hiiraan waana kuwo kuhubeysan gawaarida dagaalka waxaana masaafokayar 10 Km ay isugu jiraan ciidamada itoobiyaanka oo saakaysoogaaray deegaanka kalaber oo u dhow xadka gobolka hiiraan uu la wadaago ismaamulka soomaalida itoobiya kuwaa oo waata gawaarida dagaalka ee uralka looyaqaano .

 

Dadka ku dhaqan deegaanada Ceel waaq iyo Kalabeer ayaa ah kuwo ay cabsi la soo wajahday iyagoo ka cabsi qaba in xoogagani ay isku farasaaraan deegaanadaasi hadii ay isfarasaaraana ay qasaare ba’an ka soo gaareyso cabsida kuma eka oo keliya deegaanadaasi balse shabacka reer Baladweyne aya iyaguna ka cabsiqaba waxkasta oo amniga iyo degenaanshaha wax u dimaya oo halkaasi ka dhaca.

 

Isku soo wada duub oo waxan la saadaalinkarin haatan xaalada sida ay isku bedelidoonto balse hadii labada dhinac ee iyagu haatan ishorfadhiya uu dhexdooda ka dhasho dagaal waxaa imankara cawaaqib xumo iyo in gobolka hiiraan oo in dhowaaleba degenaa in uu dibugu noqdo dagaaladii joogtada ahaa ee uu ka soo guydbay.

 

Saalax Cumar Dhicis

SBCInternational- Baladweyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

Balanbale: Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee soo galay Balanbale oo kulan la yeeshay waxgaradka degmadaasi

9. December 2008

 

Balanbale(AllPuntland)-Saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya ee shalay gudaha u soo galay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa kulan ay la yeesheen waxgaradka degmadaasi kala hadlay xaaladdaha nabadgelyo iyo ujeedada socdaalkooda.

 

Shalay ayey aheyd markii kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah ay ka soo tallaabeen xadka ay Soomaaliya la wadaagto Itoobiya, kuwaasi oo la sheegay in ay ku wajahan yihiin degmada Guriceel, halkaasoo maalmihii u danbeeyay ay ka jireen dagaalo u dhaxeeyay Ururka Al-Shabaab iyo Culumaa'uddiin la sheegay iney ka tirsan yihiin Ahlu Suna Waljamaceeca.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa u sheegay odayaasha degmada Balanbale in u soo galeen degmadooda xeelad military oo aan waqtigan loo baahneyn in la sheego, iyagoo ku wargeliyay ineysan wadin wax dhibaato ah, kana codsadeen waxgaradka in ay dadka muujiyaan deganaansho.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dhowr meelood oo duleedka magaalada ay fariisin ka sameysteen, waxayna halkaasi ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo Milateri oo aan la ogeyn xaqiiqda dhabta ah.

 

Wararka laga helayo Balanbale ayaa sheegaya in ciidamadan ay damacsan yihiin in ay u soo dhaqaaqaan dhinaca degmada Guriceel oo ay la wareegeen Ururka Al-Shabaab kadib dagaalo halkaasi looga saaray ciidamo deegaanka ah oo la sheegay iney ka tirsan yihiin Ahlu Suna Waljameeca, balse ay beeniyeen Shabaabka iney kula dagaalameen Guriceel Ahlu Suna.

 

Dhinaca kale waxaa jira ciidamo Itoobiyaan oo soo dhoobtay halka loo yaqaan Kala Beyrka ee duleedka magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ujeedadoodu lagu sheegay iney jidgooyo u dhiganayaan Maliishiyada Ururka Al-Shabaab ee ku sugan Galgaduud.

 

AllPuntland, Balanbale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Ethopia Oo u Ruqaansaday Dhanka Degmada Guri-Ceel

 

Ciidamadii Ethiopia ee shalay soo gaaray degmada Balanbale ee Gobolka Galguduud ayaa maanta u dhaqaaqay dhanka degmada Guriceel, halkaasoo laga soo sheegayo inay xiisado kacsanaan ah ka jirto.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadan ay wataan gaadiid dagaal, xoogaga Al-shabaab ay iyaguna dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan gudaha degmada Guriceel iyo daafaheeda.

 

Diyaargarow dagaal ayaa ka muuqda degmada Guriceel, dadka deegaanku horay ayay uga baxeen magaalada iyagoo baqdin ka qabay inay dagaalo ka dhacaan degmada" ayuu yiri ruux ka mid ah dadka degmada Gurcieel.

 

Xoogaga Al-shabaab ayaan ka hadlin ciidamada gudaha u soo galay Gobolka Galguduud, waxayse wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan ciidamadan.

 

Dhawaan ayay xoogaga Al-shabaab dagaal ku qabsadeen degmada Guriceel iyagoo sheegay in kooxda ay la dagaalameen ay ahaayeen kuwo isugu jira Isbaariistayaal iyo qaad walayaal.

 

Sidoo kale xaalado kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa gudaha degmada Baladweyne, kuwaasoo ay wadaan xoogaga gacanta ku haya, iyadoo dadkuna ay cabsi ka qabaan in lagu kordiriro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Adeer are u still here talking rubish. Well President Yusuf is the only one who has confronted the Ethiopians, they could do jack to the old man and now are chasing Nur Cade/Ahmed AbdiSalan support base.

 

Anyhow any word on the recognition and the DNA test.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

^^^lool. Adeer are u still here talking rubish. Well President Yusuf is the only one who has confronted the Ethiopians, they could do jack to the old man and now are chasing Nur Cade/Ahmed AbdiSalan support base.

I hear Yeey has converted..do you have any news on that...?

 

yeeypadrihq1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

^^^Adeer one can insult and make lies about the man, it only helps him.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

yeeypadrihq1.jpg

Saaxiibadeena badhbaa xidhan saliibkiiye

Soonka iyo salaaddoodu waa sir aan la gaadhayne

Inkastoo sujuuddii wajiga sanka ka idlaatay

Soomaali uun bay yihiin ha u salaamina e

Aakhira sadkeed waa ninkii sabi u geeyaaye

Saddexbay ku furan tahay hadduu sawjad leeyahaye

Saliib ~ A Sahal (Geeddi Nooleedkii Yusuf X Adam)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this